Author: Jibril Qoobey.

Dib udhaca barnaamijkan in uu isagu leeyahay waa qaatay Madaxweyne Deni. In aysan isku xirnayn doorashada 2024 ee Madaxtooyada iyo midan Golayaasha Deegaanka,waa xaqiijiyay. Dib udhaca dhismaha Golaha Deegaanka ee Eyl in Ururkiisu khaladka leeyahay waa qirtay. Maxkamada sare in uu dhamaystirayo si deg-deg ahna waa balan qaaday. Ururada dhanka dhaqaalaha in uu ka baritaarayana waa ogolaaday. Dhamaan dhankiisa,waxii ku xiran Todobaad gudihiis in uu kaga hawlgalayo,ayuu cadeeyay. Fursad weyn,ayay haystaan reer Puntland ee ha dhaqaajiyaan Dimuqraadiyaynta.

Read More

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe,ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 81-Xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Ku-xigeen iyo 27 Wasiiru Dowle. Magacaabidda Golaha Wasiirada Hirshabelle,ayaa qaadatay muddo labo sano ah, tan iyo markii Madaxweyne Cali Guudlaawe la doortay dhammaadkii sanadkii 2020. Waxaana muddadaas shaqeynayay Wasiiradii Maamulkii Madaxweyne Waare iyo xubno kooban oo isku shaandheyn lagu sameeyay. Halkan ka akhriso:-

Read More

Caawa Magaalada Jig-jiga,waxaa laga fuliyay hawlgalo xoogan 20-ka Xaafadood ee ay ka kooban tahay. Saacad ka hor,ayaa lasoo gabagabeeyay hawlgalkaas,iyadoo la baaray Albaab walba. Xaafada 5-aad iyo 6-aad oo ay ubadan yihiin Bulshada Amxaarada,ayaa laga soo qabtay Xashiishad fara badan iyo Mustuwaqayaal Faalso ah oo gaaraya 300-Xabo. Mustawayaasha la qabtay,waxaa laga jaray isla Xaafadaha 5-aad iyo 6-aad. Xaafadahan,waxaa maamulkooda haysta Dad Amxaaro ah oo uu udhiibay Madaxweyne Mustafe. Labada Xaafadood ee 5-aad iyo 6-aad waa kuwa ugu dakhliga badan guud ahaan 20-ka Xaafadood ee Jig-jiga ay ka kooban tahay. Waxaa ku yaal 7500 oo Meherado yar-yar ah,Hotelo,Goobaha Caweyska iyo Baararka…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta daah-furay dhisme iyo dayactir dowladdu ku samaysay wadada u dhaxaysa Garowe iyo sin-u-jiif. Dhismaha wadadan oo ay ku jiraan Buundooyin ay waxyeelo badan ka muuqatay una nuglaa in si fudud bur-bur usoo gaadho ayay dowladdu xooga saartay sidii looga dhigi lahaa kuwo laysku halayn karo, iyada oo maanta lagu guulaystay arrintaas. XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Haraaga burburka Dayax-gacmeed uu leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku soo dhacay dhulka, gaar ahaan qeybo katirsan baddaha Hindiya iyo Baasifigga, sida ay sheegeen saraakiil ka kala tirsan Mareykanka iyo Shiinaha. Wakaaladda Hawada Sare ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay in inta badan haraagii Dayax-gacmeed la yiraahdo Long March 5 ay ku gubteen hawada sare, waxa ayna sheegtay in Badda Sulu ee ku taal badweynta Pacific-ga ay tahay halka u uku soo dhacay. Dayax-gacmeedkaasi soo dhacaya uu halis yar u keeni karo qof kasta oo dhulka jooga, inkastoo ay u badan tahay in uu ku dhici doono badda. Si kastaba ha ahaatee,…

Read More

Kenya,ayaa Sabtida maanta ah ku adkaysatay in aysan xannibi doonin baraha bulshada, ka dib markii hay’adda NCIC ay shirkadda Facebook uga digtay halis ah in la mamnuuco haddii aysan wax ka qaban hadallada nacaybka ah ee ay sheegtay in madashaasi lagu soo bandhigay. Hay’adda qaran ee ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ee NCIC loo soo gaabiyo ayaa Jimcihii u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah oo ay wax kaga qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya. Laakin wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknooloojiyadda…

Read More

Gurxan in loo dhiibo sirdoonka Puntland rajadeedu aadbay uhoosaysaa oo xogo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in Madaxweynuhu dib uga degay magacaabistiisa. Balse,waxuu Madaxweynuhu hada booskaas uwataa Taaraan oo Baarlamaanka usoo diiday kalsoonida markii uu umagacaabay Maxkamada sare. Xaqiiqdii waa nasiibdaro weyn hadii Taaraan loo dhiibo hay’adaas muhiimka u ah Puntland. Rajada dib uhabaynta hay’ada Pisa waa hoosaysaa.

