Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso:-Magacyada 47-Qof oo Somali-Mareykan ah oo lagu soo oogay Dacwad
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    Akhriso:-Magacyada 47-Qof oo Somali-Mareykan ah oo lagu soo oogay Dacwad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 21, 2022No Comments6 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magacyada illaa 47qof oo Somali-Mareykan ah oo lagu soo oogay dacwad culus
    September 21, 2022

    Minneapolis Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah 47 qof oo badankood Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19.
    ayaa soo bandhigtay magacyada dadka ku jira lix liis dacwadeed oo kala duwan, waxaana loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta.

    Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, waxayna sugayaan maxkamadeyn. Kuwa badan oo ka mid ah ayaa si toos ah ama ayaga marinaya qareenadooda sheegay inaysan wax dambi ah gelin.

    Xeer-ilaaliyaha qaranka Mareykanka ee gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Talaadadii sheegay in qaar ka mid ah dadkaas lasoo xiray.

    Dacwadaha illaa hadda lagu soo oogay dadkan waxaa ka mid ah shirqool, khiyaano lacag diris, been xalaaleyn lacag, iyo laaluush.

    Dacwad oogayaasha federaalku waxay sheegeen in eedaysanayaasha ay heleen, lunsadeen, oo ay lacag been xalaaleeyeen malaayiin dollar ah oo ay dowladda ka dalbadeen ayaga oo sheegaya inay tahay cunno ay ku quudiyeen caruurta qoysaska saboolka ah.

    Haddaba waa kuwan magacyada dadka dacwadaha lagu soo oogay iyo kiisas dacwadeedka ay ku jiraan:

    Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Aimee Marie Bock et al.

    1- Aimee Marie Bock, oo ah 41 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasaha iyo agaasimaha hay’adda Feeding Our Future.

    2- Abdikerm Abdelahi Eidleh, oo ah 39 jir degan Burnsville, Minnesota, shaqaale ka tirsan Feeding Our Future.

    3- Salim Ahmed Said, oo ah 33 jir degan Plymouth, Minnesota, milkiile iyo shaqaale maqaayadda Safari Restaurant.

    4- Abdulkadir Nur Salah, oo ah 36 jir degan Columbia Heights, Minnesota, milkiile iyo shaqaale maqaayadda Safari Restaurant.

    5- Ahmed Sharif Omar-Hashim, oo sidoo kale loo yaqaan “Salah Donyale,” oo ah 39 jir degan Minneapolis, Minnesota, aas-aasaha shirkadda Olive Management Inc.

    6- Abdi Nur Salah, oo ah 34 jir degan Minneapolis, Minnesota, kaaliyihii hore ee siyaasadda ee duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, kadibna iibsaday hay’adda Stigma-Free International.

    7- Abdihakim Ali Ahmed, oo ah 36 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasaha shirkadda ASA Limited LLC.

    8- Ahmed Mohamed Artan, oo ah 37 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo soo noqday madaxa hay’adda Stigma-Free International.

    9- Abdikadir Ainanshe Mohamud, oo loo yaqaan “AK,” ahna 30 jir degan Fridley, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Willmar.

    10- Abdinasir Mahamed Abshir, oo ah 30 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Mankato.

    11- Asad Mohamed Abshir, oo ah 32 jir degan Mankato, Minnesota, oo wax ka maamulayey qeybta Stigma-Free ee Mankato.

    12- Hamdi Hussein Omar, oo ah 26 jir degan St. Paul, Minnesota, oo maamuleysay qeybta Stigma-Free ee Waite Park.

    13- Ahmed Abdullahi Ghedi, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo wax ka aas-aasay shirkadda ASA Limited LLC.

    14- Abdirahman Mohamud Ahmed, oo sidoo kale loo yaqaan “Chef Abcos,” oo ah 54 jir degan, Columbus, Ohio, ahna milkiilaha maqaayadda Afra Grill.

    Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Abdiaziz Shafii Farah et al.

    15-Abdiaziz Shafii Farah, oo ah 33 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.

    16- Mohamed Jama Ismail, oo ah 49 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.

    17- Mahad Ibrahim, oo ah 46 jir degan, Lewis Center, Ohio, madaxa iyo milkiilaha hay’adda ThinkTechAct Foundation.

    18- Abdimajid Mohamed Nur, oo ah 21 jir degan Shakopee, Minnesota, oo aas-aasay shirkadda Nur Consulting LLC.

