Halkan ka akhriso:-
Author: Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo. Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa soo dhoweynta Madaxweynaha JFS kala qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Lix ujeedu,ayuu daaran yahay socdaalka Madaxweyne Xasan ee Puntland,waana mid dhaqaale raadis ee ma’ahan mid dhismo Qaran ah. 1.Dayn cafinta in lagala shaqeeyo. 2.Shidaal soo saarista in lagala shaqeeyo. 3.La dagaalanka argagixisada in lagala shaqeeyo. 4.Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Dekeda Bosaso in wax looga qoondeeyo. 5.Axmed Madoobe sida laga yeelayo. 6.Xiriirka Itoobiya sida laga yeelayo. Imaaraadka,ayaa ka codsaday in uu Garowe tago soona saxiixo mashruuca dhismaha Dekeda Bosaso inta uusan kusoo laaban Imaaraadka,taasna dhaqaale,ayuu kaga rabaa Deni. La dagaalanka argagixisada ee Xasan ku dhawaaqay,waxaa ka hor timid Puntland oo dood adag ka gashay. Dooda Puntland waxay ku fadhidaa hadii si…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse, Madaxweynaha waxa kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Halkan ka daawo muuqaalka
Jubaland utanaasulkii iyo garabgalkii Axmed Madoobe,waa kusoo caano maashay meel wanaagsana way kusoo gaartay. Axmed ku filan 15-sano oo uu Kursiga ku joogay siduu rabo looguna sacab tumayay. Madaxweyne Axmed kuma guulaysan Jubaland tii la hiigsanayay,waxaana la oran karaa waa ku fashilmay. 1.Ma hayo Shacab midaysan.2.Ma hayo Dhul midaysan.3.Ma hayo Nidaam midaysan.4.Ma hayo hay’ado shaqeeya oo maamul.5.Ma hirgelin nidaam Doorasho oo xor ah.6.Ma daadajin maamulka.7.Ma sifayn argagixisadii. Maanta lama sii aqbali karo ku tumasho kale oo xataa aan loo marin wax u eg Sharci. Dastuurka,waxaa wax ka badali kara Cod Dadweyne ama Ergo guud ahaan Gobolada Jubaland ka kooban. Tusaale”…
Wax umuuqda xal kama danbays ah in loo helay khilaafkii Hay’ada muhiimka ah ee PSF,ayaa jira. Maraykanku,waxuu si buuxda u aqbalay in PSF Boqolkiiba Boqol la hoosgeeyo Dowlada Puntland. Sidoo kale,waxuu balan qaaday tababaradii iyo Hubkii in uu sii wadayo siintooda PSF. Maraykanku,waxuu aad umuujiyay sida uu uga xun yahay in Tababarkoodii iyo Hubkoodii Dad shacab ah dhibaato kasoo gaarto. Madaxweyne Deni,waxay kula taliyeen in uu dhamaystiro heshiiskii uu ka galay xalka PSF. Deni Sagaalaad in uu Bosaso tagayo oo uu saxiixayo heshiiskaas,waxii ka harsanaa si buuxdana ay uheshiiyeen isaga iyo Ilmo Diyaano ayay warar hoose xaqiijinayaan. Madaxweyne Deni haduu…
Dowlada Puntland ee Deni hada hogaamiyo,waxaa laga rabaa in ay dadajiso arinka Shidaalka. Dhawaan Dowlada Fadaraalka ee Somaliya,waxay saxiixi doontaa heshiiska Qarxinta Baloogyada xogtooda la hayo ee JL ilaa Galmudug. Sanad gudihiis waa in xogta Badda ee Shidaalka Puntland la helaa si ay ula jaanqaado Qarxintaas. Shirkada hada haysata xogta Shidaalka Somaliya ee TGS waxay aad udanaynaysaa dhanka Puntland oo ay aaminsan tahay in Shidaalka ku jira Baddeeda uu Toban jeer ka badan yahay kan Bartamaha iyo Koonfurta Dalka. Sidoo kale Shirkadu waxay la dhacsan tahay dhaqanka Dadka,fahankooda Dowladnimo iyo Amniga. Puntland waxaa laga rabaa in ay Dowladda Fadaraalka la…
16-saac kadib hadalkii Madaxweyne Xasan Dadku siyaalo kala duwan,ayuu uga falceliyay. Dadka qaarba meel aysy ku dhufteen qiimaynta ka hadalkiisii dhacdadii Hotel Xayaat iyo xaalka amniga guud. 1.Nin daalan oo Kursigii uu ku fadhiyay ku dhex dhacay. 2.Nin aan la hor imaan Umadda qorshayaal waa weyn oo amni. 3.Nin aan ku hadlin erayo Cadowgu ka naxo . 4.Nin hadalkiisu iska daba hor imaanayo oo uusan fadhiyin. 5.Nin ay ka muuqato hogaamin ka hoosaysa mida looga fadhiyay. 6.Nin hadalkiisu dib udhac yahay. Madaxweyne Xasan weli uma buuxsamin 100-kiisii maalmood ee ugu horeeyay ee Xukunka. Halkan ka daawo muuqaalka
