Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn…
Author: Jibril Qoobey.
Taiwan waxay leedahay Dowlad-dimuqraadi ah oo u gaar ah, waxayna diiday sheegashada Shiinaha, iyadoo sheegtay in dadka kaliya ay go’aan ka gaari karaan mustaqbalka jasiiradda. Si kastaba ha ahaatee, tilmaam kasta oo lagu taageerayo madax-bannaanida Taiwan ee madaxda adduunka ayaa ka caraysiisa Shiinaha. Jimcihii, mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in ay joojinayaan wadashaqeynta Mareykanka ee dhinacyo badan, oo ay ku jiraan wadahadal milatari oo heer sare ah iyo wadahadalka cimilada, iyo cunaqabateyn shakhsiyadeed oo lagu soo rogay Nancy Pelosi iyo qoyskeeda. Washington xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Taiwan, laakiin sida uu dhigayo sharciga Mareykanka, waa in uu siiyo taageero…
Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Reccep Tayib Erdogan,ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeyay Labada dal iyo arrimaha Gobolka kadib ay ku xiriireen teleefoon, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliya. Waxay ka wada hadleen “heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo saaxibtinimada labada dal’ Turkiga wuxuu sii wadi doonaa dadaallada uu Soomaaliya uga taageerayo xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka ayuu yiri Erdogan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga, Anadolu. Madaxweynaha Somaliya,ayaa horraantii bishii hore booqasho ku tegay dal uu kamid yahay Turkiga oo ay ku heshiiyeen xoojinta arrimaha amniga,…
Dalka Masar ayaa gacan ka geystay inay heshiis xabbad-joojin ah gaadhaan, Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey uu dagaal ku dhex marayey marinka Gaza kaas oo la isu adeegsaday hubka culus. Xabbad-joojintu waxay bilaabantay 11:30 habeenimo waqtiga maxaliga ah (2030 GMT). Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masar oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen heshiiska xabbad joojinta ah, kaas oo soo afjari doona dagaalkii ugu xumaa oo muddo sannad ah ka dhaca marinka Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in…
Shiinaha,waxaa lagu hor ceebeeyay caalamka markii lasoo qaato booqashadii cajiibka ahayd ee Pelosi. 83-jirka kusoo jirtay siyaasada Maraykanka 50-kii sano ee udanbeeyay,asalkeeduna yahay Yurubtii Talyaaniga kasoo haajirtay booqashadeedii Taiwan iyo hanjabaadeedii cadayd,iyadoo ay garbaha ka taagan yihiin Jeneraladii Ciidamada waxay ahayd dagaal toos loogu qaaday Shiinaha. Balse Shiinuhu gadaal buu uga degay dagaalka Maraykanku iclaamiyay,waxuuna aqbalay,iyadoo lagu soo xadgudbay madaxbanaanadiisa Qaran in uusan jawaab Mileteri bixin ee uu caradiisa ku muujiyo goolaaftan. Shiinuhu,waxuu dareemay in Maraykanku lugaha ugelinayo dagaal aan dhamaad lahayn oo uu ku burburayo dhaqaalihiisa sida Ruushka loo geliyay dagaalka Ukrain. Maraykanka,waxaa ka jooga Jasiiradaas 130-kun oo Askari…
Ceeb iyo bahdil,ayaa lagula kacay ra’isalwasaare Xamse. Cabashada Beesha Carabsaalax tabashadeeda,waxaa dhameeyay Madaxweyne Xasan,waxayna dib uqaadatay Wasiir ku xigeenkii la siiyay ee Qorshaynta. Golaha Xukuumada meel kama soo galo Madaxweynuhu in uu xaliyo taba shadooda. Sawirkan waa mid banaanka keenaya tuhunkii hore ee ahaa ra’iswasaaruhu in uusan shaqo ku lahayn Golaha Wasiirada magacaabidooda. Kani waa ku xigeen waxay ahayd ra’isalwasaaruhu in uu ugu yaraan kulankan qayb ka noqdo si sawirka guud iyo fahamka sharciyada loo saxo. G.xigeenkii Baarlamaanka,Odoyaashii dhaqanka,Wasiir ku xigeenkii iscasilay in ay uwada tagaan Madaxweynaha waa fariin cad. Madaxweyne Xasan fariin toos ah,ayuu dirayaa oo ku leeyahay Anaa…
Safaaradda Dowladda Shiinaha ee Somaliya,ayaa soo dhoweysay mowqifka ay ka qaadatay Dowladda Somaliya xiisadda ka aloosan Taiwan. Dowladda Shiinaha,ayaa qoraal ay soo saartey ku bogaadisay warka dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in labadda ummadood ee Soomaalida iyo Shiinaha ay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah. Warka qoraalka ee safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xiriirka labadda dal uu yahay mid ku qotoma is xurmeyn, iyo iskaashi. Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Somaliya,ayaa soo saartey shalay bayaan, ay isku barbar taagtay dowladda Shiinaha, taasoo ay ku sheegtay iney taageersan tahay midnimada dhulka Shiinaha. Halkan ka…
Baarlamaanka, ayaa xiligii la ansixinayey xukuumada, waxaa ka jiray buuq. Buuqa dhacay xiligii ansixinta,ayaa aheyd in xildhibaanada qaarkood ee baarlamaanka Soomaaliya iney keeneen mooshin, taasoo ah in xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamse Cabdi uu ka dhacay xiligii cod loo qaadi lahaa. Ugu danbeyntii Guddoonka baarlamaanka, ayaa guda galay cod u qaadista xukuumadda ra’iisal wasaare Xamse, iyadoo ay ka biyo diideen xildhibaanadii mooshinka waday. Wasiirada,ayaa Golaha Baarlamaanka waxaa ku dhex dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamdda sare ee dalka Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawi muuqaalka
kulankii Golaha Shacabka ee maanta,ayaa Cod aqlabiyad leh oo gaaraya 229-Xildhibaan ugu codeeyey xukuumadda cusub. Toddoba xubnood,ayaa diiday Golaha, halka hal Mudane uu ka aamusay. Codbixintan,ayaa ka dhigan in golaha cusub ee wasiirradu ay xilkooda la wareegaan isla markaana gudagalaan hosha loo igmaday. Toddobaadkii hore ayaa la magacaabay Gole Wasaaradeed oo ka kooban 75-Xubnood oo iskugu jira Wasiirro,Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiiro ku xigeenno. Golaha Wasiirada waxaa ku jira wasiirka awqaafta iyo diinta Mukhtaar Roobow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana muddo ka badan saddex sano iyo bar u xirnaa dowladda federaalka, tan iyo bishii December 2018.
