Booliska baaraya dilka Raysul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa sheegay in ninka loo qabtay falkaas uu ciil u qabay “urur gaar ah”. Ninka oo ah 41 jir magaciisa lagu sheegay Tetsuya Yamagami, ayaa rumaysnaa in Abe uu ka tirsanaa ururka uu ciilka u qabay, taasina ay ku dhalisay inuu toogto. Lama shaacin magaca ururkaas. Abe ayaa ku geeriyooday cisbitaal loola cararay kadib markii ay rasaastu haleeshay xilli uu ku jiray olole siyaasadeed. Booliska ayaa sheegay in Tetsuya Yamagami uu qirtay dilka Raysu Wasaaraha hore oo uu u adeegsaday qori tumaali ah. Shinzo Abe ayaa noqday Raysul Wasaarihii ugu…
Author: Jibril Qoobey.
Dalka Canada waxaa go’ay adeegga mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee isgaarsiinta ee Rogers, taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay guud ahaan nolosha dadka. Taleefannada ayaa istaagay isticmaalkooda, sidoo kale internet-ka guryaha iyo kan taleefanka ayaanan shaqeyneynin, taasoo ay usii dheertahay inaanan waxba lagu iibsan karin kaararka bankiyada. Adeegyadaasi ayaa goor danbe dib u soo laabtay iyadoo ay shirkadda Rogers raalligelin ka bixisay in adeegyadeedii ay hawada ka bexeen, aynta taasi si adag u saameysay ganacsiyada iyo nolosha dadkaba.
Qorshahan waa mid la diyaariyay,waxaana abaabulay oo sameeyay Mustafe Cagjar iyo Muuse Biixi. Hal ujeedo,ayay ka leeyihiin oo ah in lakala dilo labada Bulsho ee Kilinka 5-aad iyo Puntland. Si gaar ah,waxaa yoolkoodu yahay dhanka Ganacsiga. Beesha Isaaq waxay aad uga wal-walsan tahay dhismaha Dekeda Garacad. Mustafe Cagjarna,waxuu dareen xun ka qaaday isla jaanqaadida Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha reer Cabdiile iyo kuwa reer Puntland. Ninka leh waa lay Afduubtay,waxuu ugu danbeeyay hagardaamooyin faraha badan oo laga dhex samaynayay Labada Bulsho. Puntland,waxaa Hanti fara badan ku leh Ganacsato kasoo jeeda Kilinka 5-aad mana dhicin taariikhda Afduub iyo dhac loo gaystay. Sidoo…
When Shinzo Abe, Japan’s longest-serving prime minister, stepped down in 2020, he hadn’t quite achieved what he’d set out to. He resigned due to poor health with dire approval ratings over his government’s handling of the coronavirus including acting too late on lockdowns and a slow vaccine rollout, a struggling economy, and without success on his long-standing push to revise the country’s pacifist constitution. Perhaps that’s why Abe, who remained one of Japan’s most influential politicians even after his resignation, was still working to rewrite his legacy. His efforts, however, were cut short on July 8 when he was assassinated. When Shinzo…
Masuuliyiinta sarsare ee shirkadda Twitter-ka ayaa sheegay Khamiistii maanta ahayd in ay meesha ka saarayaan in ka badan 1 milyan oo ah akawno been abuur ah (spam accounts) maalin kasta. Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, ka dib dhaleecayn xooggan oo uga timi maalqabeenka Elon Musk oo doonaya inuu si rasmi ah u dhamaystiro heshiiskiisa uu ku iibsanayo shirkadda Twitterka hase ahaatee wuxuu ka biyo diidsan yahay tirada akawnada been abuurka ah ee shirkadda u diiwaan gashan, wuxuuna doonayaa in tiradaas wax laga qabto. Elon Musk oo ku cadaadinaya maamulka sare ee shabakadda Twitterka inay Meesha ka saaraan akawanada been abuurka…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa ku geeriyooday isbitaalka maanta oo Jimce ah saacado kadib markii la toogtay isaga oo ku sugan goob uu ka socday olole doorasho, waxaa sidaas weriyey warbaahinta gudaha. Ayada oo soo xiganeysa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Abe ee Liberal Democratic Party ayaa warbaahinta qaranka ee NHK waxay tiri “ra’iisul wasaarihii hore wuxuu ku dhintay isbitalka magaalada Kashihara ee gobolka Nara, halkaasi oo lagu daweynayey. Wuxuu ahaa 67 jir.” Geerida ayaa waxaa sidoo kale weriyey warbaahinta kale ee Japan sida wakaaladaha wararka Jiji iyo Kyodo. Dilka siyaasiyigii ugu caansanaa Japan ayaa imanaya…
Ninka uxiran in uu dhoofinayay Dhirta Geed Quwaaxa ee Puntland ka baxda,waxaa jira qorshe uqarsoonaa oo uu ku qarinayay Dhoofinta Dhirta. Liibaan Cali Food,waxuu ushaqaynayay kooxda argagixisada ah ee Daacish iyo Shabaab,waxuuna toos ugu xirnaa Maxamed Axmed Qaxiye oo ah dilaa khatar ah oo ugu yaraan ay Gacantiisa ay ku maqan tahay 67-Qof oo Somaliya in ka badan Boqol Qaraxna saamayn ku lahaa. Qaxiye,waa Xubnaha ugu sareeya Shabaab oo heer caalami ah si hoosana gacan saar ula leh Daacish xubno ka mid ah oo ay Qoys wadaag yihiin. Argagixisada waxuu ujooga Maxamed Axmed Qaxiye Xiriirka caalamiga ah,isagoo badalay Mahad Macallin…
Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida,ayaa xukunno kal duwan ku riday rag loo haysto dilka Talliyihii Saldhiga degmada Qardho Cumar Hiirad Kaatun. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay Qodobo kala duwan. Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada guud ee amniga iyo howlgalo ay hay’adaha amaanku wadeen maalmahii lasoo dhaafay kuwaas oo lagu soo qabtay dhagar qabayaal katirsan argagixisada kuwaas oo waday falal lid ku ah amaanka. Wasaarada gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada abaaraha iyo dadaalada ay Wasaarada oo kaashanaysa dhinacyada kala duwan ka wado meelaha Sida daran abaartu ay u saamaysay sidoo kale Wasaarada Caafimaafka ayaa ka warbixisay xaalada xanuunka #Covid19 oo Wali ka jirta deegaanada Jubaland…
Go’aanka Golaha Wakiilada Dowlada Puntland,waxuu meesha ka saarayaa in Madaxweynuhu dib ugu soo celiyo Xubnaha Maxkamada sare ee kalsoonida loo diiday. Sidoo kale go’aanka Goluhu,waxuu hor joogsanayaa in mudo 6-bilood ah ay Xubnaha Garsoorku kalsooni la’aan sii shaqayn karaan. Baarlamaanka Puntland waxay uhakadeen dareenka shacabka ee ah Taaraan iyo Nuur in aysan istaahilin Gudoominta Garsoorka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, ayaa shaaciey inuu ka dagay xilka ra’iisal wasaarenimo. Boris Johnson, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyey cadaadis uu uga imanayey xubnaha xisbigiisa ee Conservative-ka. Wuxuu u mahad celiyey dadweynaha Ingiriiska, maadaama ay ku aaminneen jago aad heerkeedu u sarreeyo. Isagoo hadalka sii wata markii uu ku dhawaaqayey is casilaadda, Boris Johnson, ayaa ku nuux nuux sadey inuu sii heyn doono jagada ra’iisal wasaarenimada, inta mid kale laga dooranayo.
Prof: Axmed Cali Axmed oo warbixiyey heerarka uu maro saxida Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland. W.Waxbarashada PL.
Taliyaha Ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi,ayaa shir laqaatay hogaanka iyo Taliyaasha ciidanka ilaalada Wadooyinka gobolada Puntland. Kulanka waxaa ka qayb galay Hogaanka ciidanka ilaalada wadooyinka DPL G/sare Cabdi fataax Siciid Saleebaan,Afhayeenka Booliska Puntland G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed,Taliyaasha ciidanka Taraafikada Gobolada Puntland iyo madaxda Shirkadda Puntland raod sefty com. Taliyaha Ciidanka booliska Dowladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi,ayaa warbixin guud ka dhagaystay taliyaasha taas oo ku aadan xaalada nabadgalyada wadooyinka Puntland iyo shilalkii dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay. S/guuto Maxamed Cali Xaashi Taliyaha ciidanka booliska DPL ayaa hogaanka iyo taliyaasha ciidanka taraafikada uga mahad celiyay dowrka hormarineed…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan ayaa waxaa Golaha hor-yimi Guddi gaar ah oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u xil saaray kasoo talo-bixinta Xaalada Garsoorka Puntland. Guddiga gaarka ah waxay golaha u soo jeediyeen:- Guud ahaan nidaamka Garsoorka Puntland waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo mid hufan, daacad ah, aqoon iyo kartina u leh arrimaha Garsoorka, laguna kalsoonaan karo, sidaas awgeed, waa in la helaa Garsoorayaal iyo Guddi maamul oo hufan, isla markaana buuxiyey…
Hoo udhigista lasoo wariyay in uu Madaxweynuhu kala kulmay Turkiga,waxay ku salaysan tahay sida Xanta Siyaasadeed sheegayso hal arin oo ah.. In uu Madaxweyne Xasan Turkiga mudnaanta ka siiyay Imaaraadka Carabta. Turkigu,waxuu ahaa Dalkii ugu horeeyay ee casuumad rasmi ah ufidiyay Madaxweynaha isla markii la caleema saaray. Xasan Shiikh horay,ayuu mudo xileedkiisii hore Turkiga ugu hiiliyay,isagoo markaas ka duulayay dano dhaqaale. Garoonka iyo Dekeda,ayuu ka qaaday Shirkado Imaaraad lahaa,waxuuna ku wareejiyay kuwo Turki. Haatan,waxaa muuqata in uu Imaaraadka danaynayo. Ugu danbayn Qasriga Turkiga si maqaam sare leh,ayaa loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan. Halkan ka daawo muuqaalka