Siyaasiyiin iyo haldoor fara badan oo reer Jubaland ah,ayaa si weyn uga hor yimid mudo kororsiga baalmarsan Dastuurka. fartaag oo ka mid ahaa Siyaasiyiintaas,ayaa si cad usheegay in aan la aqbali karin Axmed dhaqankiisa. “Axmed mudo kordhintii uu diidanaa yuusan isagu fulin oo samayn” Ayuu yiri Fartaag. “Axmed Madoobe waxii hada ka danbeeya Jubaland loogama baahna,waxaana la gaaray isbadalka wakhtigiisii,waxaa qaba aragtidaas Dad badan. “Haduu ku qaban waayo Doorashada mudada Dastuuriga ah waa in Goob kale lagu qabtaa loona aqoonsadaa Kismaayo Magaalo Jamhad haysato”Sidaana Siyaasiyiinta,ayaa ku doodaya. “15-sano oo la Boqrayay Axmed laguna fiirsanayay khaladaad badan uu ka galay Bulshada…
Wakiilka sare ee dalka Britain u fadhisa Kenya, Jane Marriott ayaa meesha ka saartay eedeymaha ah in dalkeeda uu faragelin ku sameeyey doorashadii guud ee Kenya ee dhawaan la soo gaba gabeeyay. Ms Marriott ayaa ka falcelinaysay eedaymo kaga yimid dhanka baraha bulshada oo sheegaya in ay cadaadis ku saartay guddiga doorashada in ay ku dhawaaqaan William Ruto in uu yahay madaxweynaha la doortay kadib doorsadhadii madaxweynaha ee muranka dhalisay. Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa baahiyay sawirro aan la xaqiijinin oo ku tusinaya Ms Marriott oo gacanta ku salaamaysa Mr Ruto iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula…
Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha Amniga Muqdisho,ayaa sheegay in ay aamisan yihiin in Al-Shabaab ay sahamiyeen hotelka ka hor weerarka. Waxa uu sheegay in laamaha amnigu aamisan yihiin inay maleehsiyada weerarka soo qaadday ay daawadeen muuqallo ku saabsan albaabada laga galo Hotelka iyo Qolalkiisa. Sarkaalka,ayaa sheegay in weerarkaas ay toos ugu lug lahaayeen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay isku kala qarxiyeen albaabka Hotelka, mid qarxiyey baabuur, iyo mid saddexaad oo isku qarxiyey askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka kadib markii ay Hotelka gaareen. Qaraxan ka dhacay Hotelka,ayaa waxaa ku dhaawacmay sagaal ka…
Dadkii Olalihiisa qaybta ka ahaa ama utaageersanaa hab Beeleed iyo mid dano kale saakay waa yaaban yihiin. Qaar waxay ku leeyihiin Xasan kii aan naqaanay ma’ahan. Qaar waxay leeyihiin Ninka Sixir baa loo dhigay Villa-da. Qaar kale waxay leeyihiin Ninka koox,ayuu ugacan galay ku mashquulsan Lacag kaliya oo Daljir la yiraahdo. Waxaase laysku raacsan yahay in uu Xasan xataa ka hoosayso hogaamintiisu 4-tii sano ee hore. Wax Gacanta ugu jiraa majiraan mana Xukumo xataa Xaafad ka mid ah Xamar. Kooxdii Damjadiid Ragii ugu macquulsanaa lama joogaan,waxuuna ka qaatay Mahad oo lagu tilmaamo aragtida dhankeeda Ninka ugu hooseeya. Dowlada Xasan maleh…
Xasan,waxuu u arkaa reer Puntland loolan adag oo Siyaasada ah in ay yihiin. Marna ma aqbali doono isla jaanqaad Siyaasadeed oo Puntland iyo Fadaraalka uu hada isagu hogaaminayo yeeshaan. Xasan,waxuu rabaa Dowlad kaligii leeyahay oo uu yahay Mufakar iyo fuliye. Imaanshihiisa Puntland isagay utahay dhoolatus Siyaasadeed ee macno Puntland uma samaynayo. Baahida reer Puntland ma’ahan Mashaariicda ku xiran Shatiga Fadaraalka Xasana inta uu Garowe la imaanayo waa intaas. Hanka reer Puntland waa Kursi Dalka ugu sareeya ee Xasana ku fadhiyo. Jibril Qoobey.
