Author: Jibril Qoobey.

Iyadoo ku cusub Mareykanka ayay goob joog u noqotay dhowr dhacdo oo dhiig ku daatay. Waxay dib usoo gocatay mid ka mid ah falalkaas oo ay booliska ku toogteen nin Soomaali ah. “Sanadkaygii ugu horreeyay ee aan Mareykanka joogay waxaan arkay qof lagu toogtay Peavey Park, oo isla goobta ku geeriyooday, xilligaas oo ahayd saddex isbuuc kaddib markii aan aniga iyo aabbeheey imaannay Minneapolis. “Lix bilood kaddib waxaan goob joog u ahaa oo aan daawaday booliska Minneapolis oo 38 xabadood ku dhufanaya jirka nin Soomaali soo galooti ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo aan ku hadli karin luuqadda Ingiriiska,” ayay…

Read More

Ukraine ayaa ka codsatay Turkiga in uu qabto oo uu xiro markabka Zhibek Zholy ee uu ka babanayo calanka Ruushka kaasi oo ah nooca xamuulka qaada, sidana shixnad qamadiga Ukraine ah oo laga soo qaaday dekedda Berdyansk ee uu Ruushku haysto, sida uu sheegay sarkaal u dhashay Ukraine ah uuna muujiyay dukumeenti ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters. Sarkaalka oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine oo soo xiganayay xog ka timid maamulka badda ee dalkaasi ayaa sheegay in markabka Zhibek Zholy uu sido shixnaddii u horreysay ee qamadi ah oo dhan 4,500 oo tan oo laga raray dekedda…

Read More

Khadar Caydiid Oogle oo ah Ganacsade Xoolaha ka Baayacmushtara,ayaa Bosaso laga Afduubtay. Ganacsadahan,ayaa kasoo jeeda Kilinka Shanaad ee Somalida Itoobiya. Waxuu ahaa Ganacsadayaasha lagu tilmaamo heerkiisa Jeeb-yarayaasha. Ciidanka Amaanka,ayaa ku raad jooga maalinkii 6-aad,waxayna baaris ku sameeyeen Xaafad ka mid ah Xaafadaha Degmada Carmo oo laga shakiyay. Taleefoonka Khadar,ayaa mar laga daaray Degmada Carmo gudaheeda,kadibna waa la damiyay. Hadalkiisii ugu danbeeyay,waxuu kasoo hadlay Whatsap,isagoo la hadlay Walaalkiis jooga Hindiya,waxuuna usheegay 3-beri in gudaha Bosaso lagu dhex wareejinayay hadana la geeyay meel Baadiye ah. Ciidamada amaanka Puntland oo aan la xiriiray,waxay ii sheegeen in ay dadaal xoog leh wadaan. Jibril Qoobey

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo la xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen Gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii. Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo Calanka saaray saacadu markay ahayd 12:00, Kadibna wuxuu ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo iyo guud ahaan todobaadka xorriyada dalkeenna, oo ah taariikh u baahan in wax laga barto halgankii laga soo maray xorriyada, midnimada Iyo Dowladnimada. Waxaa Madaxweynaha Munaasabadda ku weheliyay Madaxweyne…

Read More

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,ayaa magacaabay Guddiga daba- galka & xaqiiqa raadinta xisaab xirkii 4tii sano ee u dambeysay. 2018, 2019, 2020, 2021 Xubnaha la magacaabay oo ah isku dhaf labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kala ah:- Senator Cabdixakiin Macalin AxmedSenator Siciid Cabdi Xuseen CawkeXildhibaan Saciid Maxamed CaliXildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan BeenebeeneXildhiban Cbdirahman Cadde CaddowXildhibaan Saadaq Cabdullaahi CabdiXildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange

