Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Goormee xariga laga jarayaa dhismaha wajiga 1-aad ee dekedda Garacad ? (VIDEO)
    Puntland

    Goormee xariga laga jarayaa dhismaha wajiga 1-aad ee dekedda Garacad ? (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 19, 2021Updated:August 19, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa bilaabatay qaban-qaabada munaasabadda xarig ka jarka wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad ee Gobalka Mudug, taas o haatan la dhameystiray jambiga kowaad ee ay kusoo xiranayaan Maraakiibta imaanaysa dekedda, oo dhan Boqol Mitir.

    Kulan dhexmaray 12 bishan August, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Guddiga dhismaha ee Dekadda Garacad, ayaa lagu wargaliyay Madaxweyne Deni inuu dhowaan si rasmi ah diyaar noqonayo wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad, iyadoona intaas kaddib uu Deni u diray dekedda Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad, si ay u soo qiimeeyaan howlaha socda, loona bilaabo diyaarinta xarig ka jarka dekedda.

    Sidoo kale, Injineerada Shirkadda gacanta ku heysa dhismaha dekedda Garacad ee Wadaagsin, ayaa sheegay inuu dhowaan bilaabanayo dhismaha jambiga labaad ee dekedda, kaas oo dhan 170 Mitir, waxaana wadarta guud ee qeybaha dekedda diyaarka noqonaya sanadkan ay gaari doonaan 270 Mitir.

    https://www.youtube.com/watch?v=UiLxc8J8iV0

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.