Su’aashii ugu mudnayd Su’aalaha Baarlamaanka uu waydiiyay saakay Wasiirka Caafimaadka Puntland ayay ahayd mida xatooyada Dawada iyo Agabka kale ee Isbitaalada. Waa Wasaarada kaliya ee uxiran koox isfahansan oo wax wada cunta kana samaysay Hanti fara badan lunsashada Dawada,Agabka kale iyo dhaqaalaha Wasaarada. Wasiirka yimaadaa,waxuu lahayste unoqdaa iyaga oo waxay si cad ugu sheegaan in Qaybtiisa banaankaas uu ka qaato. Waa meesha uu kasoo baxay Wasiirka maaliyada kana abuuray dhaqaalaha uu ku noqday Wasiirka ilaa iyo hadana qayb,ayuu kasii yahay qorshaha xatooyo ee socda. Agaasimaha guud,waxuu Oday uyahay kooxda haysata Wasaarada,waana Nin ku dhex koray oo ka sameeyay hanti iskugu…
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Xasan Shiikh,waxuu ku yiri Haldoor kasoo jeeda reer Puntland oo uu kula kulmay Nayrobi… “Deni iyo Aniga mad-madow,ayaa naga dhex jira oo RW,ayuu rabey Ana masiin karin oo waxuu ahaa Nin Madaxweyne igula tartamay oo qorshihiisa iyo aragtidiisa wata ee halaygala hadlo”. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri markale Madaxweyne Xasan… “Puntland markaan hada kasoo laabto booqashooyinka dibada,ayaan toos utagayaa,waxaan rabaa wada shaqayn buuxda,waxaana balan qaadayaa in ay reer PL ka heli doonaan Dowladayda Cad weyn G.Wasiirada iyo qaybaha kale ee Xukuumada”. Hadaba haldoorkaas uu Odaygu suba salaaxday,waxaa laga rabaa in aysan ku deg-degin la hadalka Deni. Xasan haduu rabo sidii…
Socdaalka Madaxweyne Xasan,waxuu kusoo aadayaa,iyadoo ra’isalwasaare Xamse laga baajiyay casuumad uu ka helay Imaaraadka Carabta. Sida muuqata Xasan ma rabo awood aan isaga ahayn in ay gudo iyo dibad ka muuqato 4-tiisa sano. Magacaabistii Golaha Wasiirada Fadaraalka,waxay u xayiran tahay Xasan iyo Ragiisa. Madaxweynuhu waa soo jeenstay,waxuu baahi uqabaa awooda,wuxuuna rabaa inuu dalka 💯 isagu ka taliyo sida Odayaasha kale ee geeska Afrika. Su’aashu waxay tahay Ma u suurtagalayaa hamigaas ?? Jibril Qoobey.
Madaxweyne Xasan,wuxuu gaaray Jabuti oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Jabuti,waxaa xiriirkeeda xumeeyay Farmaajo. Si gaar ah Eretereya oo ku ah Jabuti caqabad,ayuu Farmaajo siyaasiyan ka raacay qaybna ka noqday go’doomin siyaasadeed oo lagu sameeyay. Madaxweyne Xasan aadistiisii Eretereya ee dhawaan,waxuu kala hadlay ka hor intuusan duulin Madaxweyne Geelle si aysan faham khaldan uqaadan,waana ka dhaadhiciyay ujeedka booqashadiisii. Jabuti in la qanciyo loona arko qayb ka mid ah Somaliya oo Gumaystuhu jaray haatana ah Jamhuuriyad ka mid ah kuwa Geeska,waa muhiim. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cadullaahi Deni,ayaa maanta warbixin ka dhegaystay Guddiga nabadaynta deegaanka Saax-maygaag. Shirka waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Puntland, Guddoomiyeyaasha gobolada Sool iyo Nugaal.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Jaamac Faarax Xassan oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Seyid Cumar Guulleed iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda. Wasiirka Caafimaadka,ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira. Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha caafimaadka dalka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad, 33aad iyo Xeerka Xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo si faah-faahsan uga hadlaya diiwaangelinta, anshaxmarinta, tayeynta Xirfadlayaasha caafimaadka iyo…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga uu dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka,…
Baahida Shacabka Puntland la mid ma’ahan mida barakacayaasha Somalida kale ee usoo haajiray Deegaamadooda. Xalka deg-dega ah ee reer Guuraaga” 1.In Dadka la gaarsiiyo Biyo,Raashin iyo Adeeg Caafimaad. 2.In Xoolaha la gaarsiiyo Biyo iyo Calafka Xoolaha. Xalka fog ee reer Guuraaga” 1.Waa in Ceel Biyoodyada la badiyo. 2.In Dhul Daaqsimeed loo xiro xiliga Abaaraha iyo in loo diyaariyo Kayd Calafka Xoolaha ah. 3.In Adeega Caafimaadka Xoolaha ee hada magac uyaalka ah si dhab ah looga shaqeeyo. 4.In Adeega Caafimaadka iyo Waxbarashada Dadka reer Guuraaga si weyn looga hawlgalo. Xalka deg-deg ah ee Magaalooyinka” Waa in laga kabo Adeegyada Nololeed ee…