Read More

Ina Taaraan iyo Nuur Ciise in loo dhiibo Maxkamada sare ee Puntland waa niyad jab intiisa le’eg. Nuur Ciise waa Masuulkii,isagoo Maxkamada jooga markii lagu helay danbiyo ubaxsaday Galmudug lana cararay Gaarigii Maxkamada oo ka iibsaday isla Galmudug xiligii Madaxweyne Faroole. Ina Taaraan waa jariif Sharci oo caan ku ah iibsashada Maxaabiista iyo musuqa Garsoorka. Xaqiiqdii ceeb,foolxumayn Garsoor iyo Caayid nidaam ayay ku tahay in Bulshada reer Puntland laga soo dhex xusho Labadaa Nin. Madaxweyne dib ugu laabo qiimayntaada hadaad rabto Garsoor aan Yawmul Qiyaamaha Naar Aadan ku gelin. Baarlamaanka Puntland in ay udiidaan xasaanada,ayaan ugu baaqaynaa oo ay uturaan…

Read More

Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horeysey kahor timid Israel, soona Bandhigtay been ay israel ka sheegtay dilkii weriye shiriin abuu caqli oo u shaqayn jirtey Tv-ga Aljazeera. Israel ayaa horay u sheegtay in weriye shiriin abuu caqli ay ku dhimatay Rasaas ay soo rideen kooxaha Falastiiniyiinta ee hubaysan,waxayna sheegtay in aanay israel aanay ku lu lahayn dilka weriyaha Al-jazeera. Lknse baaritaan dheer oo ay samaysay Qaramada Midoobey waxay ku cadaysey in ciidamada Israeli ay rideen rasaastii lagu diley weriye shiriin abuu caqli sida ay muujisey natiijada baaritaanku . Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey Ravina Shamdasani oo saxaafada la…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS). Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul ( caruurta, haweenka iyo naafada). Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dugsiga sare Nugaaal ee Degmada Garoowe waxaa ka bannaan macallinnimo luuqada Englishka ah Macallimiinta daynaynaya ama codsanaya shaqadan ayaa laga doonayaa in ay buuxiyaan shuruudahaan: Waa in uu wataa shahaado jaamacadeed, waxaana tixgelin mudan ciddii haysata shahaado la xiriirta Kulliyadda Waxbarashada (Education College).Waa in uu leeyahay khibrad shaqo oo waxbarasho ah.Waa in uu ku soo shaqeeyey luuqada English ah ee meesha ku xusan. FG: Codsashada shaqadan macallinnimada waxay ka bilabanaysaa 29/Jun/2022. waxayna ku egtahay qabashadu 10/julay/2022. Qabashada CV-yadu waa furan tahay. Nagala soo xiriir taleefannadan hoose ku xusan: 0907794081 WhatsApp Numbers: 090 0907647176 ama 0906520727 Wabillaahi Towfiiq.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 12-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2021. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Ahna Ku-simaha Wasiirka Cumar Xasan Cumar (Fiqi) ayaa Golaha hortooda ka soo jeediyey khudbad uu uga hadlayo soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021, sida uu qabo Qodobka 137 ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 64aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada kuwaas oo si faah-faahsan uga hadlaya soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda. Dhinaca kalena, Fadhiga maanta ayaa…

Read More

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 39-Xildhibaan,ayaa waxaa hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaaradda. Xildhibaannada,ayaa su’aalo ka weydiin doona dhammaan arrimaha la xiriira Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa maanta ka dhacay wasaaradda caafimaadka xaflad kooban oo lagu soo bandhigayay guulo laga gaaray 5 degmo oo ka mid ah Puntland laga dabarjaray xanuunka malaariyada. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan agaasimayaasha waaxyaha caafimaadka guud iyo caafimaadka asaasiga ah Ku dhawaaqida in laga dabar goynayo 5 degmo oo mudo 3sano ah laga helin waxkiis ah oo cudurka duumada ah Madaxa Malaariyada Dr- Abdikariin Husein Hasan oo ugu horayn ka hadlay ayaa yiri:- “ Mudane wasiir mudanayaal waxaan rabaa inaan maanta idin soo gudbiyo in 5 degmo oo Puntland ah kuwaasoo ku jiray 15 degmo oo soomaaliya laga xushay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland. Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland. Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dhakhso looga jawaabi lahaa xaaladda ka dhalatay abaarta, waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo saameynta ay geysteen iyo qorsheyaasha arrintaasi lagu wajahayo oo ay ugu horeyso sidii dhakhso loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay. DHAMMAAD…

