Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ugandha oo Ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya
    Somalia

    Ugandha oo Ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 12, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Uganda ayaa shaacisay in dalka Soomaaliya ay Ciidamo hor leh u soo dirtay, kadib markii bilooyin kahor ay joojisay Ciidankii ay u soo diri jirtay Somalia, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

    Taliyaha Ciidanka Milateriga Uganda Generaal David Rubakuba Muhoozi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay dib u bilaabeenn tallaabooyinkii ay Ciidamada ugu diri jireen Soomaaliya.

    Taliye David Muhoozi ayaa khamiistii lasoo dhaafay Uganda kasoo sagootiyay 1,800 oo Askari oo ka tirsan guutada 30-aad ee Ciidanka difaaca Uganda, kuwaasi oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

    Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Ciidanka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka cusub ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, ayna ku kalsoon yihiin in guulo ka soo hoyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

    Ugu dambeyn General David Rubakuba Muhoozi ayaa waxaa uu tilmaamay in Taliskooda iyo howlgalka Amidowga afrika ee AMISOM ay qaadeen tallaabooyin looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus, xili uu sameeyn kal horey ku yeeshay Ciidanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.