Author: Jibril Qoobey.

Hawlgalkii sifaynta argagixisada ee Gobolka Afdheer DDSI waa soo afjarmay boqolkiiba Sagaashan. Dhanka Qalaafe iyo Mustaxiil kooxo argagixisada ah oo isku dayay in ay ka fuliyaan Qaraxyo,waxaa cagta mariyay Ciidamo Liyuu ah oo dhawaan tababar usoo xirmay. Haatan Ciidanka intiisa badan,waxuu dib ugu laabtay Godey. Halka Ciidan kale oo Liyuu Booliska ah ay ku sugan yihiin duleedka Xudur. Madaxweyne Mustafe,hogaanka Nabadgelyada iyo Talyihii shaqada laga hakiyay ee Liyuu Booliska,waxaa looga yeeray Adis oo lagu amray in ay kusoo xaroodaan. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxwyenaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa maanta u kicitimay safar uu ku tagay dalka Masar. Madaxtooyada Soomaaliya ,ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Shiikh uu dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale,diblomaasiyadeed iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sadex Wasaaradood in uu Gacanta ku qabsanayo,ayuu balan qaaday oo uusan ra’isalwasaare iyo Wasiiro midna ku halaynayn. 1.Arimaha dibada.2 Amniga.3.Maaliyada. Amnigii Mahad buu udhiibtay. Arimihii dibada haduu ku jiraa hawshooda. Maaliyadaa uhartay.? Socdaaladisan,ayaa ah kuwo uu si buuxda gacanta ugu…

Read More

Meesha ay kasoo bilaabeen nolosha iyo halka ay gaarsiiyeen waxay muujinaysaa in ay wax dheer yihiin Somalida kale. Dhul loo yaqaanay gaari waa oo habayaraatee uusan ka jirin adeeg nololeed,ayay ka abuureen Nolol aad usaraysa. Waxa aan ka hadlayo waa Shacabka Puntland ee kartida badan. Maanta waxay ka hirgeliyeen Dhulkii Eberka ahaa 20-sano ka hor,iyagoon helin nidaam taageera ama hogaamiye ku hogaansha horumarka wax badan oo loo istaago…. 1.Deked ayay ka hirgeliyeen,iyagu leeyihiin. 2.Diyaarad ayay ka hirgeliyeen iyagu leeyihiin. 3.Hotelo ayay ka hirgeliyeen,iyagu leeyihiin. 4.Caafimaad,Waxbarasho,Biyo,Koronto iyo Wadooyin,ayay hirgiliyeen. Dhulkii la oran jiray gaari waa,waxuu isu badalay barwaaqo sooranka Somaliya ee…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga Hay’adda USAID ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 28-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta,ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Warsame Seeraar oo ay Weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga iyo Agaasimaha Guud ee Bankiga. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira. Intaa kadib, Xildhibaannada,ayaa Guddoomiyaha Bankiga Dhexe wax ka weydiiyey arrimaha Bangiga Dhexe ee Dawladda sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64aad, 111aad, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 62.6 iyo Xeerka lagu dhisay Bangiga dhexe Dawladda Puntland oo soo baxay…

Read More

Booqashadii Madaxweyne Xasan ee Tansaaniya,waxay ahayd qorshe lagu qarinayay kulan Shirkad Shidaal. Uhuru iyo Xasan waxay si wadajir ah ula kulmeen Shirkad Faransiiska laga leeyahay oo shidaalka baarta. Madaxweyne Xasan,waxuu bixiyay raali ahaanshaha Somaliya ee ah in Shidaal ka baarista Badda Somaliya ee Kenya ay ku murmeen lasii wado. Haatan Shirkadaha ku hawlan shidaal baarista Baddaas ee ay hakadka ay gelisay xukunkii Maxkamada Aduunka,waxay heleen kalsooni ay hawshooda kusii wadaan. Sida la filayo,waxaa jiri doona heshiis qarsoodiya oo dhexmari doona Somaliya iyo Kenya oo ku saabsan Shidaal baaristaas Bilooyinka soo socda. Jibril Qoobey.

Read More

Gurxan 2009-kii,ayuu si buuxda ugu biiray sirdoonka Puntland,waxuuna kusoo galay markii hore Macallin Luuqada Ingiriiska ah. Tababaro fiican,ayuu qabaa oo aqoontiisa sirdoonku waa saraysaa. Lkn lama aamini karo oo waa Qof aan lagu kalsoonaan karin si weyna udhexgalay argagixisada. Waxaa loo xiray dilkii Jaamac Dirir oo ka mid ahaa madaxdii PIS. Xiligii Cabdi yare Agaasimaha PIA laga dhigay 201-kii,ayaa lagu xiray Hotel Maka al-mukarama mudo Bilooyin ah,kadib markii si weyn loogaga shakiyay Laba wajiilayn. Madaxweyne ka fiirso Dadka aad magacaabayso marka hore intaadan hadhow dhaliilin. Jibril Qoobey.

