Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Askari ku dilay Nayrobi Lix Qof oo shacab ah
    Somalia

    Askari ku dilay Nayrobi Lix Qof oo shacab ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 7, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa shalay toogasho ku dilay shan qof oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kahor inta aanu isdilay, sida ay sheegtay hay’adda dambi baarista ee DCI.

    Askariga ayaa markii hore toogtay xaaskiisa oo ku sugneyd gurigooda kahor inta uusan u la dhaqaaqin qoriga AK-47 oo uu ku toogtay afar qof oo kale, sida ay hay’adda dambi-baaristu ku sheegtay Twitter-ka, iyaga oo ku tilmaamay qofka toogashada geystay in uu ahaa “Sarkaal khaa’in ah”.

    “Kadib markii uu dilay seddex qof, ayuu askarigu qorigiisa kula jeestay laba nin oo mooto watay, kuwaas oo mid ka mid ah uu geeriyooday intii lala tacaalayay,” ayuu yiri booliisku.

    Francis Wahome oo ah sarkaalka u qaabilsana booliska deegaanka Dagoretti ee magaalada Nairobi ayaa goor sii horeysay xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu tirada dadka la dilay uu ku sheegay lix ruux.

    Warbixin uu soo saaray booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada dhimashada ay gaareyso lix qof.

    Dad careysan oo ka agdhawaa halka uu falku ka dhacay oo markii dambe dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan rabshadaha ayaa taayiro ku gubay wadada, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.