Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cali Xarbi Cali oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka Xildhibaan David Amess
    Somalia

    Cali Xarbi Cali oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka Xildhibaan David Amess

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 21, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cali Xarbi Cali oo ah 25 jir Somali-British ah ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad ah inuu toorey ku dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, waxaa sidaas maanta sheegay Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada iyo booliska UK.

    Cali oo Jimcihii tagtay lagu xiray isla goobta uu dilku ka dhacay ee magaalada Leigh-on-Sea ee bariga London, ayaa sidoo kale wajahaya dacwad labaad oo ah diyaarinta ficil argagixisanimo.

    Waxaa lagu waday inuu maanta kasoo hor muuqdo Maxkamad ku taalla bartamaha London.

    Xildhibaan Amess, oo ahaa 69 jir dhalay shan caruur ah, ayaa la dilay isaga oo kulan la lahaa dadka soo doortay, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee British ah ee la dilo shan sano gudahood.

    Xildhibaan Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale la dilay ayada oo la kulmeysa dadka soo doortay, ka hor aftidii Brexit ee June 2016.

    Nice Price oo ah madaxda qeybta dambiyada iyo ka hor-tagga argagixisanimada ee Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada ayaa sheegay in qareenada ay gudbin doonaan in dilkii Amess β€œuu xiriir la lahaa aragixisanimo, gaar ahaana ay dhiiri-geliyeen arrimo diimeed iyo kuwa fikir.”

    β€œCali waxaa lagu soo oogay dacwad ah diyaarinta ficil argagixisanimo,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in tani ay ka dambeysay kadib caddeymo ay baaritaankooda kusoo heleen booliska.

    Booliska ayaa sheegay inaysan jirin cid kale oo hadda loo baarayo ama raadinayo inay ku lug laheyd dilka xildhibaan David Amess.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.