Markabkaas,waxaa saaran 180-Kun oo Jawaan oo Dhuxul ah,waxaa soo rartay Ganacsato Somali ah. Markabku,waxuu ku wajahnaa Dubai,balse Badda Cumaan,ayuu si Sharcidaro ah kusoo galay,kadibna waxaa la wareegtay Dowlada Cumaan. Haatan arinkii,waxaa soo dhex galay reer Deni oo galaangal badan kadib ku guulaystay in Dowlada Cumaan iyaga iyo Ganacsato kale dib uga iibiso Dhuxusha saaran Markabka. Waxaa horay ujiray Xan weyn oo tilmaamaysay in reer Deni iyo Ganacsato kale wada lahaayeen Dhuxusha la qabsaday ee Markabkaas saarnayd. Qorshaha dib u iibsashada Dhuxusha,waxaa Wakiil iyo Dulaalba ka ah Laba Nin oo kala ah.. 1.Jaamac Cali Bicir oo Abti u ah Madaxweyne Deni,Beel…
Ra’isalawasaaraha halaga fogeeyo Makarafoonka. Weeararkii Hotel Xayaat Dowladu masoo qaadin ee waxaa kusoo qaaday koox argagixisa ah. Majiri karto sabab Dowladu uqaadato eediisa,balse waxaa masuuliyadi ka saaran tahay in Dadkii dhibaatadu soo gaartay gurmadkooda,Dawayntooda iyo sixida laamaha amaanka. Mida kale Hotel Laba maalmood argagixiso lagula dagaalamo uguma horayn Xayaat Hotel. Kenya oo Dowlad awood leh ah taageero caalamina heshay 7-beri ayay ku qaadatay in ay soo afjarto West Gate. Waa markii 4-aad oo ra’isalwasaaraha ay kasoo baxaan hadalo aan ku haboonayn waaqiciga Siyaasada. 1.Hadalkii Gabadha Ugandhayska ah ee aan Gudnayn. 2.Hadalkii Ardayda Maleesiya. 3.Hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Saq dhexe. Waxaa…
Cumar Cabdirashiid waa ka digay khatarta kasoo socota mudo kororsiga Axmed oo laga aamuso oo raali laga noqdo. Hadii Dowlada Fadaraalku raali ka tahay mudo kororsiga Axmed Madoobe Maamulada kalana xaq bay u leeyihiin in ay samaystaan mudo kordhin. Hadiise aysan Dowlada Fadaraalku raali ka ahayn waa in ay mowqifkeeda cadaysaa kana hor timaadaa mudo kororsigaa xaaraanta ah. Lama aqbali karo waxii Farmaajo laga diiday in Axmed loo ogolaado. Waxa u roon goosha,ayaa u roon ganderka. Haddii Jubbaland ay wakhti Kororsi ku wanaagsan tahay DFS, waa in muddo kororsiga dowlad goboleedyada kale ay sidoo kale hagaagto. Ku-dhaqanka sharciga laguma adkaysan…
Garoowe, 21, Ogoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya iyo Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane Dagnachew Yitbarak. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada. Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayna qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Sareeye Guuto Yaasiin Cumar Dheere,…
Wadada isku xirta guud ahasn Puntland qaybteeda Laacdheere-Rabaable oo Laamiga dib loo dhisayo. Waxaa shaqadan si Wadaniyad iyo hagar la’aan ah uqabanaya shirkada kebarco. Waxaa kasii hubinaysa Engineerada Hay’adda Wadooyinka Puntland(PHA) Dib udayactirka Wadada Halbowlaha u ah Puntland shaqo fiican baa laga qabtay. Jibril Qoobey.
Taliye ku xigeenka 1aad ee ciidanka difaaca Puntland ayaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey wafti saraakiil ciidan ah oo ka socday dawladda Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Qardho, 21, Ogoosto, 2021: MadaxweynahaDowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo kusoo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa xariga ka jaray xarunta Xanaanada Xoolaha een magaalada Qardho. Xaruntan ayaa ka kooban dhowr qeybood sida qeybaha Shaybaarka, qeybta quudinta Xoolaha, meelo lagu karantiilo Xoolaha, qeybta lagu dejiyo iyo qaybta saylada xoolaha, sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaruntaas ka dhaggax dhigay ceel-biyood. Waxaa dhismaha xaruntan iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Banggiga African Development Bank, Hay’adda Save the Children iyo urur Goboleedka IGAD. Munaasabadda xarig jarka xarunta Xanaanada Xoolaha ee Qardho, waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane…
Wasaaradda Caafimaadka Fadaraalka ,ayaa sheegtay in ugu yaraan 21-Qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat, waxayna intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117-Qof oo 15 -ka mid ah dhaawacoodu culus yahay. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada. Goor hore oo maanta ah ayaa ciidamada booliisku sheegeen in lasoo af-jaray hawlgalkii, iyadoo lasoo badbaadiyey 106 qof.
Soo afjarida hawlgalkii la dirirka argagixisada ee Hotel Xayaat waa guul. Balse,waxaan soo afjarmin saamayntii Fahad ee laamaha amaanka. Dowladu waa in ay sifaysaa Dhag-dhegeeye,Talye Unug ilaa Talis Ciidamada Sirdoonka iyo Booliska. Argagixisadu meel fog kama imaan ee Ciidankay ku dhex jirtaa,waana qorshihii Fahad dhisay. Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisu meeshii laga rabay in ay ku mashquulaan fariisinta Dowladnimada Fahad fool xumeeyay ayay ku walaahoobeen Qanimaysi beelaysan. Maanta oo kaliya Dowlada,waxaa looga faa’idaystay Sadex dhacdo oo muhiim ah.. 1.Amnigii oo lagu ceebeeyay.2.Farmaajo Xasaanad helay.3.Axmed Madoobe oo Sanad ku darsaday. Shaqaa idin taala fariimo aad ku toostaana waad hesheen. Jibril Qoobey.
