Abiy si weyn,ayuu usoo dhaweeyay guusha Ruto oo uu arko Nin dhex-dhexaad ah oo ugu yaraan meel dhexe wax ku haynaya. Sanadihii udanbeeyay Abiy iyo Uhuru iskuma wacnayn oo waxaa lagu xamanayay Uhuru dhanka Tigreega. Guusha Ruto,waxaa kaloo ku farxay Madaxweyne Musefeni oo ka wal wal qabay Odinga. Musefeni,waxuu u arkaa Rutu Nin uu Siyaasada ugu noqon karo Oday Goboleed. Sidoo kale Madaxweynaha S.Sudan,ayaa si diiran usoo dhaweeyay guusha doorasho ee uu gaaray Ruto. Ruto,waxaa lagu tilmaamaa Nin aad ugu mashquula arimaha gudaha Kenya,isla markaana aan faragalin arimaha gudaha ee Dowladaha dariska ah. Balse waaqiciga siyaasiga ee Bariga iyo Geeska…
Author: Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa bogaadin udiray Madaxweynaha la doortay ee Kenya Ruto. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweyne Deni,ayuu ugu hanbalyeeyay Madaxweyne Ruto.
Odinga,waxuu ahaa Siyaasiga kaliya ee si cad ula soo istaagay in uu ka jarayo Somaliya Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Sidoo kale,waxuu ahaa Siyaasiga Kenyanka ah ee si waadixa ugu dhawaaqay in uu kasoo saarayo Ciidamada Kenya Kismaayo. Faarax Macalin iyo Odinga waxay ku wada socdeen sidii Somaliya loo kala goyn lahaa Somaliland heshiis ayay kula galeen oo dhaqaale fara badan ayay kaga qaateen qorshahaas. Hadii Qof Siyaasada Kenya ee ku wajahan Somaliya laga fili karay la yaab cusub,waxuu ahaa Odinga. Balse Mida iswaydiinta mudan waxay tahay Farmaajo iyo kooxdiisu sootay Faarax Macallin ku faanayeen guushiisa goormay Odinga coloobeen?? F&F iyo…
Siyaasada Kenya ee ku aadan Somaliya in aysan waxba iska badalayn ayay ubadan tahay. Ruto waa ku khasban yahay in uu aqbalo heshiiskii Madaxweyne Xasan shiikh la galay kenya,sababtoo ah heshiiskaas waxaa faai’do badan ku qabta Kenya. Heshiiskaas,waxaa ugu muhiimsanaa Qodobka Qaadka laga gaaray sida muuqata codadka ugu badan Wiliam Ruto waxa uu ka helay Gobolka Meru. Ciidamada Kenya ee jooga Jubaland Aadan Bare Ducaale iyo Ruto labadaba xiriir baa kala dhaxeeya. Sadex Qodob oo ay ku salaysan tahay Siyaasada Kenya ee ku wajahan Somaliya waa danta Qaran Kenya… 1.Ciidamada jooga Jubaland.2.Qaadka3.Shaqaalaha Siyaasada dibada marna Uhuru yo Ruto iskuma khilaafin…
Muqdisho, Ogostoo 15, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka. “Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u…
Gudoomiyaha Guddiga mabaxbannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Mr. Wafula Chebukati ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in William Samoei Ruto ku guuleystay doorashadii madaxweynimo ee Kenya. William Ruto oo 9-kii sano ee la soo dhaafay ahaa madaxweyne kuxigeenka Kenya ayaa ka adkaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga. Ruto, 55 jir, waxa noqonayaa madaxweynihii shanaad ee dalkaas.