Sida uu sheeganayo Madaxweyne Xasan layskama aamini karo,sababtoo ah lagama hayo cadaymo muuqda oo Dukumiinti leh. Mudo xileedkiisii hore foolxumooyin waa weyn oo musuq,ayaa dhacay. Waxaa lagu xantaa in Hotel Eliid iyo dhaqaalaha uu hayo Cabdullashi Nuur,isagu leeyahay. Sidoo kale Dhul aad ubalaaran oo Xeebta ku teedsan in ay ku habsadeen,isaga iyo ragiisii Damjadiid,ayaa la sheegaa. Xasan iyo Ragiisii Xatooyadii iyo sidii darnayd ee ay wax umaamuleen,waxaa lagu Xantaa in ay ku keentay Caafimaad daro baahsan. Xasan,waxaa la sheegaa in ay haleeleen Xanuuno dhawr ah oo khatarteeda leh rabi haka dulqaadee,sida Buro Madaxa ah iyo Bursaato habka Kaadi mareenka dhib…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo furay kalfadhiga Baarlamaanka Jubaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 17-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe) oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Maxjarka Cabdirisaaq Maxamed Xasan. Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira. Intaas kadib, Xildhibaannada,ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Xannaanadda Xoolaha iyo Maxjarada Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay degmada Dharkaynlay duhurkii maanta uu ku geeriyooday Xaashi Cumar Xasan oo horey muddo ka badan 16 sano ugu soo xirnaa dalka Talyaaniga. Qaraxan ayaa ilo wareedyo sababo ammaan u diiday in magacooda la sheegao waxay VOA u sheegeen inuu ka dhashay aalad qaraxda oo lagu xiray baabuurka. Ilaa hadda booliiska Soomaaliya ayaan rasmi ahaan uga hadlin qaraxa. Xaashi Cumar ayaa horey loogu helay dilka laba saxafi oo u dhashay Talyanaiga oo lagu kala magacaabo Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo sannadkii 1994-kii lagu dilay Muqdisho. Xukunka ku dhacay Xaashi…
Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo hoggaamiyaha Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ka wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan xuduudda lagu muransan yahay ee labada dal oo dhawaan dagaallo ku dhex mareen ciidamada labadaas dal. Abiy Axmed ayaa sheegay in labadooda hoggaamiye ay yeesheen wadahadal lagu xallinayo khilaaf kasta oo labada dal u dhexeeya. Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay caasimadda Kenya, ee Nairobi halkaas oo ay uga qayb galeen shir-madaxeedka IGAD Midowga Afrika, UN-ka iyo IGAD ayaa dhamaantood ka dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan. Saraakiisha Khartoum ayaa ku eedeeyay ciidanka Itoobiya…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxmuud, oo ka hadlayey machadka SETA ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto balse xilligan aysan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya in ay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah. Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo…
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa Isniintii sheegay inuu dhacay xasuuq ay fallaagadu ka gaysatay gobolka Oromia, halkaasi oo jabhadda dowladdiisa ka soo horjeedda lagu eedeeyo in ay beegsato dadka rayidka ah. Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ma uusan sheegin tirada dadka la dilay, laakin Ururka Amxaarada Mareykanka oo soo xiganaya ilo wareedyo maxalli ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP, in ay rumeysan yihiin in 150 ilaa 160 qof lagu dilay weerarradaasi. Wakaaladda wararka AP ayaan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso tirada dhimashada ee uu sheegay ururkan oo sheegay in dadka ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada la beegsaday,…
Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD oo maanta kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn ee IGAD ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD. Shirka,ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay dowladaha iyo hay’adaha reer galbeedka ee taageera IGAD. Somaliya waxaa shirkaasi uga qaybgalaya Wafddi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeynka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Halkan ka daawo muuqaalka
Su’aalo weydiinta Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPL,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’isalwasaare Xamse oo markii horeba lagu soo xushay astaamo gaar ah,ayaa hadana loogu sii daray hareerayn. Xoghayaha Xaafiiskiisa,waxaa keensaday Faarax Cadiqaadir,isagu masoo xulan. Afhayeenka iyo Madaxa Warfaafintu waa Gacanta Damjadiid,isagu masoo xulan. Lataliyaha Xiriirka caalamiga,waxaa keensaday Cabdikariin Guuleed oo waxaa lagu tuhmayaa Mashaariic Shiinaha ah. Lataliyaha Dib uheshiisiinta,waxaa keensaday Madaxweyne Xasan oo waxaa loogu talagalay in uu udhaxeeyo Deni iyo Damjadiid. Halka Qof ee uu keensaday waa Axmed Nuur oo isaguna Khayre u ahaa Agaasime ka horna ay wada ahaayeen Damjadiid isaga iyo Khayre. Xamse waa sii go’doomay!! Jibril Qoobey.