Read More

Puntland waa maamulka kaliya ee intuu dhisnaa ay ku liibaaneen dadkii dhistay iyo Somalida kalaba. Haddii aad akhriso warbixinada ay hay’adaha caalamiga ahi sida UNDP ka qoraan Somaliya ama aad u fiirsato, waxaad arkaysaa in ay yihiin Deegaanka kaliya ee Dhulalka Somalidu degto markii la barbardhigo sameeyey horumar isu dheeli tirin intuu jiray. Dhinacyada ay hormarka ka gaareen waxaa ka mid ah… 1.Dhaqaalaha Puntland oo shacabka badankii wada gaara oo aan Dad kooban Jeebabkooda ku dhicin. Macnaha in uusan dhaqaaluhu kujirin Jeebabka Ganacsatada,Siyaasiyiinta iyo Qaraabadooda oo kaliya oo 90% shacabku sagxada oolin. Sida warbixinno badan lagu qoray 60% Dadka Puntland…

Read More

Xamsoow in aad Xaafiiskii ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah fariisato ma’ahan wax la yaab leh ee waad gaydaa. Qiimahaagu waa sida aad ugu adeegto Xaafiiskaas. Sidii Khayre hadaad noqoto Nin laga dhex qayliyo oo laga dhigto Cagaf lagu fushado Danaha gaarka ah macne ka tegi maysid. Balse sidii Rooble hadaad ku shaqayso dareenka Shacabka iyo Danaha Qaranka Taariikhda ayaad geli doontaa sidiisa oo kale. Ha noqon Nin fuliya qorshihii loosoo xushay. Ha noqon Nin ku sifooba tilmaamihii loogala dhex baxay Ragii hanka booskaas lahaa ee kale. Ha noqon Khayrihii loo adeegsaday Deegaamadiisii uu ku matalayay awood qaybsiga. Ha isku arkin Agaasimaha…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay in la dili doono,waxaana lagu dili karaa dubbe madaxa lagala dhaco,iyadoo la adeegsanayo shirqool qarsoodi ah oo ay u maleegayaan ragg isaga ka agdhow, sida uu qoray Daily Beast. Daniel Hoffman oo ah madaxii hore ee CIA ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka saaxiibadiis ay isku dayi karaan inay xilka ka tuuraan Putin duullaankii fashilmay ee Yukreyn dartii. Daniel Hoffman madaxii hore ee Sirdoonka maraykanka wuxuu rumaysan yahay in isku day kasta oo lagu afgembinayo Hogaamiyahan awooda badan uu noqon doono mid degdeg ah oo ay dhici karto in lagu dhamaado,wuxuuna yiri sidan .…

Read More

Ciidamada dalka Sudan ayaa weerar ballaaran ku qaaday Ciidamada Itoobiya oo saldhigoodu ahaa gudaha degaanka lagu muransan yahay ee Al Fashaga sida uu xaqiijiyey Wargeyska Sudan Tribune. Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii la diley 7-askari oo u dhashay dalka Sudan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Ethiopia 22-kii bishan Juun, itoobiyaanka ayaa askarta sudaan maydadkooda kusoo bandhigay waddooyinka sidoo kale sawirradooda ayaa lagu faafiyey baraha bulshada. Wargeyska Sudan Tribune oo soo xiganaya Hogaanka sare ee ciidamada suudaan ayaa sheegay in Ciidamada Sudan ay la wareegeen degaanada Kala-Leban, Barkhat iyo buuraha Tesfai Adawi ee Fashaga, ciidamada sudan ayaa sidoo kale soo…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Shiikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa iyo guddoonka Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 7aad ee wadajirka ah oo Ajandihiisu ahaa aqrinta labaad ee warbixinta guddiga KMG iyo odoroska qoondada miisaaniyadda 2022-ka. Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka islamarkaana ay su’aalooyin ka weeydiiyeen wwasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumadda Xilgaarsiinta JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Shiikh Aadan Madoobe oo gabo-gabada kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta berri ah la isku soo noqon…

