Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guuleed “Lama dhayalsan karro fashilka ku yimid Hanaanka Waxbarasho ee dalka” (Akhriso)
    Somalia

    Guuleed “Lama dhayalsan karro fashilka ku yimid Hanaanka Waxbarasho ee dalka” (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 7, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u soo noqday Guddoomiyaha Dallada Waxbarashada FPENS ayaa walaac ka muujiyay natiijada imtixaanka Fasalla 4aad ee Dugsiga Sare ee ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    C/kariim Guuleed ayaa sheegay in dad badan ay liqi waayeen natiijadaas, isagana uu la qabo, waxaana uu ugu baaqay Madaxda dowladda in aanay fududeysan walaaca Waalidiinta iyo Mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed

    Halkan hoose ka akhriso:-

    Waxaa isoo gaaraya walaaca iyo tabashada dad badan ay ka qabaan natiijadii imtixaankii fasalka 12aad ee maanta faafisay wasaaradda waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah. waxaanna shaki ku jirin in shaqo walba oo la qabto ay leedahay dhaliil iyo boggaadin intaba.

    Haddaba sida ay dad badan u liqi waayeen natiijada imtixaanka ee la shaaciyey ayaan la qabaa, anigoo waliba ku dhowaad 25 sano ka shaqeynayay arrimaha waxbarashadda.

    Sida ay dhammaan gobollada Soomaalidu isugu key mid u yihiin oo aan u jeclahay iney xaqooda helaan ayaan sidoo kale u jeclahay in ardey walbana uu xaqiisa helo. Mugdi badan ayaa iiga muuqda natiijadan waxaana sababaha ka mid ah.

    1- Sida ka muuqata jaantuska natiijada imtaaxanka waxaa guud ahaan u fariistay 32,727 arday, waxaana haray/dhacay 8,550 arday, taas oo ka dhigan 25.35% celcelis ahaan. Tani waa arrin argagax leh muujineysana fashal muuqda oo ku yimid nidaamka waxbarashada ee dalka marka indho aqooneed lagu eegno .

    2- Dhanka kale jaantusku waxuu ina tusayaa in ardada gobalka Banaadir ka dhacday ay yihiin 7,873 arday taas oo ka dhigan in 90% ardeyda dhacday ay ahaayeen ardeyda hal gobol imataxaanka u gashay. Waana arrin kale oo iga maajisay dad badanna shaki ku abuurtay.

    Intaas iyo in ka badan oo la wada fahmi karo in aaney maangal aheyn ayaa natiijada maanta ka muuqatay, waxaana rajeynaya iney ila qabaan indheergarad badan oo muddo dheer waxbarashada kasoo shaqeeyay.

    Ugu danbeyn waxaan ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka ah in aan la fududeysan mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo walaaca waalidiinta heysta, si gaar ah waxaan usoo jeedinaya in guddi heer Qaran loo saaro arrintan oo xaqiijin ku sameeya hufnaanta habkii loo qaaday imtixaankan iyo habkii loo saxay intaba.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.