Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Abiy oo ka qaaday Dalkiisa xaaladii deg-dega ahayd
    Somalia

    Abiy oo ka qaaday Dalkiisa xaaladii deg-dega ahayd

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya ayaa Arbacadii shalay ansixiyey in la qaado lix bilood oo xaalad degdeg ah, iyadoo la eegayo isbedellada dhinaca ammaanka ah ee ka jira dalkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Raysal wasaare Abiy Axmed.

    Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad deddeg ah bishii November, kadib markii ciidamada TPLF ay sheegeen in qabsashada gobollo dhowr ah kadib ay ka fikirayaan inay galaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Dowladdu waxay sheegtay in bishii hore ay ciidankeedu ka sifaysay ciidamada Tigreega waqooyiga gobollada Axmaarada iyo Canfarta, iyadoo meesha ka saartay hadalladii Tigrayga ee ahaa in ciidamadoodu ay iskood uga baxayaan si ay u abuuraan “biloow nabadeed”.

    Bayanan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay gaartay heer khataraha ay xallin karaan hay’adaha ammaanka, waxaana bayaankani intaa ku daray in go’aanka golaha wasiirada loo diray baarlamaanka, si ay u ansixiyaan.

    Dabayaaqadii toddobaadkii hore, Milatarigu waxa ay sheegeen inay qorshaynayaan in ay galaan magaala madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, si ay “kaga takhalusaan” xoogagga TPLF, waxaana hadalkaasi yimid iyada oo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda bilaabtay bishii Noofambar ee sanadkii 2020, taas o barakicisay malaayiin qof, isla markaana kicisay gaajo baahsan.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.