Guddiga doorashada iyo xuduudaha ee Kenya, ayaa laba garab u kala qeybsamay, iyadoo la sugayey in lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah ee doorashadii guud ee ka dhacday dalka Kenya. Waxaa la sugayey ku dhawaaqista natiijada illaa iyo 03:00 Galabnimo ee maanta. Sida uu qabo sharciga Kenya, natiijada waa in lagu dhawaaqaa 16ka Ogosto. Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga, kaasoo la yiraahdo, Saitabao Kanchory, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada doorashada. Wuxuu intaa ku darey, mar haddii arrini sidaasi tahay, aanay ka codsan doonin musharaxooda Madaxweynenimo inuu yimaado xarunta lagu ururinayo natiijada…
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa hoggaaminaya natiijada tartan adag oo ay ku loollameen hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, sida ay Isniinta maanta ah muujiyeen natiijooyinka ay soo wariyeen warbaahintu, iyadoo ay socoto munaasabadda ku dhawaaqista qofka guuleystay. Tirinta codbixintii Talaadadii hore oo si gaabis ah ku socotay ayaa walaac ka abuurtay dalkan ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika ee ay soo mareen taariikho dhow oo doorasho ay rabshado ka dhasheen ka dib markii lagu murmay. Natiijadii 26% ee codadka ay sida rasmiga ah u tiriyeen guddiga doorashada ee Sabtidii la shaaciyay ayaa Odinga waxa uu haystay 54% codadkii la tririyay…
Garoowe: 15 August, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland. Kulankan ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhegaystay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, falanqeyn iyo dib-u-eegis lagu sameeyay qiimaha Buugaagta iyo sidii culayska looga yareyn lahaa Waalidka, waxaa Kulanka laga soo saaray go’aamadan. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta.…
Dhaqaalaha Sacuudiga ayaa ah dhaqaalaha ugu kobaca badan caalamka isagoo soo bandhigay 7.6 boqolkiiba inta lagu guda jiro sanadkan 2022, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF. Qiyaasta IMF ayaa waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Maalgashiga Sacuudiga (MISA) intii lagu guda jiray sii deynta warbixintii dhaqaalaha iyo la socodka maalgashiga Sacuudiga Axaddii oo ku saabsaneyd horumarradii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Sacuudiga ee rubuci labaad ee 2022. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay. Qiyaasta IMF ayaa muujisay in dib-u-habaynta dhaqaale, dhisme iyo sharci ee Boqortooyada ay horseeday xoogga dhaqaalaha Sacuudiga, marka lagu daro ka qayb qaadashada sii wadida kobaca…
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin,ayaa ballan qaaday “in uu ballaarin doono xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya” Kuuriyada Waqooyi. Warqad uu u diray dhiggiisa dalkaas, Kim Jong-un, oo uu ku aaddiyay xuska maalinta xoreynta Pyongyang, ayuu Putin ku sheegay in tallaabadan ay noqon doonto mid ay labada dalba dan ugu jirto. Warqad jawaab ah ayuu Kim isagana dhankiisa ku sheegay in saaxiibtinnimada labada qaran ay soo billaabatay markii Japan looga guulaystay Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Waxa uu intaas ku daray in “saaxiibtinnimadooda” ay sii xoogaysan doonto. Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa shaacisay xogta ku jirtay warqadaha ay isku direen madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin…
Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa sheegtay maalmaha soo socda iney shaacineyso arrin si weyn u faraxd gelinayo dalka Pakistan oo ay saaxibbada dhaw yihiin. Warkan oo aan ka soo xigannay BBC Hindi oo soo xigatay Wargeyska Jang ayaa sheegaya Riyadh iney go’aan ku gaartay lacag dhan 3 balyan oo doolar inay ku shubto bangiyada Pakistan si looga caawiyo dhaqaalaha dalkaasi ee sii xumaanaya. Wargeyska oo soo xigtay wakaaladda wararka boqortooyada Sacuudiga ayaa intaa ku daray toddobad gudahii wasaaradda maaliyadda Sacuudiga iney qorsheyneyso lacagtaasi iney ku shubto bangiga dowladda Pakistan. Sida oo kale Riyadh waxay shaacisay wax soosaarka saliida oo qiima ahaan ku…
Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee Kenya,ayaa soo xirmay. Afar murashax ayaa u tartamaysa xilka madaxweynaha. Codbixiyayaasha waxay sidoo kale dooranayaan gabarnatoorayaal, senataro, xildhibaanno iyo xubnaha golaha deegaanka. Guddiga Doorashada Kenya(IEBC) si ay u soo gudbiso isku darka natiijada hordhaca ee doorashada madaxweynaha. Si waafqasan sharciga Kenya, Guddiga doorashooyinka ee IEBC ayay tahay in ay shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha.
