Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiir Maxamed “Hadda waxaan gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho”
    Puntland

    Wasiir Maxamed “Hadda waxaan gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 26, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka kadib kulan maalmo qaatay oo weli ka socda magaalada Muqdisho, sida uu ku sheegay khudbad uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

    Wasiirka ayaa sheegay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

    “Hadda waxaan gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, xor iyo xalaal ah. Saddexda qodob ee muhiimka ah ee dhameystirka heshiiska dhammaantood waa laga wada hadlay oo mabda ‘ahaan la isku raacay.” ayuu yidhi  Maxamed Cabdirisaaq.

    https://www.youtube.com/watch?v=Ka4BElF4_3w

    Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo la hadlay Golaha ammaanka wax yar kahor hadalka wasiir Cabdirisaaq, wuxuu sheegay in ay jiraan walwal laga qabay isku dhacyada 25-ka Abriil oo uu tilmaamay  in ay sababi kareen in dalku ku dhaco fowdo.

    Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kaas oo maanta hakad ku jira.

    Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.