Ciidamo Itoobiyaan ah,ayaa galay magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo. Ciidankan,ayaa fariisin ka dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dooloow. Waxay kaloo wararku sheegayaan in ay geli doonaan Ciidamada Itoobiyaanku Jubooyinka,Baraawe iyo Dhuusamareeb. Qorshahooda guud waa Laba arimood oo kala ah… 1.In ay Reer Galbeedka umuujiyaan weli in ay awood leeyihiin saamayna ku leeyihiin Somalida. 2.In ay Xasan Sh. Ku khasbaan rabitaankooda Siyaasadeed ama ay jilbaha udhigaan. Itoobiyaanku Xasan waxay ka rabaan Sadex Qodob… B.In uu badalo ra’isalwasaaraha. T.In uu hoos udhigo xiriirka Masar. Xasan Shiikh iyo kooxdiisu waa is adkaynayaan weli,waxaana ay hada wefti udireen Uganda si Dowladaha kale ee Ciidamadu…
Gaariwaagii isu badalay Barwaaqo sooranka Puntland.
Bisha 10-aad si rasmi ah waxaa xariga laga jarayaa oo hawlgalaya Labada Janbi A&B ee Dekeda. 1.Jambiga A balaciisa Markabku istaago karo,waa 157-Mitir,waxaa la wada shubkii ugu danbeeyay ee dhulka ay Wiishashku istaagayaan. 2.Jambiga B Balaciisa Markabku istaagi karo waa 120-Mitir,waana la wadaa si la mid ah A Shubka Dhulka ay Wiishashku istaagayaan. Baakinka banaanka ee Gawaarida la dhigayo waxaa hada diyaar ah 2-Baakin A&B, mid Sadexaadna Gacanta,ayaa lagu hayaa. Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu saraysa waa 15.5-Mitir. Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu hoosaysa ,waa 10.25-Mitir. Baakinka banaanka ee Gawaarida la dhigayo waxaa hada…
Tallaabada uu madaxweyne Kenyatta ku taageeray Mr Odinga ayaa loo arkayay isku day uu ku doonayo in uu ka tego saameyn si uu mideeyo laba qoys oo si wada jir ah ula dagaalamay gumeystihii Ingiriiska – kuwaas is khilaafay 1966. Maxay ka dhigan tahay in Uhuru uu tuuro Ruto, waxay sanadkii 2013-kii sameysteen isbaheysi ay kaga hortagayeen dacwadihii loo gudbiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib rabshadihii doorashada ee dhimashada horseeday ee ka dhacay Kenya sanadkii 2007-dii. “Wixii iyaga mideeyay ayaa meesha ka baxay,” ayuu yiri Prof Munene oo intaas ku daray: “Hadda Ruto wuxuu rabaa in la doorto,…
Taaraan waa magacaaban yahay in la shaaciyo Wareegtadiisana mar Sadexaad,waxaa hor taagan Kooramkii Xildhibaanada ee ansixin lahaa oo aan buuxsamin. Waxaa diidan oo ilaa iyo hada aqbali waayay Gudoomiye Abwaan Jibril iyo koox Xildhibaana ah. Ujeedka Abwaan Jibril ugu dhegan yahay Taaraan waa in loo xaqiijiyo Kursigiisa in aan laga taabanayn doorashada soo socota. Abwaan,waxuu tuhun weyn ka qabaa in Deni oo adeegsanaya Awooda Maxkamada sare iyo Taaraan uu hor istaagi doono doorashada danbe in uu Kursiga Xildhibaan uu kusoo laabto. Ilaa iyo hada Xildhibaano door ah,ayaa Madaxtooyadu ku qancisay dhaqaale iyo Jagooyin Dad ay wateen loo siiyay oo diyaar…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada ee Puntland, Soojeedinta iyo Ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista. Shirka Golaha Wasiirada,ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug. Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha usoo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka…
Dowladda Dhexe ee Soomaliya waxay la safataa Shiinaha marka loo eego Taiwan. Taiwan hadda waxay fara gelin ku sameysay Midnimada Somaliya oo waxay Xaafiis Diblomaasi siisay Somaliland. Mida kale Siyaasada Midowga Afrika,ayuu ku salaysan yahay go’aanka Dowlada Fadaraalka. Puntland ka ahaan,waan ku raacaynaa go’aankan Dowlada Fadaraalka,sababtoo ah Shiinaha,ayaa dani noogu jirtaa oo xiriir fiicanna waan la leenahay,wuxuuna uhayaa tixgelin gaar ah Puntland. Halkan ka akhriso:-
Madaxweynuhu,waxuu aqbalay cadaadiskii Xildhibaanada iyo Ganacsatada wada socda ee watey Gurxan in loo magacaabo Agaasimaha Sirdoonka. Warqadiisii way qoran tahay,waxayna saaran tahay Miiska,waxaa uharay oo kaliya faafintii. Waxaa iswaydiin mudan Ganacsatada wadata Gurxan ee rabta in loo dhiibo Sirdoonka waa kuwa Hubka ka Baayacmushtareeya ilaa Koonfurna geeya. Gadaal,ayaan idinkaga soo gudbinayaa Magacyadooda iyo sida ay uga shaqaystaan Hubka suuqiisa. Madaxweyne Deni mar walba ,waxuu sameeyaa khalad xulasho uu hadhow dib uga qoomameeyo,weliba,waxuu iska indhatiraa digista looga digo Qofka uu magacaabayo. Gurxan oo loo dhiibo Sirdoonka,waxay ka dhigan tahay in loo abuuray Xuub Danbilayaasha. Jibril Qoobey.
