Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaan kala soconaa xaalada Caafimaad Ee Trump
    Somalia

    Maxaan kala soconaa xaalada Caafimaad Ee Trump

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 11, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la shageeyaa in haatan laga bilaabo uusan fayraska corona dadka kale u gudbineyn, waa sida uu sheegay dhakhtarka gaarka ee Aqalka Cad.

    Warbixintan Dr Sean Colney ee ku aaddan caafimaadka Trump ayaa ah warbixintii ugu horreysay tan iyo khamiistii.

    Galinkii hore ee Sabtida ayuu madaxweynaha khudbad ka hor jeediyay taageeraayaalkiisa isagoo ku sugan Aqalka Cad.

    Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo ahaa iney weli jirto khatarta ah in Trump uu fayraska corona u gudbinkaro dadka ka dib 3 maalmood uu isbitaalka ku jiray.

    Warbixinta dhakhtarka ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu dambeeyay ee muujinayeen in madaxweynaha uu ka sii yaranaayo fayraska.

    Hase yeeshee warbixinta laguma sheegeen in gabi ahaanba xanuunka Covid-19 laga waayay madaxweyne Trump.

    10 maalmood ka hor ayay ahayd markii ugu horreeysay ee Trump ka soo muuqdeen calaamadaha fayraska corona, waxaana maalin ka dib oo ahayd 2-dii bishan Octoobar la geeyay isbitaalka millatariga ee Walter Reed, halkaas oo muddo 3 maalmood ah lagu dabiibayay.

    Ninka ay doorashada Nofeembar ay ku loollami doonaan waa Biden-e oo ka ololeeynayy Pennsylvania ayaa sheegay inuu u tacsiyeeynayo dhammaan qoysaskii fayraska ku waayay fayraska corona dartii.

    Isaga oo sida oo kalena ballanqaaday inuu dib u dhisi doono dhaqaalaha isla markaana soo celin doono doorkii shaqaalaha Mareykanka. Khudbad uu u jeediyay xubnaha ururka shaqaalaha ayuu ka balan qaaday inuu abuuri doono malaayiin shaqooyin oo mushahar fiican bixiya.

    Saadaasha doorashada ayaa muujineysa in Joe Biden uu ka horReeyo madaxweyne Trump waxaana xog uruurin ay sameeysay warbaahinta ABC lagu sheegay in boqolkiiba 35 dadka reer Mareykan ay dhaliilsan yihiin habkii Trump uu ula tacaalay fayraska corona.

    In ka badan 214,000 oo reer Mareykan ah ayaa u geeriyootay fayraska corona.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.