Punt land Intellectual Forum – UK Chapter.Togetherness We StrongTaariikh: 14 July 2022. Dhammaan Shacabka & Bulshada Reer Punt Land meel kasta oo ay joogaan, ( Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba), Golaha Aqoonyahanka Punt Land, Waaxda Dalka Britain, (UK), wuxuu aad iyo aad oga xun yahay, kana tacsiyaynayaa dhacdadii foosha xumayd ee Taariikhdu markay ahayd 11July 2022, ka dhacday Degmada Boosaaso.Goluhu, wuxuu eebbe u waydiinayaa inuu Samirsiiyo, ogana boogo dhayo Ehelkii iyo kharaabadii ay ka geeryoodeen dhallinyadii ku dhintay dhacdadaas, sidaas iyo si lamid ah, goluhu wuxuu eebbe u waydiinayaa inta ku dhaawacantay inuu caafimaad taam ah siiyo.Haddaba, Golaha Aqoonyahanka Punt land…
………Ogeysiis ………. Ogeysiis …….. Ogeysiis………Sida la wada ogsoonyahay, waxaa la taagan yahay wakhtigii diiwaangelinta ilmaha gaaray da’da waxbarashada 2022-23. Haddaba, waxaa dhammaan la ogeysiinayaa waaliddiinta gobollada Puntland in ilmahooda gaaray da’da waxbarashada oo u dhexeeya 6 jir ilaa 7 jir ay geeyaan goobahaha waxbarashada ugu dhow kana diiwaangaliyaan dugsiyda waxbarashada tooska ah, si loo soo saaro jiil aqoon leh, arday dadkiisa iyo dalkiisa wax u bartay iyo si looga baxo aqoondarrida iyo saboolnimada. Waxay kaloo Wasaaradda Waxbarashadu ogeysiinaysaa soo xaraynta dhammaan ardayda loox tuurka ah iyo in la keeno goobaha waxbarashada iyaga iyo ardaydii ay saameeyeen abaaruhu. Qorshaha 2022 ayaa…
Cirro Xaaji Cali-yare rabi ha’unaxariisto meel xoogaa buuq ka jiray Askar Dadka kala kaxaynaysay,ayaa mid ka mid ah Xabadi uga dhacday. Askarigii waa la qabtay,waana la xiray oo la aqoonsaday,iyadoo baaris lagu bilaabay sida wax udhaceen. Sidoo kale Cilmi Cali Guuleed Agaasimaha hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Gobolka Mudug dhaawac,ayaa soo gaaray,kadib markii meel durugsan laga soo toogtay. Ciidamada amaanku hawlgal ayay ka fuliyeen Aagii lagu dhaawacay. Dhanka kale dhacdadii Saldhiga argagixisada lagu hayo ka dhacday Gudi heer Gobol ah iyo mid Dowlada Dhexe oo Garowe laga soo diray ,ayaa gacanta ku haya baarista sida wax udhaceen. Ciidamo dheeriya,ayaa Saldhiga la…
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa war-mrtiyeed wadajir ah kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Wada-hadallada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu maanta Kenya ku tegay casuumad rasmi ah oo uu ku helay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta Kadib wada-hadallo ay yeesheen ayey labada madaxweyne isku raaceen 11 qodobo oo la xiriira xoojinta xiririkada labada dal. Qodobadaasi ayaa waxaa ugu weyn in labada madaxweyne ay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay dagaalka ka danka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo guul laga gaaro, waxayna fareen hay’adaha amniga labada dal inay…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo booqasho rasmi ah uga billaabatay. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta la kulmi doona dhiggiisa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadalladooda dhinacyada badan taabanaya waxay xoogga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska…
Madaxweyne Xasan saakay cagtuu furay,waxuuna ujihaystay Kenya oo ay uga bilaaban doonto booqasho uu ku marayo Dalal dhawr ah. Kenya sida la filayo,waxaa jiri doona heshiis ay Labada Dal kala saxiixan doonaan oo dhanka Somaliya ay ku badalanayso fasixida Qaadka arimo ay ka mid yihiin in Kenya hagaajiso Visa bixinta iyo socdaalka. Madaxweynuhu Kenya kadib,waxuu usocdaali doonaa Jabuti oo uu horay u ogaysiiyay safarkiisii Eretereya si aysan udhibsan,waxaana wararku sheegeen in Madaxweyne Geelle markaas siiyay (Green Light). Kadib,waxuu ugudbi doonaa Itoobiya oo wal-wal weyn ka qabta xiriirka Dowlada Madaxweyne Xasan iyo Dowlada Masar,si gaar ah Ninka loo dhiibay Sirdoonka Fadaraalka…