Shirka Golaha Wasiirada Puntland,ayaa socda,waxaana kasoo baxaya dhawr magacaabis oo kala ah.. 1.Taaraan oo Maxkamada sare lagu soo celinayo balse Nuur laga reebay. 2.Daraawiishta Abshir London loo dhiibayo. 3.Asluubta oo loo dhiibayo Ninka hada sii hayaha ka ah. Jibril Qoobey.
Bosaso oo sanad Digsiyeedkan soo martay xili adag oo aysan abid arag laguna tilmaami karo kii ugu adkaa marka laga fiiriyo dhanka amniga hadana waxay Ardaydeedu muujiyeen dadaal. Kaalmaha ugu horeeya Imtixaanka Dugsiyada sare ayay xirteen,iyagoo xaalad kacsan ku dhex jira. Sidoo kale reer Karkaar,ayaa muujiyay dadaal fiican. Guud ahaan Ardayda reer Puntland iyo Wasaarada Waxbarashada waxay muujiyaan hormuudnimo. Halkan ka akhriso:-
Shiinaha,ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu joojiyay wadahadal uu Mareykanka kala lahaa dhinacyo badan, oo ay ku jiraan kuwa militari iyo isbeddelka cimilada, kadib markii ay Shiinuhu ka caroodeen booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay ku tagtay Taiwan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in ay sidoo kale joojinayso is-weydaarsiga ay Washington la leedahay ee ka hortagga dambiyada xuduudaha iyo ka ganacsiga daroogada, waxaanaa Washington ay dhammaan tillaabooyinkan ku tilmaantay “mas’uuliyad-darro”. Shiinaha oo ka careysan Pelosi oo noqotay qofkii ugu sarreeyay ee Mareykankan ah oo booqda muddo 25 sano ah jasiiradda iskeed isku maamusha oo Beijing u aragto…
Dowladda Itoobiya,ayaa muujisay sida ay uga xuntahay ergadii iyo diblumaasiyiintii reer Galbeedka ee dhawaan gaaray magaalada Maqalle, caasimadda gobolka waqooyi ee Tigray ee ay dagaalladu ka dhaceen. Dowladda ayaa caro ka muujisay qaabka reer Galbeedka ay u maarreeyeen wadahadal lala yeesho hoggaamiyeyaasha Tigray, si loo soo afjaro colaaddii muddo laba sano ah ka jirtay waqooyiga dalka Itoobiya. La taliyaha amniga qaranka ee ra’iisal wasaaraha dalkaasi, danjiire Ridwaan Xuseen, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in dowladda federaalka ay beesha caalamka u caddeysay qaabka danjiirayaashaasi gaarka ah iyo diblumaasiyiinta ay u maareeeyeen arrintaasi. Danjire Ridwaan ayaa wafdigaasi…
Ciidamada dalka Israa’iil,ayaa duqaymo xagga cirka ah ka geystay marinka Gaza, iyaga oo halkaas ku dilay illaa 10 qof oo uu ku jiro dagaalyahan sare, halka ay dhaawacyo soo gaadheen tobanaan qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha maamulka Falastiiniyiintu. Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay kooxda Islamic Jihad, iyada oo ka jawaabaysay halis ku soo fool lahayd, ka dib markii ciidamada Israa’iil ay Daanta Galbeed ku xidheen dagaalyahan sare oo kooxdan ka tirsan, bilawgii toddobaadkan. Kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ayaa saacado ka dib waxay qaadeen weerar jawaab celis ah, iyaga oo gantaallo kala duwan ku riday dhinaca badhtamaha iyo Koonfurta…
Agaasimaha hay’adda dembi baarista Maraykanka ee FBI, Christopher Wray ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay suurto-galnimada weerar ballaadhan oo la qorsheeyey ama uu dhiirigeliyey ururka al-Qaacida oo laga fuliyo gudaha Maraykanka, ka dib markii uu Maraykanku gudaha Afghanistan ku dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri. Agaasimaha FBI oo u waramayey guddida caddaaladda ee golaha Senate-ka ayaa sheegay in ururka al-Qaacida iyo weliba kooxda ISIS iyo xulafadooduba inay doonayaan inay fuliyaan ama dhiirigeliyaan in la fuliyo weeraro waaweyn oo ka dhaca Maraykanka. Agaasimaha FBI ayaa sheegay in xilliga dhow in ururka al-Qaacida, oo haatan hoggaankoodii la dilay, inay u badan…
Ujeeddo: shaacinta Natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyada Sare ee dawladda Puntland 2021-2022. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada dhexe ee Puntland iyo waaliddiintaba in berri oo Sabti ah, taariikduna tahay 6 bisha Agosto 2022, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada Sare ee fasalka 12aad ee Puntland. Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda, iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana nambarkan 299 ee shirkadda Golis. Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardayda reer…
Madaxweyne xigeenka Maxamuud Sayid si cad,ayuu uqaadacay Xukuumada cusub,isagoo weliba matalaya Beesha uu kasoo jeedo. Madaxweyne xigeenka 1-aad,ayaa ka daba hadlay Maanta oo soo dhaweeyay Xukuumada cusub. Barta TV-ga Jubaland oo lagu daabaco wararka rasmiga ah ee Dowlada,ayaan lasoo gelin warkii Maxamuud Sayid,halka kii Luga-dheere lasoo geliyay. Taasi waxay muujinaysaa in Axmed Madoobe iyo Luga-dheere is og yihiin oo geeska la galiyay Maxamuud Sayid. Si kale hadii loo dhigo Madaxtooyadii Jubaland waxay ukala jabtay Beelaha Marrexaan iyo Ogaadeen oo kala noqday Mucaarid iyo Muxaafid. Jibril Qoobey.