Read More

Argagixisadii ka dagaalamaysay gudaha Deegaanka Somalida Itoobiya,waxaa laga dhigay wax dhintay wax laqabtay iyo wax firxaday oo lagu raad joogo. Majirto Maleeshiya hada meel rasmi ah ka dagaalamaysa oo Aag uxiran yahay. Dagaal kale oo cusub,ayaa ka bilowday Aaga Ceelberde. Gurmad Alshabaab ah iyo Qeyb raacdo reeb u aheyd Alshabaab,ayaa fooda waxaa daray Ciidankii Itoobiya ee Atmis ka mid ahaa oo ay la socdaan Militari Somaliya. Sidoo kale,waxaa ku biiray Ciidamo Liyuu Boolis ah. Si weyn,ayuu dagaalkaas usocdaa layskuguna jabay. Sawirkan waa mid ka mid ah argagixisada la qabtay. Jibril Qoobey.

Read More

Washaaq iyo Yeed waxay ku jirtaa Gacanta Ciidanka Liyuu Booliska. Maleeshiyadii Alshabaab waxay isku urursadeen Hul-hul haraagoodi,waxayna ku Hubaysan yihiin Laba Qori oo Dhashiike ah. Dhimashada Alshabaab,waxaa la xaqiijiyay 150-Maleeshiya ah. Dhanka Ciidamada Liyuu Booliska,waxaa soo gaaray Dhimasho iyo Dhaawac badan. Ilaa caawa in lasoo afjaro ayay ubadan tahay argagixisada. Madaxweyne Mustafe,ayaa booqday goobaha la sifeeyay. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni,waxuu kala jabiyay Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Puntland ee kasoo horjeeday ansixinta Xubnaha Maxkamada sare. Qayb dhaqaale ayay qaadanayaan,qaybna Dad ay wataan,ayaa loogu magacaabayaa Jagooyin. Waxaa jira Xildhibaano Madaxweynuhu diiday in uu isku dabciyo oo wada xaajood lagalo,waxuuna qorshaynayaa,iyagoon loo joojin in Maxkamada sare la marsiiyo Golaha. Sida la filayo dhawaan,ayaa Golaha lagu soo celinayaa Xubnaha si loo ansixiyo. Taaraan in Maxkamada sare loo ansixiyo waxay ka dhigan tahay in Cadaaladii God lagu riday. Jibril Qoobey.

Read More

In la badalo Mukhtaar Jeyte waa loo baahan yahay ,balse Gurxan uma qalmo hogaaminta PIA. Gurxan looma dhiibi karo PIA,sadex sababood awgood… 1.Nisa,ayuu la shaqeeyaa oo xogaha Puntland uqaabilsan yahay. 2.Laba Safaaradood oo reer Galbeed,ayuu xogaha Dalka ka iibsadaa. 3.Waa Nin Lacageed oo Wadaniyada iyo daacadnimadu ku yar tahay. PIA hadii laga qaadayo Mukhtaar Jeyte waa sax ,balse yaan xaalku noqon Kud ka guur oo Qanjo uguur. Madaxweyne Ansixinta Taaraan dalka ha ugelin khataro waa weyn ee Xildhibaanka Reer waa Rag Ayaanle si kale uqanci. Jibril Qoobey.

Read More

In uu baxayo ayay ubadan tahay Madaxweyne Xasan. Masar iyo Sudan oo soo mari doono in uu aadayo,ayaa la sheegayaa. Golaha Wasiirada caawa in uu sii daayo ayay ubadan tahay,sida la sheegayo. Inkastoo ay xoog badan tahay in Baarlamaanka mudo dheeraad ah laga codsan doono. Boqolkiiba Sagaashan Wasiirada,isagaa soo xushay marka laga reebo Sadex Wasiir ku xigeen oo Xamse loogu daayay in uu Dadka ku dhow ku sharfo. Si cad,ayuu Xamse ugu sheegay in uu iska ilaawo soo xulista Wasiirada Beesha uu ku matalo awood qaybsiga ee Daarood. “Majeerteen iyo Mareexaan Wasiiradooda ha isku mashquulin,ayuu ku yiri Xamse”. Madaxweyne Xasan,waxuu…

Read More

Diblomaasiyiin heshiiska wax ka og ayaa sheegay in Ruushka uu oggolaaday in aanu weerarri doonin maraakiibta raashinka ka qaada dekadaha Ukraine, halka Ukraine ay ballan qaaday inay maraakiibta xamuulka ka weecin doonto goobaha miinaysan. Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow. Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay. Dhawr qarax ayaa ka dhacay dekadda magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Odessa subaxnimadii hore ee saaka ilaa haatan se ma cadda waxa dhaliyey qaraxyadaas. Sida uu dhigayo heshiikii shalay Jimcihii la…