Magacaabista Golaha Wasiirada Fadaraalka dib ayay udhacaysaa sida ay ii xaqiijiyeen ilo muhiim ah. Xamse,waxuu hortagi doonaa Baarlamaanka oo uu ka codsan doonaa mudo kordhin loogu sameeyo mudada soo magacaabista Wasiirada. Dib udhaca ma keenin in laysla fahmi waayay Dadka loo qaadanayo Golaha ee waxaa sababay Madaxweyne Xasan oo raba in uu sii adeegto muujiyana awooda Madaxweynaha. Faarax Sh.Cabdiqaadir,ayaa Geed fadhi u ah diyaarinta Golaha cusub ee Wasiirada,waxaana Saf dheer loogu jiraa Hotelka uu degan yahay. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha gurmadka Abaaraha oo ah Shir loogu qareemayo looguna gurmanayo dadka ay Abaartu saameysay. Madaxweynaha oo muujiyay sida Dowladdu ula damqanayso Bulshadeeda ayna muhiimad u siinayso ka jawaabista xaaladda ka dhalatay Abaarta, ayaa Kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu $1Million ku shubayso sanduuqa Gurmadka Abaaraha ee Puntland si loogu billaabo caawimaada dadka Abaartu saameysay, Wuxuuna Madaxweynuhu ku baaqay in laga wada qeyb qaato Gurmadka. Guddiga Abaaraha u qaabilsan Dowladda oo kaashanaya Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee Puntland iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso ayaaShirweynaha gurmadka Abaaraha kusoo…
Ra’isalwasaare Abiy,ayuu la kulmay Madaxweyne Deni intii uu joogay Adis-ababa. Wasiirada Gaashaandhiga,Caafimaadka,Waxbarashada iyo Talyayaasha Ciidamada Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayuu kulamo la qaatay. Waxa ugu weyn ee ay kawada hadleen waxay ahayd danaha gaarka ah Dowlada Puntland ee Xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka kala dhaxeeya Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Itoobiya. Arimaha laysku afgartay,waxaa ugu waa weynaa… 1.Iskaashiga amaanka.2.Iskaashiga Ganacsiga3.Iskaashiga Caafimaadka 4.Iskaashiga Waxbarashada Puntland xiriirkeeda caalamka oo xataa ay ku jirto qurba joogta si weyn,ayuu uhooseeyay mudadii Deni hogaaminayay. Sanad iyo barka haray arimaha ubaahan in kor loo qaado,ayuu ka mid yahay iskaashiga caalamiga ah. Puntland waa nidaam qayb ka ah nidaamka Fadaraaliga…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Safaaradaha Switzerland iyo Sweden ee Nairobi. Wasiirka waxaa shirka ku wehelinaysay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Xaliimasacdiya Cabdullaahi Maxamed. Shirka waxaa looga wada hadlay xoojinta dhaqaalaha loogu talo galay barnaamijyada Dimuqraadiyeynta iyo horumarinta Degmooyinka Puntland. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dhammeystirka geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee hal cod iyo hal qof iyo qorshaha Wasaaradda ee abuurista santuukha loo dhanyahay ee horumarinta Degmooyinka Puntland oo Wasaaraddu ku hawl jirto in la hawl galiyo horaanta…
Darbi aan laga filayn ayay jabsadeen Maxaabiistan argagixisada ah ee Gaalkacyo lagu hayo. 6-ayaa booday oo fakatay ka hawlgalidii Ciidanku Labo ayay ku qabteen midna cayrsashadii,ayuu ku dhintay. Sadexdan,ayaa maqan Magaalada oo idilna Ciidanka waa uxiran tahay oo hawlgal dhan walba ah ayay wadaan.. Eeda baxsashada Ciidanku maleh ee waxaa dusha saaranaysa Madaxtooyada Puntland.. 1.Maxaabiistan aadbay utira bateen,waana la xukumay in badan oo ka mid ah,waxay ahayd in lagu fuliyo Xukunkoodii,waxaase ay ka daahday dhanka Madaxweynaha. 2.Saldhiga lagu hayo oo aanan ahayn meel qaadi karta Maxaabiis fara badan una diyaarsan Maxaabiis khatartooda leh in lagu hayo. 3.Dayac ka jira Saldhiga…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo, oo safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay. Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo booqasho ku yimid Puntland.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna sii haya Xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Mas’uuliyiin ka socday Safaaradaha Switzerland iyo Sweden. Wasiirka waxaa kulan ku weheliyey ku simaha Agaasimaha Guud ,Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha Furdooyinka, saraakiil ka socday mashaariicda DRM/PFM iyo JPLG. Booqashadan ayaa salka ku haysay sidii ay wax uga ogaan la haayeen mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan, habka ay u socdaan iyo daah furnaanta shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Madaxda Wasaarada ayaa Mas’uuliyiintan u soo bandhigay in ay Puntland hormarro balaaran ka gaartay, gaar ahaan bixinta adeegyada assaasiga,…
