Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afar hogaamiye oo gaaray caasimada Ukrain Ee Kyiv
    Somalia

    Afar hogaamiye oo gaaray caasimada Ukrain Ee Kyiv

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 16, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Romania ayaa Khamiistii la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, iyagoo u muujiyay taageero ay Kyiv rajeyneyso in looga caawiyo hubka iyo tallaabooyin adag oo laga qaado Ruushka.

    Booqashadii ugu horeysay ee noocaan ah oo ay ku tagaan caasimadda tan iyo markii Ruushka uu duullaanka ku qaaday, ayaa waxaa is gacan qaaday madaxweynaha Ukraine Zelensky oo aan Ukraine ka bixin tan iyo biloowgii dagaalka iyo madaxda Faransiiska Emmanuel Macron, Jarmalka Olaf Schultz, Talyaaniga Mario Draghi iyo Romania Klaus Johannes.

    Kulanka ayaa yimid kadib markii afarta hoggaamiye ee reer Yurub ay socod ku mareen dhismayaal burburay iyo gawaari ku gubtay magaalada Irpin ee u dhow Kyiv, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay horraantii duullaanka.

    Socdaalkan ayaa waxa uu ahaa mid lagu muujinayo waxa Ukraine iyo taageerayaasheeda ay ku sheegeen inay ahaayeen gabood fallo waaweyn oo ay geysteen ciidamada Ruushka, waxaana uu hoggaamiyaha Jarmalku Scholz ku tilmaamay goob ay ka dhaceen โ€œarxandarro aan la qiyaasi karinโ€

    Madaxda oo ag taagnaa dhismayaal gubtay, ayaa waxay u ekaayeen kuwo murugeysan, markii ay dhegaysanayeen mid ka mid ah golaha wasiirada Ukraine oo sharraxaya wixii halkaas ka dhacay.

    Kyiv ayaa hore ugu ugu eedeysay Faransiiska, Jarmalka iyo, Talyaaniga, inay ka cago jiidayaan taageeradooda Ukraine, iyagoo sheegay in ay ka gaabiyeen bixinta hubka.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.