Read More

Dagaalku weli waa socdaa oo waa lays baacsanayaa. Waxaa dagaalka ku biiray Ciidanka Mileteriga Itoobiya. Guusha ugu weyn ee la gaaray,waa in Gacanta lagu dhigay hogaamiyihii argagixisada soo gudubtay. Ninka la qabtay,waxaa lagu magacaabaa Bashiir Sh.Cabdullaahi,waxuu kasoo jeeda Beesha Cawlyahan ee Ogaden,waxaana mar la qabtay oo la xiray xiligii Madaxweyne Cabdi Iley. Kadib,waxaa soo daayay Madaxweyne Mustafe oo ka dhigay Gudoomiyaha Degmada God-god,balse Sanad ka hor,ayuu ka qaaday xilkaas. Shacabka Deegaanka Somalida,waxay sameeyeen gurmad xoog badan oo dhinacyo badan leh,waxaana Dhiig ku deeqday 20-kun oo Dhalinyaro ah. Inkastoo Dowlada Dhexe Mustafe ku canaanatay sababta Shacabka gurmad loo waydiistay oo loo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 Luulyo, 2022, soo saaray Xeer Lr. 52 kuna saabsan Sharrixid xubno Ka mid ah Guddiga Ku Meel Gaarka ah ee Doorashada Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland MARKUU ARKAY: Qodobka 64-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. MARKUU ARKAY: Lifaaqa 1-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. MARKUU LA TASHADAY: Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada DPL. MARKUU ARKAY: Aqoonta iyo waayo- aragnimadooda shaqo. MARKUU TIX-GELIYEY: Baahida loo qabo buuxinta xubnaha banneeyey xubinnimada Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashada Puntland. WUXUU SHARRAXAY:- Xubnaha Guddiga KMG ee Doorashada…

Read More

Garoowe, Luulyo 23, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 27-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaradda, Agaasimaha Guud, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dawladda Puntland ka warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira. Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad Farqadiisa…

Read More

Geerida Ciidanka Deegaanka guud ahaan,waa 184-Askari inta la xaqiijiyay. Ciidankii shalay la laayey Hubka ugu cuslaa oo ay ku dagaalamayeen,waxaa ugu weynaa PKM iyo Baasuuke halka Alshabaab ay wateen Hub waa weyn. Dhanka kale Jamhada Onog ee Oromada,ayaa dagaalka kasoo gashay dhanka Guradhaamoole. Jamhada Onog waxay garab siinaysaa Maleeshiyada argagixisada Alshabaab,iyagoo raba in ay ufuraan Wado ay ka galaan Deegaanka Oromada. Jamhada Onog waxay heysataa 2-Gobol iyo Bar ka mid ah Deegaanka Oromada,kuwwasoo kala ah… 1.Gobolka Shewa 2.Qeyb ka mid ah Gobolka Booran. 3.Gobolka Arsi Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa shaqadii laga fariisiyay Talyihii Ciidamada Liyuu Booliska ee Deegaanka Somalida Itoobiya Jeneral Xaaji Tuur oo kasoo jeeda Beesha reer Isaaq. Sababta looga qaaday Jeneral Xaaji Tuur Ciidanka Liyuu Booliska waxay tahay in uu Hubkii cuslaa ee Ciidanka ka qaaday Aaga Xuduuda,waxuuna ku dooday dayactir,ayaa Harar loogu qaaday. Waxaa loo dhiibay si Kmg ah hogaamintii Ciidanka Jeneral Sakariye oo ahaa Kornaylkii watey Ciidankii Gurmadka ahaa 2013 markey argagixisadu Aagaas soo weerartay. Sidoo kale,waxuu ka mid ahaa Ragii kasoo xarooday Al-itixaad UWSLF heshiiskii Godey,haatana waa hogaan xigeenka Ciidanka. Sakariye,waxuu kasoo jeeda Beesha reer Cabdille ee Ciidanka Liyuu Booliska ubadan. Talyaha cusub…

Read More

Alshabaab waxaa ka dhintay ilaa iyo hada 68-Xubnood,waxaana ka dhaawacmay 42-Xubnood halka 16-Xubnood Nolol looga qabtay. Wadarta guud ee rasmiga ah ee Alshabaabka soo gudbay waa 200-Xubnood. 17-kii Gaari ay wateen argagixisadu 6-ka mid ah way gubtay argagixisada intii kalana waxa gacanta ku dhigay Ciidanka. Miinooyin ay geliyeen Deegaanka Sadex ka mid ah waa la qarxiyay welina waa sii socotaa Miina baaristu. Maleeshiyada argagixisada markii si adag ay udharbaaxeen Ciidanka Liyuu Boolisku way firxadeen,waxaana burburay hogaamintoodii. Haatan dagaalku waa Mid ugaarsii,iyadoo Ciidanku ka faa’idaysanayo aqoon la’aanta Deegaanka ee argagixisada firxadka ah. Jibril Qoobey.

