Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo ka hadlay Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee ay u tababaraan Soomaaliya
    Somalia

    Turkiga oo ka hadlay Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee ay u tababaraan Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 19, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xukuumadda Turkiga ayaa iska fogeysay in ay mas’uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tababartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kadib cabasho ay dhawaan u gudbiyeen siyaasiyiinta mucaaradka.

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Gorgor oo uu soo carbiyay Turkiga ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mucaaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorashada kala dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

    Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas in ay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan, kuwaas oo khalkhal geliyay ammaanka caasimadda.

    Mucaaradka ayaa u sheegay Turkiga in gaadiidka gaashaaman ee uu ku taageeray ciidamada Soomaaliya “loo adeegsaday caburinta shacabka halkii looga faa’iideysan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.”

    Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa qoraal ay u dirtay BBC Turkish ku sheegtay inay jiraan dad magac xumeyn ku sameynaya dedaallada ay xukuumadda Ankara ku taageerayso Soomaaliya.

    “Waxaan ka war haynaa dad wada olole lagu wiiqayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxaana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal kale ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee gudaha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysanaya,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada uu Turkiga tababaro ay hoos tagaan Ciidanka Xoogga Qaranka ee Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu dowr hormuud ah ka qaatay dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo “ciidamo nidaamsan, anshax leh, isla markaana mideysan oo ay leedahay Soomaaliya”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    August 27, 2025

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.