Shirkadda saliidda ee Aramco ee ay leedahay dawladda Sucuudigu, ayaa sheegtay in faa’iidada ay samaysay ay kor u kacday illaa 90%, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, taasoo ka sare martay faa’iidadii ay hore u saadaaliyeen inay xilligan helaan, waxaana sabab u noqotay iyada oo ay sare u kaceen baahida loo qabo xaddiga shidaalka la iibsanayo iyo saliida la sifaynayo ee suuqyada caalamka. Ka dib duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynadii kala duwanaa ee lagu soo rogay dalka Ruushka, ayaa keenay inay sare u kacaan baahida shidaalka ee dunidu, waana mid ka mida fursadaha ay ka faa’iidaysteen shirkadaha…
Booliska Australia,ayaa xiray nin hubaysan oo rasaas oodda uga qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Canberra , kaasoo sababay in rakaabkii diyaaradaha ay cabsi darteed u kala cararaan. Taliska booliska ayaa sheegay in ninkan uu xabado ku riday qaybta laga garo garoonka ee loogu talogalay dadka raacaya diyaaradaha. Lama soo tebin cid ay waxyeello kasoo garatay falkan oo dhacay galinkii dmabe ee maanta oo Axad ah. Durbadiiba waxaa la qabtay ninkii hubaysnaa, waxaana laga qaaday qoriga uu rasaasta ka ridayay. Balse ilaa hadda lama oga sababta ama ujeeddada uu ka lahaa falkaas. Dadka ku sugnaa garoonka diyaaradaha ayaa…
Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa goor dhaweyd u magacaabay Cabdisalaam Hadliye Omer Ergaygay Gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrka ee EAC, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay bogga Twitterka ee rasmiga ah ee madaxtooyada. Cabdisalaam Hadliye ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania, uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharraxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas. “Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna…
Pope Francis ayaa Axadii ku baaqay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay ula dagaallami lahayd abaarta halista ah oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay barakicisay hal milyan oo qof. Baadariga oo 85 jir ah ayaa soo jeediyay waxa uu ugu yeeray “dhibaatada bini’aadantinimo ee halista ah” ee ka jirta Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah waddamada ku xeeran isaga oo ka. hadlayay Vatican-ka. “Dadka gobolkan oo markii horeba ku noolaa xaalad aad u liidata, hadda waxay ku jiraan xilli ay dad u dhinteen abaarta,” ayuu yiri Pope Francis. “Waxaan rajeynayaa in si wadajir ah caalamku uga jawaabi karo xaaladda…
Maxkamada Racfaanka Ciidamada Qalabka sida Puntland,ayaa Xukuno iskugu jira Dil iyo dib udhigis Dacwadeed ku riday 5-Eedaysane oo Shabaab ah. Jaamac Aadan Cadiririxmaan Tusbaxle. Ayuub Cumar Shire. Cabdulahi Salaad Boos Mahoonge. Maxamuud Abshir Muuse Olyo. Cabdirixmaan Shirwac Ciise Laahoor oo maqane ah horayna Maxkamada darajada koowaad ay Dil toogasho ugu xukuntay dib,ayaa loo dhigay Xukunkiisa. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa goordhawayd geeriyooday Jeneral Cabdicasiis Siciid Gacmey (Baduugaaye) oo ka mid ahaa siyaasiinta caanka ka ah PUNTLAND. Marxuumka ayaa ka mid ahaa Asaasayaashii Dowladda Puntland,wuxuuna kasoo qabtay xilal kala duwan sida Wasiir,Taliyaha Ciidamada Booliiska iyo Xildhibaan kasoo mid noqday Gollaha Baarlamanka. Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo ehelkiisana samir iyo imaan haka siiyo.
Hogaamiyaha Mucaaradka ah ee Raila Odinga, ayaa ku Hoggaaminaya Tartanka Madaxtinimada Kenya, sida ay muujinayso natiijada rasmiga ah ee Doorashada Dalka Kenya. Codadkii la tiriyay in ka badan 26% ayaa Odinga waxa uu helay 54% halka Ruto uu helay 45%,sida ku cad natiijada ay soo saareen guddiga doorashada Kenya oo lagu soo bandhigay shaashad weyn oo ka dhacday xarun qaran oo ku taal caasimadda Nairobi. Dalka ugu qanisan Bariga Afrika uguna dimoqraadiyada firfircoon ayaa Talaadadii ay ka dhacay doorashooyin madaxtinimo, Baarlamaan iyo Deegaan.
NAIROBI, Aug 13 (Reuters) – Veteran opposition leader Raila Odinga led Kenya’s presidential race, official election results showed on Saturday, pushing Deputy President William Ruto into second place. With just over 26% of votes counted, Odinga had 54% and Ruto had 45%, according to results provided by the Kenyan election commission and displayed on a large screen at a national tallying center in the capital, Nairobi. East Africa’s wealthiest nation and most vibrant democracy held presidential, parliamentary and local elections on Tuesday.
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta. Deeqda oo ka kooban 90 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay. Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.