Read More

Sadex Bilood ka hor waxaa utagay arimo la xiriira adkaynta Xuduudka Gobolka Afdheer Hogaanka Nabadgelyada ee DDSI. Kadib,waxaa ku xigay oo tagey Nin u dhaqdhaqaaqa qadiyadaha Amxaarada,waxuu si cad Warbaahinada uga sheegay in Kilinka Somalida Alshabaab dhex fadhiyo. Xukuumada Deegaanka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Mustafe kama hadlin eedeyntaas kamana difaacin Deegaanka Shaabada argagixisada ee lagu dhuftay. Dhanka kale,waxaa soo baxaya warar sheegaya in qorshahan yahay Barnaamij isku xiran oo Abiy,Fahad & Cagjar ku midaysan yihiin oo la rabo in Gedo, Bay & Bakool Ciidamada Itoobiya si buuxda uqabsadaan Dowlada Xasan Shiikh-na lagu mijaxaabiyo. Sidoo kale waxaa jira war kale oo…

Read More

Dagaalkii weli wuu socdaa waxuuna kasocdaa gudaha Afdheer Degmada Ceelgari. Madaxweynaha iyo Hogaanka Nabadgalyada DDSI waxay joogaan Gobolka Afdheer xaruntiisa Hargeelle. Ciidanka Deegaanka Ee Liyuu jabka iyo dhimashadu wey ku badan tahay. Argagixisada si weyn,ayaa loo karbaashay,guud ahaan Ciidamadii joogay Deegaanka waxay ujihaysteen goobta dagaalku ka socdo. Maleeshiyada argagixisadu waxay marayaan Qabalaha Unka ee Degmada Ceelkari oo xadlaleh Deegaanka Oromia Gobolka Balle Degmada Gindhir. Jibril Qoobey.

Read More

Dagaalkii DDSI ee Alshabaab iyo Ciidanka Liyuu wuu socdaa,waxuuna kasocdaa gudaha Gobolka Afdheer degmada Ceelgari,sida ilo madax banaan xaqiijinayaan. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho weli ma cada. Laamaha amniga ee Dowlada Deegaanka,ayaa sheegay in xoogagga taabacsan Al-shabaab lagu hereereyay aagga Huluul ee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer. Sidoo kake Laamaha ammaanka DDSI,ayaa sheegay in ilaa gabal-dhicii shalay uu socday dagaalka, 16-Gaadiid oo ay wateena ay ka carareen marka laga reebo toddoba Gaari oo ay gubeen. Alshabaab maanta kama aysan hadlin dagaalka,balse waxay Shalay soo bandhigeen khasaare balaaran oo ay gaarsiiyeen Ciidamada…

Read More

Qooxle,Godgod,Hargelle iyo Ceelkari oo ku taal xadka ugu danbeeyo ee Gobalka Afdheer ee xiga dhanka Oramada ayay gaareen Maleeshiyada soo gudubtay. 17-Gaari iyo Labo Mooto Gacan oo sahanka ah ayay ku hubaysan yihiin Maleeshiyada argagixisada. Ugu yaraan 350 Maleeshiyo ah in ay gaarayaan ayay sheegayaan Ilaha Wardoon. Hadafkoodu waa in ay Caawa galaan Deegaamada Oromada. Waxaa laga hagayaa Maleeshiyadan argagixisada ah gudaha Deegaanka Somalida Itoobiya,gaar ahaan Hargeelle iyo Jigjiga. Sidoo kale,waxaa hogaaminaya Nin udhashay Beesha Cawlyahan ee Ogaden. Sahanka Mootooyinka watana waa Rag isla Beesha Cawlyahan ah oo aad ukala yaqaan Wadooyinka,waxaana la ii xaqiijiyay Wadiiqooyinka ay mariyeen Maleeshiyada aysan…

Read More

836-Xubnood ayay ka kooban yihiin Xubnaha Sirdoonka Deegaanka Somalida Itoobiya. Xiligii Madaxweyne Cabdi Iley kala bar waxay ka hawlgeli jireen Xuduuda iyo Deegaamada ku hareeraysan. Sidoo kale,waxaa hogaamin jiray Saraakiil leh aqoon iyo xog ogaalnimo. Haatan Madaxweyne Mustafe,waxuu udhiibay Nin Macalin ka ahaa Jaamacada Jig-,jiga oo aan lahayn khibrad Sirdoon,mid Ciidan iyo mid diblomaasiyadeed. Ninkaas Macallinka ahaa,ayuu hadana usii dhiibay qaybta Qandaraasyada Ciidanka Liyuu Booliska. Waxay noqotay in Xubnihii soo shaqeeyay lakala cayriyo oo lagu badalo Dad iska caadiya iyo kuwo qaraabo dhow la ah Madaxweyne Mustafe,kuwaasoo aan soo shaqo tagin ee kaliya Mushahaarka iska qaata. Sidoo kale Xubno badan…