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim Nuur, kadib munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir,hood ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Hadii Baarlamaanku kalsooni siiyaan Taaraan iyo Nuur-kii ay udiideen kalsoonida markale,taasi waxay hoosta ka xariiqaysaa in uu jiro warka sheegaya Digreetada Labaad ee Madaxweynuhu kusoo ceshay in ay la socoto xaqul Ciidkii. Hadiise ay ku adkaystaan oo ay mari waydo Digreetadu markale Baarlamaanku,waxuu noqday Wakiilo shacab oo rasmi ah. Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Deni muxuu ugu dhagan yahay Taaraan iyo Nuur? Ma waxay ka tahay macangagnimadiisii iyo uslaweynidiisii uu ku ceeboobi jiray oo waxuu diidan yahay Wareegto kasoo baxday in lagu soo cesho? Mise,waxaa uqorshaysan mudo kororsi oo Labadaa Nin Shahaado Suur buu ka rabaa? Taaraan iyo Nuur oo…
Madaxweynaha degaanka Somalida Mustafe Cumar ayaa markale ergo ubadan qurbajoog uu qandaraas layaal ka dhigay 4tii sano ee lasoo dhaafay udirey magaalada Muqdisho. Ergada ayaa ku socda magaca beel kamida beelaha degaanka oo sida uu sheegto ay Jeegaan isku yihiin, kana dhaxeeyo beeshiisa Isbahaysi siyaasadeed. Ujeedka uu kooxdan usoo direy ayaa la sheegay inuu lamid yahay midkii ergoyinkii hore ee ahaa inuu dhimo saamaynta Madaxweynaha Jubbaland ku leeyahay federalka iyo in Jaadkii Ethiopia sii socdo. Ergadan ayaa wada lacago lagu laalushayo siyaasiyiinta ree Muqdisho ee la aaminsan yahay inay saamayn ku leeyihiin Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamse. Ma…
Shirkii Xulafada Nato ku Yeesheen Magaalada Mardrid,Hogaamiye Kasta wuxuu halkaas la tegay qorshayaal u gaar ah iyo guud,Lknse Erdogan ayaa ah Hogaamiyaha keliya oo isagoo guulaystay dib ugu laabtay Dalkiisii sida uu qoray Wargeyska the Economist. Madaxweyne Erdogan ayaa si fiican uga faa’iidaystay Dagaalka Yukreyn,xitaa wuxuu la yimid shuruudo badan oo aanuu xitaa u baahnayn si uu u wada helo waxyaabihii uu doonayey kuligood dhinaca siyaasadda, socdaalkiisii Madrid wuxuu ahaa mid wax ku ool ah oo cajiib ah . isago weliba taageero ka helaya xubnaha ugu badan ee Nato,Sweden iyo Finland wuxuu ku Khasbay inay bedelaan mowqifyadoodii,Waxaana Madrid lagu gaaray…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay Magaalada Qardho shir kula qaatay Golaha Deegaanka Degmada, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, ahna Duqa Degmada iyo Guddoomiyaha Gobolka. Kulan ayaa looga wada hadlay dardargelinta hawlaha horyaala Degmada iyo Golaha Deegaanka Qardho. Wasiirka ayaa ku dhiirigeliyey Golaha in ay si dhaqsaa u qabsadaan Kalfadhigii Golaha. Shirka ayaa ku dhammaaday guul. Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadwaynahaWasaaradda Arimaha Gudaha DPL.
Halkan ka daawo muuqaalka
100-Askari oo Ciidamada Taraafikada Puntland ka mid noqonaya,ayaa tababar usoo xirmay. Halkan ka daawo muuqaalka Baahi weyn,ayaa loo qabay in kor loo qaado tayada Ciidamada Taraafikada Puntland oo dhulka taalay. Sida muuqata tayada Askariga iyo Qalabka isbadal,ayaa lagu sameeyay. Casharada ay qaateen ee muhiimka ah,waxaa ka mid ah shuruucda Wado marista iyo Ganaaxa ku waajibaya Gaadiidka iyo Darawalada.
