Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Askariyadda hore ee doonaysa inay kursiga ka qaadato Ilhaan Cumar
    Somalia

    Askariyadda hore ee doonaysa inay kursiga ka qaadato Ilhaan Cumar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shukri Cabdiraxmaan oo muddo toban sano ah ka tirsanayd ciidamada Maraykanka, qaab qaxootinimo ahna ku tagtay dalkaas, ayaa doonaysa inay doorashada soo socota uga guulaysato xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress-ka.

    Waxay sheegtay inay ka tirsan tahay xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga, isla markaana ay wax badan ku dhaliilsan tahay siyaasadaha ay mudnaanta siisay Ilhaan, sida arrinta qaxootiga iyo xakameynta awoodda booliska.

    “Ma hilmaami doono fursadaha uu Maraykanka i siiyay. Markii aan qaadanayay sharciga muwaadinnimada iyo markii aan ku biirayay ciidamada Maraykanka, waxaan ku dhaartay in aan difaaci doono, mana aha dhaar waqtigu ka dhaco,” ayay Shukri ku qortay barteeda Twitter.

    Mar ay ka jawaabaysay dad su’aal ka keenay awoodda ay u leedahay inay doorashada soo socota uga guulaysato xildhibaan Ilhaan oo si weyn looga bartay Maraykanka iyo dibeddaba, ayaa waxa ay Shukri sheegtay inay ku dhex jirto bulshada, si tartiib ahna ay ugu guulaysan doonto kalsoonida cod bixiyayaasha.

    Shukri waa hooyo haysata saddex carruur ah. Waxa ay sheegtay inay muddo afar sano ah ku noolayd xeryaha qaxootiga ee Kenya, ka hor inta aysan qoyskeedu tegin Maraykanka. Waxay ka soo dagaallantay Ciraaq, halkaas oo ay isku barteen nin askari ah, oo ay sheegtay in markii dambe uu u geeriyooday xanuunno maskaxda ah oo uu ka qaaday dagaalka.

    Arrimaha ay sida weyn ugu ololeynayso waxaa kamid ah xakameynta qaxootiga sida sharci darrada ah ku gala Maraykanka.

    “Xuduudaha dalkeenu hadda waa kuwo furan oo qofkii raba uu soo geli karo, mana jirto cid baarta dadka soo gala. Ma garan karto dhibaatada ay dadka soo galay noo geysan karaan,” ayay u sheegtay Fox News.

    Shukri oo sheegtay inay tahay qof ku dhaqanta Diinta Islaamka ayaa ku dhaliishay Ilhaan inay doonayso in la dhimo awoodaha booliska Minneapolis, isla markaana laga jaro lacagaha ay dowladda siiso.

    Askari ka tirsanaa booliska Minneapolis ayaa lagu helay dembi ah inuu jilibkiisa qoorta ka saaray, sidaana ku dilay nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd sanadkii 2020.

    Ilhan waxay waxay markii koobaad ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Congress-ka bishii November 2016, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid ee loo doortay golahaas sharci dejinta.

    Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Congress-ka iyadoo xiran xijaab.

    Ilhaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa bishii November ee sanadkii tegay loo magacaabay ku xigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo xuquuqul insaanka caalamka.

    Waxa ay sidoo kale xulafo la tahay haween ka tirsan congress-ka oo aan aragtidooda la gabban, laguna naaneyso The Squad.

    Shukri ayaa kamid noqotay dhowr qof oo dhawaan shaaciyay in Ilhaan ay kula tartami doonaan doorashada dhacaysa horraanta bisha November ee sanadkan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.