Baarlamaanka Jubaland waa midka ugu saamaynta yar guud ahaan Somaliya. Ilhaamada Xildhibaanada haysata ma’ahan in ay liitaan Dad ahaan ee waaqiciga Kismaayo,ayaa bahdilay. 1.Xildhibaanadu ma qaataan Mushahaar haba yaraatee. 2.Xildhibaanadu mahaystaan xasaanad amaan oo kii ka hor yimaada Awaamiirta Axmed Madoobe si cad iyo si qarsoonba waa loo waxyeelaynayaa. Maanta waxay ansixiyeen Hal Sano oo lagu kordhiyay mudo xileedka Axmed Madoobe oo toos uga hor imaanaya Dastuurka Jubaland. Waxay ubaahan tahay Jubaland Axmed oo meesha ka baxa lana helo hogaamiye Bulshadeeda midayn kara lana diriri kara argagixisada. Dowlada Fadaraalka iyo Puntland waa in aysan aqoonsan mudo kororsiga laguna khasbaa Axmed…
Saaka hal sanno,ayaa lagu kordhinayaa mudo xileedka hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowlada Jubbaland. Golaha Baarlamaanka,ayaa ansixinaya goor dhow. Mudo kororsiga Axmed Madoobe,ayaa qorshihiisu taagnaa Bilihii lasoo dhaafay,waxaana jirtay in uu mar iskaba daayay. Haatan in saaka lagu soo beego mudo kororsiga aan sharciga ahayn waxaa sababay xaalada Muqdisho ka taagan oo Axmed u arko in Dowlada dhexe culays soo foodsaaray kalshana aysan u ahayn oo ay tahay xili mudan in laga faa’idaysto. Mudo xileedkaas la kororsanayo,waxuu sii lumin doonaa kalsoonidii yarayd ee lagu qabay nidaamka hada jira,waxuuna god kusii ridayaa midnimadii Bulshada ee awalba liidatay. Madaxweyne Axmed,waxaa uqurux badnayd in…
War qoraala oo ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho,ayaa lagu canbaareeyay weerarkan,iyagoo tacsi u diray eheladada dadka dhintay, waxeyna caafimaad deg deg ah u rajeeyeen dadka dhaawacyada qaba. Mareykanka,ayaa sheegay iney sii laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, si loo soo afjaro khatarta kooxda Shabaab oo ah caqabada koowaad ee horumarka Dowladnimada Somaliya.
Masuuliyiinta laamaha amaanka Muqdisho,ayaa lasoo sheegayaa in ay amreen duminta Hotel Xayaat. Amarkan,ayaa yimid ka gadaal markii ay adkastay soo afjarida Maleeshiyada ku jirta dhismaha Hotelka. Hotelka dhismayaashiisa,ayaa durba lagu xiray Miinooyin mar kaliya dhulka dhiga. Ciidamada amaanka,Weriyayaasha iyo dhamaan dadkii ka ag dhawaa Hotelka,waxaa lays kugu geeyey isgoyska Taleex.
26 saacadood oo xiriir ah,waxaa ku dagaalamaya Hotel Xayat Muqdisho Ciidanka amniga Muqdisho iyo Maleeshiyada argagixisada Al-shabaab oo habeen hore galay hotelka. Ciidanka dowladda,ayaa ku guuleysan la’ ilaa iyo hada in ay soo afjaraan hawlgalka,waxaana gudaha hotelka laga dhex maqlayaa qaraxyo iyo rasaas xoogan. Inta badan Dadkii ku go’doonsanaa gudaha Hotelka,ayaa laga soo badbaadiyay. 20-Qof,ayaa ku geeriyooday weerarka,waxaana ku dhaawacmay 30-kale. Hawlgalka lagu sifaynayo Hotel Xayat,ayaa noqonaya midkii ugu wakhtiga dheeraa ee Alshabaab lala galo.
Argagixisadu waxay fuliyaan 6-nooc weerar oo kala ah… 1.Madax jabin” Waa nooc inta badan ay ku dilaan Qof kaliya oo bar tilmaameed ah. Dhaqaale yar,ayaa uga baxa fulintiisa. Diyaarintiisana mudo badan uma baahna. 2.Qaraxa geesaha Wadooyinka” Waa Qarax ay ku dhex sameeyaan Qasacadaha Caana-booraha,waxayna ku bartilmaameedsadaan hal Baabuur ama Hal Qof oo macno leh. Sidoo kale qaali kuma ah samayntiisa,isla markaana diyaarintiisu uma baahna wakhti badan. 3.Qaraxa Xanjada” Waa Qaraxa ay badanaa ku dhajiyaan Baabuurta masuuliyiinta dayacan. Qiimaha dhaqaale ee uga baxa samayntiisa aad uma badna. Diyaarintiisa wakhti uguma baahnna la sheego. 4.Qaraxa Suunka” Qaraxa Suunka waa mid ay Qof…
Tirada Dadka ku naf waayay weerarkii Hotel Xayaat ee Muqdisho,ayaa waxa ay gaartay 13-Qof, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay taliye ka tirsan Ciidamada Amniga Xamar. “Waxa aan helnay war ah in shan qof oo kale la xaqiijiyay in ay dhinteen taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13-Qof oo rayid ah oo ku dhintay weerarka ay qaadday argagixisadu,” ayuu Maxamed Cabdulqaadir u sheegay AFP. Sarkaslks,ayaa waxuu kaloo sheegay in la soo badbaadiyay Dad u badan rayid oo ku sugnaa Hotelka. Sarkaalkan oo si hoose ula hadlay Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ku dhawaaqi doonaan marka howlgalka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku soo gaaray Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan, ayaa dhaggax dhigay Wado Isku xiri doonta magaalooyinka Sheerbi, Dhahar iyo Xingalool,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waa fariin toos ugu socoto hogaaminta Xasan weerarka Hotel Xayaat. Markii uu talaabo ka qaadi waayay kooxdii Fahad ee Nabar iyo Naxdin ayay iyagii soo weerar tageen. Sirdoonka iyo Booliska ayay sidoodii udhex fadhiyaan oo ka haystaan boosaskoodii. Madaxweyne Xasan Sadex jeer buu tagey Taliska Booliska oo Xijaar la kulmay maxayse taraysaa oo uu Xijaar hayaa? Kooxda Fahad ee khatarta ah waxay joogaan Isbaaro ilaa Talye Degmo,waxayna weli maamulaan goob walba oo amniga muhiim u ah. In Hotel ku yaala bartamaha Magaalada lasoo weeraro oo lasoo dhaafo dhamaan isbaarooyinkii sugida amniga Caasimada ma’ahan wax iska dhacay. Xeer ilaalintu waa in…