Read More

Aruusha,ayuu gaaray Madaxweyne Xasan. Shirkaas,waxaa ku filnaa Ra’isalwasaaraha,balse waxiisu waa muujin awooda Madaxweynaha. 4-ta sano Dalka anaa ka ah Madaxweyne iyo Ra’isalwasaare fariin ah,ayuu dirayaa Madaxweyne Xasan. Siyaasiyiinta Somalida ee xiligan joogta Ninkii ugu da’da weynas uguna muda dheeraa in uu sidaa udhaqmo waa nasiibdaro kale oo Dalku galay. Somaliya waxay ubaahnayd hogaamiye fahma baahideeda oo ka taga taariikh wanaagsan. Waxaase muuqata in aan waxba laga baran 30-kii sano waxii lasoo maray oo ay ugu danbeeyeen dhaqankii Farmaajo.

Read More

Argagixisadu gudaha Deegaanka Somalida Itoobiya waxay ugaleen shalay ilaa xalay 380-km oo caasimada Gobolka Afdheer ee Hargeelle waxay ujirsadeen 40-km. Ciidamo fara badan oo Liyuuga Booliska ah,ayaa kusoo baxay,kuwaasoo ka kala soo ruqaansaday fadhiyo kala duwan. Khasaare fara badan,ayaa soo gaaray Dadka Deegaanka iyo Ciidanka Liyuu Booliska ee Yeed fadhiyay iyo kuwii girmadka ahaa. Jabka ku dhacay Ciidamada Liyuu ma’ahan wax la oran karo qorshe xumo,ayuu ku dhacay ee baaris weyn,ayuu ubaahday. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Xasan oo ka fakaraya in Ciidamada Eretereya jooga 3000 oo ka mid ah shaqo laga siiyo Imaaraadka. 110-milyan oo dolar ayay uxaniman yihiin Ciidamada Eretereya. 30-Milyan oo dolar Qatar,ayaa hormaris usii bixisay oo qayb ka ah Lacagtaas. 80-kii Milyan ee haray ilaa iyo hada Dowlad ka bixisa Somaliya lama hayo,iyadana haba sheegin xataa Milyan ma awoodo. Askari walba,waxuu kaloo hada ubaahan yahay 2000 oo dolar oo lagu qalabeeyo. Dalka kama jirto hal Xero oo Ciidan intaas le’eg la dajin karo ama uqalanta Xero Ciidan. Sidoo kale Askari kasta,waxuu ubaahan yahay ugu yaraan 200 oo dolar oo Mushahaar ah iyo…

Read More

In ka dhow 200-Askari iyo Talyihii haystay oo Ciidamada gaarka ah DDSI ee Liyuu Booliska oo fadhigoodu ahaa Yeed ayay argagixisadu Cagta marisay. Waxay gubeen Gawaaridii Ciidanka iyo Xeradoodii ku taalay Yeed. Sidoo kale Ciidamo gurmad ahaa oo isla Liyuu Booliska ah ayay dhexda ugaleen oo dagaal kharaar kala hortageen,kaasoo socda ilaa iyo hada. Arimaha yaabka leh!! Waxaa la yaab leh sida ay ku dhacday in argagixisadu ku dhiirado in ay weeraraan Yeed dhanka Itoobiya.! Sidoo kale in ay dhexda ugalaan gurmadkii ka yimid gudaha Kilinka waa wax la yaab leh.! Su’aalaha iswaydiinta mudan?? See Sirdoonka Kilinku ku ogaan waayay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo ay wehelinayeen wafti ka socda Wasaaaradda ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Kismaayo xarunta KMG Juballand. Wasiirka iyo waftigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mudane Mohamed Ibraahim Oogle Wasiirka Caafimaadka Juballand. Hadal kooban oo labada wasiir ay warbaahinta siiyeen ayay ku sheegeen :- Mohamed Ibaarahim Oogle oo ugu horayn hadalka qaatay ayaa yiri:- “ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Kismaayo ku soo dhaweeyo wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo booqasho qaadanaysa saddex maalmoood ku yimid Juballand, muhiimada booqashada ay tahay inaan is xog waraysano wax kala…

Read More

Freedom Air diyaaradeeda cusub ee samaynaysa duulimaadyo caalami ah in lasoo dhaweeyo way mudan tahay. Goordhow reer Puntland,gaar ahaan qurba joogta,waxaa uraqiisi doona Tigidhada. Diyaarada Freedom waxay bilaabi doontaa duulimaad toos ah oo Dubai-Bosaso ah. Sidoo kale,waxaa xigi doona Garowe-Dubai. Baahi weyn ayay uqabeen reer Puntland Shirkad diyaaradeed oo udamqata ee si gaar ah utixgeliya Freedom. Jibril Qoobey.

