Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan yeeshay
    Somalia

    Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan yeeshay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 18, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir looga hadlaayay kobcinta cashuurta iyo dakhliga Puntland.

    Shirkan oo lagu qabtay habka muuqaal baahiyaha ee ZOOM-ka ayaa waxa soo Qabanqaabiyey Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyadoo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda,
    Agaasimayaasha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulayaasha
    Dakhliga ee Dhammaan goboladda Puntland .

    Ujeedada shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa nidaamka cashuur uruurinta iyo hirgalinta qorshaha cashuuraha ee Dakhliga sanadka 2021.

    Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa ka warbixiyay xaaladda dakhliga
    ee Puntland iyo qorshaha dakhliga si kor loogu qaado dakhliga Guud ee Dowladda.

    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibrahim Warsame ayaa Xusay tallooyin mira dhal ah oo kor loogu qaadayo dakhliga isagoo sheegay tiro qoddobo ah oo wax wayn ka badalaya dakhliga.

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shirka ka xusay in sanadka 2021 loo aqoon saday in dakhliga laga shaqeeyo iyadoo awoodda Wasaaradda xooga saari doonto sidii loo hubin lahaa in la helo Miisaaniyadda
    dakhliga laga sugayo.

    Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa faray madaxda dakhliga in sanadkaan uu noqdo sanad ay Wasaaraddu soo xarayso dhakhligii ugu badnaa abid soo xarooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.