Shilinka Kenya,ayaa Jimcihii si weyn u xasilloonaa marka loo eego sarrifka dollar, iyadoo bixinta doollarka iyo dalabkiisuba ay bilaabeen inay sare u kacaan, kadib markii uu hakad ku yimid xilligii doorashada, sida ay sheegeen ganacsatadu. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa Isniintii guddiga doorashada Kenya ay ku dhawaaqeen in uu yahay madaxweynaha dalkaasi, balse musharaxii laga adkaaday ee Raila Odinga ayaa sheegay in natiijada lagu dhawaaqay uu maxkamadda sare la aadi doono. Bangiyada ganacsigu ayaa laga soo xigtay in shilinku ahaa 119.65/85 halkii dollar, marka la barbar dhigo qiimihii uu ahaa khamiistii oo ahaa 119.60/80. “Dalabku waa hooseyay…
Ciidamada ammaanka Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa la sheegayaa in ay soo afjareen Maleeshiyadii ka dagaalamaysay gudaha Hotel Xayaat. In ka badan 10-saac ayay Ciidamada Dowladda kula dagaalamayaan kooxdan oo aan tiradooda la sheegin gudaha Hotelka. Warka soo afjarida weerarka Hotel Xayaat ma’ahan mid si toos ah uga soo baxay Dowlada Somaliya ama ay Warbaahintu si madax banaan uxaqiijisay. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ilaa haatan dowladda ma aysan shaacin hase yeeshee gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho,ayaa sheegay in ay 20-Qof ilaa xalay geeyeen isbitaalada kala duwan ee magaalada Muqdisho. Warar ubadan kuwa baraha Bulshada dhex yaacaya,ayaa sheegaya ilaa…
Faah faahino dheeraad ah,ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho. Rag hubeysan,ayaa gudaha u galay Hotel Xayaat,iyagoo ilaa iyo hada ka dhex-dagaalamaya. Waxaa la helayaa xogta khasaarihii ka dhacay Hotelka oo hordhaca,waxaana dhimashadu gaaraysaa10-Qof iyo dhaawac ka badan intaas. Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir Muxyidiin Warbac,ayaa ka mid ah Dadka ku dhaawacmsy weerarka,waxaana soo gaaray dhaawac fudud oo dhinaca Lugta Bidix ah. Ciidamadda Alfa-group,Haramcad,Danab iyo Booliska,ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka. Maleeshiyada Alshabaab,ayaa saaran Dabakha ugu sareeya Hotel oo ay kasoo dagaalamayaan. Jibril Qoobey.
Weerar qaraxyo ku billowday ayaa caawa lagu qaaday hotel Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Laba Baabuur oo Walxaha qarxa laga soo buuxiyay,ayaa lala beegsaday Hotelka. Qaraxa koowaad,ayaa lagu dhuftay Hotelka, waxaana daqiiqado ka dib la qarxiyay Gsarigii labaad. Waxaa laga cabsi qabaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lagama hayo xog sugan. Ciidanka booliska ee Haramcad,ayaa gudaha u galay Hotelka hadda,waxaana weli caddayn waxa ka socda gudaha hotelka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya inay galeen koox hubeysan. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxayna intaas ku dartay in dagaalyahanadeeda ay gudaha…
Duqa caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo,waxuu maamulaa Sanadkii dhaqaale kasoo baxa gudaha Magaalada oo gaaraya 2-Milyan oo dolar Sanadkii. Xiligan Lacagtaas Magaaladu leedahay way ka qatan tahay. Lacagtaas laguma qaban dhismaha Wadooyin ay ubaahan tahay Magaalada. Lacagtaas laguma dhisin Beero ay Dadku ku nastaan oo ay baahi weyn ay uqabto xiligan. Lacagtaas laguma samayn nadiifin iyo kor uqaadid bilicda Magaalada oo aad udayacan. Dhaqaalahaas,waxuu ku baxaa musuq iyo danaysi gaar ah.. 1.Wasiirka markaas jooga Arimaha gudaha oo Duqu hoos tago Bil walba,waxaa meel loogu shubaa dhaqaale gaaraya 5-10-kun oo dolar si uu Kursiga ugu hayo Duqa. 2.Odoyaasha Qabiilada ee sheegta…
Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto,ayaa sheegay inaan la joogin xilli waqti lagu lumin karo doorashadii dhacday, isla markaana ay sugayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo murashaxii laga adkaaday ee Raila Odinga uu diyaariyay tartan xagga sharciga ah oo uu ku doonayo inuu kaga hortago guul-darradii ka soo gaartay doorashadii dhacday 9-kii Agoosto. Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Ruto yahay madaxweynaha dalkaas, kadib tartan adag oo uu ku doonayay inuu ku hoggaamiyo waddanka ugu qanisan bariga Afrika, balse afar ka mid ah toddobada guddiga doorashada ayaa kasoo horjeestay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga…