Read More

Waxay noqdeen mid Xanuun sheegta,mid su’aal jilicsan oo jawaabteeda lasii diyaariyay lasoo shir taga. Wasiirka Maaliyada habeen hore,ayuu xiriir la sameeyay Xildhibaanada oo 24-kii ugu cad-cadaa min 3000 oo dolar ukala diray. Cawil Daad oo isa soo qadimi jiray,waxuu fariistay Baarlamaanka raartiisa gadaale si uu ugu gabado. Dhaashane su’aal jilicsan,ayuu lasoo shir tagey oo jawaabteeda qish ahaan usii haysto Wasiirka Maaliyada,taasoo ahayd Horumarka kasoo socda Shiinaha iyo Finland see noosoo gaarayaa? 22-kii kale waxay noqdeen,wax xanuunsaday iyo wax Makarafoonada ka fogaaday. Gudoomiyihii Baarlamaanka oo ka ciilqabay maalmahan Lacag la siiyay M.xigeenka markii la dhex-dhexaadiyay isaga iyo Deni,ayaa lasoo booday maxaad…

Read More

Maalinka Berri foog ah,ayaa ubaxayaa Arusha, Tansaaniya. Waxuu uga qaybgalayaa shirkii East Africa Common Market si kor joogto ah (observer). Somaliya weli kama aysan noqon xubin buuxda Ururkaas. Dadka,ayaa u arka in ay deg deg tahay maadaama Xukuumaddii aan weli la dhisin. Madaxweyne Xasan,wuxuu umuuqdaa Nin aan waxba u hambayneyn Xukuumadda madaama awoodda fulintu ay leedahay xukuumaddu si waafaqsan Dastuurka Dalka. Jibril Qoobey.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka,…

Read More

Waxuu shaacinayaa Lataliyayaal uu magacaabay,waana safrayaa Madaxweyne Xasan. Socdaalkiisan,waxaa la sheegayaa in uu Itoobiya ku hakan doono kadibna Masar iyo Sudan. Dhamaan safaradiisa,dib,ayaa loo dhigay inta laga magacaabayo Golaha Wasiirada marka laga saaro kii Eretereya. Sidoo kale Madaxweyne Xasan lagama sugayn Lataliyayaal ee waxaa looga fadhiyay Wasiiradii oo isaga uxayiran. Jibril Qoobey.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska DPL Maxamuud Caydiid Dirir oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska DPL ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira. Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad, 14-aad, 22-aad iyo Xeerka Dalxiiska Puntland oo…

Read More

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa abaal mariyey Ikraan Cabdiraxmaan Cadullaahi oo ahayd Gabdhii kaalinta kowaad ka gashay Imtixanaadkii Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Puntland a 2020. Xaflad ay si wadajira u-soo agaasimeen Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ayaa lagu Abaal-mariyey, in la siiyo Deeq Waxbarasho fasalka kowaad ilaa Fasalka 12aad ee Dugsiga sare. In agabkeeda Waxbarasho oo dhamaystran la siiyo Buugaagta ardayda dugsiga sare ee wax ka barata Puntland, oo sannad dugsiyeedka 2022/2023 laga hirgelin doono dhammaan dugsiyada sare ee Puntland. Ikraan Cabdiraxmaan Cadullaahi ayaa ugu saraysay Imtixaankii Dugsiyda dhexe…

Read More

Baarlamaanka Sri Lanka ayaa madaxweyne cusub u doortay Ranil Wickremesinghe oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas. Ranil Wickremesinghe ayaa helay 134 cod halka ninkii la tartamayay Dullus Alahapperuma uu helay 82 cod. Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga dhismaha baarlamaanka xilliggii ay dhaceysay. Howlaha horyaalla Ranil Wickremesinghe waxaa kamid ah in uu hoggaamiyo dalkan uu saameeyay dhaqaale xumida iyo in uu soo celiyo xasiloonida kadib dibadabaxyada ballaaran ee saameeyay Sri Lanka. Madaxweynihii hore ee Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa isaga cararay dalka toddobaadkii lasoo dhaafay. Weriyeyaasha ayaa kusoo warrameysaa in doorashada Ranil Wickremesinghe ay dibadbaxyo hor leh ka dhaliyaaan magaalada caasimadda…

