Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse oo la dilay (VIDEO)
    Puntland

    Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse oo la dilay (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 7, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii waddanka Haiti Jovenel Moïse ayaa waxaa lagu dhex dilay gurigiisa, waxaa sidaas goordhow war-saxaafadeed ku sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah dalkaas Claude Joseph.

    Ra’iisul Wasaare Jospeh ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay soo weerareen guri gaar ah oo uu deganaa madaxweynaha, kadibna ay dileen.

    “Madaxweynaha waxaa gurigiisa ku dilay ajaaniib ku hadleysay English iyo Spanish, wuxuuna dalka dhacay 1:00 AM,” waxaa sidaas yiri Joseph.

    Xaaska madaxweynaha, Marwada Koowaad Martine Moïse, ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana la dhigay Isbital, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah, Claude Joseph.

    Joesph ayaa cambaareeyey wax uu ugu yeeray “ficil naceyb ah, ka baxsan bani’aadannimada, islamarkaana ah xaasidnimo,” wuxuuna intaas ku daray in booliska Haiti iyo mas’uuliyiinta kale ay gacanta ku hayaan xaaladda.

    Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalka.

    Dilka ayaa imanaya ayada oo dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sarena ay uga kaceen rabshadaha burcadnimada.

    AFP + AP/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.