Read More

Madaxweyne Mustafe oo ay gadaal ka riixayaan Oromo soo dhexmaraysa Wasiir Axmed Shide,ayaa aqbalay in Jig-jiga loo sameeyo Ismaamul ugaar ah oo toos uhoostaga Fadaraalka sida Dirirdhabe. Fikradan,waxaa horay udalbaday Beesha Jid-waaq xiligii Madaxweyne Cabdi Iley,balse isbadalkii dhacay kadib way ka laabteen doonistaas. Haatan Oromo,ayaa soo noolaysay atagtidaas,iyadoo adeegsanaysa Wasiir Axmed Shide. Madaxweyne Mustafe waa diidi waayay qorshahan,waxuuna qarka usaaran yahay in uu saxiixo. Dhanka Beesha Jidwaaq si adag ayay ganafka ugu dhufteen,waxaana aad uga hor yimid oo la mari la’a yahay Garaadka iyo Cabdi-Wasac Bade. Haday fikradan hirgasho waa dhabarjab ku dhacay Somalida iyo Magaalo kale oo geli doonta…

Read More

Mustafe iyo Madaxweynaha ismaamulka Canfarta,waxaa la siiyay digniintii ugu danbaysay. Halka Madaxweynihii shucuubta Koonfureed la cayriyay Shirkii Xisbiga talada haya. Wal-walka ugu weyn,waxuu ka qabaa Siyaasiyiinta Beesha reer Cabdille oo u arko cida ku haysata Kursiga Madaxtooyo ee Deegaanka. Dagaal qaawan iyo mid qarsoon,ayuu ku wadaa si joogta ah Madaxweyne Mustafe siyaasiyiinta Beeshaas. Sida muuqata waa lumiyay Siyaasiyiintii Beelaha kale marka laga reebo kuwa Beesha Isaaq. Mahayo Cawryahan,Makaahiil,Jidwaaq iyo Harti Madaxweyne Mustafe. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa maanta ka bilawday xarunta Dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland shirka Lix bilood laha ah ee xanuunka HIV (Hiv quarterly meeting). Shirkaan,ayaa waxaa ka soo qaybgalay shaqalaha ka shaqeeya xarumaha bixiya adeega dawa siinta dadka la nool HIV, iyo Hay’addaha bahwadaagta la ah wasaaradda ee WHO iyo UNICEF, sidoo kale waxaa joogay INGS ka ISDO, Daryeel iyo PAC. Agaasima waxeedyada caafimaadka guud, qorshaynta, caafimaadka asaasiga iyo shaqada iyo shaqaalaha ayaa furitaanka ka qeybgalay. Madaxa qaybta HIV wasaaradda Marwo Aisha Jama oo furitaanka ka hadashay ayaa tiri:- “ Agaasimayaasha wasaaradda kasoo qaybgalayaasha waxaan idinka mahadcelinayaa ka soo qaybgalkiisa shirkan dib…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka DPL iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin. Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiradda, Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dawlayaasha…

Read More

Ugu yaraan 46-Qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin Dad Muhaajiriin ah,ayaa Meydkooda laga dhex helay Gaari ah nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka. Sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah sidoo kale isbtaalka loola cararay. Dadkii ka badbaaday dhacdadani ayaa waxaa “aad u kululaa jirkooda” waxaana ka muuqtay daal badan. San Antonio, oo 250 km u jirta xudduuda Mexica ayaa ah waddada ay dadka soo mariyaan dad wax tahriibiya. Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San…