Read More

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dalkiisa uu xoojinayo xiriirka kala dhexeeyo Ruushka isla markaana sheegay in ku eedeeyay reer galbeedka inay ka dambeeyeen dagaalka Ukraine. “Haddii aadan qaadin tallaabada dhinaca kale wuxuu horseedi lahaa dagaalka” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shaey booqday dalka Iran, waana booqashadii labaad ee uu ku tegay dibadda tan iyo markiii uu duullaanka ku qaaday Ukraine bishii February. Wuxuu Putin sidoo kale Iran kula kulmay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Waxay kulanka kusoo hadal qaadeen dagaalka Suuriya iyadoo Turkiga iyo Ruushka ay kala taageerayaan dhinacyada isku…

Read More

Xarigga la xiro masuul ka tirsan Congress-ka Maraykanka waa mid ka duwan ciqaabta xarigga lagu ciqaabo shacabka danbiilayaasha ah. Tusaale, qodobka aysan raali ka ahayn Gollaha Shacabka ama Congress-ka, ee ay go’aan ka gaarto maxkamadda sare ee dalka xildhibaanada Congress-ka waxay jabiyeen calaamadda lama dhaafaanka ah ee maxkamadda horteeda si ay u qanciyaan shacabka qaba fikirkaas. Waxaana la hayaa muddo aan badneyn, iyadoo la ganaaxayo lacag gaaraysa $50 kaddib-na xorriyaddiisa la siinayo. Maxkammadda sare ee dalka Maraykanka ayaa 24-tii bishii June ee 2022 mamnuucday in haweenku uurka leh iska soo tuuri karaan Ilmaha. Halka dhinaca kale bannaan baxayaashu ay ka…

Read More

Dhismaha Waddada isku xirta Sinujiif iyo Ceel-qalqalooc oo gabagaba ah. Dhismaha Buundooyinka iyo ballaarinta waddada taasoo hadda noqon doonta 8-Mitir oo ballac ah,ayaa soo dhamaaday. Inta badan Wadada halbowlaha ah ee isku xirta Puntland iyo Somaliyaba dib,ayaaa loo dayactiray. Dowladan Sanadka iyo biluhu uga hareen mudo xileedka arimaha ay waxkaqabatay,waxaa ka mid ah Wadadaas oo aad udayacnayd. Albashiid waa mid ka mid ah Shirkadaha fuliyay dhismahaas.

Read More

Nabad,Amni iyo Sirdoon hadii laysla helo waa sugan yahay Amniga Guud. Inkastoo Deni horay usii dhaqaajiyay dib uhabayntii Ciidanka ee Qori isku dhiibka ahayd,hadana ma dhamaystirin. Muda xileedka uharayna kuma filna in uu soo afmeero qorshsha Amni buuxa,waase mid uu ku wareejin doono Xukuumada xigta. Puntland baahida ugu weyn ee dhanka amniga ka haysata waa sirdoonka oo aysan gelin dhaqaalihii loo baahnaa. Ugu yaraan miisaaniyadeeda boqolkiiba Toban ka mid ah in sirdoonka loo leexiyo ayay ubaahan tahay. Jibril Qoobey.

Read More

Siyaasiyiinta Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland,waxay umuuqataa in looga adkaaday loolankii Siyaasada. Si kale hadii loo yiraahdo Siyaasiyiintii Garxajis,waxaa markale ka ilaashay hogaaminta Somaliland isbahaysigii H.Awal iyo H.Jeclo. Saakay,iyagoo haysta 3-da Xisbi ee sharciyan jira Labo ka mid ah,ayaa dusha laga maray oo la baaba’shay Xisbiyadoodii. Muuse waan-waan walba oo la hor dhigay waa iska diiday hadana xaalku,waxuu marayaa war ku darso hadaad rabto ee nala hadal. Labo Wado kaliya,ayaa ufuran Siyaasiyiinta Beelweynta Garxajis…. 1.In ay u hogaansamaan Amarka Madaxwayne Biixi oo ay raaciyad noqdaan,taariikhdana ugasho isla goos-goosiga Gobeedna ka haraan. 2.In ay Xabada ridaan qiimo walba oo ay ugu…

Read More

Caleema saarkii Madaxweyne Xasan Itoobiya waxay codsatay in loo kordhiyo weftigii ka imaanayay. Balse,waa laga cudurdaartay oo waxaaba si cad loogu sheegay in Masar kaga xumaanayso hadii la kordhiyo weftiga Itoobiya. Sidoo kale Imaaraadka Madaxweyne Xasan,waxaa ugu yimid oo ay ku kulmeen wefti sare oo Masaariya,waxaana hogaaminayay Wasiirka Arimaha dibada. Itoobiya waxay ku khasban tahay in ay danteeda Qaranka ka ilaashato cid kasta oo ay u aragto in ay ku tahay khatar. Somaliyada uu hada Xasan hogaaminayo,waxaa muuqata in aysan danaynayn daris wanaag iyo iskaashi. Somaliya heshiis ah,Dunidana la heshiis ah durba ceebaa kasoo noqotay. Jibril Qoobey.

