Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerar ka dhacay Kenya
    Somalia

    Al-shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerar ka dhacay Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 10, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuiyadda weerar xalay ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu, waxayna sheegeen inay weerarkaasi ku dileen laba qof.

    Weerarkaasi waxaa sidoo kale tebiyey telefishinka Citizen ee dalka Kenya. Telefiishinka Citizen waxa uu soo tebiyey oo kale in weerarku ka dacay degaanka Kibaoni.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Shabaab taageerta, weerarku waxa uu ka dhacay Wito iyo Salaama.

    Booliiska Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Lamu xalay.

    Hase yeeshee booliiska Kenya waxay ka hadleen weerar ka dhacay Lamu Jimcihii oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamada booliiska sida ay qoreen wargaysyada The Star iyo The Standard.

    Booliisku waxay qireen in baabur uu leeyahay ciidanka booliiska oo ilaalo ku jiray lagu qaaday weerar gaadmo ah. Warbaahinta Kenya waxay tebiyeen in baabuurkaas lala helay baasuuke.

    Weerarrada ka dhacay gudaha dalka Kenya ee loo tirinayo ururka Al-Shabab ayaa sannadkan gudihiisa gaaraya afar weerar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.