Puntland kuma deg-degayso xiriir xoog badan oo ay Itoobiya la yeelato,waxaana kaga filan midka hada jira ee ku eg wada shaqaynta Amniga Xuduuda iyo Ganacsiga. Majiro wefti Puntland ka tagaya oo Adis u Aadaya dano Siyaasadeed xiligan. Puntland way kaga xog ogaalsan tahay kagana khibrad badan tahay Somalida kale waxa Itoobiya hadafkeedu yahay. Hadafkeeduna ma’ahan in la wiiqo hay’adaha Fadaraaliga ah ee Somaliyed oo soo kabanayay 10-kii sano ee udanbeeyay. Dhinaca kale Puntland ma’ahan Maamulada Dowlada Dhexe ee Xamar ay saamayn ku yeelan karto si toos ah. Taa badalkeeda Puntland Dastuurkeedu,waxuu u ogol yahay ilaa laga helayo Dowlad Somaliyed oo…
Qarax loo adeegsaday Gaari xamuul,ayaa waxyar ka dib Salaaddii Jimcaha maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degmada Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne. Gudoomiyaha degmada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi,ayaa sheegay in Gaariga uu ku qarxay Iridda hore ee Xerada, wuxuuna intaas ku daray tiro koobka iyo faahfaahinta waxyeellada Qaraxa ay dib kasoo sheegi doonaan. Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka…
Alle ha u naxariistee Meydka Wasiirkii arrimaha gudaha Jubbaland Gen Maxamed Warsame Darwiish ayaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo. Aaska ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Masuuliyiinta Goleyaasha dowladda Jubbaland, Madax ka socotay dowladda Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socday Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulahada Kismaayo.
Xogtan waa sida Wasaaradaha Xukuumadda ukala haystaan Mashaariicda mudo xileedkan cusub. Wasaaradaha kooxda Dam-jadiid iyo Daljir ay xusheen,waa kuwa ugu Mashaariic xoog badan. Qabiilada iyo Wasaaradaha Mashaariicda leh” 1.Dirta $475-Milyan.2.Hawiye $173-Milyan.3.Daarood $114-Milyan.4.D&M $120-Milyan. Wasaaradaha la siiyay reer Puntland waa kuwa ugu Mashaariic yar oo guud ahaan marka laysku daro waxay haystaan $32-Milyan. Xaafiiska ra’isalwasaaraha Mashaariicda uu haysto oo dhan waa $11-Milyan. Wasaarado ahaan kuwa ugu Mashaariicda badan” 1.Amniga $72-Milyan. 2.Gaashaandhiga Mashaariicda u taala waa $99-M. 3.Wasaarada Maaliyada mashaariicda utaal waa $203-Milyan. 4.Wasaarada Shaqada Mashaariicda utaal waa $231-Milyan. Wasaarado ahaan kuwa ugu Mashaariicda yar” Wasaarada Petroleum-ka Mashaariicda u taala waa $2-Milyan,waana…
Wasiiro” 1-Arimaha Gudaha (Sacad, HG)2-Qorsheynta (Baadicadde, Gugundhabe)3-Caddaalada & Dastuurka (Mururusade)4-Batroolka & Macdanta (Xawaadle)5-Caafimaadka (Gaaljecel) W-Dowlayaal” 1-Xafiiska Madaxweynaha (Saleeban, HG)2-Arimaha Dibadda (Mudulood)3-Maaliyadda (Harti-Abgaal)4-Gaashaandhiga (Duduble)5-Caafimaadka (Sheekhaal)6-Biyaha & Korontada (Cayr, HG) W-Kuxigeenno” 1-Ganacsiga (Ojeejeen)2-Boostada & Isgaarsiinta (Saruur HG)3-Warfaafinta (Saleebaan HG)4-Biyaha Iyo Korontada (Jiidle, Gugundhabe)5-Kaluumaysiga (Dagoodi, Hawiye) . Jibril Qoobey.
