Air Force One,ayaa wajahday cilad xagga korontada ah, xilli ay waday Madaxweyne Trump oo ku sii jeeday dalka Switzerland.
Cilladan qasabtay,ayaa sababtay in Trump uu adeegsado diyaarad kale oo yar oo Boeing 757 ah,si uu u sii wato safarkiisa uu ku tagayo magaalada Davos si uu uga qeybgalo shir madaxeedka dgaqaalaha (World Economic Forum).
Afhayeenka Aqalka Cad,Karoline Leavitt,ayaa sidaas xaqiijisay.
Air Force One ,waa Diyaarad leh nidaamyo ka hortaga weerarrada iyo xiriiro isgaarsiineed oo Madaxweynaha Mareykanka uu kula hadli karo dhammaan Talusyada Ciidamada Mareykanka meel kasta oo ay joogaan.
