Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Si Diiran loo lagu soo Dhoweeyey Degmada Badhan.
    Somalia

    Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Si Diiran loo lagu soo Dhoweeyey Degmada Badhan.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 22, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Nov 2017 safar shaqo ku gaadhey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyey Agaasimaha iyo weftigiisaba.

    Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, Duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Isu-duwayaasha gobolka ee Wasaaraddaha Waxbarashada, Caafimaadka, Degaanka, Haaweenka, Xanaanada Xoolaha iyo caddaaladda, taliyaha Booslika gobolka Sanaag iyo qaar kamid ah shacabka magaaladaasi.

    kahor inta aanay soo gaadhin weftiga uu hormuudka u ahaa Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa ay soo kormeereen dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo taas oo dhismeheedu u jiro wax ka yar 20Km magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

    Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada  Badhan iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu tilmaamay Agaasimuhu in todobaad kahor uu gobolka u yimid hawlo shaqo xiligaas oo ay isku day faragelin la damacsanaayeen gobolka  maamulka Soomaaliland.

    Sidoo kale Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa sheegay in dhowaan xukuumadda dawladda Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gobolka ka hirgelindoonaan todoba saldhig kuwaas oo dhismohooda laga dhagax dhigidoono todoba magaalo oo kamida gobolka, isla markaana Afartii ugu horeeyey maalinimada berrito uu dhagax dhigi doono Agaasimuhu iyo sidoo kale sadax magaalo oo iyana kamida gobolka ayaa laga hirgelindoonaa ‘MCH’ goob Hooyada iyo Dhalaanka ah.

    “Maanta waxaan idiinku bushaaraynayaa inaan idiin wadno oo xafiiska Madaxweynuhu ka fulin doono gobolka todoba saldhig, kuwaas oo laga fulindoono todoba magaalo oo kamidda gobolka oo afartii ugu horeeyey berrito aan dhagax dhigidoono dhismohooda, sidoo kale sadex goobood oo Hooyada iyo Dhalaanka lagu xanaanayndoono iyana laga samayn doono sadex magaalo oo kamid ah gobolka” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl.

    “Laba weji baan ka dhigi doonaa shaqada, midi berri buu bilaabmayaa wuuna dhamaystiran yahay qorshihiisu, muddo kooban oo kayar 45 cisho ayaanu rabnaa inaanu kusoo gebagebayno madaama ay ka dawlad ahaan dhankayaga aan waxba nagu qabyo ahayn, magaalooyinkaas waxaa ugu horeeya Magaalada Hadaaftimo, Yube, Damala-Xagare iyo Xingalool Afartaas qorshaha dhagax dhiggooda waxaanu kusoo afmeeri doonaa muddo afar cisho ah”  ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl.

    Dhinaca kale Agaasimaha ayaa xusay in magalooyinka wejiga labaad laga hirgelindoono Saldhigyada Booliska ay kala yihiin Carmale, Dawaco iyo Ceelbuh, waxaana iyana qorshaha labaad ku jirta hirgelinta sadex goobood oo ‘MCH’ ah kuwaas oo laga hirgelindoono magaalooyinka Yubbe, Hadaaftimo iyo Dama-laxagare.

    Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon iyo duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise ayaa iyana dhankooda xusay in xukuumadda dawladda Puntland ay gobolka kawado kana hirgelisey mashriic  horumarineed kuwaas oo waxtar u leh shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaanba dawladda Puntland, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in masriicdaa ay kamid yihiin Waddada Ceel-daahir-Caarigoobo, ceel biyoodyo tiro badan iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Magaalada Badhan, isla markaana waxaa ay Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan dawladda Puntlandba  uga mahad-celinayaan hirgelinta siyaasaddooda ku aadan kaabida gobolada ka fog laamiga.

    Ugu danbayn, Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa uu kubooriyey guud ahaan shacabka gobolka Sanaag inay gacmaha is qabsaadaan si ay uga gungaadhan wax kasta oo ay ku horumarin karayaan gobolkooda.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.