An Emirati ship carrying more than 1,000 tonnes of food and relief supplies has arrived in Somalia to support millions of people affected by the country’s worst drought in decades. The crucial shipment was delivered to the port of Mogadishu in the African country, following directives by President Sheikh Mohamed. The delivery was overseen by Emirates Red Crescent, the Zayed bin Sultan Al Nahyan Charitable and Humanitarian Foundation, and the Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation. Authorities have started distributing supplies to families in need and displaced people. The aid will support about 2.5 million people affected by severe droughts caused by a…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda. Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe. DHAMMAAD. XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Dalka Kenya oo sadexdii maalmood ee lasoo dhafay ay ka socotay tirinta codadka doorashadii Talaadadii ka dhacday ayaa waxaa soo baxaya muran iyo buuq hareeyay xarunta xaqiijinta codadka ee Bomas ee magaalada Nairobi kuwaasoo dhexmaray xubno ka kala socday labada xisbi ee sida weyn ugu loolamaya doorashada. Sidoo kale guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in la’la yahay mid kamid ah musuulyiintii gacanta ku hayay natiijada codadka deegaanka Bariga Embakasi. Ma kala cadda xilligga lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah balse guddiga doorashada Kenya ayaa bilaabay inay xaqiijiyaan codadka doorashada ee guud ahaan 290- deegaan baarlamaaneed. Guddiga doorashada ayaa si…
Isagoo aan wax caddayn ah bixin, ayaa xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Kenya waxa uu sheegay in doorashada lagu shubtay, taasoo sii kicisay walaaca shacabka Kenya Jimcihii, iyadoo warbaahintu ay si weyn u soo taboneyso tirada kala horreynta codbixinta aan rasmi ahayn, Kaliya guddiga doorashada ayaa awood u leh in ay ku dhawaaqaan cidda ku guuleysatay, balse tirada ay warbaahintu sameysay ayaa loo arkayay in ay gaashaanka u daruurtay eedeymaha musuq-maasuqa ah ee horay u dhaliyay rabshado. Kenya oo ah dalka ugu qanisan, uguna xasiloonida badan Bariga Afrika, ayaa sidoo kale leh taariikh muranno gacan ka hadal ah…
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP, qaybo badan oo ka mida qaaradda Yurub ayaa la baaxaa-degaya abaaro xooggan oo ku dhuftay oo keenay inay qalalaan webiyadii, kalluunkii ku noolaa biyaha webiguna uu halkaas ku dhintay, sida ka dhacday gobolka Burgundy eek u yaalla dalka Faransiiska. Sidoo kale dalka Spain ayaa laga soo sheegayaa in meelo badan oo biyo fadhiisin ahaa inay qalaleen, iyada oo keentay inay hoos u dhacaan heerka biyaha ee qaybo badan oo ka mida dalkaas. Wararka ayaa sheegaya in dalal badan oo ku yaalla qaaradda Yurub inay haatan la tacaalayaan abaaro aanay hore u arag oo…
Hay’adda FBI-da Maraykanka,ayaa ka heshay Guriga Madaxweynihii hore ee Donald Trump, dokumentiyo lagu calaamadiyey inay yihiin “Sir Qaran” oo loo ogol yahay inay arki karaan oo keliya dad koobani, sida ku xusan qoraalkii ogolaanshaha ahaa ee lagu baadhay guriga madaxweynihii hore oo uu baahiyey garsoorihii amarkaas saxeexay. Qoraalka ka soo baxay maxkamadda ayaa muujinaya in saraakiisha FBI-du inay ka soo heleen guriga madaxweyne Trump, illaa 11 diiwaan oo ah macluumaad sir ah oo aan loo ogolayn inay dad koobani arki karaan, sida ku cad waraaqda diiwaanka ee ay maxkamadda u gudbiyeen saraakiisha FBI-du ka dib markii ay baadhista dhameeyeen. Saraakiisha…
Toogashada Afka lasoo duubtay ee ka dhacday Caawa Hargaysa waa tilaam khatar ah iyo bilow burbur oo walwalkiisa leh. Caawa Nin hubsaysan ayaa saddex qof ku dilay Hargeysa, laba Qof ayaa Dhaawac ah, halka uu Qof Geeriyooday. Beelaha Habar Yoonis iyo Ciidagale ayay udhasheen Dadka Caawa weerarkaas lagu fuliyay. Lama qaban Cidii fulisay weerarkaas,waana ka baxsadeen goobta. Faysal iyo Cirro oo kala hogaamiya Labada Xisbi Mucaarad,ayaa kasoo kala jeeda Beelaha Dadkooda Caawa Afka loo duubtay.