Siyaasadu nasasho maleh,waxaana laga adkaaday Qofkii isku sheega in looga adkaaday. 1969-kii ilaa Maanta loolan ayay ku jireen caanana ugama daadan oo weli baarka sare ee Somaliyed bay ka mid yihiin. Kursiga Dalka ugu sareeya raadintiisa waa hiigsigooda mudnaanta leh oo bartilmaameedka u ah. Kan labaad waa Cadkooda saami qaybsi markay lumiyaan kan hore. Xasan markale,ayuu isku dayay in uu ku sameeyo xaqiraad aysan uquurin isaga iyo Beeshiisa oo aysan marna ku samayn taariikhda. Sida lagu yaqaan reer Puntland Siyaasada kuma niyad jabaan oo marnana isma dhiibaan. Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ku hareeraysan waa la goos-goosanayaan oo burhaantooda ayay wax…
Xasan Shiikh iyo kooxdiisu waxay qorshaynayaan in Xukuumada lagu ansixiyo Gacan taag been abuur ah oo Xildhibaanada ay haystaan ay Labada Gacmood wada taagaan kadibna Gudoonku ku dhawaaqo natiijo aan sax ahayn. Qorshahaas,waxaa kala shaqaynaya Gudoomiye Aadan Madoobe iyo ku xigeenkiisa Sacdiyo oo si toos ah gorgortan dhaqaale ula galay. Aadan Madoobe horay,ayaa Lacag loogaga badashay Rooboow iyo Jaamac magacaabistoodii. Qorshahaas,waxaa ka dhalanaya in Baarlamaanku kala jabo guux iyo buuq ka dhex bilowdo. Damjadiid waxay rabaan in kala jabkaas Baarlamaanka ay uga faa’idaystaan baqo ku maalka Gudoonka oo ay ugu hanjabaan Xildhibaanadaan idinku sii daynaynaa hadaad is adkaysaan. Waraf ayay…
Xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Axmed Madoobe waa daran tahay,waana ka baaqday Aaska Jen.Darwiish oo beri Kismaayo ka dhacaya. Axmed Madoobe oo wareer xoog badan ka qaaday hab dhaqanka iyo han yarida Xamse oo ay udheer tahay culays uu la yimid magacaabistiisii hore,ayaa waxaa udheeraaday sanbariiraxasho uu ku sanbariiraxday Suuli. Dhabarka,ayaa wax ka gaareen,waxaana loo qoray in uusan dhaqdhaqaaqin oo uu nasto rabi ha caafiyo. Jen.Darwiish maydkiisa waxaa la keenay Turkiga caawa saq dhexe,ayuu soo gaarayaa Nayrobi beri Subixii Laba Saac,ayaa Kismaayo la keenayaa oo lagu aasayaa rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.
13-Wadan,ayaa Safiiro cusub loo diyaariyay,waxaana lala sugayaa shaacintooda ansixinta Golaha Wasiirada Wadamada loo diyaariyay Safiirada,waxay kala yihiin… 1.Masar2.Turki3.Itoobiya4.Kenya5.Jabuuti6.Imaaraadka7.Sucuudiga8.Uganda9.Tansaaniya10.Talyaaniga11.New York12.Washington DC13.Belgium. Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan ra’isalwasaare Xamse wax saamayn ah kuma laha soo xulida Safiiradan oo waa ka eed la’ a yahay sida Golaha Wasiirada. Jibril Qoobey.
Beesha Mareexaan oo ay kasoo kale jeedaan Labada Madaxweyne xigeen ee Jubaland iyo Galmudug waa ku saxan tahay in ay qaadacaan saamiga ay ka heleen Xukuumada cusub. Doodisho oo ka mid ah gacanyarayaasha Madaxweyne Xasan in uu Wasiir ku matalo awood qaybsiga uma noqon karo. Wasaarad Amni oo ay shaqadeeda haystaan Mahad Salaad,Odowaa iyo Qaroole saami qaybsi uma qaadanayaan. Wasiir Amni oo la kor fariisiyay Wasiiru-dowle idman oo jifida Madaxweyne Xasan ah kuma sabcin karaan. Halkan ka akhriso:-
Ciidamada Militariga Shiinaha,ayaa bilaabay dhoolatus militari oo ay ku jiraan rasaas toos ah oo ay ku ridayaan Biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Shiinaha Khamiista maanta ah, isaga oo intaas ku daray in dhoollatusakan uu dhammaan doono 12:00 duhurnimo maalinta Axadda ah. Dhoollatuskan ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed u maamusha ee Taiwan oo ay Beijing u aragto dhul Shiinaha ka tirsan. Saraakiisha Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku…
Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka,ayaa ansixiyey Xubinimada Dalalka Sweden iyo Finland ee Gaashaanbuurta NATO, waxaana codsiga ku biiritaanka labadan dal oggolaaday 95-mudane, halka uu diiday Hal Xildhibaan. Tallaabadan,ayaa diraysa fariin adag oo muujinaysa sida labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu uga midaysan yihiin siyaasadda ku aaddan ku biirista labadan dal iyo weliba in laga hortago dullaanka Ruushka. “Codka NATO waa cod aad muhiim ugu ah amniga dalka Maraykanka iyo xasiloonida guud ee caalamka oo dhan, sidaas awgeed xubinimada Finland iyo Sweden waxay sii xoojinaysaa gaashaanbuurta NATO, taasoo ah ka hortag degdeg ah oo ku aaddan daandaansiga Ruushka iyo weliba duullaanka…
Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab,ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay Gobolka Bakool isbuucii hore. Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab,ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo. Itoobiya,ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.