Madaxweyne Xasan waa tagayaa beri ama saadanbe sida aan xogta ku helay. Kenya,ayuu ka bilaabayaa,Jabuti,ayuu ku xijinayaa,waxuu kusoo afmeerayaa Itoobiya socdaalkiisa. Sida muuqata Madaxweynuhu,waxuu baahi uqabaa awooda,waxuuna rabaa in uu ka dhabeeyo si dadban fikirkiisii ahaa… “RW waxaa iska noqonaya Nin aan soo olalayn oo doorasho soo galin Caawa aan ka warqabin in uu yahay RW Dalka”. Sida Madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuti oo awooda fulinta leh,ayuu rabaa in uu udhaqmo. Sidoo kale Ra’isalwasaaraha Somaliya ee Awooda leh,waxuu rabaa in uu ka dhigo sida kan Turkiga ee ushaqeeya Madaxweynaha iyadoon Dastuurkii Dalka la badalin. Safaro mira dhal ah baan urajaynaynaa Madaxweynaha.…
Addisababa shaqo fiican baa ka socota,waxaa jeelasha buux dhaafiyay xubno sar sare oo Dowlada federaalka ah oo boob hantiyeed lagu helay waxuuna hawl galku soconayaa ilaa waagu ka baryo. Hal Wasiir oo kaliya,ayaa lagu hayaa lunsasho Hantiyeed oo gaaraysa 20-Milyan oo dolar,waxuuna ku jiraa Madaxda la qabqabtay. Waxaa qorshuhu yahay in marka heer Fadaraal la nadiifiyo loosoo dhaadhaco heer Deegaameed. Mustafe Cagjar waa Ninka ay saaran tahay Seefta la xisaabtanka ee heer Deegaan waxaana lagu hayaa lunsasho aan caadi ahayn oo uu ku sameeyay miisaaniyada Deegaanka.
Madaxweyne Xasan waa tagayaa beri ama saadanbe sida aan xogta ku helay. Kenya,ayuu ka bilaabayaa,Jabuti,ayuu ku xijinayaa,waxuu kusoo afmeerayaa Itoobiya socdaalkiisa. Sida muuqata Madaxweynuhu,waxuu baahi uqabaa awooda,waxuuna rabaa in uu ka dhabeeyo si dadban fikirkiisii ahaa… “RW waxaa iska noqonaya Nin aan soo olalayn oo doorasho soo galin Caawa aan ka warqabin in uu yahay RW Dalka”. Sida Madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuti oo awooda fulinta leh,ayuu rabaa in uu udhaqmo. Sidoo kale Ra’isalwasaaraha Somaliya ee Awooda leh,waxuu rabaa in uu ka dhigo sida kan Turkiga ee ushaqeeya Madaxweynaha iyadoon Dastuurkii Dalka la badalin. Safaro mira dhal ah baan urajaynaynaa Madaxweynaha.…
Jigjiga:Bosaaso waa hoygii xadaarada waa dal-udug(Puntland) oo ah magacii degaankaas loogu yeri jiray xilligii Faraacinta,waa xaruntii Boqrtooyada Qowmiyadda Daarood ee Geeska Afrika. Shirkii Roma 1912 ee labada dal ee Talyaaniga & Ingiriiska ayey cadowga ku heshiiyeen in si wadajir loola dagaalamo Daraawiish,kaddibna la gummeeyo Qowmiyadda Daarood. 1920 jabkii Daraawiish kaddib wuxuu gumeystihii Ingiriiska xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamuud Cali Shire wuxuuna gebi ahaanba joojiyey ganacsigii badda ee xeebaha Maakhir. Waxaa xigtay inuu Talyaanigu weerar xagga badda ah ku soo qaaday marsada Qaw ilaa iyo marsada Eyl wuxuuna gubay 37 marso,gebi ahaana ganacsigii badda ayuu ka xiray. Weeraro iska caabin ah…
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan is xogwareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha Dowladda ayaa ku adkeeyey Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in shaqooyinka ka socda wasaaradaha aysan hakad galin xiligaan kala guurka ah, si uusan dib u dhac ugu imaan adeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshada. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaaa gabo-gabo maraya dhismaha Wadada xiriirisa Injida iyo Wadada islaam Maxamed , taasoo halbowle u ah adeega Dadweynaha iyo isku socodka Gaadiidka iyo dadka korna u qaadeysa, kobaha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada ee caasimada Garowe. Wadooyinka cusub ee ka socda magaalada Garoowe , ayaa ah wadooyin si casriya, loo dhisayo tayadoodana aad u wanaagsan tahay. Mashariicdaan ayaa waxaa fulinaysa dowlada hoose ee degmada Garowe oo kaalmo dhaqaale ka heleysa Bank Aduunka.