Read More

Argagixisadii ku jirtay Aaga Hul-hul maanta,ayaa lasoo afjaray. 3-Qori oo Dhashiike ah oo ay kala baxeen qarxiyihii,ayaa laga soo saaray goobta laga nadiifiyay. Todobo Saldhig oo ay lahaayeen Alshabab,ayaa Maanta la garaacay,waxaana la filayaa in loogu tago Mayd fara badan oo Ajaanib ku jiro marka Ciidanka Lugtu gaaro. Maxabiis,ayaa lagu qabtay hawlgalkii Hul-hul,iyagoo narkaas qoryaha ka saaraya Qarxiyayaasha. Sidoo kale Degmada Qooxle Tuulada Biyacad Makhribkii shacabku waxay ku qabteen 2-Xubnood oo argagixisada firxadka noqotay ka mid ah. Dhanka kale gurmad aad ufara badan ayay Shacabka Deegaanku la garab istaageen Ciidamada la diriraya argagixisada. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland. Kulanka,ayaa looga hadlay dardargelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland. Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland,Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Si buuxda,waxaa layskula qaatay caawa in Dimuqraadiyayntii Puntland la socod siiyo. Puntland,waxay dhamaystiraysaa qorshihii Dimuqraadiyaynta ee bilowday. Majiri doonto Dowladnimo danbe oo ku imaanaysa hab Qabiil hadii la dhaqaajiyo Tareenka dimuqraadiyada. Shacabka Puntland si weyn ayay usoo dhaweeyeen dhawaaqa caawa soo yeeray. Puntland…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shirku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya, oo ay ka wada qeybgalayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir. Shirkan heer Federaal oo ay martigelisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaa uu ujeedkiisu yahay taabgelinta sahan lagu ogaanayo xaalada saxda ah iyo adeega laga helo xarumaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah, si loogu saleeyo qorshaha kor uqaadista adeega caafimaadka Dalka ee dalka oo dhan. Kulankan inta uu socdo waxaa ka qeybgalaya Agaasimeyaasha waaxyaha maareynta xogta Caafimaadka iyo Agaasimeyaasha Qorsheynta ee Dowladda Federaalka…

Read More

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya , Cabdikarin Cali Kaar ayaa raali-gelin ka bixiyey wax uu ku sheegay “fasiraad” qaldan oo warbaahinta qaar ka bixisay qaabkii uu u sharraxay wada-hadallladii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masar. Mr.Kaar wuxuu raalligelintan ka bixinayaa hadal kiis sii ahaa ‘Xasan iyo Siisi kama wada-hadal webiga Niilka’, arrintaasi oo uu toos u sheegey madaxweyne Siisiga Masar. Halkan ka akhriso:-

Read More

Garoowe, Luulyo 30, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa; Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada &Tacliinta Sare DPLAnsixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPECDhageysiga Warbixinta Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aadAnsixinta Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillad DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta daah-furay qorshaha Itaraatiijiyadda sadaxda sano ee soo socota ee hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA 2022-2024. Daahfurka qorshahani oo ay soo agaasintey hay’adda Waddooyinka Puntland PHA waxaa kasoo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Masuuliyiinta Wasaaradaha Howlaha guud madaxda Hay’adda Wadooyinka Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi, Injineerada shirkadaha ka shaqeeya jidadka, ganacasato iyo marti sharaf. Daahfurku intii uu socdey waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo iyo sahan lagu sameeyey jidadka isku xira Boosaaso, Gaalkaacyo iyo Laascaanood. Dhamaad.XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Inna lillahi wa inna ilayhi raji’un Alle ha u naxariisto Jen. Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dawladda Jubbaland EEBBE ha u dambi dhaafo, qabriga u waasiciyo, jannada Firdaws ahna ka waraabiyo, Kitaabkiisa middigta ha uga dhiibo, qoyskii, eheladii iyo guud ahaan intii uu ka baxayna samir ha ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin. Marxuumku Wuxuu Maalmahan yaalay isbitaal ku yaal Germany oo caafimaadkiisa lagula tacaalayay. البقاء لله