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday guddi wadahadal nabadeed la yeelan doono hoggaamiyayaasha jabhaddaTigreega si xal loogu helo dagaalka sokeeye ee 19 bilood ka socda waqooyiga dalkaasi. Toddobada xubnood ee guddiga waxaa guddoomiye u ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonen, halka xubnaha ay ku jiraan taliyaha sirdoonka iyo la taliyaha amniga ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. War qoraal ah oo uu soo saaray Isniintii Wasiirka Cadaaladda Gediwon Timothios, oo sidoo kale xubin ka ah guddiga, ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo ee talada haya uu dhigay habraacyo lagu raadinayo xal nabadeed…

Read More

Ugu yaraan 18 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar uu Ruushka ku qaaday xarun laga dukaameysto oo ku taal Kremenchuck. Hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa aad u cambaareeyay weerarkan. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo kamid ah hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa kamid ah dadka cambaareeyay gantaalada Ruushka uu ku weeraray xarunta laga dukaameysto ee ku taal bartamaha Ukraine, isagoo ku tilmaamay mid fool xun. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Macron ku sheegay in dadka Ruushku ay waajib ku tahay in ay “runta arkaan”. Inta badan shacabka ruushka telefishinku ayaa ah isha ugu weyn ee ay…

Read More

Milatariga Sudan,ayaa wacad ku maray in ay tallaabo ku haboon kaga falcelin doonaan dilka ay sheegeen in Itoobiya ku khaarajisay todoba qof oo iskugu jiray rayid iyo askar ay qabteen ciidamada Itoobiya. Xukuumadda Sudan,ayaa iyaduna u yeedhatay safiirkeedii u fadhiyey Addis Ababa, hase yeeshee warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan waxaanay wasaaraddu sheegtay in ay askartaasi ku dhinteen shaqaaqo dhex martay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah. Waxaanay warbixintu intaa ku dartay in ay dawaladda Itoobiy ka xuntahay dhacdadaas.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland . Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska. Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidankeenna geesiyaasha ah ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Xisaabtankii masuuliyiinta Amniga,waa soo dhamaaday. Xildhibaanadu su’aalo adag ayay waydiiyeen Masuuliyiinta. Waxa ugu badnaa ee la waydiiyay,waxay ahaayeen dagaalkii Bosaso,Gobolka maqan ee Sool iyo imaanshaha SL ay timaado Badhan. Wasiirka Amniga,ayaa su’aalaha ugu badan ku hoobteen,waxaana aad loo waydiiyay dagaalkii Bosaso. Su’aalaha waxaa ugu muhiimsanaa kuwan… 1.Maxay ahayd sababta aad ugasheen dagaalkii Bosaso. 2.Miyaan laga baaqsan karin dagaalkii Bosaso. 3.Dad intaa le’eg in ay naga dhintaan nagana dhaawacmaan maxaa sabab u ahaa. 4.Laascaanood maxay ku maqan tahay. 5.Badhan maxay SL usoo gashaa. Talyaha Daraawiishta,ayaa erayo kulul ugu jawaabay Xildhibaan Faarax Biyoole oo su’aalo adag ku boobay,waxuuna ku yiri…”Faaraxow dagaalkaas adna…

Read More

Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa sheegay in ugu yaraan labo dhisme oo ah kuwa la deggan yahay la duqeeyey, halkaas oo ugu yaraan hal qofi uu ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacantay. Ruushka ay xoojiyey adeegsigiisa gantaalada cruise-ka, isaga oo beegsanaya ilaa woqooyi-galbeed Ukraine. Qalabka digniinta ayaa ka dhawaaqay dhowr magaalo. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo arrintan ka hadlayey ayaa yiri “Waa wuxuushnimadoodii oo sii korodhay.” Weerarka Ruushka ee Ukraine ayaa ah arrinta ugu weyn ee shir-madaxeedka dalalka G7 culeyska lagu saarayo. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Sabtidii shalay sheegay in shirka uu Isniinta ka qeyb gali doono.

