Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bariga Afrika oo wajahaya duulaan Ayax oo ah kii ugu darnaa muddo 25 sano ah (Warbixin)
    Somalia

    Bariga Afrika oo wajahaya duulaan Ayax oo ah kii ugu darnaa muddo 25 sano ah (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wadamadda Bariga Afrika ayaa qarka u saaran duulaan kale oo Ayax ah, oo ah kii ugu xumaa ee 25 sano soo mara qaaradda, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee  (FAO).

    Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay Hay’addu waxa ay sheegtay in raxan badan oo koron koro ah ay ku suganyihiin dhulka beeralayda ah ee Itoobiya halka jiil cusub oo jiil cusub oo Ayaxa ay ku suganyihiin bartamaha Soomaaliya.

    Hay’addu waxa ay ka digtay dhibaatooyinka ayaxa ee ka sii daraya Bariga Afrika in muddo ah, iyada oo beeraleyda Itoobiya ay la dagaallamayaan dhowr raxan oo Ayax ah tan iyo dabayaaqadii 2019, waxa loogu yeeray “ugaarsigii ugu darnaa ugu ballaarnaa muddo 25 sano ah oo lagu arko geeska Afrika.”

    Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa werisay in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sheegay in dhul dhan 420,000 oo hektar kuna baahsan 240 degmo uu ayax baab’iyay.

    Markii ugu dambeysay ee ay cusbooneysiiso, FAO waxa ay sheegtay in taranka uu “ka socdo dhul xeebeedka Badda Cas,” taasoo muujineysa kororka tirada ayaxa ee goboladda dhaca geeska Afrika.

    Si kastaba ha noqotee, kooxdu waxa ay intaas ku dartay in xaaladda hadda jirta ay ka yar tahay sidii ay ahayd sannad ka hor waddammaduna ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen.

    Bishii Oktoobar 19, Shiinuhu waxa uu ugu deeqay 72 tan oo sunta cayayaanka ah, 2,000 oo buufis gacanta lagu haysto ah,  iyo 20,000 oo isku jira qalabyada kale ee lagula dagaalamo ayaxa Itoobiya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.