Wasaaradda difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ay ciidamo u dirayso Ruushka si ay uga qayb qaataan dhoolatus milatari oo wadajir ah. Dhoolatuskan oo billaaban doona dhammaadka bisha Ogosto, wuxuu socon doonaa muddo saddex toddobaad ah, waxayna astaan u tahay xoojinta xiriirka labada dal. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo Moscow ay wajaheyso cunaqabateyn caalami ah oo ku saabsan duulaanka ay ku qaadday Ukraine. Hindiya, Belarus, Mongolia iyo Tajikistan ayaa ka mid ah tiro dalal kale oo iyaguna loo qorsheeyay inay ka qayb qaataan dhoola-tuska,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Dowladda Ingiriiska,ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo Pound inay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo Ciidanka ammaanka dalka. Kulan ay Muqdisho ku wada qaateen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka UK ee Somaliya, Kate Foster, ayaa lagu shaaciyay in Britain ay deeqdani uga tala gashay bixinta taageerada saadka iyo sahayda kale ee Ciidanka. Danjire, Kate Foster ayaa tiri “Maalgelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo…
Gaalkacyo Maanta maalin ay ka wanaagsan tahay majirto markii lagu qiimeeyo 30-kii sano ee udanbeeyay xaalkeeda. Hal arin,ayaa khatar amni iyo maamul ku ah, guud ahaan Gobolka Mudug. Arinkaas waa Niman sheegta Nabadoono oo kaba shaqaysta dhibka iyo dhibaatada maalinlaha ah. Lama tuso nidaam dhisma,kala danbayn,dhib la xaliyay iyo shaqo soo afjarantay oo lagu guulaystay. Nabadoonada waxaa xiligan ugu Shar badan Ildheere iyo Gaani. Midkiiba 30-Qof,ayuu dhalay,waxuuna urabaa Nolol maalmeed,Waxbarasho iyo Shaqo abuur,waxayna dhaqaalahaas ay ku maaraynayaan culayskaa xooga badan ee saaran ay kusoo saaraan Afmiishaarnimo. Labada Nabadoon waa isdhaamaan oo Gaani,ayaad moodaa in uu aragti roon yahay. Tusaale” Ildheere…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash todobaadkan waxaa looga hadlay Amniga guud ee dhammaan degaanada Puntland, Gurmadka iyo Garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen. Waxaa lagu ansixiyey wax ka badelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah qodobadiisa 18-aad iyo 30-aad oo ku saabsan Maalmaha Shaqada iyo Saacadaha Shaqada, kaasi oo ay Golaha usoo gubisey Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DPL. =DHAMMAAD=XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
انا لله وانا اليه راجعونAlle ha u naxariisto waxaa goordhow Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Ilaahay qabriga ha u waasiciyo ha una naxariisto. Allaha janadii fardowsa makaankiisa ha yeelo amiin amiin
Wafdi ka socda Kongareeska Mareykanka ayaa gaaray Kenya si ay ula kulmaan madaxweynaha cusub ee la doortay iyo mucaaradka oo ay u badan tahay i ay u gudbiyaan dacwad Maxkamadda Sare oo ku saabsan guuldaradii doorashadii ka dhacday Kenya oo ah dalka dimoqraadiyad ahaan ugu xasilloon Bariga Afrika.Safiirka cusub ee Maraykanka u fadhiya Kenya, Meg Whitman, ayaa sheegtay in wafdiga uu hoggaaminayo Sen. Chris Coons ayna sidoo kale la kulmi doonaan madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo la wada ogyahay u aamusnaa tan iyo doorashadii si nabad ah u dhacday 9-kii Agoosto.Madaxweynaha la doortay ee William Ruto…
The Ethiopian government called Wednesday for a formal Tigray ceasefire agreement to be reached as soon as possible to enable the resumption of basic services to the war-stricken northern region. A committee established in June to explore the possibility of talks with Tigrayan rebels said it had drawn up a “peace proposal” to try to end the war, which erupted in November 2020. In order to ensure a sustained provision of humanitarian aid as well as to facilitate the resumption of basic services and also to resolve the conflict peacefully; the committee has underscored that there is a need to…
The UK Government has reinforced its support to the Somali Security Forces (SSF) through an additional contribution of £2.3 million to the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) Trust Fund. The new funding was announced during a meeting between the newly re-appointed Minister of Defence H.E Abdulkadir Mohamed Nur and UK Ambassador to Somalia, Kate Foster. The new contribution to the UNSOS Trust Fund will enable the provision of critical, non-lethal logistical support, including food, medical evacuation and other supplies. British Ambassador to Somalia, Kate Foster said: The UK’s £2.3 million contribution to the UNSOS Trust Fund will be…
