Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse oo la dilay (VIDEO)
    Puntland

    Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse oo la dilay (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 7, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii waddanka Haiti Jovenel Moïse ayaa waxaa lagu dhex dilay gurigiisa, waxaa sidaas goordhow war-saxaafadeed ku sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah dalkaas Claude Joseph.

    Ra’iisul Wasaare Jospeh ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay soo weerareen guri gaar ah oo uu deganaa madaxweynaha, kadibna ay dileen.

    “Madaxweynaha waxaa gurigiisa ku dilay ajaaniib ku hadleysay English iyo Spanish, wuxuuna dalka dhacay 1:00 AM,” waxaa sidaas yiri Joseph.

    Xaaska madaxweynaha, Marwada Koowaad Martine Moïse, ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana la dhigay Isbital, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah, Claude Joseph.

    Joesph ayaa cambaareeyey wax uu ugu yeeray “ficil naceyb ah, ka baxsan bani’aadannimada, islamarkaana ah xaasidnimo,” wuxuuna intaas ku daray in booliska Haiti iyo mas’uuliyiinta kale ay gacanta ku hayaan xaaladda.

    Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalka.

    Dilka ayaa imanaya ayada oo dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sarena ay uga kaceen rabshadaha burcadnimada.

    AFP + AP/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.