Faroole in ay ka codsadeen dhexdhexaadin Odaytinimo Damjadiid oo uu ku gacansayray ayay wararku sheegayeen maalmahan. Sidoo kale Deni in uu Taleefoonada Xasan ka qaban waayay oo fariimo uu dhibsaday usoo faray Rag kale ayay wararku sheegayaan. Si kastooy tahay Deni socdaalkiisa la sheegayo in ay Nayrobi ku kulmayaan Xasan Shiikh haduu yahay mid danihiisa gaarka ah ku salaysan macno maleh. Hadiise uu ka duulayo danaha Puntland waa maqaam sare oo macno leh. Puntland,waxay ka rabtaa Fadaraalka marka laga soo tago arimaha masiiriga ah ee ubaahan dhamaystirka. 1.In Qalabka,Gaadiidka,Rasaasta iyo dhaqaalaha Ciidanka Somaliyed loogu deeqay ay hesho qaybteeda. 2.In Mashaariicda…
Nuur Ciise waa Masuulkii,isagoo Maxkamada jooga markii lagu helay danbiyo ubaxsaday Galmudug lana cararay Gaarigii Maxkamada oo ka iibsaday isla Galmudug xiligii Madaxweyne Faroole. Ina Taaraan waa jariif Sharci oo caan ku ah iibsashada Maxaabiista iyo musuqa Garsoorka. Xaqiiqdii ceeb,foolxumayn Garsoor iyo Caayid nidaam ayay ku tahay in Bulshada reer Puntland laga soo dhex xusho Labadaa Nin. Madaxweyne Deni waa ku ceeboobay markale in uu soo cesho Labadaas Nin,waxaana muuqata in uusan danaynayn Garsoor nadiif ah iyo cadaalad. Baarlamaanka Puntland in ay udiidaan xasaanada,waa ku amaanan yihiin,waxaana Bulshadu usoo jeedinaysaa in aysan dib u aqbalin kalsooni siinta,hoos ka daawo muuqaalka.…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabidda Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90-aad Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: Magacaabid Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda PuntlandWaxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 14-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 43 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan, Diidmo 11, Aamus 9 xubnood, waxayna codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 xubnood markii ay Oggol ugu codeeyaan. Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee DPL ee codka Kalsoonida Golaha Wakiillada DPL waayay ayaa kal ahaa; Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu…
Niman Hubaysan,ayaa Xabad ka dhex bilaabay mid ka mid ah Moolasha ugu weyn Caasimada Denmark ee Kobenhegen. Dhimasho iyo Dhaawac,ayaa ka dhashay weerarkaas oo gaaraya ilaa 10-Qof oo dhimasho ah iyo dhaawac ilaa 35 gaaraya,sida warar hordhaca sheegayaan. Ciidamada Booliska,ayaa si dhakhso ah u hawlgalay soona afjaray weerarka. Majirto ilaa iyo hada Somali la xaqiijiyay in ay ku dhimatay ama ku dhaawacantay weerarkii ka dhacay Moolka caanka ah ee Fiis Kobenhegen Denmark Goor dhawayd. Booliska oo si deg-deg ah usoo gurmaday,ayaa gacanta ku dhigay Nin Dadka laynayay. Booliska Denmark shaqo aad usaraysa ayay ku qabteen mudo kooban xaqiiqdii. Jibril Qoobey.
Khadar Caydiid oo maal mahan warkiisa la’la aa qoyskiisana ay sheegeen in lagu afduubay magaalada Bosaaso ayaa baaritaan ay sameeyeen sirdoonka Puntland ayaa lagu ogaaday in uu safar iskiisa ugu joogay magaalada laascaano,Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo gacan ka helaya ciidanka booliska Somaliland ayaa ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan isagoo dagan mid kamida hotelada magaaladaas kuyaala aysana Jirin cid afduubatay. Taliska Ciidanka booliska DPL waxa uu u mahadcelinayaa dhigooda ciidanka booliska Somaliland oo gacan wayn ka siiyay qabashada khadar Caydiid. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA CIIDANKA BOOLISKA DOWLADDA PUNTLAND.