Waxaa la yaab leh sida Xididtinimadu door weyn ugu leedahay maamulka Mustafe. Tusaale” 1.Wasiirka Xaafiiska Xoolaha waxay Ilmo Habreed yihiin Axmed Shide. 2.Wasiirka Warfaafinta,waxuu qabaa Axmed Shide Walaashiis. 3.Talyaha Ciidamada Maleeshiyaadka,waxay Ilmo Abti yihiin Xaaska Madaxweyne Mustafe. 4.Hooganka Nabadgalyada,waxaa dhashay Caasho Dool oo waxay Ilmo Abti yihiin Talyaha Ciidanka Maleeshiyada Madaxweyne Mustafe waa u Seedi labadaba. 5.Wasiirka Xafiiska Hawlaha Guud,waxuu Adeer u yahay Xaaska Madaxweyne Mustafe. 6.Gudoomiyaha Gobolka Liibaan,wuxuu Sodog uyahay Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga. 7.Wasiirka Xoolaha waxay Ilmo Habreed yihiin Gudoomiyaha Gobolka Liibaan. 8.Wasiirka Dooxooyinka,waxaa Caruur udhashay Xaaski hore ee Madaxweyne Mustafe oo Caruurtooda,ayaa xaga Hooyo Walaalo ka…
Shalay Madaxweyne Mustafe,waxuu sameeyay isbadal laamaha amaanka. Maxamed Xasan Axmed madaxa Booliska Deegaanka,ayaa laga dhigay. Sidoo kale Sakariye Cabdi Khaliif,waxaa laga dhigay ku xigeenka Booliska. Labada masuul ee loo dhiibay hogaanka Booliska,waxaa lagu dhaliilaa in ay horay uga gaabiyeen wax ka qabadka amniga sida… 1.Amniga Magaalooyinka.2.Dadka soogalootiga ah la socodkooda.3.Dhalinyarada China Group loo yaqaan. Madaxa Booliska cusub waxuu soo noqday Maareeyihii Kuliyada Booliska,waxuuna kasoo jeeda Gobolka Liibaan,waxaana meesha keensaday Axmed Shide. Shide,waxaa lagu dhaliilaa in saamigii Gobolada Liibaan iyo Dawa uu ku buuxiyey hal Qoys oo wada Xidid ah sida.. B.Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Somalida Eng.Shaale. T.Wasiirka…
Mareykanka ayaa Talaadadii ku boorriyay shacabka Kenya in ay is-dejiyaan oo ay dulqaad muujiyaan, maalin kadib markii William Ruto lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, isaga oo isla markiiba loollan ku aaddan natiijada doorashada kala kulmay Raila Odinga oo la tartamay. “Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan si nabad ah in lagu xalliyo walaac kasta oo jira oo ku saabsan doorashooyinka, iyada oo loo marayo hababka xallinta khilaafaadka ee jira,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price. “Waxaan ka codsanaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan ku boorrinta taageerayaashooda inay nabad ahaadaan…
Xasan cid aan isaga ahayn in la sheeg sheego marabo,waana sababta kulankii Wasiirada loo macno tiray. Villa-da oo aan rabin in Xaafiis kale saamayn yeesho,ayaa la hartay waxii magacaabis ahaa. Waxaa la filayay in lagu shaaciyo Shirka Wasiirada Talyayaal,Maxkamada iyo Xeer ilaalinta,Agaasimaha socdaalka iyo Safiiro. Waxaa iswaydiin mudan ra’isalwasaaruhu ma fahmi waayay in Umadda horteeda lagu bahdilayo? Sidee ku aqbalay in Shirkiisii Wasiirada ee loo dheg taagay laga dhigo waxaan macno lahayn? See ku aqbalay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ilhmaayntiisa,isaga loosii maro? Xamse,waxaa horayba loo dhaliilay bararakoolka Xaafiiskiisa oo ugu horeeyaan Labiskiisa iyo qaabilaadiisa. Jibril Qoobey.
Wax la filan karo ma ahayn in raysalwasaarihii Caawa lasoo shirtago Dowladaha iyo hay’adaha caalamku wixii kaalmo ah hasoo mariyaan Dowlada,iyadoo uu jiray Ergay gaar ah. Sidoo kale in uu noqdo Afhayeenkii Shirka ra’isalwasaarihii waxay noqotay wax kale oo lays waydiiyo. Shirkii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirada Fadaraalka ee caawa in uu kusoo koomo in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Mashruucii abaarta looga daba tago waa la yaab. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa Oday soo halgamay,waxuuna eersaday saamaynta u muujiyay warka Xamse akhriyayna waa mid lasoo marsaday oo toos uga yimid Madaxweyne Xasan. Midowga Yurub,Khaliijka iyo Maraykanka,ayuu isku daba ritay intii la filan karay…
Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Marxuum Cabdirixiin Xaaji Bashiir ( BURCI )oo ku geeriyooday Muqdisho Saakay oo taariikhdu ahayd 16-8-2022. Dhamaan ehelkoo dhan samir iyo imaan haka siiyo si gaar ah Qoyska reer Faahiye oo idil. Bahda Warbaahinta Idil News,waxay leedahay rabi ha’unaxariisto samir iyo imaana hanaga wada siiyo Marxuum Burci.
Waxay ubadan Caawa in lagu dhawaaqo Talyayaasha Police-ka iyo Milatariga Somaliya si kulanka Wasiirada ee maalinta khamiista loogu ansixiyo. Talyihii hore ee Police-ka Saacid oo Puntland kasoo jeeda,ayaa laga yaabaa in uu qabto booskaas. Jeneral Koronto,ayaa isaguna qayb ka ah raga loo badinayo in ay qabtaan Talyaha Mileteriga. Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho,ayaa lafilayaa inay qayb ka noqdaan magacaabida la sugayo caawa saq dhexe.