Read More

Madaxweyne Deni,waxuu aqbalay diidmadii Baarlamaanka ee xubnaha Maxkamada sare,sida ay sheegayaan ilo muhiim ah. Deni,ayaa usheegay Xildhibaano uu la kulmay in uu la laabtay magacaabistii Taaraan iyo Nuur. Sidoo kake,waxuu usheegay in uu soo badali doono dibna Golaha ukeeni doono Xubno cusub bisha Oktoobar. Taaraan,ayaa xogo kale sheegayaan in Deni udhiibi doono hay’ada sirdoonka ee Pisa oo maalmahan uu miiska saarnaa Gurxan. Aqbalaada Madaxweynaha ee Maxkamada sare haday dhab noqoto waa wax farxad leh. Inkastoo ay niyad jab kale tahay in Taaraan la geeyo Pisa oo hadaba hogaan xumo la tiicaysa. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa jira xogo sheegaya in Mukhtaar Jeyte hoos galay Madaxda Emirates si cadaadis loo saaro Madaxweyne Deni. Deni,waxaa laga filayaa in uu usbadal ku sameeyo hogaaminta sirdoonka Puntland oo hada uu hogaamiyo Jeyte. Lama xaqiijin karo in cadaadiskaas Deni aqbalay iyo in kale. Jeyte mudo 30-sano ku dhawaad ah,waxuu xog ururiye u ahaa sirdoonka Emirates. Pisa waxay baahi weyn uqabtaa hogaamiye uqalma. Jibril Qoobey.

Read More

49-Askari,ayaa guud ahaan Ciidamada kala duwan ee Itoobiya kaga geeriyooday dagaalkii saakay,waxaana lagu aasay Hargelle. Dhaawaca soo gaaray Ciidamada Itoobiya waa 28-Askari oo Godey la gaarsiiyay Duhurkii. Dagaal adag oo socdey ilaa galabtey 5-tii Gelebnimo,ayuu ahaa dagaalkii saakay. Ciidamada Cirka Itoobiya,ayaa ka qaybgalay dagaalka oo si weyn ugaraacay Argagixisada. Caawa,waxaa heegan ku ah Godey 2-Miig iyo 4-Elekobtar oo aan dib ugu laaban Saldhigii ay kasoo kaceen ee Debreseyt. Saakay,waxaa Godey la gaarsiiyay Laba Gaari oo kuwa xamuulka ah oo sida Madaafiicda diyaraadaha lagu xiro oo loogu talagalay in diyaaradahu marka la dalbo ay ku hawlgalaan 15-daqiiqo gudahood.

Read More

Ciidamada Goobta wada joogay,waxay kala ahaayeen… 1.Mileteriga Itoobiya oo uu hogaaminayay M.Jeneral Tesfaye oo kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada ah. 2.Liyuu Booliska oo uu hogaaminayay Jeneral Sakariye oo reer Qoraxey ah. 3.Booliska caadiga ah oo uu hogaaminayay Maxamed Axmed Garaad oo reer Doollo ah. 4.Asluubta oo uu hogaaminayay Bashiir oo reer Doollo ah. 5.Maleeshiyaadka Degmooyinka. Ciidamada kala duwan ee Itoobiya,waxaa kor kawada hogaaminayay M.Jeneral Tesfaye Ayelow. 170-Maleeshiyada Alshabaab ah,ayaa dagaalku lagu dilay oo ay ku jiraan saraakiil sare-sare oo Shabaab ah. Argagixisadu way kusoo khaldantay goobta mana aysan filayn in Ciidamo intaa le’eg kuwada sugan yihiin. Maleeshiyada argagixisada ah ee soo…

Read More

Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wiil uu dhalay ayaa maanta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba. Wasiirka ayaa ka soo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Jimcaha xilliga weerarka lala beegsaday. Ugu yaraan 11 qof oo kale, oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirka geeriyooday, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkan.Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Read More

In ka badan 10 qof oo dhinacyaddii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal saakay deegaanka Caato ee Gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyu Police ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo dhinac ah iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay saakay ku qaadeen magaalada oo ay xilligaas ku sugnaayeen xidhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo gobolka u tagay inay gargaar gaarsiiyaan dadka ay dagaaladu saameeyeen. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay VOA-da in Al-Shabaab ay weerarka oo socday qiyaastii saddex saacadood ay ku billaabeen hoobiyeyaal…