Xaqiiqda Kiiskiisa waa in Lacag ku luntay oo uu qorshaha Afduubkiisa isagu samaystay Xalay Alxamdulilaahi,ayuu soo maray oo Antennada Taleefoonkiisa lagu arkay. Kadib Qardho,ayaa la wargeliyay oo heegan gashay,balse nasiibdaro laguma guulaysan in lagu qabto. Duleedka Garowe,ayaa saakay Aalasay hadana lagu arkay Anteenada Taleefoonkiisa,waase ka leexday. Nasiib wanaag Laascaanood,ayuu galay oo lagu qabtay Maanta. Booliska Laascaanood,ayaa ku wareejiyay kuwa Buuhoodle,waxaana lagu wareejin doonaa kuwa Kilinka Shanaad. Booliska Puntland iyo kan Kilinka Shanaad si dhow ayay uga wada shaqeeyeen kiiska Ninkan. Maamulka Doollo,ayaana qaban doona Shir jaraa’id oo ay uga waramayaan xaqiiqda kiiskiisa. Balse majirto cid Afduubatay si buuxda,ayaa loo xaqiijiyay.…
Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud will be in Türkiye on an official visit from July 3-5, Turkish authorities announced on Sunday. Bilateral relations and steps to enhance cooperation will be discussed in depth during the visit, which comes at the invitation of Turkish President Recep Tayyip Erdogan, according to a Turkish Presidency statement. “The two leaders are also expected to exchange views on regional and international developments,” the statement said. This will be Mohamud’s first official visit to Türkiye at the presidential level after taking office in May. He also served as Somalia’s president between 2012 and 2017.
1.Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha – Maxamed Abuukar Subeer (Jareerweyne) 2.Lataliyaha Arrimaha Dib-u-heshiisiinta – Cali Cabdi Awaare (Daarood-Majeerteen ). 3.Lataliyaha Xiriirka Caalamiga ah – Dr Hodan Cismaan (Daarood-Dhulbahante ). 4.Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda – Dr Axmednuur Maxamed (Daarood-Ogaadeen ). 5.Lataliyaha Amniga – Kamaal Guutaale – (Hawiye – Habargidir). 6.Afhayeenka xukuumadda ahna Agaasimaha Warbaahinta – Farxaan Maxamed Jimcaale (Hawiye – Xawaadle). 6.Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Ra’iisal wasaaraha – Cabdullaahi Shariif. – (Daarood-Marreexaan). 7.Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda – Haashim Maxamed Cali ( Shiikhaal/Reer Aw-Xasan). 8.Taliyaha Ammaanka Ra’iisal wasaaraha -Col.Maslax Maxamed (Daarood-Ogaadeen).
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 14-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta,ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Mudane, Axmed Yaasiin oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaaradda. Wasiirka,ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira. Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey arrimaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan,ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan. Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa. DHAMMAAD Wixii faahfaahin…
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay shatiyo ganacsi siisay laba bangi oo laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga, kuwaas oo lagu kala magcaabo Banque Misr iyo Ziraat Katilim. Warsaxaafadeed ka soo baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rusad siinta labadan bangi in lagu ansixiyey shir ay yeesheen guddida sare ee maamusha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulan yeeshay maalinimadii Sabtidii ee Shalay. Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in guddida maamulka ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya inay shati ama license siiyaan labadan bangi, isagoo sheegay inay wax badan ku…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Maxamed Ibraahim Nuur howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay. Sidoo kale ra’isalwasaare Xamse,waxuu magacaabay La Taliyayaal sar-sare oo kala duwan oo Xaafiiskiisa ah,waxayna kala yihiin.. Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdii Barre,ayaa sidoo kale magacaabay,isagoo ka duulaya howlaha horyaalla xukuumadda qaar ka mid ah agaasimayaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ka dib markii la doortey Madaxweyne Xassan Shiikh,ayuu Tel. kula hadlay Madaxweyne Muuse Biixi isaga o uga mahad celiyay taageeradii lama ilaawanka ahayd ee ay siiyeen Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland,waxuu ku yiri..”Waad ku mahasan tahay hiilkagii Madaxweyne” Isagoo hadalka sii wata Xasan Sh.,ayuu yiri,“Xildhibaan Fawsiya,ayaa insha’alaah Arimaha Somaliya iyo Somaliland igala talineysa Madaxweyne”. Muuse Biixi oo kaga dhadhansan karay codkiisa is fahan iyo farxad tira badan,ayaa ku yiri, Madaxweyne Xasan”Madaxweyne waanu wada xariirin Insha’alaah!! Inkastoo loo baahan yahay isfahan Somaliyed hadana waa muhiim in loo toog hayo wada xaajoodkaas xasaasiga ah ee Fowsiyo la taliyaha ka tahay iyo niyad wanaaga…