Waxaa Degmada Caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu ka furmay Kalfadhiga 17aad ee Golaha Deegaanka Degmada Caluula,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaanada iyo Seneterada kasoo jeeda Puntland,waxaa laga rabaa in ay laba Qodob ku dhaqaaqaan si deg-deg ah.. 1.In ay Tacsi ka diraan,iyagoo isku duuban dhimashadii iyo dhaawacii shaqaaqadii Garoonka Bosaso. 2.In ay soo gole joojiyaan oo ay diyaariyaan Mooshinka lagula xisaabtamayo Gudoomiye xigeenka Golaha Shacabka Sacdiyo Salaad. Khasaaraha dhacay ee ay Sacdiyo sababtay ma’ahan mid ay ku filan tahay Aamus iyo Tacsi. Hadaan deg-deg loo helin isla xisaabtan masuuliyadeed oo loo maro hab Dowliya,waxaa imaan kara Aarsi Beeleed oo khatartiisa leh. Sacdiyo waa in ay heshaa cawaaqibka waxii ay Bosaso ka samaysay. Dhiiga Dadka reer Puntland ma’ahan ismuujin Siyaasadeed wax…
UPDATE:Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Faroole iyo Gaas: “Dhibkii Boosaaso ka dhacay waxaa mas’uul ka ah Guddoomiye Sacdiyo Salaad, iyadoo baalmartay nidaamka dowladda Puntland”. Wasiir hore Axmed Ciise Cawad, Xil.Shaaciye iyo Maxamed Faroole La-taliyaha Deni,ayaa sidoo kale ku qoran warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay Nairobi, Kenya. Halkan ka akhriso:-
Madaxweyne Xasan oo qaaday laba talaabo oo uu kaga jawaabayo dhacdadii Garoonka Bosaso. 1.Waxuu amar ku siiyay Sacdiyo inaysan Saxaafad danbe ka hadli karin. 2.Waxuu Taleefoon kula hadlay Madaxweyne Deni,waxuuna ka Tacsiyeeyay Dhimashadii iyo Dhaawacii dhacay,waana balameen. Waa ku mahadsan yahay Madaxweyne Xasan talaabooyinkiisa. Waxa haray waa talaabada sharci marinta ah ee Sacdiyo laga qaadayo . Jibril Qoobey.
Boosaaso: Dhibkii dhacay waa mid xanuun badan oo u baahan in laga gun gaaro ciddii falkaas ka dambeysayPuntland waxay leedahay Dowlad loo doortay Maamulkeeda iyo Amnigeeda oo ay tahay masuuliyadaas in lagula xisaabtamoWaxaa ceeb ah in macaawino loo adeegsado in Dadka iyo Dowladda la isku dhufto.Wixii xiriir ah noocuu doono ha ahaado waa in Dowladda Puntland hay’adaheeda kala duwan loo maraaMadaxweyne Deni waxaan uga fadhinaa inuu wax ka qabto wixii dhacay sida ugu dhaqso badanGudoomiyaha Baarlamanka Dowladda Federaalka waa inuu ku-xigeenkiisa Sacdiya talaabo ka qaadaa gacan dhaafka iyo doc faruurka ay waddo oo isku dhufanaya Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka…
Khadar Faroole oo loo dhiibo Wasaarada Kalluumaysiga Fadaraalka waxay ka dhigan tahay in Xasan Shiikh aad udanaynayo Maraakiibta Kalluumaysi ee Jariifka ah. Ugu yaraan Khadar,waxuu qayb ka yahay Kalluumaysiga sharcidarada ah ee Badda Somaliya Sadex meelood oo meel. Si weyn,ayuu ufahansan yahay xiriirna ula leeyahay Dowladaha iyo Shirkadaha ku hawlan kalluumaysiga Badda Somaliya. Khadar way ubadan tahay in uu noqdo mid ka mid ah Wasiirada la siinayo Beesha Majeerteen. Sideed Beri kadib,waxaa la filayaa in la sii daayo Golaha Wasiirada Fadaraalka. Jibril Qoobey.
Ciidamada amaanku waxay gacanta ku dhigeen Dadkii ka danbeeyay iyo kuwii fuliyay Dilkii Nabadoon Cabdiqani Walloore. Cabdiqani rabi ha’unaxariisto,waxuu ka mid ahaa Naboodanada Gobolka Mudug ugu miisaanka culus dhawaan,ayaana toogadho loogu dilay gudaha Gaalkacyo. Horay,waxaa Aabihii oo Nabadoon weyn ahaa udilay argagixisada,sidoo kalena waxay dhaawaceen Walaalkiis. Qabashada Dadkii dilay Nabadoon Cabdiqani waxay ka dhigan tahay guul amni oo Gobolka iyo guud ahaan Puntland ay gaareen,waxayna kalsooni gelinaysaa Shacabka. Laamaha amaanka Gobolka Mudug waxay utahay sharaf iyo shaqo gudasho saraysa. Jibril Qoobey.
