Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kooxda Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay 4 Ruux
    Somalia

    Kooxda Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay 4 Ruux

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku toogteen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin, sida maxkamada Al Shabaab ee Degmada Saakow ay sheegtay.

    Qaadiga maxkamada Shabaab ee Degmada Saakow, ayaa meel fagaare ah oo boqolaal ruux ay ku sugnaayeen kaga dhawaaqay in Afartaan ruux ay yihiin jawaasiis la shaqeysa, sirdoonada Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

    Dadka ay dileen Shabaab ayaa kala ahaa:

    1 Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka

    2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa oo lagu eedeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya

    3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya.

    4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) waa ninkii ugu da’da weynaa oo ahaa 57 sano jir ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Kenya.

    Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo Dowladaha reer Galbeedka.

    Dilalka ugu badan ee toogashada Shabaabka ay fuliyaan ayaa wuxuu ka dhacaa Gobolka Jubbada Dhexe oo Saldhiga ugu weyn Shabaab ku leeyihiin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.