Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Joe Biden oo la kulmay dadka uu saameeyay Coronavirus
    Puntland

    Joe Biden oo la kulmay dadka uu saameeyay Coronavirus

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 3, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha la doortay ee Mareyaknka Joe Biden ayaa kulan khadka Zoom-ka ah kula qaatay Arbacadii Shalay ganasatada yaryar ee Mareyaknka iyo dadka shaqaalaha ah kuwaas oo uu saameeyay hoos u dhaca dhaqaale ee ka dhashay aafada Coronavirus.

    Biden oo isku howlaya wax ka qabashada Covid19 ayaa kulankan ku qabtay magaalada Wilmington ee gobolka Delaware oo xarun u ah howlihiisa xilliga kala guurka waxuuna kusoo aadaya iyadoo todobo usbuuc ay ka harsan tahay caleema saarkiisa oo ku began 20-ka January ee sanadka soo socda.

    Madaxawyenaha la doortay ayaa sidoo kale hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka si maalinle ah uga hela helaya xogaha xasaasiga ah ee qalalaasaha caalamka iyo wax kastoo halis ku amniga qaranka ee Mareykanka.

    Tobanaan kun oo kiisas-ka Cororanvirus ah ayaa maalinkii gudaha Mareykanka laga warinayaa iyadoo dhimashada ay gaartay 270,000 oo ruux taas oo ka badan dal kasta oo caalamka ah sida ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins ee daraaseysa cudurka.

    Biden ayaa Talaadadii markii uu soo bandhigayay la taliyeyaashiisa dhaqaalaha sheegay inuu hore u dhaqaajinayo dib usoo celinta gargaarka federalka isagoo ugu baaqay golaha sharci dajinta ee Mareykanka inay meel mariyaan wax kastoo caawimaad ah xitaa inta uusan xafiiska la wareegin.

    Hadalka Biden ayaa kusoo imaanaya iyadoo Malaayiin muwaadiniin Mareykankan ah ay lasoo daristay shaqo la’aan halka kumanaan ganacsiyada yar yar ahna ay xirmeen tan iyo intii uu mareykanka ka billowday Coronavirus.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.