Read More

Telefishanka Qaranka Iran,ayaa Axaddii maanta sheegay in Tehran ay hawada u dirtay Gantaal, arrintaas oo keentay fal-celin ka timid Maraykanka. Arrintan,ayaa imaanaysa ka hor wadahadalada la filayo ee laga yeelanayo barnaamijka Nuclearka ee Iran iyo Quwadaha caalamka. Ma cadda xiliga iyo goobta gantaalka laga ganay, hase yeeshee shaac-ka-rogidda ayaa timid ka dib makrii satellite-ka laga arkay diyaar garow laga sameynayey xarunta dayax gacmeedyada Khomeini ee ku taalla duleedka gobolka Semnan. Dhowr gantaal oo isla goobtan laga ganay,ayaa horay u burburay. Warbaahinta Dowladda,ayaa sii daysay sawirro muujinaya markii Gantaalku dhulka ka baxayey. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo xiisadda barnaamijka nuclearka ee…

Read More

Ugu yaraan afar Qof oo Laba ka mid ah ay shacab yihiin,ayaa lagu dilay Seddex kale oo Laba Wariye ay ku jiraana waa lagu dhaawacay kadib markii qarax miino uu haleelay gaari ay la socdeen meel u dhow degmada Mataban ee gobalka Hiiraan. Dadka dhintay waxaa ay aheen laba askari, darawalkii gaari iyo nin farsamo yaqaan ah. Wariyayaasha dhaawacmay oo ka tirsan TV-ga maamulka Hirshabelle ayaa kala ah Khaalid Muxumed Cismaan (Ikacase ) iyo Cabdikariim Maxamed Siyaad. Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka gobalka Hiiraan ayaa toddobaadyadii ugu dambeyay howlgalo ka waday degaano hoostaga degmada Matabaan, halkaas oo kooxda Alshabaab ay…

Read More

Ka hor inta uusan si rasmi ah u furmin shirka waxaa laga hadlay “Sawir jirka muujinaya” oo uu leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Markii uu kulanka madaxda waddamada G-7 furmayay maalintii Axadda, dhammaan hoggaamiyeyaasha waxay fariisteen miis goobo ahaan u samaysan. Ugu dambayn, Raiisul asaaraha Britain, Boris Johnson ayaa kursigiisa fariistay. Intii uu salka sii dhigayay, Johnson waxa uu si kaftan ah u waydiiyay madaxdii kale, “in uu jaakadda iska bixiyo iyo in kale? Ma iska siibnaa dharka?” Hadalkaas marka uu dhahayay Mr Johnson, waxaa goobta ku sugnaa wariyeyaal badan iyo sawir qaadeyaal. Isagoo wariyeyaasha farta ku fiiqaya ayuu Ra’iisul…

Read More

Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Dawlada Puntland Axmed Yuusuf Qahar iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Cabdicasis Nuur Cilmi “Koor”,ayaa maanta Xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka kaga qaybgalay shirka qiimaynta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha maxiga ah ee ka shaqeeya mashruuca shaqo lacag kubadalashada “Cash For Work”, wasaaradda iyo hay’ada FAO kaas oo dhowrkii biloodba mar lagu qabto magaalada Garoowe. Kulankan,ayaa intii uu socday waxaa xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’addaha maxaliga ah ee mashruucaan wada, hay’adda cunada iyo Beeraha ee FAO iyo wasaarada Deegaanka islamarkaasna loo balaarin lahaa howlgalka iskaashi ee dhinacyadan ay horey ugu jireen.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka marwo Layla Cabdi Cartan iyo Xassan Cabdi Cilmi, oo ah xubin ka mid ah Guddoonka sare ee Garsoorka Puntland oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay. Waxaa dhaariyay Cabdiqani Maxamed Nuur Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal. Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 47 Xildhibaan ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDRta Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Wasiir ku-xigeenadda Amniga,Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Gen. Yaasiin Cumar Dheere,Taliyaha Ciidanka Booliska DPL Jen.Maxamed Cali Xaashi iyo Taliska Nabadsugidda iyo Sirdoonka Puntland kuwaa oo Golaha la wadaagaya Xaaladda Amni ee guud ahaan dalka. Xildhibaannada,ayaa su’aalo ka weydiin doona dhammaan qorshayaasha Amni ee dalka.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxaa maanta ka dhacday shir hor dhac ah oo ku saabsan u diyaar garawga shirka dib-u-eegista mashruuca JPLG kaas oo dhici doona 28ka-29ka June 2022. Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay qayb ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo hay’adaha bahwadaagta ka shaqeeya mashruuca JPLG. Shirka waxaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf. Dhammaad. Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.

