Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Muxuu ahaa nuxurka Khudbadii Axmed Madoobe ee Aqalka Sare ?
    Somalia

    VIDEO: Muxuu ahaa nuxurka Khudbadii Axmed Madoobe ee Aqalka Sare ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

    Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxtinimada ee Jubaland ay soo martay Xaalado kala duwan isla markana dagaal dhinacyo badan kadib hada ay Xaaladu soo hagaagayso.

    https://youtu.be/2FX4_PoH598

    Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in khilaafkii ka dhashay Doorashada xal laga gaaray isla markana ay hada si wanaagsan wax ku socdaan waxaa uu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in Wali isagoo tixgalinaya wax wada lahaanshaha iyo xasiloonida Siyaasada uu dib u dhigay dhismaha golaha Xukuumada.

    Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in xal waara laga gaaro inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho iyadoo gacanta Jubaland lagu soo celinayo Gobolka taas oo uu xusay in ay fure u tahay in xal kama danbays ah laga gaaro khilaafka mudada dheer u dhexeeyay Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah.

    Arimaha Doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in shirarkii Dhuusomareeb ay dadaal badan ku bixiyeen sidii go’aano loo dhan yahay loo gaari lahaa balse balamahii shirkii Dhuusomareeb labo oo aan hirgalin iyo xaalado kala duwan oo is biirsaday ayna u tagin wajigii sadexaad ee shirkaas.Madaxweynahu wuxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii xal kama danbays ah loo gaari lahaa isagoo si gaar ah uga mahad celiyay sida Aqalka Sare uu ugu istaagay in Siyaasada laga heshiiyo.

    Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada maqan ayuu ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii labada Aqal ee Baarlamaanka wada shaqayntooda looso celin lahaa.

    Arimaha maqaamka Caasimada iyo matalaadeeda ayuu tilmaamay Madaxweynahu in ay u baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago iyadoo ay tahay shaqo laga gaabiyay sidoo kalana aan waxba laga qaban dib u eegista Dastuurka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.