Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Adeeggii Internet –ka oo dib u soon noqday deegaannada Ismaamulka Somalida
    Somalia

    Adeeggii Internet –ka oo dib u soon noqday deegaannada Ismaamulka Somalida

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 25, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xiriirkii Internet –ka deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dib u soo noqday, gaar ahaan magaalada Jigjiga sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

    Qof ka mid ah dadka degan magaalada Jigjiga ayaa u sheegay wakaallada wararka China Xinhua in galab-nimadii Jimcaha shalay dib loo helay adeegii Internetka guud ahaa dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Laakiin wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac xukuumadda dhexe ee Itoobiya ee la xiriira dib u soo noqoshada Internet –ka iyo waliba markii hore oo hawada laga saaray intaba.

    Hasse ahaatee adeega Internet-ka ayaa go’ay 04, bisha August oo ciidamada Itoobiya fara-gali ku sameeyeen xarumihihi waaweynaa ee looga arriminayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiy, kaddib rabashado Qowmiyadu ku saleysan oo ka dhacay deegaanka.

    Wax yar uun kaddib markii fara-galinta ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya waxaa xilkii ka degay madaxweynihii muddada dheer soo xukumayay deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo waqtigaa xilka ku wareejiyay wasiirkiisii maaliyada Axmed Cabdi Maxmed Ilkacase.

    Hasse ahaatee fadhig golaha fulinta xisbiga ka arimiya deegaanka ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa madaxweyne loogu doortay in uu deegaanka ka noqdo Mustafe Maxmuud Cumar Cagjar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.