Maraykanka,ayaa udhisaya Yuhuuda Bariga Dhexe Quwad ilaalisa oo ku imaanaysa Gaashaanbuur. Ujeedku waa in awooda Iran ee sii kordhaysa loo helo Quwad ubabac dhigi karta oo aysan Srael kali ku noqon loolankeeda. Gaashaanbuur Milateri oo Jaal la noqon doonta Mid awooda badan ee Natto,ayaa laga yagleeli doonaa Bariga Dhexe. Maraykanka,ayaa qorshahan soo abaabulay,waxaana heshiiska rasmiga ah ka dhici doonaa Caasimada Sacuudiga ee Jiddah,iyadoo uu goob joog ka noqon doono Madaxweynaha Maraykanka,balse isla Shirkaas laguma shaacin doono heshiiskaas. Wadamada Gaashaanbuurtaas xubinta ka noqon doona,waxaa ka mid ah.. Srael,Masar, Urdun, Imaaraadka, Baxreyn,Moroko,Sacuudi-Carabiya, Cummaan, Qadar iyo Kuweyt Dalalka Carbeed ku faraxsan ka mid…
In Deni dhaqaajiyo Tareenkii Dimuqraadiyada Puntland markan waa la taageeri karaa maadaama uu balanqaaday in uusan mudo kororsi ku mashquulsanayn. Ugu yaraan hadii lagu guulaysto qabashada doorashada Golayaasha Deegaanka waxay dhalaysaa in la helo Sadex Xisbi oo hanta hogaaminta Siyaasada Dalka. Hadii ay soo baxaan Sadexda Xisbi,waxaa meesha ka baxaysa awooda Odoyaasha Beelaha,iyaga,ayaana go’aamin doona Doorashada Wakiilada goortay dhacayso. Puntland waxay unoqon doontaa sharaf iyo horusocod Dowladnimo,waxayna sii haysan doontaa doorkeedii curadnimo ee Somaliya. Deni,waxay unoqon doontaa taariikhda waxa kaliya ee uu ku faani doono in uu sameeyay. Hala taageero oo waliba halagu tartarsiiyo Deni in uu ka dhabeeyo hadalkiisa…
Shaahdoon Gudoomiyaha Gobolka Bari,waxuu bixiyay Sir amni oo ku saabsan argagixisada Bosaso lagu qab-qabtay. Muuqaal,ayuu fududeeyay in laga duubo xubnaha argagixisada ee la hayay. Muuqaalkaas,waxa uu udhiibay Ibraahim oo daawad siiyay Odoyaal Xubnahaas ehelkood iyo waaridiintood ah. Sidoo kale Shaahdoon,waxuu udigay Xubno kale oo Ciidanku kusoo wajahnaa si ay usoo qabtaan,kuwaasoo fakaday. Laamaha amaanku waxay heleen xogta Shaahdoon ee ah bixinta xogaha amni,waxayna toos ujoojiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay,iyagoo Madaxweynaha gaarsiiyay. Madaxweyne Deni si adag ayuu usoo canaantay Gudoomiyaha Gobolka Bari,balse kuma filna canaan khaladka dhacay. Shaahdoon waxuu qayb ka yahay Gudiga Amniga Gobolka Bari,taas,ayaana usahlaysa ogaanshaha xogta amni. Jibril…
Waxaa la soo sheegay geerida Khadra Dahir Cige. Ilaahay ha u naxariistee, waxaa ay ilaa 10 maalmood ku jirtay cusubitaal ku yaala magaalada Hargeysa oo ay maanta ku geeriyootay. Khadra Dahir Cige waxaa ay fanka Somalida ku soo biirtay 1974-kii, waxaanay muddo dheer ka mid ahayd fanaaniinta Somalida ee loogu jecel yahay. Waxaanu Khadra Dahir Ilaahay ha u naxariistee aad isu baranay laga soo bilaabo 1990, wakhtiyadii ay UK timid, waxaanay ahayd qof aad u dabeecad wanaagsan oo dad jecel. Ilaahay ha u naxariisto, ehelkeedii, qaraabadii iyo Somali oo dhana samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Jaamac Xasan Cabdile,ayaa furay Shirweynaha Sadexaad ee Dalladda Ururadda Dhallinyarada Puntland ee PYAN iyo Doorashada Gudoonka Dalladda Dhallinyarada,ayaa lagu qabtay magaalada Garowe. Doorashadda gudoonka,ayaa waxaa ku tartamaayey musharaxiin ka tirsan gollaha dhexe ee dallada ururada dhallinyarada Puntland PYAN, ururadan oo ka kala yimi Sagaalka Gobol ee Puntland iyo ururka Ypeer, ergadan ayaa dhamayd 30 Xubnood, Codayn dheer kadib ayaa waxa ku soo kala baxay hogaan ururka Gudoomiye Libaan Maxamed Xuseen iyo gudoomiye ku xigeen Ruun Cali Cabdi. Doorashadan oo ay goob joog ahaayeen Wasiiro, Taliyaal ciidan, Gudoomiyaal, agaasimaha Waaxda Dhallinyarada, ururada dhallinyarada iyo Madax kale. Madaxda…
Laahoor,waxuu ubaxsanayaa Cumaan waraysigiisiina,waxuu ahaa raacdo reeb. Wiil uu Adeer uyahay oo lagu magacaabo Ina Ukun iyo Rag kale oo Ganacsata ah,ayaa uxareeyay Viso Dalka Cumaan ah. Sidoo kale Visa-ha,waxaa kula jira oo loola xareeyay Nin jooga Yemen oo xubin ka ah argagixisada. Laahoor ma gaarin weli Cumaan mana soo bixin Visa-ha. Waxaa muhiim ah in laga hawlgalo Raga jooga Cumaan ee Visa-ha usoo saaraya iyo isaga Laftigiisa. Sidoo kale Ninka Yemen waa muhiim la socodka dhaqdhaqaaqiisa. Jibril Qoobey.