Amniga Garoomada Puntland waa sugan yahay,si gaar ah Garoonka Diyaaradaha Bosaso,waxaana xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Mudane Lugatoor. Wasiir Lugatoor “Shaqada garoonka diyaaradaha Boosaso si caadiya ayey u socotaa waxaana ka degay diyaaradihi horay uga degi jiray” Wasiirka ayaa maanta shaqada looga joojiyey sababo la xiriira shaqaaqadi shalay ka dhacday garoonka diyaaradaha Boosaso. Halkan ka akhriso:-
Waa cadayn cad oo muujinaysa in uu Karaash qayb ka ahaa inqilaabkii shalay fashilmay. Ujeedkiisu waa foolxumadii shalay dhacday ee uu qaybta ka ahaa in uu wado kale ufuro. Dastuuriyan shaqo joojin,waa ku samayn karaa masuul,balse go’aanka ugu danbeeya Madaxweynaha,ayaa leh. Labada Wasiir Arbacada dib,ayaa shaqada loogu fasaxayaa markuu Madaxweynuhu yimaado. Halkan ka akhriso:-
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa dhigiisa Eritrea la saxiixday Is afgarad Labo Geesood ah oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, Iskaashiga bulshada, dhaqanka, deegaanka, Difaaca iyo amniga. Sida uu baahiyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel. 1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal. 2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran. 3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada. 4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska. 5- Adkaynta wada-shaqaynta…
PSF gadaal udaga Kun jeer!! Qof walba oo reer Puntland Subixii markuu kaco,waxaa ugu horeeya ee wal-wal ku haya waa Bosaso,taasna waxaa keenaya awoodaha isdiidan ee wada jooga. Ciidan awoodaa leh oo Kumaandoos ah in lagu dhex hayo Magaalo ay ku nool yihiin Dumar iyo Caruur,Ganacsi xoog badana ka socdo waa khatar. Markale gadaal udaga utura Bulshada udamqada magaca iyo maqaamka Dhulkan iyo Dadkan. Xasuusnaada in aad wax ku noqoteen jiritaanka nidaamka Puntland. Shalay,waxii dhacay looma sina eedeeda boqolkiiba boqol PSF,ayaa leh. Waxaa ka horeeyay Wado la dhisayo Geed ku xirmay oo aad khatar ku geliseen isku dhac weyn in…
Puntland waxay kusoo Caano maashay Gudoon Dhaqan oo markay ribato loo baxsado. Waxaa muuqata in Dhaqankii si weyn ugu milmay Siyaasada iyo dhaqaalo raadinta. Taasi Bulshada dhabarjab ayay ku tahay oo waxaa meesha ka baxaya halkii loo laaban jiray. Waxa ugu weyn ee Dhaqanku ku hubaysnaa waa Ducada iyo Habaarkooda oo laga gaban jiray,taasina waxay ku imaan jirtay Xalaal Cunkooda. Dhaqan ku nool Lacag Siyaasadeed ishaaradiisa,ilaacadiisa iyo Tuftiisu midna kici mayso. Dhaqanoow dib udaga oo karaamadiinii badbaadsada Umadana wax ureeba. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Siyaasadaada fur-fur oo wax ka badal hogaamintaada. Sanad iyo barka kuu haray nabadoonimo dabacsanaan iyo isu soo jiid ku hogaami Puntland. Jooji ad-adayga faraha badan oo xasuuso in Dadkan gacan dabacsan lagu wado inta badan. Beeluhu waa Hubaysan yihiin,waxaana si fudud uga faa’idaysan kara Siyaasiyiin xanaaqsan. M.xigeenkaagii kuguma faraxsana la shaqayntaada. Baarlamaankii kuguma faraxsana la shaqayntaada. Wasiiradadii in badan niyad jab ayay kugula joogaan. Dhaqankii iyo haldoorkii kale mahaysid oo waa kala irdhowdeen. Madaxweyne albaabadaada fur oo ka dhabee hadalkii aad horay utiri ee ahaa “Xalay dhalay”. Jibril Qoobey.