Read More

Madaxweyne hay’adan sirdoonka waxay ubaahan tahay sifayn guud ee Ninkii sifayn lahaa udhiib. Jeyte oo hada Agaasime ka ah hay’ada Sodon sano,ayuu xog iibsade uyahay sirdoonka Imaaraadka. 5-tii Bood ee udanbeeyay Jeyte dalka mawada joogin oo waxuu udhaxeeyay Xamar iyo Nayrobi wax uu kala socdo amni Puntland majirto. Sidoo kale waa Nin balwadeed oo aan qaadi karin maduuliyad amni oo Umadeed Mukhtaar Jeyte. Ku xigeenkiisa Goobe waxuu toos ugu xiran yahay Argagixisada. Hada,waxaa lagugu cadaadinayaa in aad udhiibto Gurxan oo kasii khatar badan. Ugu yaraan Afar Xarumood,ayuu Gurxan hada ku xiran yahay oo u adeegaa kuwaasoo kala ah… 1.Maraykanka.2.Ingiriiska.3.Itoobiya.4.Nisa-da Xamar.…

Read More

Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda dalka Ethiopia ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho jabhadda Tigrayga “wakhti kasta iyo meel kasta oo ay ahaatoba”, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhaynin wadahadalkaas, arrintan oo ah tallaabo hore loo qaaday. Ridwaan Xuseyn oo ah la taliyaha dhanka amniga ee Ra’iisal Wasaare Abey Ahmed ayaa hadalkan ku soo qoray bartiisa Twitterka ka dib markii uu la kulmay ergo ka kala socota Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midawga Yurub, waxaana la rajaynayaa in tallaabadani ay horseeddo in wadahadal lagu xalliyo colaadda wakhtiga dheer soo socotay ee u…

Read More

Juba iyo Shabelle in Itoobiya lagala xisaabtamo ayay mudan tahay. Ugu yaraan kululaysiga diblomaasiyadeed ee Xasan ku sameeyay Dowlada Abiy,waa in looga faa’idaystaa in heshiis lama taabtaan ah lagala galo Labada Webi. Itoobiya Sanadkii hore Afar jeer ayay marna xiratay Biyaha Webiyadaa marna Fatahisay. Madaxweyne Xasan ma mudna in lagu dhaliilo iska dhicinta uumuujiyay,balse,waa in aragti lagu siyaadiyaa. Itoobiya haday xeerin waydo xeerarka caalamiga ah,iyadana waxba looma xeerinayo. Juba iyo Shabelle waa umuhiim Umadda Somaliyed. Jibril Qoobey.

Read More

Yuusuf Garaad waa Nabad iyo Nolol aan Biyo ismarin. Qormadiisu waa fariin ka timid Itoobiya oo la rabo in lagu bajiyo Madaxweyne Xasan. “Dilkii Wasiir Siraaji Madaxweynaha Somaliya,waxaa ka hor ogaaday ra’isalwasaaraha Itoobiya”. Xogtaas muxuu horay ugu sheegi waayay Yuusuf haduu hayay oo hada kusoo beegay? Ujeedku waa Xasanow Itoobiya siday doonto ayay kaa yeeli kartaaye Aashaa soco. Yuusuf xataa warkiisa hadii dhab loo qaato oo qiimayntiisa ah in Itoobiya tahay awood khatar ah,waxuu ilowsan yahay Itoobiyadii TPLF iyo Itoobiyada PP ee Abiy hogaamiyo in ay kala duwan tahay. Weli Somali badan,waxaa ka degi la’a in Itoobiya la hareer maray…

Read More

The US military spoke for the first time about the attack by the Al-Shabaab group in the Somali region of Ethiopia, where they have been fighting for almost 10 days. The commander of the US Africa Command (AFRICOM), General Stephen Townsend said that the Ethiopian forces mostly controlled the Al-Shabaab attack, but the Al-Shabaab group was able to penetrate 150 km into Ethiopia.Townsend added that the attack was not a one-off attack, but part of an attempt by the group to increase its attacks outside the borders of Somalia. The AFRICOM commander also revealed that the Al-Shabaab group has grown…