Shaqaalaha shirkadda oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa la sheegay inay si xiriir ah u isticmaaleen xogta dad Ameerikaan ah ee ku jirta Tiktok. Brendan Carr oo warqadda uu qoray soo dhigay bartiisa Twitter wuxuu yiri: “Tiktok ma aha sida ay u muuqato oo ah meel lagu wadaago muuqaallo madaddaallo ama shactiro ah. Waa qalab wax lagu basaaso (ilaaleeyo). Wuxuu soo saaraa tiro badan oo xog xasaasi ah oo mid shakhsiyadeed ah. Tiktok wuxuu ururiyaa wax kasta, laga billaabo bogagga wax laga raadsado ee internetka iyo kuwa website-da laga booqdo.” Mas’uulku wuxuu ku eedeeyay, isagoo adeegsanaya cilmi-baareyaal in Tiktok uu…
Shirkadaha internet-ku waxay ururiyaan macluumaadka dadka sababo badan dartood. Waa xaqiiq bannaanka taalla oo aan lagu muransaneyn. Hase yeeshee, waxaa walaac leh maxaa xogtaas lagu sameeyaa? Yaa haya oo arki kara? Maxayse kuu dhimi kartaa qof ahaan haddii si qaldan loo adeegsado? Mid ka mid ah sababaha ay shirkaduhu u ururiyaan xogtaas waa in ay la socdaan hab-dhaqanka iyo dabeecadaha macaamiishooda, waxay ku doodaan in ay taas u sameeyaan si ay dadka u soo bandhigaan xayeysiimo sax ah. Waxaa laga yaabaa halista ka dhalan karta tallaabooyinkaas in aysan dad badan hadda ku baraarugsaneyn, balse ma howl yara marka aadan u…
Waayadan way fududdahay in caan la noqdo isticmaalka internetka dartiis. Da’ yari, baraarug-la’aan, aqoon-yari, ama talooyin qaldan oo la raacay tan ay tahayba, waxaa Soomaalida dhexdooda ku badan dadka caannimada ku raadiya si aan dhaqanka ku habooneyn. Ku talaxtagidda caannimo-raadinta si guud ayay u saameyn ugu yeelatay bulshada. Sow kulama aha in la joogo markii uu qof kasta ku xisaabtami lahaa mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, gaar ahaan carruurta? Ma fiican tahay in carruurteenna ay halyeeyo ay ku daydaan u arkaan dadka caanka ka ah baraha bulshada oo qaar dhaliilo badan la huwiyo wadaagyadooda iyo dhaqamadooda? Qorshaha ku darso caannimada aad…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Isbitaalka Qaran, ku booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maalmahan ku xanuunsanaa Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay dhakhaatiirta gacanta ku haysa xaaladda caafimaad ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Caafimaad ee Garaadka. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu duceeyay Garaad Saleebaan in uu Alle xanuunka ka dulqaado, oo caafimaad taam ah siiyo, Aamiin. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Guddoonka cusub ee ay maanta doorteen Dalladda dhallinyarada Puntland ee (PYAN). “Waxaan u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee ay doorteen maanta Dalladda dhallinyarada Puntland ee (PYAN), Guddoomiye Liibaan Maxamed Xuseen iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Ruun Cabdi Kamas, waxaan u rajeynayaa in Alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulsho kasta oo meel ku nool, qeybweyn ayeeyna ka yihiin dowladnimada, amniga, horumarka iyo arrimaha Bulshada, waxaan boggaadinayaa masuuliyiinta Dowladda iyo cidkasta oo kala shaqeysay dhallinyarada qabsoomida Doorashada. Hambalyo MarkaleGuuleysta, “ Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. XAFIISKA…
Halkan ka daawo muuqaalka