Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: 10 Magaalo ee dunida ugu nolosha wanaagsan iyo 10-ka ugu Nolosha Liidata
    Somalia

    Akhriso: 10 Magaalo ee dunida ugu nolosha wanaagsan iyo 10-ka ugu Nolosha Liidata

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 10, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin ay soo saartay hay’ada Sahaminta Qaybta Sirdoonka Dhaqaalaha (EIU) ayaa lagu sheegay in magaalada Auckland ee dalka New Zealand ay tahay magaalada ugu nolosha fiican adduunka.

    Hay’addan EIU ayaa ku xushay 140 magaalo arrimo ay ka mid yihiin xasiloonida, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.

    Hase yeeshee soo saarista liiska sanadkan ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay cudurka Covid 19 sida ay magaalooyinka ay ula tacaaleen.

    Waxaana sanadkan hoos uga dhacay darajooyinkoodii magaalooyinka Yurub halka kuwa Australia, Japan iyo New Zealand ay kor u kaceen darajooyinka.

    Wadamadaas jasiiradaha ah waxay si dhakhso leh uga jawaabeen faafitaanka cudurka ‘coronavirus’ waxayna awood u yeesheen inay yareeyaan kiisaska isla markaana ay dabciyaan xannibaadaha.

    Auckland ayaa kaalinta koowaad gashay sanadkan waxaana ku xigey Osaka dalka Japan, Adelaide oo Australia ah, Wellington oo ku taal New Zealand iyo caasimada Japan ee Tokyo.

    “Magaalada Auckland waxay kor u kacday darajada ugu sareysa sababo la xariira guulihii ay ka gaartay xakamaynta aafada Covid-19, taas oo u saamaxday bulshadeeda inay sii furnaato magaaladuna si xoogan u dhaliso,”ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay EIU.

    “Magaalooyinka Yurub ayaa si gaar ah ugu liitay daabacaadda sanadkan,” ayay raacisay. Siddeed ka mid ah tobanka ugu sareeya ee ugu weyn qiimeynta ayaa ah magaalooyinka yurub.

    Tusaale ahaan, Vienna waxay hoos uga dhacday kaalinta koowaad illaa 12aad. Caasimada Austria waxay hogaamineysay liiska dhowr sano.

    Laakiin Hamburg oo ku taal woqooyiga Jarmalka ayaa hoos u dhacday iyadoo hoos u dhacday 34 derejo waxayna gashay 47aad.

    Dimishiq waa magaalada ay noloshu ugu adag tahay, sababta oo ah dagaalka sokeeye ee sii socda ee Syria. Qaar badan oo ka mid ah magaalooyinkii sida xun loo qiimeeyay waxaa haleelay dagaalo, taasoo cadaadis ku saartay nidaamyadooda caafimaad iyo kaabayaashooda.

    Tobanka magaalo ee ugu nolosha wanaagsan caalamka 2021

    1- Auckland, New Zealand
    2- Osaka, Japan
    3- Adelaide, Australia
    4- Wellington, New Zealand
    5- Tokyo, Japan
    6- Perth, Australia
    7- Zurich, Switzerland
    8- Geneva, Switzerland
    9- Melbourne, Australia
    10- Brisbane, Australia

    Tobanka Magaalo ee ugu nolosha liidata Caalamka 2021

    1- Damascus, Syria

    2- Lagos, Nigeria

    3- Port Moresby, PNG

    4- Dhaka, Bangladesh

    5- Algiers, Algeria

    6- Tripoli, Libya

    7- Karachi, Pakistan

    8- Harare, Zimbabwe

    9 -Douala, Cameroon

    10- Caracas, Venezuela.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.