Waa ka xumahay in Cumar Cabdirashiid oo ka mid ah Siyaasiyiinta miisaanka leh ee kasoo jeeda Puntland uu sidaa wax udhigo. Puntland khatar kuma ahan nidaamka Dowliga ah,taa badalkeeda,waxaa la oran karaa iyadaa ka abaabulan kana fahansan nidaamka Dadka haya maanta hay’adaha Fadaraaliga ah. Deni wuu khaldami karaa,waana leeyahay hogaan xumo baahsan,balse taasi ma keeni karto in PL lagu dhibaateeyo. Beri adaa Madaxweyne noqon kara oo ubaahanaya awooda Puntland ee saakay ha liicin. Shalay Somaliya PL,ayaa badbaadisay oo Farmaajo kursiga kama dageen hadaysan jirin Maanta jiritaankeeda Xasan baa lagu toosinayaa laguna hakinayaa markuu taraaraxo. Cumar aragti dhow oo cadowga PL…
Waxaa la ii xaqiijiyay in Karaash khadka Taleefoonka kula hadlaya Isimada markay Shirka jaraa’id qabanayeen. “Qabta Shirka jaraa’id waxaan wax loo dulqaadan karo ma’ahan iska dhiciya Ninka”Ayuu ku yiri Isimada. Karaash weli waa dagaalsan yahay oo kuma qancin wada hadalkii dhexmaray isaga iyo Deni. Waxaa muuqata inqilaab dhicisoobay in uu ka dhacay Bosaso saakay. Jibril Qoobey.
Sacdiyo waxay sheegtay in Shaahdoon la socday socdaalkeeda si hoose,sida ilo muhiim ah ii xaqiijiyeen. Ciidamada amaanka garoonku waxay ka reebeen ilaaladiisa saakay Gudoomiye Shaahdoon,waxayna ii xaqiijiyeen in ay hayaan xogo ah in uu xalayba ogaa qorshaha. Shaahdoon waa Nin fara badan oo dhawr Shaati ku jooga Gobolka. Mid Gudoomiyaha Gobolka Bari ah. Mid Ganacsatada Hubka ah. Mid Macdan baarasho ah. Mid ku xirnaanta argagixisada ah. Mid Burcad Badeednimo ah. Xaqiiqdii dib u eegis,ayuu mudan yahay Gudoomiyaha Gobolku si deg-deg ah. Jibril Qoobey
Sacdiyo Salaad,waxaa Sadex Diyaaradood udiyaarisay Khadiijo Diiriye oo ka rabta garab si ay Wasiir uga hesho Golaha Wasiirada cusub. Sacdiyo oo wadata qorshe,ayaa Sadexda Diyaaradood ukala qaybsatay Gaalkacyo,Garowe iyo Bosaso. Diyaarad walba,waxaa saaran xoogaa Deeq ah oo gaaraysa 3500 oo dolar,waxaana lagu kireeyaa calaa diyaarad halkii duulimaad 15000 oo dolar. Diyaaradii ugu horaysay,waxay kasoo dajisay,iyadoon cidna ogayn Garowe,kadib Dowlada Puntland waxay garoonka ugu dirtay Wasiir ku xigeenkii Gargaarka oo soo dhaweeyay kalana wareegay Deeqda. Shirkii Golaha Wasiirada Puntland,ayaa looga dooday Diyaarada Sacdiyo la timid iyo kuwa kale ee xogtooda la helay,waxaana la go’aamiyay in aysan diyaarad danbe oo iska socota…
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha oo ka warbixiyay iska hor imaad ciidamo kawada tirsan Dowladda Puntland ku dhexmaray Bosaso iyo Diyaarad maanta laga celiyay magaalada Bosaso. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Xasan waxuu fuliyay balanqaadkiisii Olalaha doorashada ee ahaa shaqada ugu horaysa ee uu qabto in ay noqon doonto Ciidamada Eretereya loo qaaday. Waxuu ku guulaystay waxa uusan ku guulaysan Madaxweynihii ka horeeyay oo ah booqashada iyo xog helida Ciidankaas. Waxaa ku haray Madaxtooyada Somaliya in ay shaaciso xogta Ciidamada ee kala ah…… 1.Tirada rasmiga ah ee ay horay u ahaayeen Ciidamada la qaaday. 2.Tirada Ciidan ee hada la hayo. 3.Dagaalkii Tigreega inta uga dhimatay. 4.Goorta Dalka lagu soo celinayo. Madaxweyne Xasan shaqo fiican oo uu qaban waayay Madaxweynihii ka horeeyay,ayuu qabtay. Jibril Qoobey.