Inta badan Golaha Wasiirada ee cusub waxaa laga soo xulay Golaha Shacabka Fadaraalka. Ra’isalwasaaraha iyo ku xigeenkiisa,ayaa ah Xildhibaano. 16-ka mid ah 27-ka Wasiir oo udhigma 59% waa Xildhibaano. 13-ka mid ah 24-ka Wasiirro-dowle oo udhigma 54%,ayaa Xildhibaano ah. 14-ka mid ah 25-ka Wasiir ku xigeen oo udhigma 56%,ayaa Xildhibaano ah. Guud ahaan Goluhu waa 76-xubnood,waxaana Xildhibaano ah 43-ka mid ah oo udhiganta 56%. Waa nasiib darro ina laba hay’adood oo kale madaxbanan lana rabey in iska kormeeraan,islana xisaabtan ina laga dhigo hal hay’ad. Qodobkan,waxaa loo baahan yahay in Dastuurka Federaalka dib loogu noqdo oo la kala madaxbaneeyo. Si cad…
Madaxda Dowlad Goboleedyada,Mucaaradka iyo Beesha caalamku waa ka gaabsadeen soo dhaweynta Xukuumaddan cusub. Waa fariin la fahmi karo oo muujinaysa in Somali aysan ku faraxsanayn dhismaha Dowladan. Sidoo kale Xildhibaanada Fadaraalka,waxaa kasoo yeeraya guux xoog badan oo diidma ah. Waxaa la saadaalinayaa in ay adkaan doonto ansixinta Xukuumadan. Ra’isalwasaare Xamse caawa,waxuu uyeertay Xildhibaano balse waa ku gacansayreen. Sida muuqata ra’isalwasaare Xamse,waxaa fashiliyay Madaxweyne Xasan oo rajo danbe iyo kusoo hirasho maleh. Jibril Qoobey.
Awood qeybsiga Soomaliya wuxuu ku dhisan wadaag siman ayadoo ay tahay in tixgelin la siiyo Gobolka, Qabiilka iyo Khibradda (meritocracy). Labada hore waa sida meteladdu tahay, midda dambe waa sida ay ku haboon tahay. Wasaaraduhu waxay ka kooban yihiin: Wasaaradaha Dhaqaalaha sida: Maaliyadda, Qorsheynta iyo Maal-gashiga, Ganacsiga, Beeraha iyo waraabka, Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Batroolka iyo Macdanta, Korontada iyo Biyaha iyo Degaanka iyo Bey’adda. Wasaaradahan ayaa muhiim u ah dhinacyada Wax soo saarka, shaqo abuurka, horumarinta iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. Wasaaradaha Arrimaha Bulshada:Caafimaadka iyo WaxbarashadaWasaaradaha / Hay’adaha Awoodaha:Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Difaaca, Amniga Gudaha iyo NISA Wasaaradahan marka laga yimaado wax…
Boqolkiiba Sagaashan guusha rasmiga ah in ay raacdo Ismaaciil ayay ubadan tahay markii lasoo dhamaystiro tirinta yar ee hartay Doorashada Ohio. Gabadha oo lagu magacaabo Muniira mar horaba iyada guusheedu way cadaatay oo waa la xaqiijiyay. Guushan,waxaa keenay guud ahaan Dadka Somaliyed ee dega Ohio. Koox yar oo si xun ufakaraysay wax saamayn ah waa ku yeelan waayeen Bulshada Somalida. Xaalad,waxaa la abuuray Qabiil oo oranaysa Majeerteen iyo Mareexaan,ayaa hardamaya maadaama Wiilka iyo Gabadha tartamayaa ay kasoo jeedaan Majeerteen. Balse taas,waxaa beeniyay Bulshada Somaliyed oo muujiyay aragti dheer iyo midnimo. Wiilka iyo Gabadhu waxay ku heleen Kuraasta taageerada Bulshada Somaliyed…
Si fiican,ayuu uga hadlay Madaxweyne Gaas dhaqaajinta Dimuqraadiyaynta iyo in lagala shaqeeyo Madaxweyne Deni hirgelintiisa. Gaas,waxuu ku dhiirigeliyay Dowlada Deni in ay barnaamijkan dhaqaajiso intay ka awoodo oo wakhtigu usaamaxi karo. “Waa in aan Siyaasado kale la gelin ee lakala saaraa doorashada Golayaasha Deegaanka iyo mida Madaxtooyo”Ayuu yiri Gaas. Gaas,waxuu qaatay doorkii kaga aadanaa hirgelinta nidaamkaas ee waajibka ahaa. Sidoo kale,waxuu fariin udiray hormuudka kale ee reer Puntland iyo Dowlada. Somaliya waxay usocotaa doorasho Qof iyo Cod ah,Puntland waa in ay ilaashataa doorkeeda curadnimo.
Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uu si cad uqeexo oo Umdda la hadlo una cadeeyo in aysan saamayn isku yeelanayn labada doorasho si aysan Siyaasiyiinta khalad ufahansiin Bulshada. Nidaamka Dimuqraadiyaynta waa umuhiim Puntland waxayna uhaysataa fursad. Bulshada Puntland rabitaankooda barnaamijkan aadbuu usareeyaa. Caalamku waa usoo jeedaa garabgalka Barnaamijkan,waxuuna diyaar uyahay in uu taageero dhaqaale iyo mid niyadeed ku bixiyo. Sweden waxay diyaar utahay in ay ku bixiso 6-Milyan oo dolar hada. Switzerland sidoo kale dhaqaale fiican ayay diyaar la tahay in ay ku bixiso barnaamijka Dimuqraadiyaynta Puntland. Xaafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya waxaa shaqadiisa lagu daray Doorashooyonka Dowlad Goboleedyada,waxuuna uhayaa…
Saif waa mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu khibradda badan dhaqdhaqaaqa jihaad-doonka ee adduunka. Wuxuu ka soo dagaallamay Soomaaliya, xilligii ay halkaas ku sugnaayeen ciidanka huwanta ee uu Mareykanka hoggaaminayay. Waxaa jirkiisa ka muuqda nabarrada dagaalka: nabar isha midig hoosteeda ah oo ka soo gaaray qarax madfac; nabar kale oo uga yaalla gacanta midig; iyo dhaawac cududda ka soo gaaray xilligii uu ka dagaallamayay Soomaaliya. Mid ka mid ah howlihii ugu horreeyay ee uu qabtay Saif wuxuu ahaa in uu maleeshiyaadka u tababaro sida loo isticmaalo hubka lidka diyaaradaha intii uu socday dagaalkii Soofiyeedka ee Afgaanistaan. Sidaas si la mid…
Wasiir ku xigeenka Qorshaynta ee iscasilay,waxaa ka danbeeya Sacdiyo Salaad. Wasiiru-dowlaha Maaliyada ayay la rabtay oo lagula balamay. Balse waa looga baxay,waxayna ku baraarugtay,isagoo ku qoran Wasiir ku xigeenka qorshaynta Fadaraalka. Waxuu kasoo jeedaa Puntland,gaar ahaan Beesha Carab-saalax. Dadka falanqeeya Siyaasada,waxay qabaan in Wiilku deg-degay oo Wasiir ku xigeenka Qorshayntu ahayn meel layska casilo saldanaduna yar-yaraysi aysanba lahayn. Su’aashu waxay tahay ma loo joojin doonaa mise si fudud,ayaa loo buuxsan doonaa booskaas? Kolay,iyada,waxaa maqaam xumo ugu filan in Gudoomiye xigeenkeedii goyn waayay Wasiiru-dowle!!
Awood qeybsi aan dheeli tirneyn: Madaxweyne Hassan Shiikh Maxamuud,ayaa soo dhisay xukuumad cadaalad darro ah, ku dhisan dulmi iyo gebi ahaan beesha Daarood oo lagu dulmiyey: Wasaaradihii Dhaqaalaha iyo Awoodda Dalka. Dhacdadan foosha xun ee lagula kacay Beesha Daarood ayaa u baahan in laga bixiyo jawaab adag oo deg deg ah: Wasaaradaha Dhaqaalaha: Qorsheynta iyo Maalgelinta – Hawiye (UPD)Maaliyadda – DirXanaanada Xoolaha – D&MGanacsiga iyo Maalgashiga – Garre.Batroolka – Hawiye (UPD)Beeraha – D&MKaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda – DirKorontada & Biyaha – DirDegaanka iyo Bey’adda- Beesha Shanaad Wasaaradaha Arrimaha Bulshada: Waxabarashada – Beesha Shanaad (UPD)Caafimaadka – Hawiye Wasaaradaha Awoodda: Cadaaladda iyo…
Guud ahaan Xukuumadan markii la qiimeeyo inteeda badan miisaan ay ku hanato Dalkan iyo Dadkan maleh. Ra’isalwasaare jilicsan oo tilmaan gaar ah lagu soo xushay iyo Wasiiro la mid ah ayay ka kooban tahay. Ra’isalwasaare xigeenku waa Nin aan gaarsiisnayn miisaankaas oo aan kusoo kordhinayn aragti iyo caqli ka maqan Ra’isalwasaaraha,waxaana tusaale loo soo qaadan karaa W.Dastuurka markii loo dhiibay say dhulka ugashay markii la ag dhigo xiligii Xooshkii Geeriyooday hayay rabi ha’unaxariistee. Madaxweyne Xasan si buuxda,ayuu uga gacan buuxsaday qorshihiisii ahaa.. 1.Ra’isalwasaaruhu in uu noqdo Agaasime Xaafiiseed,waxaana tusaale kuugu filan in uu umagacaabey mid ka mid ah Xoghayayaashiisii hore.…
Magacaabistiisu waxay ka dhigan tahay dhawr arimood oo kala ah.. 1.In Dhiirigelin iyo soo dhaweyn la tuso xubnaha kasoo baxa aragtida xagjirnimada. 2.In uu door ka qaato baabi’inta aragtida xagjirnimada. 3.In Dhalinyaro fara badan oo ku jira argagixisada kusoo hirtaan. 4.In la tuso Dad badan oo laga dhaadhiciyay nidaamka Dowliga ah ee Somaliya in uusan ahayn mid Rido oo Gaallo u adeega. 5.In muuqaal ahaan la muujiyo quruxda iyo wanaaga udhaxeeya ka mid ahaanshaha argagixisada iyo dowladnimada. Rooboow waa isa soo dhiibay si nabad ah in la wanaajiyo,ayuu mudan yahay. Madaxweyne Axmed Madoobe mar buu ahaa hogaamiyaha Shabaab. Wasiirka Gaashaandhiga…
1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen. 2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta. 3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka. 4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha. 5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda. 6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga. 7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga. 8- Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. 9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga. 10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka. 11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. 12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta. 13- Xasan Xuseen…
Xukuumadda Federaalka ah ee Somaliya,ayaa lagu wadaa in uu maanta ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada. Xafiiska Raysul wasaaraha,ayaa waxaa ku sugan xubnaha loo magacaabayo xilalka Wasiirrada cusub. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa la baabi’in doonaa. Waxaa la soo kordhin doonaa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Wasaaradda Dastuurka,ayaa lagu dari doonaa wasaaradda Caddaalladda iyo Garsoorka. Wejiyo cusub,ayaa waxaana la filayaa in uu kasoo dhex muuqdo hogaamiyihii Alshabaab Mukhtaar Rooboow oo dhawrkii sano ugu danbeeyay Xabsi Guri ku jiray. Raysul wasaare Xamse oo xilka loo magacaabay 15-kii Juun ayuu baarlamaanka federaalka ah 25-kii Luulyo muddo 10 cisho ah oo dheeraad ah u…
