Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afganistan Lix bilood kadib qabsashadii Taalibaan
    Somalia

    Afganistan Lix bilood kadib qabsashadii Taalibaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 16, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Afghanistan ayaa muddo lix bilood ah waxaa ka dhacay isbedello waaweyn, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen hoggaanka Taalibaan, waxaana dadku ay dareemayaa nabadgelyo iyo rabshadaha oo ka yar kuwii tobannaan sano socday, hase yeeshee dhaqaalaha Afghanistan oo ku tiirsan gargaarka caalamka uu hadad burbur qarka u saaranyahay.

    Talaadadii shalay ayay ku beegneyd lix bilood tan iyo markii caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ay si lama filaan ah ula wareegeen Talibaan, iyadoo si qarsoodi ah uu uga baxay madaxweynihii dalkaas ee uu Mareykanku taageeri jiray. La wareegitaanka Kabul waxaa ka horeeyay olole militari oo socday muddo bilo ah oo Taaliban ay ku doonaysay inay kula wareegto deegaannada gobolka, kuwaas oo intooda badan ay ka dhaceen dagaallo adag.

    Tobannaan kun oo reer Afgaanistaan ah ayaa qaxay, ama laga saaray Afghanistan, kuwaas oo ay ku jiraan tiro badan oo aqoonyahanno ah. Waxay u baqayeen mustaqbalkooda dhaqaale ama xoriyad la’aan hoos timaada koox ay sheegeen inay si adag u fasiraan diinta Islaamka. Intii lagu jiray xukunkii hore ee dabayaaqadii 1990-meeyadii, Taliban waxay gabdhaha ka mamnuucday iskuullada, halka haweenka ay ka mamnuucday shaqada.

    Maanta, dagaalyahannada Taliban oo hubeysan ayaa la arkayaa iyaga oo waddooyinka dhex mushaaxaya, taas oo weli cabsi gelineysa dadka deegaanka. Laakiin si ka duwan sagaashamaadkii, Taalibaan waxay u oggolaatay haweenka qaarkood inay shaqeeyaan, waxaana ay dib haweenka ugu soo celisay shaqooyinkii wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada iyo sidoo kale garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul oo inta badan ay ragga la shaqeeyaan.

    Laakiin haweenku waxay weli sugayaan inay ku noqdaan shaqada wasaaradaha kale, inkasta oo kumanaan kun oo shaqooyin ah ay Afghanistan ku weysay hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha, ayna dhibaatada ugu badan soo gaartay dumarka.

    In ka badan 9 bilyan oo dollar oo hantida Afgaanistaan ee taalay dibadda ayaa la xayiray kadib markii Taliban ay la wareegeen Afghanistan, waxaana toddobaadkii hore, Madaxweyne Joe Biden uu saxeexay amar fulineed oo u ballan qaaday $3.5 bilyan – oo ka mid ah $7 bilyan ee hantida Afghanistaan ee lagu xayiray Maraykanka – in la siin doono qoysaska dhibanayaashii weerarkii lagu soo qaaday Mareykanka ee 9/11, halka $3.5 bilyan ee kale Aghanistan lagu sii dayn doonaa gargaar.

    Hase yeeshee Talaadadii, qiyaastii 3,000 oo ku sugnaa caasimadda Afgahnistan ayaa mudaaharaad ka dhigay amarka Biden, kuwaas sita boorar ay ku qornaayeen “Biden waa tuugga adduunka 2022.”

    Taalibaan ayaa u ololayneysa in caalamku aqoonsado dowladda ay dhistay oo dhammaanteed rag ah, balse waxaa lagu cadaadinayaa inay abuuraan maamul loo dhan yahay oo dammaanad qaadaya xuquuqda haweenka iyo diimaha laga tirada badan yahay.

    AP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.