Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Arrinta Qalbi-Dhagax Maxay Ku Danbayn??
    Somalia

    Arrinta Qalbi-Dhagax Maxay Ku Danbayn??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 19, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bishii Sebtember 18,2017, magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood. Guddigaas waxaa loo xil saaray inay baaritaan ku sameeyaan sidii Itoobiya loogu dhiibay muwaadin Soomaali ah, Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi-Dhagax).

    Bishii August 23,2017, Cabdikariim waxa lagu qabtay magaalada Galkacyo. Maalin ka dib waxaa loo soo gudbiyey Xarunta Dhexe ee Nabad-Sugidda ee Xamar. Maalmo ka dib waxaa loo gacan galiyey dawladda Itoobiya. Waxaa xusid mudan in Cabdikariim Sheikh Muuse muwaadin Soomaali ah oo kaliya ahayn, balse uu ka mid ahaa ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed, oo iyagu naftooda u huray difaaca ciida iyo calanka Soomaaliyeed.

    Guddigii Golaha Shacabka oo arrintaan loo xilsaaray waxay shalay oo bisha November ahayd 18,2017 ay soo bandhigeen in dhibiista Cabdikariin ay ahayd sharci daro. Dabcan muwaadin kaste oo Soomaali ah, oo jiir naxa leh, oo ay ku weyntahay qaranimada, jiritaanka, iyo sharafta Soomaaliyeed, waa garan karaa inay khalad ahayd in muwaadin Soomaaliyeed loo gacan galiyo wadamo shisheeye.

    Warbixinta Guddiga waxa ku jirta arrinta Cabdikariim inaan laga tala galin Hay’adaha Garsoorka, iyadoo markaas ay maareysey Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad-Suggida Qaranka keliya, laguna saleeyey go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo la siiyey Madaxda Qaranka.

    Su’aalaha u baahan an laga jawaabo waxaa ka mid ah:

     

    1. Cabdikariim Sh. Muuse sanooyin badan ayuu ku noolaa Soomaaliya gudaheeda. Maxaa hada ka hor loo qaban waayey intaas u wadanka ku dhex noola? Maxaa soo dadajiyey qabashadaan hada ah?

    1. Qabashada lagu qabanayo Cabdikariim Gaalkacyo yaa ka danbeeyey? Maxayse ku salaysnayd: danbiyo uu Soomaliya ka galay mise kuwo uu ka galay Itoobiya?

    1. Cidkaste danbi ha ka galee, maxaa keenay in sharciga la hareer maro, oo si jujuub ah loogu gudbiyo Itoobiya? Soomaaliya ma waxay noqotay gobol ka mida goboladda Itoobiya??

    1. Maxaa ku khasbay dawladda Soomaaliya inay soo maleegto shuruuc been ah oo ay u cuskanayso qabashada iyo dhiibista Cabdikariin? Maxaase ku khasbay inay hareer marto dariiqa sharciga waafaqsan, oo ah kan saxda ah? Maxaysa uuga jawaabaysaa haddii la yiraahdo dawladdu way oogsoonayd inayna qiil sax ah oo shrciga waafaqsan u hayn dhiibista muwaadinkaan, balse ay fulinaysay cahdi qarsoon oo ay lagashay Itoobiya, taasina ay keentay in wax walba si deg deg ah oo jujuub ah loo dhameeyo?

    1. Arrintaan tan iyo maalinta Cabdikariin Galkacyo lagu qabtay ilaa iyo maalintii la dhiibay shacabka Soomaaliyeed gudaha iya banaankaba waa la socdeen. Macquul ma tahay in la yiraahdo Madaxda Sare ee wadanku arrintaan waxba kama ogayn? Miyeyna ahayn bil cagsi in iyagu xogag badan oo shacabku ogeyn inay ogyihiin? Yeyse yihiin Madaxda Qaranka oo ay Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad-Sugiddu marin habaabisay???MW, RW,…?

    Warbixinta Guddigan waxaan u arkaa inay tahay bilowgii arrintaan, oo ay muhiim tahay in RW iyo golihiisu horyimaadaan Golaha Shacabka kana Jawaaban su’aalo badan oo arrintaan la xiriira.

    Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.

    Dhagaseynblog.wordpress.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.