Warrarka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka dhacay tuulada Bukure oo qiyaastii 60 km u jirta degmada Maxaas. Ciidamada Dawladda oo ay tageerayaan miliishiyooyin deegaanka ah ayaa saaka salaaddii subax kadib weerar ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen xooggaga Al-Shabaab. Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa BBC-da u sheegay in 19 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duulaanka ay saaka qaadeen ciidamada Dawladda, isla markaana ay qabsadeen tuulada Bukure. Gudoomiye Muumin waxa kale oo uu sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhinteen labo Askari. In dhawaalaba deegaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas,…
Horraantii sannadkan ayaa saraakiisha Maraykanku waxay ogaadeen in xaaska hoggaamiyaha, gabadhiisa iyo caruurteedu inay u guureen guri qarsoon oo ku yaalla caasimadda Kabul, sida uu xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanku. saraakiisha ayaa ugu dambayn ogaaday halka uu ku sugan yahay Ayman al-Zawahiri, taas oo ah guri qarsoon oo ku yaalla isla caasimadda Kabul. Horraantii bishii April ee sannadkan ku xigeenka la taliyaha amniga ee Aqalka Cad Jon Finer iyo la taliyaha amniga gudaha ee madaxweyne Biden Elizabeth Sherwood-Randall ayaa lala socodsiiyey xog sirdoon oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa al-Zawahiri. waxyar kadib, waxaa warbixinta sirdoonka lala wadaagay la taliyaha…
Waxaa duqeyn ka dhacday dalka Afghanistan lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, kaas oo xilka kala wareegay hoggaamiyihii hore ee Osama Bin Laden, ka dib markii ay Maraykanku hawlgal ku dileen, bishii May ee sannadkii 2011. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyihii al-Qaacida Ayman al-Zawahiri lagu dilay duqayn ay ka fuliyeen caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka. Biden ayaa hawlgalkaas oo uu ku tilmaamay mid caddaaladda loogu hiilinayey, isagoo rajo ka muujiyay inay ka mid noqoto tallaabooyinka lagu dhayayo boogaha dhibbanayaashii ay eheladoodu ku dhinteen weerarkii 11-kii September ee Maraykanka…
Hub fara badan,ayaa laga helay Saldhigyo Alshabaab laga qabsaday. Sidoo kale Jig-jiga hawlgallo laga fuliyay,waxaa lagu qabtay Xalay Ninkan Odayga iyo waxyaalaha Qarxa oo uu watey. Ninkan,waxuu kasoo jeeda Beesha Hawiye Duduble. Talyaha Liyuu Booliska iyo Talyaha Milateriga Itoobiya ee hawlgalka hogaaminaya,waxay gaareen Beledweyne. Weli,waxaa sii socda hawlgaladii dukhaynta Cirka. Dhinaca kale Madaxweyne Mustafe,waxuu wel-wel weyn ka qabaa in uu xilka ku waayo fashilka ka yimid argagixisada gudaha soo gashay,xogo la helay oo la isticmaali waayay iyo Nin ay ehel ahaan isku dhow yihiin oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha argagixisada. Mustafe si uu uga hortago isla xisaabtan iyo in lasoo…
Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan,ayaa sheegaya in duqayn xagga cirka ah lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, kaas oo xilka kala wareegay hoggaamiyihii hore ee Osama Bin Laden, ka dib markii ay Maraykanku hawlgal ku dileen, bishii May ee sannadkii 2011. Madaxweynaha dalka Maraykanka, Joe Biden ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u shaaciyo geerida hoggaamiyaha ururka al-Qaacida, kaas oo ku dhintay weerar ay toddobaadkan qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku soo waramaysa in weerarka lagu dilay hoggaamiyaha al-Qaacida inay fuliyeen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, waxaana dilka hoggaamiyahan xaqiijiyey illaa shan…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland, taasi oo caawa dhawaale loogu ururiyey dadka Abaartu saameysay. Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga ah caawa, ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu Aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’ideen, Soomaaliya oo dhana wax tar u noqday. “Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa 1-da August , oo sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay, sidoo kale waxaan idinku hambalyeeynaya sanadka cusub ee Hijriyada ee Sabtidii dhashay. Munaasabadda qaabka aan u xusnay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada. Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee saaka Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :- Xarig jarka Wadada laamiga ee cusub ee jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.Dhaggax dhiga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Wadada jidka 30-ka.Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.Qorshaha nashqadeynta magaalada Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal…
Dib udhaca barnaamijkan in uu isagu leeyahay waa qaatay Madaxweyne Deni. In aysan isku xirnayn doorashada 2024 ee Madaxtooyada iyo midan Golayaasha Deegaanka,waa xaqiijiyay. Dib udhaca dhismaha Golaha Deegaanka ee Eyl in Ururkiisu khaladka leeyahay waa qirtay. Maxkamada sare in uu dhamaystirayo si deg-deg ahna waa balan qaaday. Ururada dhanka dhaqaalaha in uu ka baritaarayana waa ogolaaday. Dhamaan dhankiisa,waxii ku xiran Todobaad gudihiis in uu kaga hawlgalayo,ayuu cadeeyay. Fursad weyn,ayay haystaan reer Puntland ee ha dhaqaajiyaan Dimuqraadiyaynta.