Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sirdoonka Iran oo galay khalad aysan ka taxadarin
    Somalia

    Sirdoonka Iran oo galay khalad aysan ka taxadarin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa sii xoogeysanaya carada ka dhalatay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo dalalka reer Galbeedka ay ku eedeynayaan Iiraan, inkastoo ay Tehran iska fogeysay mas’uuliyaddiisa.

    Safiirro dhowr ah ayaa looga yeeray wasaaradaha Arrimaha Dibadda, halka ay isasoo tarayaan hanjabaadaha ku aaddan in jawaab laga bixin doono falkaas oo isbuucii las oo dhaafay ay diyaarad drone ah ku qarxisay markabka.

    Britain, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa si cad u sheegay in Iiraan ay ka dambeyso weerarkaas, inkastoo ay iska fogeeyeen madaxda dalkaas, waxayna wacad ku mareen in ay sameyn doonaan wax walba oo ay ku waxyeelleynayaan danaha Iiraan.

    Maxaa dhacay?

    Maalintii Khamiista, oo taariikhdu ay ku beegneyd 29-kii bishii July, Markabka oo lagu magacaabo MV Mercer Street, oo ah nooca saliidda qaada, wuxuu ku socday xeebta Cumaan isagoo kasoo shiraacday magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania kuna sii jeeday waddanka Imaaraadka Carabta.

    Wuxuu istaagay dekedda Fujairah ee ku taalla gacanka Cumaan, si uu saliid kale u raro.

    Markabkaas oo laga lahaa Liberia iyo Japan, wuxuu u shaqeynayay shirkad fadhigeedu yahay Israa’iil, oo lagu magacaabo Zodiac Maritime.

    Xilli fiidnimo ah ayaa markabkii lagu weeraray bambooyin ay tuurtay diyaarad kuwa uusan duuliyaha saarneyn ah. Waxay ku qarxeen meel buundo agteeda ah, waxayna burburiyeen dhismeyaal la dagganaa.

    Labo qof ayaa ku dhimatay – oo u kala dhashay Romania iyo Britain kuwaasoo labadaba ahaa ilaalo – kaddib markii dhacdada lagu sheegay qalabkii lagu xiriirayayna waxaa markabkii dhinaca xeebta u galiyay labo Markab oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Mareykanka.

    Sanadkan gudihiisa waxaa weerarro dhowr ah loo geystay maraakiibta xamuulka qaada ee Israa’iil, dhammaantoodna waxaa lagu eedeeyay Iiraan, inkastoo ay iska fogeysay.

    Israa’iil ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay ka dabeyso qarax aan la garaneynin cidda fulisay oo lala beegsaday markab ay leeyihiin militariga Iiraan. Weerarkaas ayaa Isniintii ka dhacay Badda Cas.

    Sida ay aaminsan yihiin Britain, Mareykanka iyo Israa’iil, weerarka markabkaas waxaa lagu fuliyay khalad ay sameeyeen sirdoonka dowladda Iiraan.

    Isqabqabsiga wuxuu ka dhexeeyay Iiraan iyo Israa’iil, sidaas awgeed in la dilo muwaadin u dhashay Britain – oo xubin joogto ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay – wuxuu dhaliyay xiisad weyn oo dhinaca diblomaasiyadda ah.

    Sirdoonka Iiraan ayaa la sheegaya in aysan ka fiirsanin howlgalkaas, sidoo kalena aysan iska hubinin cidda la socota markabka.

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay in Iiraan “ay la kulmi doonto cawaaqib xumada ka dhalata ficilladeeda” isagoo weerarkaas ka hadlayana wuxuu sheegay “in ay wax aan la aqbali karin tahay in la weeraro markab ganacsi”.

    Safiirka Iiraan ee Britain, Mohsen Baharvand, ayaa looga yeeray xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, si loogu sheego in wadankiisa uu joojiyo ficillada khalkhalka galinaya howlaha maraakiibta caalamka.

    Hase yeeshee Iiraan ayaa soo saartay bayaan ay caro ka muuqato oo ay ku beeninayso inay ku lug lahayd weerarkaas, waxayna dalbatay in loo keeno cadeymo muujinaya haddii ay ku lug lahayd falkaas.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa iyadana dhankeeda u yeertay safiirka Britain u fadhiya Tehran, waxayna u sheegtay in eedeymaha ay soo jeediyeen Britain, Israa’iil iyo Mareykanka ay yihiin kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.