Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afgaanistaan oo noqotay culays kusoo kordhay Ururka Islaamka
    Somalia

    Afgaanistaan oo noqotay culays kusoo kordhay Ururka Islaamka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 19, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waddamada Muslimka ah ayaa isku dayaya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bini’aadantinimo ee sii kordhaya ee ka jira dalka Afgaanistaan, xilli dalka ay deriska yihiin ee Pakistan uu Axadii ka furmay shir aan caadi ahayn oo uu yeelanayo Ururka Iskaashiga Islaamka.

    Xaaladda degdegta ah ee Afgaanistaan, oo malaayiin ay wajahayaan gaajo xilligan qaboobaha, ayaa sababtay qeylo dhaan isa soo tareysa, laakiin beesha caalamka ayaa ku dhibtootooneysa jawaab wadajir ah oo ay ka bixiso xaaladda bini’aadaminimo, iyadoo reer galbeedku ay ka caga jiidayaan inay caawiyaan xukuumadda Taalibaan, oo xukunka la wareegtay bishii Ogosto.

    “Haddii aan tillaabo degdeg ah la qaadin, Afgaanistan waxay ku wajahan tahay fowdo,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ku yiri khudbaddiisii furitaanka, isagoo intaas ku daray in ay dhici karto in qalalaase qoxooti iyo rabshado kale oo ay geystaan Daacish ay ka dhalan karo dhibaataad gaajada.

    “Fowdadu cidna kuma habboona,” ayuu sii raaciyay. Khan ayaa ugu baaqay reer Galbeedka inay kala saaraan xukunka Taalibaan 40-ka milyan ee reer Afghanistan.

    Kulanka oo laba maalmood ka socda Islamabad ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maaliyadda caalamiga ah, iyo sidoo kale quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Mareykanka, Midowga Yurub iyo Japan.

    Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda ee Taliban, Amir Khan Muttaqi ayaa sheegay in dowladda cusub ay soo celisay nabadda iyo ammaanka, ayna wax badan ka qabatay dalabaadka dowlad loo dhan yahay ee ixtiraamka xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan xuquuqda haweenka.

    Saraakiisha Taliban ayaa horay u codsaday in laga caawiyo dib u dhiska dhaqaalaha Afgaanistaan oo burburay iyo quudinta in ka badan 20 milyan oo qof oo gaajo soo foodsaartay.

    Qaar ka mid ah dalalka iyo hay’adaha gargaarka ayaa billaabay in ay gargaar gaarsiiyaan, balse nidaamka bangiyada dalka oo burbur ku dhow ayaa sii adkeeyay shaqadooda.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.