Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Xeer muhiim ah (VIDEO)
    Puntland

    Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Xeer muhiim ah (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 49 Mudane.

    Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland oo Goluhu ku sameynayey akhriska seddexaad ka dib markii Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ahi ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda la xiriirta hindise xeereedkan.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qodob-qodob uga doodey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

    Ugu dambeyn, Golaha Wakiillada Puntland wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Xeerka Xarunta Maareynta Xogaha Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, waxaana oggolaaday 48 Xildhibaan, diidmo ma jirin, waxaana ka aamusay hal mudane.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.