Read More

Diyaaradda Jubba Airways,ayaa ku burburtay garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xilli ay soo caga dhiganeysay Dhabaha Diyaaraduhu ku ordaan. Diyaaraddan,ayaa ka timid Baydhabo,waxaana saarnaa rakaab gaarayay 33-Qof. Dhammaan Dadkii saarnaa way ka badbaadeen shilkaas diyaaradeed ee qabsaday Diyaaradii Jubba Airways.

Read More

Hogaankii Nabagsugida iyo xasilinta Gobolka Gedo ee Dowladii F&F Ninka lagu magacaabo Bakaal ayay Dowlada Xasan Shiikh heshiis la gashay una daysay shaqadiisii. Gobalku in uu sidiisa ahaado oo aan wax isbadal maamul iyo amni ah lagu samayn,ayaa laysku raacay. Dowlada Xasan iyo Maamulayaashii Gobolka xiligii F&F waxay isku afgarteen in aan Axmed madoobe lagu wareejin Gobolka. Dhanka kale Itoobiya oo saamayn weyn ku leh Gobolka,ayaa diiday in la faragaliyo waxayna sheegtay in Mahad Salaad iyo Axmed Madoobe midkoodna inta xal la gaarayo uusan masuul cusub usoo magacaabi karin. Jibril Qoobey.

Read More

Tamirat Tola oo Ethiopian ah ayaa ku guuleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee aduunka ee ka socda Maraykanka. Waxa uu khadka kaga gudbay laba saacadood iyo shan daqiiqo iyo 37 ilbiriqsi. Mosinet Geremew oo ay isku dalka yihiin Tola ayaa kaalinta labaad galay. Itoobiya ayaa hadda haysata laba dahab ka dib markii Letesenbet Gidey ay ku guulaysatay orodka 10,000 ee mitir ee dumarka. Hellen Obiri oo u dhalatay Kenya iyo Margaret Kipkemboi ayaa kala qaatay qalin iyo maar.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib maalmo uu safar Xajka ugu maqnaa Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Guddoomiyaha iyo waftigiisa,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ku soo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta. Guddoomiyaha kaga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay.

Read More

27-kii bishii May ee sanadkan ayuu hindise sharciyeedkan mooshinkiisa Aqalka Hor geeyay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, oo lagu magacaabo Adam Smith, kaas oo laga soo doortay degmo ka tirsan Washington. Mr Adam oo Golaha xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1997-kii, ayaa codsaday in la meel mariyo xeerkan oo dhigaya in loo kuur galo sidii Somaliland loola kaashan lahaa howlo badan oo uu Mareykanku ka fuliyo Afrika iyo meelo kale. Hannaan muddo socday kaddib, 14-kii bishan July ayaa hindise sharciyeedka lagu meel mariyay Golaha Wakiillada oo ay shir guddoomiso Nancy Pelosi. Tallaabada xigta ee hadda lagu howlan yahay…

Read More

Ugu yaraan seddex masuul oo ka mid ah maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo la sheegay inuu ahaa ismiidaamin. Qaraxa,ayaa loo adeegsaday Gaari xamuul oo lagu soo raray Qalabka dhismaha,waxaana lagu bartilmaamedsaday Hotel Shabelle oo ay degaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle. Ururka Al-Shabaab,ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana warbaahinta ururkaasi taageertaa ay sheegtay in qaraxan uu ahaa ismiidaamin. In ka badan Toban Qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan maamulka iyo xildhibaanada Hirshabeelle,ayaa ku dhaawacmay. Waa qaraxii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Jowhar. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaad moodaa in Madaxweyne Axmed caleentiisii Siyaasadu Cirka kasoo dhacday. Hadalkaas iskama oran ee waxaan ku fariisinayaa Afar xog oo aan hayo….. Xogta 1-aad” Kenya waxay ka niyad jabtay horumar la’aantiisa dhanka amaanka iyo Siyaasada. Waxa kaliya ee Axmed Maanta xoogaa taageero ah uu ka haysto waa Talyayaasha Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan,kuwaasoo dhaqaale gaar ah uu uqoondeeyay. Kenya waxay ku doodaysaa qorshihii aan Madaxweynanimada Axmed Madoobe ugarabsiinaynay waxay ahayd laba Qodob oo kala ah… B.Amaanka Kenya,gaar ahaan Xuduuda,iyadiina weli sidii ayay khatar ugu jirtaa oo Gaarisa cabsi argagixiso,ayaa lagu seexdaa. T.Saamayn in uu ku yeesho siyaasada gudaha ee…

Read More