Afar xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada Kenya,ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan go’aankii ay shalay ku diideen natiijada doorashada. “Hanaanka tirinta codadka,waxuu ahaa mid mugdi uu ku jiro,ayay yiraahdeen Xubnahaas. “Aragtideena waxay tahay in natiijada doorashada ee uu ku dhowaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ay tahay waxba kama jiraan ayna qasab tahay in lagu baabi’iyo sharci Maxkamadeed”Ayay yiraahdeen XUbnahaas. Isaga oo u hadlaya kooxda guddiga doorashada ee diidan natiijada ayaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga Juliana Cherera waxay maanta sheegtay in natiijada guusha siisay William Ruto si khaldan loo xisaabiyey. Guddoomiyaha guddiga, Chebukati ayaa shalay sheegay in…
Gudiga doorashadu waxay toos ugu dhawaaqeen in uu Ruto Madaxweynaha Dalka yahay. Hanbalyada caalamkuna waa iska soo daba dhacaysa. Odinga oo aan hayn cadaymo la taaban karo oo wax isdaba marin muujinaya,ayaa soo hadlay oo yiri waa diiday natiijada doorashada Maxkamad,ayaana aadayaa. Waxay umuuqataa in wakhtigu uusan saacidayn Odinga fursado badana uusan uheli doonin kadaba tag doorashada dhacday. Dhanka kale Kenya sidii hore ma ahan oo waxaa isbadalay wax badan oo sharcigu ku jiro wayna adkaan doontaa rabashado iyo kacdoon in ay abuurmaan.
Laba maalmood ka hor,waxaa yimid Garowe wefti sare oo ka socda Taliska Africom. 2-saac oo ay si gaar ah ula fariisteen Madaxweyne Deni,waxay ugudbiyeen Afar Qodob oo kala ah… 1.In uu Sharciyada hay’adaha amaanka dhamaystiro horgeeyana Baarlamaanka. 2.In la mideeyo dhamaan hay’adaha amniga,si gaar ah Pisa iyo mida ina Xaaji Khayr. 3.In ay talo ku yeeshaan Qofka loo dhiibayo hay’adaas. 4.In uu PSF faraha ka qaado fuliyana wixii ka dhiman heshiiskii ay wada gaareen. Laba sano ka hor,ayay Maraykanku Qodobadan oo kale hor dhigeen balse muusan qaadan Madaxweyne Deni. Maraykanku waxay diyaar uyihiin in ay Qalab,tababar iyo dhaqaale si buuxda…
Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka,ayaa Isniintii ka hortimi dedaallada lagu doonayey in lagu shaaciyo qoraal ay u direen maxkamadda oo markhaati fur u ahaa, sababaha ay ku doonayeen in maxkamaddu ay ugu ogolaato in la baaro Guriga Madaxweynihii hore ee Donald Trump ee ku yaalla Gobolka Florida. Waaxda Caddaaladda,ayaa sheegtay in Warqadda markhaatiga “affidavit letter” ee la xidhiidha baadhista ay sameeyeen ee loo diray maxkamadda, in ay ku xusan yihiin “arrimo badan oo xasaasi ah” iyo weliba magacyada markhaatiyo aanay ahayn in xogtooda la shaaciyo. Tallaabada ay qaadday Waaxda Caddaaladda,ayaa timi ka dib markii dhawr hay’adood oo warbaahineed oo ay ku…
Ammaanka dalka Kenya,ayaa aad loo adkeeyay ayadoo ciidamada rabshadaha ka hortaga xalay la arkayay iyagoo lagu daabulayo meelaha qaar oo ay ku jiraan deegaano kamid ah magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Waxaa jirta laga cabsi qabo inay dhacaan rabshado ka dhasha ku dhawaaqistii natiijada doorashadii Kenya ka dhacday oo uu shalay ku guulaystay xilka madaxtanimada dalkaas William Ruto. Magaalooyinka qaar,ayaa looga dabaal dagay guusha William Ruto inkastoo ay jiraan magaalooyinka qaar oo ay ku noolyihiin taageerayaasha musharaxa aanan wali natiijada aqbalin ee Raila Odinga oo xalay caro iyo xanaaq uu gabalku ugu dhacay.
Siyaasadu waa fursad aan la dayicin haday kusoo marto laysmana siiyo fursadaheeda. Mudo xileedkii hore Madaxweyne Xasan Sh waxuu bixiyay fursado qiimo macno leh ulahaa ragii la tartamayay ee Farmaajo ka mid ka ahaa. Balse Farmaajo mudo xileedkiidii ma bixin hal fursad siyaasadeed oo ay ka faa’idaysan kari lahaayeen mucaaradkiisii. Waxuu Gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ilaaladiisii ku duugay Kabaha. Waxuu Hawada ka xirtay oo udiiday duulimaad Labadii Madaxweyne ee kaga horeeyay talada oo mid ka mid ah uu yahay gardaadiyihiisii Siyaasada. Waxuu Hotelkii uu deganaa ku weeraray oo Hoygiisii go’doomiyay Madaxweynaha hada talada haya ee Xasan Sh. Waxuu…
Abiy si weyn,ayuu usoo dhaweeyay guusha Ruto oo uu arko Nin dhex-dhexaad ah oo ugu yaraan meel dhexe wax ku haynaya. Sanadihii udanbeeyay Abiy iyo Uhuru iskuma wacnayn oo waxaa lagu xamanayay Uhuru dhanka Tigreega. Guusha Ruto,waxaa kaloo ku farxay Madaxweyne Musefeni oo ka wal wal qabay Odinga. Musefeni,waxuu u arkaa Rutu Nin uu Siyaasada ugu noqon karo Oday Goboleed. Sidoo kale Madaxweynaha S.Sudan,ayaa si diiran usoo dhaweeyay guusha doorasho ee uu gaaray Ruto. Ruto,waxaa lagu tilmaamaa Nin aad ugu mashquula arimaha gudaha Kenya,isla markaana aan faragalin arimaha gudaha ee Dowladaha dariska ah. Balse waaqiciga siyaasiga ee Bariga iyo Geeska…