Halkan ka daawo muuqaalka
Dowlada Ugandha marnaba dani uguma jirto Somaliya oo nabad diidka iska xoraysa ciidan keeduna amniga dalka sugaan laba sababood awgood… 1.Mida koobaad waa dhaqaalaha xad dhaafka ah ee Ciidanka Somaliya ka jooga uga soo xarooda. Askari kasta oo Uganda udhashay kana mida Ciidanka hawlgalka Atmis ujooga Somaliya mushaarkiisa Dowlada Ugandha waxbay ku leedahay gaar ahaan Qoyska Madaxweynaha. Sidoo kale dhaqaale gaara ayay Dowlada Ugandha uga qaadataa Dowladaha taageera,kasoo kubaxa tababarada Ciidankaas la siinayo,Qalabkooda iyo Rasaastooda. 2.Mida labaad waa in Ciidanka Ugandha ee faraha badan cabsidana ay ka qabaan Qoyska Madaxweynaha in ay af Gambiyaan shaqo abuur loo sameeyo,si gaar ah…
Cabdi Cali Siyaad Garfaydhe,waxaa loo dhiibay hogaanka Ciidanka Liyuu Booliska oo kasoo jeeda Beesha R.Isaaq. Sidoo kale,waxaa ku xigeen looga dhigay Cabdiraxman Axmed Nuur oo kasoo jeeda Beesha R.Cabdille. Xaaji Tuur iyo Sakariye oo ahaa hogaankii iyo ku xigeenkii Ciidanka,waa la badalay. Hogaankii hore,waxaa galaaftay dhawr dhacdo oo isku xig-xigay oo ay ugu danbaysay weerarkii Canfarta. Canfarta oo wadata Maamulkeedii iyo Ciidankeedii,ayaa soo weerartay Xoolo dhaqato Deegaanka Somalida ah. Kadib Ciidankii fadhiyay Galbeedka Siti,ayaa lasoo xiriiray hogaanka Xaajo Tuur,waxuuse ku amray in aysan dagaalkaas gelin Xoola dhaqatada islaynaysana ukala hiilin. Balse Ciidanka oo xog ogaal ahaa,ayaa amarkaas ka gadooday galayna…
Madaxweyne Laftagareen,waxaa lagu soo wareejiyay Saad ubadan Rasaas iyo 4-Qori oo waa weyn oo ahaa kuwii laga qabtay Alshabaab. Sidoo kale 700-Askari,ayaa tababar loogu xaraynayaa si deg-deg ah. 30-Arday oo la barayo Kalkaaliyayaal Caafimaadna waa loo xaraynayaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo Urur Ciidamada Mileteriga Itoobiya ah,ayaa loo fariisiyay. Sidoo kale heegan,waxaa loo geliyay Sirdoonka iyo Mileteriga Dowlada Dhexe haduu ubaahdo gurmad deg-deg ah. Siyaasiyan garab istaag buuxa,ayay Dowlada Itoobiya ubalan qaaday. Heshiiska Dowlad Deegaanka Somalida iyo Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed,waxaa goobjoog ka ahaa Jen.Wardoonka Itoobiya ka tirsan. Jibril Qoobey.
Doodii PDRC soo abaabushay ee ku aadanayd maxaa laga bartay doorashadii fadaraalka ee ugu danbaysay,waxaa ka xiiso badnaan lahaa hadii loo dhigi lahaa Puntland ahaan maxaan ka baranay duulaankii siyaasadeed ee Villa Somaliya? Habka ay udhacday doorashada Fadaraalku ma ahayn wax cusub ee waa soo jireen. Doorasho walba oo Fadaraalka ah marka ay dhacdo Dad badan,ayaa isku naca kuna kala fogaada,sababtoo ah waxay ku salaysan tahay dhac iyo boob ilaa tii Cabdullaahi Yuusuf lagu doortay. Xaqa muwaadinku 50-kii sano ee udanbeeyay Somaliya waa lagu tumanayay ee ma ahayn mid ku gaar ahaa doorashadii udanbaysay. Guud ahaan Afrika mudo xileed walba…
Waxaan la yaabay ujeedada Xasan ka leeyahay iskaashiga dhaqaalaha S&U ? Sidoo kale Danta ku jirta,Cida abaabushay iyoXiliga qorshahan la bilaabay, ileen Xasan wax 90-Cisho ka yar ayuu Madaxweyne yahay? Labada Dal malaha Xuduud Bad iyo Dhul Cirkana ma ahan macquul adeegsigiisa,waxaa lagu khasban yahay in isdhaafsiga Ganacsiga Labada dhinac uu sii maro Kenya iyo Masaafo kale oo Wado ciriiriya lasii isticmaalayo. Uganda Dal wax soo saar leh ama Warshado leh ma ahan. Dad hanti leh oo inta ay yimaadaan Somaliya maalgashi ku samayn kara ma ahan. Somali ku samayn karta mashaariic waa weyn oo ay Dadka Uganda shaqo abuur…
Madaxweynaha mudo xileedkiisu gabagabada yahay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland,ayaa sheegay… “100-Qof,ayaa ku dhaawacmay rabashadahaas,waxaana ku dhintay 5-Qof oo badankood ay ahaayeen Ciidamada amaanka”Ayuu yiri Muuse. Halkan ka daawo muuqaalka
Tirinta codadka doorashadii Talaadadii ka dhacday Kenya,ayaa wali socota iyada oo madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo musharaxa ugu weyn mucaaradka ee Raila Odinga uu marba mid ku hormarayo natiijada hordhaca ah. Dadka,ayaa ku jahwareersan habka cusub ee tirinta codadka. Saxaafadda,ayaa tabineysa natiijooyin horudhac ah oo kala duwan oo abuuray jahawareer cusub. Waxaa la wada eegayaa dhinaca xarunta ay tirinka codadka iyo xaqiijintu ka socoto ee Bomas Kenya. Warbaahinta maxalliga ah ayaa si weyn loogu dhaliilay inay iska indho-tireen xogta Guddiga IEBC, ayna soo gudbinayaan tirooyin uu mid walba iskiis u sameeyay. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada iyo Xudduudaha Kenya, oo…