Read More

Gudoomiyah Cusub ee Gobolka Mudug Faysal Shkikh Cali,ayaa xilka kala wareegay Kusimhii Gudoomiyaha Gobolka Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame. Munaasibadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulada Puntland iyo Galmudug, Xildhibaan Cali Xaajo Daahir, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Saraakiisha Ciidamada,Gudoomiyayaasha Maxkamadaha, Nabadoono, Waxgarad, Ururada Dhalinyarada, Haweenka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada. Gudoomiye Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa Uga mahadceliyey bulshada ka soo qayb gashay munaasibada, Masuuliyiinta iyo Waxgaradka, isagoona balanqaaday in la xoojin doono la dagaalanka Argagixisada iyo Nabadiidka,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo looga hadlay todobaadkan Arimo ay ugu waa weyn yihiin… 1.Amniga guud. 2.Gurmadka Abaarta. 3.Xuska munaasabadda aasaaskii Puntland 24 sano ka dib 1998 oo ku beegan 01, August 2022 Iyo todobaadka Puntland. Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale looga hadlay warbixinta Safarkii xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ay ku tageen gobolka Ceyn. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken,ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab “wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xidhan dalka Ruushka. Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda…

Read More

Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Gudoomiyihii Degmada Marka Cabdullaahi Waafow iyo 10-Qof oo kale oo lagu dilay Qarax. Waafow,waxuu ahaa marka laga soo tago masuuliyada Dowladeed Oday Beeleed oo muhiim u ahaa Beesha Biyo-maal. Xarunta Degmada Dhexdeeda,ayaa lagula eegtay Qaraxa Gudoomiyaha iyo Dadka kale ee Geeriyooday. Muranka Deegaan ee dhexyaaley Beelaha Biyo-maal iyo Habar-gidir,waxuu ahaa Udub dhexaad aad ugu dooda Qadiyada Deegaan ee Beesha Biyo-maal. Dilkiisa,waxaa ku wareegsan tuhun weyn oo ah in Alshabaab loosoo maray loona adeegsaday. Beesha Biyo-maal,waxaa ka baxay Ugaas miisaan ulahaa difaaca Qadiyadooda Deegaan kana digi jiray dhibaatada Beesha Habar-gidir ee Deegaanka. Beesha Habar-gidirna,waxaa la oran…

Read More

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, ayaa maanta kulamo la yeeshay Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka guud iyo Xisaabiyaha guud. Guddiga oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021, islamarkaana ka duuulaya Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda ayaa shirarkan uga dhageystay Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka guud iyo Xisaabiyaha guud ee DPL aragtidooda Xisaab xirkii 2021-kii, iyagoona su’aalo ka weydiiyey. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Read More

Abiy ma’ahan Meles,Itoobiyana ma’ahan tii jirtay waayihii TPLF. Somaliyana ma’ahan midii joogtay Soodaree. Itoobiya mar horaba wax walba oo ay ku diciifin karto Dowladnimada Somaliya way ku kacday oo xaalka Somaliya waa Nin Qoyan Biyo iskama dhawro. Abiy,waxaa laga rabaa in uu aqbalo itoobiya diciif ah oo Somaliya Qable la macmiilaysa in uu hogaankeeda hayo,isagaa laga rabaa in uu gacan dabacsan ufudiyo Xasan Shiikh oo umuujiyo in uusan khatar ku ahayn. Mid kale oo Abiy in uu aqbalo ay tahay waa in Xasan Shiikh ahayn Farmaajihii uu ka helay wax walba uu rabey oo gaaray in uu dhiibo Muwaadin,isla markaana…

Read More

In ka badan 10-Qof oo uu ku jiro Guddoomiyihii Degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow,ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaain ah oo ka dhacay magaalada Marka, sida uu VOA u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta gbolka Shabeellada Hoose. Qaraxan,ayaa mas’uul codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni uu sheegay inuu gaystay Qof isa soo miidaamiyey uuna ka dhacay agagaarka xarunta Degmada. War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda, ay Al-Shabaab ku sheegataya mas’uliyadda qaraxa magaalada Marka oo ay sheegtay in lagu beegsaday Guddoomiye Waafow. Dhinaca kale qarax labaad oo ka dhacaya degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa…

Read More

In Xasan Shiikh looga faa’idaysto fursada siyaasadeed ee ka dhex muuqata arimaha dibada waa wax furan. Balse xaqiiqdu waxay tahay Xasan ma khaldamin ee waa asiibay Qodobka Masar. Somaliya xaq bay uleedahay in ay soo dhawaysato cida Itoobiya ay utaqaan cadow,iyadoo hadana ilaalinaysa xiriirkeeda isla Itoobiya. Xasan,waxuu muujiyay in Siyaasada Dibada ee Somalidu qaangaar tahay oo ay isku wadi karto laba aan laystusin. Somaliya Saldhigyo Ciidan oo looga duulo Itoobiya masiin Masar ee waxay muujisay in ay xor utahay xiriirkeeda iyo aragtideeda. Itoobiyada Maanta jirtaa maleh saamayntii ay lahayd tii uu Meles hogaamin jiray… 1.Maleh Awood Meleteri.2.Maleh Awood dhaqaale.3.Maleh Awood…

