Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay
    Puntland

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟔 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

    Ajandaha fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray 𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝, iyadoo loo marayo habraaca uu qeexayo Qodobka 42-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

    Intaas kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u guda galay doodda iyo ansixinta Ajandayaasha, waxaana ugu dambeyn ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 57-aad.

    Ajandahaas la ansixiyay ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa Xildhibaannada Golaha maalinta berri oo ku beegan 𝟐𝟕 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓, si loo guda galo ajandayaasha ku xusan.

    DHAMMAAD –

    Wixii faah-faahin ah kala xiriir:
    Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland
    Ibrahim Mohamud Yusuf
    📧 directorofmedia@parliament.pl.so
    🌐 https://puntlandparliament.com
    📲: https://www.tiktok.com/@parliamentofpl
    📍 Garowe, Puntland, Somalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.