Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo baaq u dirtay Daneeyayaaasha Isbedelka cimilada (VIDEO)
    Puntland

    Puntland oo baaq u dirtay Daneeyayaaasha Isbedelka cimilada (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 19, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee bini-aadantinimada aduunka iyadoo sanadkaan maalintan caalamiga ah aduunka loo asteeyey la dagaalanka isbedelka cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

    Xaflad lagu maamuusayey xuska maalintan iyo socod lagu xusayo maalinta oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen wasaaraddq Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimiladq Dawlada Puntland, hay’adda dawlada Puntland u qaabilsan maaraynta waxyeeladq musiibooyinka “HADMA” iyo bahwadaagtooda waxaa lasobandhigey Waxyalaha sababa isbadelka cimilada Oo ay ugu horeyso dhirjarista,saameynta isbadelka cimilada ku leedahay deeganka nolosha dadka,dhaqalaha iyo kabaha dhaqalaha iyo guud ahaanba nolosha bulshada iyo sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo isbedelka cimilada dhibaaooyinka ka dhasha.

    Kusimaha wasiirka wasaaraddq Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo ka hadlay furitaankii xuska maalintan ayaa ugu baaqay in dhamaan daneeyayaasha arimaha Deegaanka iyo Isbedelka cimiladu ay xooga saaraan sidii la isaga kaashan lahaa la qabsiga iyo maaraynta isbedelka cimilada, waxaana wasiirku uu sheegey in wasaaraddu ay sii laba jibaarayso dadaalkeeda kusaabsan howsha joojinta arimaha keena nabaadguurka, dhibaatooyinka Deegaanka iyo sidii loo raadin lahaa xalalka ugu haboon ee isbedelkq cimilada aduunka loola qabsan karo iyadoo sare loo qaadayo awooda bulshada.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.