Read More

Somalia iyo Howha toogan: Dowladda Dhexe, Madaxda la doortay, Madaxweyne, Gudoonka labada aqal, Baarlamanka iyo Raysal Wasaaraha: waxaa horyaal: Dal Amnigiisu sugneyn, mid ahayn, Alshabaab gacanta ugu jiraan degaamo fara badanDal aan dhaqaalihiisu mideysneyn: canshuuraha iyo miisaaniyad mideysan aan lahayn, Bankiga Dhexe jaangoyn dhaqaalaha sida lacag soomaliyeed oo ku saleysandhaqaalaha guud iyo wax soo saarka dalkaSiyaasdiisu weli ku saleysan tahay qabiil oo aan aragti iyo aqoon (meritocracy) aan xulashada iyo metelaadda loo marin Dhinaca kale – Dowlad Goboleedyadu ma caga badan: Dowlad Goboleedyadu ma lahan miisaaniyad dhaqaale oo ku filanDhamantood waxay qabaan barnaamujyo siyaasadeed ama amni oo wada qabyo ah…

Read More

Hoggaamiyaha Tigreega,ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wadahadal ku saabsan in Ciidamada Tigray ay Hubka dhigaan si ay isugu diyaariyaan wahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Itoobiya. Warbaahinta ay maamusho TPLF ee Tigray Tv ayaa baahisay hadalka hoggaamiyaha Debretsion Gebremichael xilli uu la hadlayay warbaahinta gudaha. “Waa in aan Hub ka dhigis ku sameyno sababta oo ah dastuurka Itoobiya,ayaa dhigaya in maamulada aysan lahaan ciidan, waxbo kama jiro arrintaas” Dowladda Fadaraalka Itoobiya iyo TPLF,ayaa isku diyaarinaya inay yeeshaan wadahadal nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku barakaceen Malaayiin Qof.

Read More

Dhaxal Sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan,ayaa maanta booqashadiisii ugu horreeyay tan iyo dilkii weriye Jamaal Khaashuqji ku tegaya dalalka Yurub. Wuxuu booqashadiisa ka bilaabayaa dalalka Faransiiska iyo Giriigga, waxay booqashada Maxamed Bin Salmaan imaaneysaa xilli shidaalka iyo arrimaha tamarta ay si weyn u daneynayso Yurub. Dhaxal Sugaha ayaa maanta tagaya Giriigga iyadoo lagu wado in madaxda dalkaas uu kala hadlo iskaashiga dhanka militeri iyo tamarta.

Read More

Warrarka laga helayo Koonfurta Soomaaliya,ayaa sheegaya in dukheyn xagga cirka ah lagu qaaday bar koontarool oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab. Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobbolka Shabeellada Hoose, ayaa waxa xigay hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helokobtarada. Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow ciidamada Danab, waxa labo gantaal oo ay riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay bar ay canshuuraha ku qaadi jireen Al-Shabaab, waxana markii dambe ku daatay ciidamo ka dagay diyaaradaha qumaatiga u kaca. Illo wareedyadaasi waxay BBC-da u sheegeen in…

Read More

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka webiga Nile ee u dhaxeeya Itoobiya oo dhinac ah iyo Masar iyo Suudaan oo dhinaca kale ah. Afhayeenka oo arrintaas BBC-da u sharraxayayna waxa uu yiri: “Shirka jaraa’id ee labada madaxweyne laguma sheegin wax ku saabsan arrintaas, laakiin webiga Nile waxa uu maraa dalal badan. Mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cad yahay, hadda ayaana kuu caddaynayaa. “Mowqifka Dowladda Fadaraalka Somaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto Biyaha Webiga Nile, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa. Sanadkii 2021-kii waxaa jiray qaraar ay soo saartay Qaramada Midoobay…