Waa kuma Axmed Cagjar??! Qaybtii Sadexaad Maxaa Quwaaxa ku qarsoon??! Axmed Cagjar,waxuu kasoo Jeeda Beesha Dhulbahante wuxuu gacan yare u yahay Maxamed Axmed Qaxiye. Shaqada uu uqaabilsanaa argagixisada Axmed Cagjar,ayaa ah markii Dadka laga soo dhoofiyo Garowe oo ay soo caga dhigtaan Mosanbiik iyo Tansaaniya in uu ufududeeyo meelahii ay dagi lahaayeen kuna xiro cidii ku wareejin laheyd Kooxda Alshabaab ee ka howlgasha Dalalkaas. Nin kale oo Dalka Kenya laga baadigoobayo laguna magacaabo Abkoow ayay wada hawlgalayeen Axmed Cagjar. Dhawaan,ayaa la xiray Axmed Cagjar iyo Lix kale Maxkamadna waa la saaray,waxuuna cadeeyay Liibaan in uu joogo Garowe oo Dadkaas isagu…
Waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan Shiikh ku deg degayo arrimaha Amniga qorshe la’aan iyo xukuumaddii oo aan la dhisin. Wadatashi la’aanta,ayaa ka mid ah sababihii Dowladiisii mudo xileedkii hore ay u dhumisay Labadii sano ee ugu horeysay. Waa in wadatashi laga yeesho qorshaha Amniga Dalka sida… La dagaalanka AlshabaabDhismaha Ciidanka QarankaCiidamada Eritrea laga keenayo Madaxweyne Xassan weli wuxuu u muuqdaa keligii duul aan wax ka baran shantii sano ee la soo dhaafay. Waxaa haboon in howlaha Amniga loo daayo xukuumadda oo ah hay’adda fulinta iyo in wada tashi buuxa lagala yeesho Dowladaga Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamada Eretereya laguma diyaarin oo laguma qaybsan,lagumana tababarin qorshihii “New Deal” iyo heshiiskii Amniga. Shalay,waxaa laga wal-walsanaa in Ciidankaas yahay mid si gaar ah loo diyaarsaday oo kaligii talye curdin ah uu awood ku samaysanayo. Maanta,waxaa muhiim ah in loo toog hayo Ciidankaas,waxii ka badbaaday dagaalkii Eretereya sida ay uhawlgalayaan,meesha ay ka hawlgalayaan iyo sida loo waafajinayo heshiiskii Amniga. Wararka la helayo,ayaa sheegaya in Ciidankaas oo markii hore loo tababaray la hawlgalida Nisa hada loo badalayo Milateri caadiya oo furimaha ka hawlgala. Puntland waxaa laga rabaa in ay isha ku hayso kulana xisaabtanto Dowlada Fadaraalka ah,maadaama Askarta kasoo jeeda Puntland…
Warbixin ay soo saartay “Webometrics” oo darajaysa Jaamacadaha ayaa lagu shaaciyay 70 Jaamacadood oo Itoobiya ku yaala sidda ay u kala horeeyaan. Jaamacadaha Addis-Ababa,Jima iyo Mekelle ayaa galay saddexda kaalmood ee ugu horreeya. Jaamacada Qabridahare ayaa kor u kac samaysay waxayna soo gashay kaalinta 19-aad.Jaamacada Jigjiga ayaa ka soo muuqatay kaalinta 33-aad. VOSS TV
The Department for Work and Pensions has issued a warning to people on Universal Credit with social media and bank accounts. It is creating a new 2,000-strong team to crackdown on benefit fraud. The plan, called “Fighting Fraud in the Welfare System”, aims to stop around £2 billion of losses due to fraud and error over the next five years. In the last year, more than 600 people across the UK were convicted of benefit fraud and the new team is to review more than two million existing Universal Credit claims. The DWP team will look at the entitlements and…
Weli,waxaa iska soo daba dhacaya xogaha laga helayo qorshihii qarsoonaa ee Liibaan Cali Food uu ka waday Puntland. Liibaan waa Ninka Garowe kasoo dhoofiyay ugu badnaan 70-Xubnood oo argagixisada ka mid ah,isagoo gacan ka helaya Saraakiil ka tirsan Booliska iyo socdaalka Puntland. Axmed Cagjar oo qaabilsanaa markay Dadku ka degaan Mosanbiik,ayaa lagu qabtay Todobaad ka hor isaga iyo 6-Qof oo kale isla Mosanbiik. Dhamaan Dadka lagu qabtay Mosanbiik,waxay ka mid ahaayeen Dadkii horay Liibaan uga soo dhoofshay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe. Xiliga la qabanayo Cagjar iyo 6-da Qof ee kale waxay ku hawlanaayeen hawlgal argagixiso oo ay ka fulin lahaayeen…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Abdikadir Ali Dige,Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,Madaxtooyada…
Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in uu saxiixo heshiis uu kula wareegayo maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kabul iyo dhowr garoon oo kale oo ku yaalla waddankaas. Warkan ayaa laga soo xigtay ilo ku dhow wadaxaajoodka u dhaxeeya mas’uuliyiinta Taliban iyo saraakiil ka socda Imaaraadka. Dhowr isbuuc gudahood ayaa la shaacin doonaa natiijada wadahadalkan, haddii heshiis lagu gaaro. Dowladda ay dhiseen Taliban oo aan caalamka laga aqoonsanayn ayaa wadahadal la xiriira ciddii garoonka maamulkiisa lagu wareejin lahaa kula jirta awoodaha waaweyn ee gobolka, sida Turkiga iyo Qadar. Ankara oo kaashanaysa Qadar ayaa markii hore ku tajo…