Daraasad ay samaysay xarunta cilmi-baarista ee Pew Research,ayaa lagu ogaaday in toddobadii sano ee ugu dambaysay inuu hoos u dhacay isticmaalka Facebook ee dhalinyarada Maraykanka ah, iyaga oo taas bedelkeeda u wareegay inay isticmaalaan baraha bulshada ee Youtube iyo Tiktok. Tiktok oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa haatan kaalmaha ugu sarreeya kaga jira, baraha bulshada ee ay isticmaalaan dhalinyarada Maraykanka ahi, halka shabakadda Youtube ay tahay goobta ugu badan ee dhalinyaradaasi ay ku wadaagaan muuqaallada iyo macluumaadka ay baahinayaan. Xogta ay soo bandhigtay Pew ayaa ku soo aadaysa xilli uu isku dayayo mulkiilaha shirkadda Facebook, inuu la yimaaddo aragti uu…
Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul,ayaa sheegaya in Qof is-miidaamiyey inuu khamiistii weerar ismiidaamin ah ku qaaday malcaamad lagu barto diinta Islaamka, isaga oo halkaas ku dilay wadaad caan ahaa oo ka tirsanaa ururka Taliban, kaas oo jeedin jiray khudbado si weyn loogu dhaliilayo ururka ISIS. Afhayeen u hadlay ururka Taliban ee haya talada dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyey dilka Sheikh Rahimullah Haqqani, isaga oo weerarkaas ku sheegay inuu ahaa weerar arxandarro oo ay geysteen cadawgu. Bilaal Karimi ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in wadaadka la dilay uu ahaa caalim si weyn looga qadariyo dalkaas. Wararka hordhaca ah ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay Bulshada rayidka ah, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, ujeedka kulanka ayaa daaranaa dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod sidii loo dhamaystiri lahaa Golaha deegaanka inta ka hartay. Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa Madaxweynaha & Bulshada rayidka ah la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan halka ay marayso shaqadda Guddiga Doorashooyinka waxaana uu madasha kusoo bandhigay warbixin dhameystiran taas oo iskugu jirta waxqabadka Guddiga, qorayaasha, iyo fursadaha hada ee ku…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena wey ku dhaawacmeen dibadbaxyo maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay oogayeen taageerayaasha xisbiyada mucaaradka. Dibad baxyada oo ay mucaaradku qaban-qaabineyeen muddo ayay ku dalbanayeen in doorashada Somaliland lagu qabto waqtigeeda bisha November. Intii ay banaanbaxyadu socdeen waxaa go’ay khadkii Internet-ka Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Mudaharaadkii Mucaaradkau ku baaqay,ayaa ka bilaamay guud ahaan magaalooyinka Somaliland. Shirkadaha isgaarsiinta,waxaa lagu amray in ay jaraan khadka internet-ka. Xukuumadu waxay xirtay guud ahaan Wadooyinka Hargeysa,Ciidanka Milatariga ayaana la soo galiyey magaalada. Ciidanka,ayaa adeegsaday Rasaas nool iyo Sunta Dadka ka Ilmaysiisa. Dibed baxayaasha,ayaa qarka u saaran in ay la wareegaan Saldhiga New Hargeysa iyo Agagaarka Tiyaatarka Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in ay jiraan Dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay Rasaasta nool ee Ciidanku adeegsanayaan. Gudoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Cumar Xamarji,ayaa la xiray,isagoo dhaawac ah. Burco Ciidamada,ayaa rasaas nool u adeegsaday,waxaana kala jabay Ciidanka oo qayb kamid ah…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Waa amar iyo soo jeedin wanaagsan,balse waxaa laga rabaa Xamse in uu saxo awood qaybsiga Agaasimayaasha Guud. Sida Wasiirada loogu qaybsaday 4.5 si la mid ah waa in loogu qaybsadaa Agaasimayaasha guud. Puntland guud ahaan Agaasimayaasha Dowlada Fadaraalka,waxay ku leedahay Labo ama mid. Sidoo kale tabashadaa,waxaa qaba KG iyo JL Halkan ka akhriso:-
Xamse,waxuu codsaday in uu booqasho ku yimaado Garowe balse weli ma aqbalin si waadixa Madaxtooyada Puntland. Ilaa hada tagidiisa Garowe waa war suuq ee mahan mid fadhiya. Balse haduu imaanayo hala soo dhaweeyo hala tuso qalbi furnaan iyo sokeeyanimo . Haduu wax ka qabankaro arimaha taagan ee muhiimada uleh Puntland iyo Somaliya hala hordhigo. Puntland maxaa muhiimad u leh?? 1.Dhamaystirka Dastuurka.2.Dib udhiska Ciidamada.3.Qaybsiga khayraadka.4.Caasimada halka ay noqonayso rasmiyan5.Shaqaalaha Dowlada Fadaraalka.6.Kaalmada dibada iyo Mashaariicda. Xamse kusoo dhawoow Puntland oo qaybka ah Dowlada Fadaraalka ah,isla markaana aad ku matasho awood qaybsiga. Jibril Qoobey.
