Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dad loo heysto weerarkii xabsiga Xamar oo xukun lagu riday (VIDEO)
    Somalia

    Dad loo heysto weerarkii xabsiga Xamar oo xukun lagu riday (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 25, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta Go’aan ka soo saartay kow iyo Toban Qof oo loo haysto weerar ka dhacay Xabsiga dhexe August Sanadkan.

    1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

    2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen.

    5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

    6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

    7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah, halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday, Sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

    Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

    Sagaal kamid eedeysanayaasha ayaa ahaa Ciidamada Asluubta ee shaqa lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen halka Maxamuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qariyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday ay toogteen Ciidamada Amniga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.