Read More

Culuma’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahka iyo Waxgaradka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Isniintii si wad-jir ah u cambaareeyay weeraradi ay Al-Shabaab maalmihi lasoo dhaafay ku qaadday deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad-deegaanka Soomaalida. War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Isbaheysiga Hey’adaha aan Dowliga aheyn ee loo soo gaabiyo SONSAC iyo Daladda Aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee DADS ayaa lagu cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ku qaadeen fariisamo ay ciidanka Liyuu Booliska ku leeyihiin xadka. Sidoo kale, qoraal saxaafadeed kaas la mid ah waxaa xalay soo saaray Golaha Nabadda iyo Midnimada ee daagaanka iyo Culumaa’uddiinka. Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka ay Shabaab ka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Xoghahaya Jaamacadda Carabta, xaaladda dalka iyo dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dib u dhiska dowladdnimada iyo la dagaallanka argagixisada Alshaabaab, isagoo tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato Ururkan oo xubin muhiim ah ay ka tahay. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ka arrinsaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u dardar gelin…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kuna saabsan magacaabid La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo. Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD. XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

MA DURBA HADDANA? Soomaaliya waxay si sibiq ak ku dhex fadhidaa Muranka faraha looga gubtay ee biyaha NILE ee ETHIOPIA iyo MASAR. Madaxweyne SISI waxaad mooddaa inuu Somalia ku gaaday dhimbil dab ah iyadoon weli Dawlad dhisan. Somalia oo aan 30 sano cago dhigan oo ay labadeeda Webiba uga yimaadaan Ethiopia, Webiga Alshabaabna uga furan yahay gudaha ma dhex geli kartaa Muraka biyaha ee labada dal ee Afrika ugu xoogga weyn oo aan midkoodna har iyada u jiidayn?. Gaadmada MASAR ee maanta waxaa ka horraysay gaadmadii 1997 markii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee Bosaso ku mudaysnaa ay MASAR si deg deg…

Read More

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulfataax Al-siisi, ayaa maanta ku kulmay magaalada Qaahira, halkaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku joogo. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Shiikh,ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka ka dhexeeya labada dal. Sidoo kale Somaliya,waxay garab umuujisay Masar markay timaado muranka Biyaha Webiga Niil ee kala dhaxeeya Itooboya. “Talaabo hal dhinac ah xal uma ahan muranka Webiga Niil”. Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa”id ee labada Madaxweyne. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Mustafe Cagjar Walaalkii oo lagu magacaabo Maxamed Cagjar oo Madax ka ah kooxda Al-Tadamun,ayaa qayb ka ah in Alshabaab gudaha usoo galaan Dhulka Itoobiya. Dhawaan warbixin dhamaystiran oo faahfaahin doonta qodobada fududeeyay in Alshabaab ku dhiiradaan soo gelida Dhulka Itoobiya oo Dowlada Itoobiya kasoo bixi doonta ayay xogtan hoose qayb ka tahay. “Understandably, the government of Ethiopian, during the war in the north part of the country,handed the issue of boarder security to somali regional administration, however, it seems that Al shabab was given free movement into the Region for one of the following reasons : 1) Possibly ,Al Shabab…

Read More

Madaxweyne Mustafe waxuu soo sagootiyay Maanta Guutooyin Ciidamada Mileteriga Itoobiya ah oo usoo talaabaya gudaha Somaliya,gaar ahaan Bay iyo Bakool. Weerarkii Shabaab,waa la filayay in uu ahaa mid wax kale ka danbeeyaan oo la qorsheeyay. Magaalooyinka ay si buuxda utagi doonaan Ciidamada Itoobiya,waxaa ku jirta Baydhabo oo hada fariisin u ah maamulka Koonfur-galbeed. Dowlada Itoobiya waxay soo saari doontaa maalmaha soo socda Warqad ay ku sheegayso in amaankeedu khatar ku jiro oo ay ka hawlgalayaan. Jibril Qoobey.

Read More

Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ee USAID,ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu 476 Milyan oo dollar ku bixinayo kaalmooyin bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed oo muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed ee ay soo wajahday abaarta daran. Bayaan kasoo baxay USAID ayaa lagu sheegay in Mareykanku kaalmada dadka Soomaaliyed uu sanadkan 2022 ku bixiyay ku dhawaad 707 milyan oo dollar oo gargaar bini’aadannimo. “Waxaa lama huraan ah in saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay ku biiraan Mareykanka, si loo kordhiyo deeqaha ay u fidiyaan dadka Soomaaliyeed, si looga horto khasaaraha nafeed ee ka dhalanaya baaqashada roobabka xilliyadii la soo…