Seynisyahannada caafimaadka ee Shiinaha ayaa u kuur galaya fayras cusub oo kasoo gudbay xayawaanka kaasoo ka dillaacay dhinaca dhinaca bari ee dalkaas. Tobannaan qof ayuu ku dhacay fayraskan, ilaa hadda. Fayraskan oo lagu magacaabo “The novel Langya henipavirus (LayV)” ayaa laga helay 35 qof oo bukaan ah oo ku sugan gobollada Shandong iyo Henan. Inta badan dadka ayaa lagu arkay calaamado ay ka mid yihiin qandho, daal xad-dhaaf ah iyo qufac. Waxaa la aaminsan yahay in bukaannadu ay fayraska ka qaadeen xayawaanno. Hase yeeshee ilaa hadda wax caddayn ah looma hayo in fayraska LayV ay bani’aadanka isu sii gudbin karaan.…
Kooramkii ansixin lahaa Gudoomiyaha Maxkamada sare, wuu ka dhex helay Baarlamaanka Madaxweyne Deni sida la xaqiijinayo. Maalmahan,ayuu dib ushaacin doonaa wareegtada magacaabista Taaraan. Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada sare,ayuu siiyay Madaxweyne Deni Gobolka Sool. 17-ka Xildhibaan ee reer Sool,waxaa la kulmay M.xigeenka oo ka dalbaday in ay codka siiyaan Taaraan maadaama ku xigeenka Maxkamada saami qaybsi ay uheleen. Sababta ugu weyn ee Deni ugu dhagan yahay Taaraan,waxaa markii hore laysla dhexmarayay in uu rabo mudo kororsi. Balse hada,waxaa la ogaaday in uu ka fakarayo markuu xilka ka dego in aan durba loo isticmaalin Maxkamada sare oo aan lagu soo gole joojin…
Ilhaan Cumar iyo ugu yaran Saddex Musharax oo kale oo Soomaali ah,ayaa kusoo baxay doorashada horudhaca ah Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Gobolka Minnesota, kaddib markii ay kasoo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartamayay, iyaga oo isku diyarinaya doorashada ay kaga hortayaan Xisbiga Jamhuuriga. Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa. Saynab Maxamed,ayaa iyana kusoo baxday doorashadii kurisga Aqalka sare ee Gobolka Minnesota. Halka Samakaab Xuseyn uu isna ka ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka hoose ah. Somalida Maraykanka,waxaa hogaan iyo tusaale ayay unoqday kuwa kasoo jeeda Deegaamada Puntland. Todobaad ka hor,waxaa kasoo baxay Gobolka Ohio Ismaaciil iyo Muniira…
Natiijada horudhaca ah ee doorasha madaxweynaha dalka Kenya ayaa muujisay loolan adag oo u dhexeeyay labada musharrax ee ugu waaweyn ee ku loolamaya xilka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Uhuru Kenyatta. Doorashadii Taladiidii ayaa tijaabo muhiim ah u ah xassiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado markii lagu murmay eedeymo musuqmaasuq. Natiijooyin horudhac ah uu diyaariyay Telefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ayaa muujinayay in labada musharrax ee ugu cadcad doorashada ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha…
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo,ayaa sheegaya in ugu yaraan Saddex Qof ay ku geeriyoodeen 11-kalana ay ku dhaawacmeen duleedka Magaaladaas. Qaraxyo Sagaal gaaraya oo ka dhacay dhulka Miyiga ah ee Galbeedka Magaalada Kismaayo ayay Dadkan galaaftay. Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay,ayaa ahaa Dad ku safrayay Waddada Qaraxyada ay ka dhaceen.