    19- Said Shafii Farah, oo ah 40 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiilaha dukaanka Bushra Wholesalers LLC, lana dhashay Abdiaziz Farah.

    20- Abdiwahab Maalim Aftin, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiilaha dukaanka Bushra Wholesalers LLC.

    21- Mukhtar Mohamed Shariff, oo ah 31 jir degan Bloomington, Minnesota, madaxa shirkadda Afrique Hospitality Group.

    22- Hayat Mohamed Nur, oo ah 25 jir degan Eden Prairie, Minnesota, lana dhalatay Abdimajid Mohamed Nur lana tuhunsan yahay inay kala qeyb qaadata xatooyada la tuhunsan yahay.

    Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Qamar Ahmed Hassan, et al.

    23- Qamar Ahmed Hassan, oo ah 53 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, milkiilaha iyo shaqaale shirkadda S & S Catering

    24- Sahra Mohamed Nur, oo ah 61 jir dega Saint Anthony, Minnesota, maamule ka tirsan ururka Academy for Youth Excellence.

    25- Abdiwahab Ahmed Mohamud, oo ah 32 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Academy for Youth Excellence.

    26- Filsan Mumin Hassan, oo ah 28 degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Youth Higher Educational Achievement.

    27- Guhaad Hashi Said, oo ah 46 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamul ka tirsan ururka Advance Youth Athletic Development.

    28- Abdullahe Nur Jesow, oo ah 62 jir degan Columbia Heights, Minnesota, ka tirsan Academy for Youth Excellence.

    29- Abdul Abubakar Ali, oo ah 40 jir degan St. Paul, kana tirsan ururka Youth Inventors Lab site.

    30- Yusuf Bashir Ali, oo ah 40 jir degan Vadnais Heights, Minnesota, kana tirsan ururka Youth Inventors Lab site.

    Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Haji Osman Salad, et al.

    31- Haji Osman Salad, oo ah 32 jir degan St. Anthony, Minnesota, maamulaha maqaayadda Haji’s Kitchen.

    32- Fahad Nur, oo ah 38 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamulaha The Produce LLC.

    33- Anab Artan Awad, oo ah 52 jir degan, Plymouth, Minnesota, madaxa ururka Multiple Community Services.

    34- Sharmarke Issa, oo ah 40 jir degan Edina, Minnesota, aas-aasaha shirkad lagu magacaabo Minnesota’s Somali Community iyo maamulaha maqaayqadda Wacan Restaurant LLC.

    35- Farhiya Mohamud, oo ah 63 jir degan Bloomington, Minnesota, maamulaha Dua Supplies and Distribution Inc.

    Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Liban Yasin Alishire, et al.

    36- Liban Yasin Alishire, oo ah 42 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamulaha iyo milkiilaha ururka Community Enhancement Services Inc.

    37- Ahmed Yasin Ali, oo ah 57 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, wuxuu sameeyey goob cunada lagu qeybiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirsan JigJiga Business Center.

    38- Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan Lakeville, Minnesota, madaxa goob cunada laga bixiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirsan JigJiga Business Center.

    Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Sharmarke Jama, et al.

    39- Sharmake Jama, oo ah 34 jir degan Rochester, Minnesota, maamulaha maqaayadda Brava Restaurant and Cafe LLC.

    40- Ayan Jama, oo ah 43 jir degan Rochester, Minnesota, maamule ka tirsan maqaayadda Brava Restaurant and Cafe LLC.

    41- Asha Jama, oo ah 39 degan Lakeville, Minnesota, kana shaqeysay maqaayadda Brava Restaurant.

    42- Fartun Jama, oo ah 35 jir degan Rosemount, Minnesota, kana shaqeysay maqaayadda Brava Restaurant.

    43- Mustafa Jama, oo ah 45 jir degan Rochester, Minnesota, kana shaqeeyey maqaayadda Brava Restaurant.

    44- Zamzam Jama, oo ah 48 jir degan Rochester, Minnesota, kana shaqeysay maqaayadda Brava Restaurant.

    Magacyada soo socda waa shaqsiyaad si gaar ah dacwad loogu soo oogay, waxaana mid walba loo haystaa hal xisaab dacwad

    45- Bekam Addissu Merdassa, oo ah 39 jir degan Inver Grove Heights, Minnesota.

    46- Hadith Yusuf Ahmed, oo ah 34 jir degan Eden Prairie, Minnesota.

    47- Hanna Markegn, oo ah 40 jir degan Edina, Minnesota.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.