Read More

Ugu yaraan 30-Qof,ayaa geeriyootay kadib marki bas ay saarnaayeen uu ku dhacay Webi ku yaalla bartamaha dalka Kenya, sida ay maanta sheegeen saraakiil deegaanka ku sugan. Shilkan ayaa dhacay Axaddii xilli uu baska kasoo safray magaalada Meru uu ku socday magaalo xeebeedka Mombasa. Baska ayaa kasoo dhacay buundo dhulka ka sarreysa 40 meter, wuxuuna ku dhacay webiga Nithi ee ka hooseeya. Sawirro ay daabaceen warbaahinta gudaha ayaa muujiyey baska oo kala dhantaalmay, ayada oo warbixinada ay sheegayaan in burburka baska iyo meydka ay daadsanaayeen biyaha iyo jiinka webiga. Labaatan qof ayaa isla goobta ku geeriyooday Axaddii, halka afar kale ay…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 Luulyo, 2022, soo saaray Xeer Lr. 53 kuna saabsan magacaabista Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL MARKUU ARKAY: Dastuurka DPL Qodobka 64-aad MARKUU ARKAY: Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobada 8-aad farqadda 11-aad MARKUU TIX-GELIYEY: Muhiimadda ay leedahay soo ururinta la Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Goluhu u yeeray Kalfadhiga 50-aad si wax looga waydiiyo Waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin. WUXUU MAGACAABAY:- Xil. Fu’aad Abshir Axmed ( Guddoomiye )Xil. Cabdicasiis Axmed Saalax ( Xubin)Xil. Cabdirisaaq…

Read More

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS 𝐌𝐚𝐫𝐰𝐨 𝐒𝐚𝐝𝐢𝐚 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐧 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐭𝐚𝐫 oo uu weheliyo ku-xigeenka 2aad,ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 10aad ee maanta. Ajandaha kulanka ayaa ahaa Codsi ka yimid Dowlada. Xildhibaannada Golaha Shacabka,ayaa meelmariyay codsi Golaha loosoo gudbiyay oo ahaa in muddo 10-cisho dheeraad ah lagu daro soo magacaabidda Golaha Wasiirada. 144-Xildhibaan,ayaa ogolaatay, waxaa diiday hal Xildhibaan,wax ka aamusay ma jiraan. Sidaas ayuuna ku ansaxay Codsiga.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 29-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2021, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad. Intaa kadib, waxaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021 lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL waxay dib Golaha ugu soo celin doonaa 30 Luulyo, 2022. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Read More

Cabdinaasir Maxamuud Mire,waxaa kuu qurux badan sidii aad uga dhexbaxday mowjada ceebaysan in aad ku adkaysato. Kuwa hada kugu cadaadinaya in aad ka laabato go’aankaagii loo wada riyaaqay waa kuwii aad ka shaqayn wayday. Ogow saakay hadaad aqbasho soo laabasho qiimihii shalay ma lihid oo waa macnabeelay magacii lagugu xurmaynayay. Waxaad la mid tahay Agaasime Waaxeed marna la magacaabo marna la cayrsho. Hadaad rabto in aad u adeegto Bulshada door ka qaado adeega Waxbarashada,Caafimaadka iyo Biyaha. Dib ha ugu soo laaban Golaha Isimada aan loo baahnayn ee xoogsatada ah. Xasuusnoow Reer Mudug baahi Isin ma qabaan. Guud ahaan reer Puntland,ayaa…

Read More

Madaxweyne Deni,waxaad moodaa in uu siyaasada kusoo khaldamay markaad ufiirsato dabeecadihiisa. Khilaafkii PSF waa taagan yahay.Khilaafkii Isimada waa taagan yahay.Khilaafkii Aaran waa taagan yahay.Khilaafkii Dimuqraadiyada waa taagan yahay.Khilaafkii Doorashadii fadaraalka waa taagan yahay. Waxaa khilaaf cusub noqday Xildhibaanadii Fadaraalka ee ku dooran waayay oo aad ufaruuryo qaniinyanayso. M.xigeenkaagii samir taag waayay,ayuu kugula joogaa. Golaha Wasiirada mid kula kulmi karaa majiro Shirka Khamiislaha ahna 4-ta saac Laba ka mid ah adaa hadla oo iyaga uhanjaba. Xubno,ayaad usoo xushay Maxkamada sare,waa lagugu diiday meeshaad samayn lahayd xod-xodasho Golaha oo idil ah,waxaad bilowday in aad qayb uyeerato balanqaadyo usamayso intii kalana tiraahdo dushaan…

Read More