Gen. Michael E. Langley ayaa maanta la wareegay xilka taliyaha taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka. “Sharaf ayey dhab ahaantii ii tahay inaan hortiina istaago anniga oo ah taliyaha cusub ee AFRICOM,” ayuu Langley ka yiri xafladdii xil wareejinta. “Waxaan rajeynayaa in aan qaato mas’uuliyadda hoggaaminta xirfadlayaashan kartida leh ee AFRICOM iyo dhammaan qaybaheeda kala duwan, innaga oo garab taagan saaxiibadeena iyo xulufadeena si aan u horumarinno nabadda iyo barwaaqada Afrika iyo Maraykanka labadaba.” Langley ayaa noqday taliyihii lixaad ee AFRICOM, tan iyo markii taliska la aasaasay…
Waa hadal ilhaamo ah oo bahdil ku ah guud ahaan Somaliya,balse xaqiiq ah. Dowlada Somaliya ma awoodo in ay bixiso Mushahaarka shaqaalaheeda,waxa kaliya ee ay ku xisaabtantana waa 6-da Milyan ee ka timaada Garoonka iyo Dekeda Muqdisho. Miisaaniyada Dowlada Fadaraalka,waxaa ku jira 34000 oo Ciidan Boolis iyo Mileteri ah mana uhayso dhaqaale. Hadalka Musefeni waa xaqiiq,waase ilhaamo waliba in uu ka hor yiraahdo marti uu hogaaminayo Madaxweynihii Somaliya waa yasid aad u hoosaysa. Madaxweyne Xasan meeshuu abaari lahaa waaqiciga iyo in uu Qarankan mideeyo,ayuu ka doortay khiyaali iyo safaro. Waa la fili karay tan oo kale in ay dhacayso. Dowladnimadaadu…
Safarka Uganda ee Madaxweyne Xasan iyo weftigiisa,waxaa ugu muhiimsanaa oo uu daarnaa hal Qodob marka laga soo tago arimaha kale ee la xusay. In Ugandha ay buuxiso kaalinta Itoobiya Hub iyo Saanad Ciidana ku taageerto Dowlada Xasan shiikh. Waa laysku af gartay oo waa aqbalay Musefeni codsiga Xasan Sh. Balse hal shuruud,ayuu hor dhigay,taasoo ah in dhaqaale abuur loo sameeyo oo heshiis ganacsi lala galo. Sidoo kale Musefeni,waxuu dalbaday in Dowladaha Turkiga,Qatar iyo Imaaraatka kaalmo dhaqaale loo waydiiyo. Madaxweyne Xasan,waa aqbalay shuruudaha Musefeni. Xasan,waxuu usheegay Musefeni in uu qaadayo guluf ka dhan ah Alshabaab oo ubaahan yahay… B.Ciidanka ka barbar…
Booqashadiisa Jig-jiga Madaxweyne Laftagareen,waxaa ugu muhiimsan in Ciidan 1500 oo Askari ah deg-deg loogu tababaro loona qalabeeyo Saad fiicana loosoo raaciyo. Marka uu kusoo laabto Baydhabo Madaxweyne Laftagareen,waxuu soo saari doonaa amar ah Dadka kasoo raacaya Diyaaradaha Xamar intaysan soo bixin in loosoo gudbiyo magacyadooda hay’adaha amniga KG. Laftagareen,waxuu og yahay qorshayaasha lawado ee la doonayo in xilka looga tuuro. Ciyaartu hada waxay ku wajahan tahay Baydhabo,balse kooxda Xasan Sh.,waxaa uqorshaysan haday Baydhabo uga adkaan waayaan Laftagareen in ay Baraawe qabsadaan kuna qabtaan doorasho kagana dhawaaqaan Dowlad kale oo KG ah. Balse Laftagareen waa fahansan yahay,waana sababta Itoobiyaanku ugaarayaan Barawe.…
MAGACAABID LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA EE SIYAASADDA IYO DIMUQRAADIYADDA, MASHAARIICDA IYO KHEYRAADKA DABIICIGA AH IYO ARRIMAHA BULSHADA. Garoowe: 08 August 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR 41, LR 42 , LR 43 oo ku saabsan magacaabid Saddex La-taliye Madaxweyne oo kala ah, La-taliyaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda, La-taliyaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo La-taliyaha Arrimaha Bulshada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee…