Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo ku eedeysay Farmaajo maalgalin sawir lagu difaacayo kooxda Al-Shabaab!!
    Puntland

    Puntland oo ku eedeysay Farmaajo maalgalin sawir lagu difaacayo kooxda Al-Shabaab!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 30, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyadda Puntland ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, inuu dhaqaale ku bixiyay Sawir uu maanta soo bandhigay farshaxameystaha Amiir Caamir, oo la isaga horkeenayay Puntland iyo dadka deegaanada Koonfur Galbeed.

    Sawirka oo ahaa mid lagu difaacayay Al-Shabaabkii ay dhowaan toogatay Puntland, ayaa lagu muujiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo xabad ku furaya Rag ku xir-xiran tiir, kuwaas oo ku hadlaya lahjada Mayga, dhahayana “ARIIROW SHABAAB MI IHI OO GARDARANTA”, taas oo la micno ah in Ragii dhowaan ay toogatay Puntland ay ahaayeen Dad Reer Koonfur Galbeed ah oo aan aheyn Al-Shabaab.

    Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jama Deperani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Dalkan in khatar laga badbaadiyay wuxuu qof walba ogaanaya markuu arko Madaxweynihii wakhtigiisu dhammaaday oo Lacag ku bixinaya Alshabaab danbi qirtay oo xukun lagu fuliyey, in lagu difaaco dacaayad ku suntan Sawir-gacmeed! iyadoo laga beensheegayo xogta argagixisada la toogtay.”

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.