Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Alshabaab oo markale weerar ku qaaday Ciidamada Liyuu Booliska
    Somalia

    Alshabaab oo markale weerar ku qaaday Ciidamada Liyuu Booliska

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 10 qof oo dhinacyaddii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal saakay deegaanka Caato ee Gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyu Police ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo dhinac ah iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

    Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay saakay ku qaadeen magaalada oo ay xilligaas ku sugnaayeen xidhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo gobolka u tagay inay gargaar gaarsiiyaan dadka ay dagaaladu saameeyeen.

    Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay VOA-da in Al-Shabaab ay weerarka oo socday qiyaastii saddex saacadood ay ku billaabeen hoobiyeyaal iyo gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay.

    Aaden Maxamed Nuur Saransoor oo ka mid ah xildhibaanada dowladda federalka Soomaaliya ee magaalada ku sugan ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalkaasi u adeegsadeen gaadiidka gaashaaman, oo sida uu sheegay ay horey uga qaateen saldhigyo ay weerareen oo ay lahaayeen ciidmada Midowga Afrika.

    Aaden Saransoor waxa kale oo uu sheegay inuu indhisiisa ku arkay dhowr iyo toban qof oo meyd ah.

    Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay isku dayeysay inay magaalada qabsato, balse ciidamadii kasoo horjeeday ay caabiyeen.

    Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo ay maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab gudaha Ethiopia kula galeen Liyu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida.

    Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo shalay dib ugu laabatay magaalada Jigjiga kadib muddo toddobaad ah oo uu ku maqnaa furimaha dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka deegaanka ay jabiyeen qorshe sanad ay al-Shabab diyaarineysay, islamarkaana ay ku burburiyeen wax kayar saddex cisho.

    Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale sheegay inay samaynayaan istiraatiijiyad ay Al-Shabaab uga hortagayaan kahor inta aysan soo galin xuduudda Ethiopia.

    Taliyaha, Taliska ciidmada Mareykanka ee Afrika General Stephen Townsend ayaa shalay sheegay in isku dayga ay Al-Shabab ku dooneyso inay isku ballaariso Ethiopia intiisa badan la xakameeyay, hase yeeshee ay Al-Shabaab qorsheeyneyso weeraro kale bilaha soo socda.

    Sida ay sheegeen xogo dhinaca sirdoonka ah, qiyaastii 500 oo dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa 50 mitir gudaha u galay Ethiopia toddobaadkii la soo dhaafay kahor.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.