Read More

Wasiirka Maaliyadda Mr. Cabdiraxmaan Bayle iyo Wasaaradda Maaliya waxa ay noqdeen kuwo aan oggolayn in lala xisaabtamo, islamarkaasna noqdeen furaha lagu owr-kacsaday wixii boob ku dhacay hantida iyo maaliyadda dowladda. Hanti-dhowrka Guud ee qaranka wuxuu qoraal iyo afba ku cadeeyay in $87 million iyo $42 million aan la hayn xisaab-xirkooda ama qaabka lacagtaas ay ku baxday ama loo isticmaalay. Waa murugo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed haddii xeerarka maaliyadda aan lagu dhaqmin, la hareer maro, ama sida la sheegaayo Mr. Bayle uu cadaladda ka baxsado – ha la iska hilmaamo in mar dambe laga hadlo cadaalad iyo isla-xisaabtan dambe. Mr.…

Read More

Wasiirku,wuxuu tixraac ka dhigtay Xeer ay soo saartay Nidaam Milateri ah sameysay,mana ah mid ka badbaadin kara uyeeritaanka Xeer-ilaaliyaha. Dowlad Milateri oo laashay Dastuurkii Dimuqraadiga ahaa ee xalaasha ahaa Xeer ku dhisnaa Xoog iyo Qori caaradii ma noqon karo Sharci laysku difaaco. Dalku waxuu qaatay Nidaam Fadaraal oo leh Dastuur Kmg ah oo Xeerar Fadaraal ku dhisan. Sida ay sheegayaan Xeeldheerayaasha Sharci Beyle meel uu uga badbaadi karo uyeeritaanka Xaafiiska Xeer-ilaaliyaha majirto. Halkan ka akhriso warqada diidmada Wasiir.Beyle Halkan ka akhriso Warqada uyeerida Xeer-ilaaliyaha

Read More

Warka sheegaya in Doonyo Hub siday kusoo caaryeen Xeebta Bender-beyla ee Puntland waa dhab. Waxay ahaayeen Labo Doonyood oo u socday Koonfur. Mid,ayaa degtay, midna waa la qabtay. Doontii uu saarnaa Hubka faraha badan waa mida degtay. Doonta badbaaday ee la qabtay,waxaa saarnaa 15-Qoryaha fudud oo Dadka Deegaanka,ayaa qaatay intaan Ciidanku soo gaarin. Sadex Nin oo Ajanebi ah iyo Nin Somali ah,ayaa lagu qabtay. Waxaa baxsaday Hal Nin oo Somali ah. Jibril Qoobey.

Read More

Wasiirka Tamarta maamulka Puntland Carshe Siciid oo fagaare ka hadlayay ayaa banaanka keenay ineysan faraha ka laaban doonin khaladaadka dowladda cusub, isagoo si cad u muujiyay in sidii ay ula dagaalameen Farmaajo oo kale ay ula diriir doonaan. “Puntland wixii Farmaajo ay ka diiddey cid kale kama yeelayso, geedka Timirka ayaan u fadhinaa dowladda cusub”Ayuu yiri Wasiirka Tamarta, Caarshe Siciid. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maxakmadda Sare ee Mareykanka ayaa maanta oo Jimca ah baabi’isay sharci ay horey u ayiday oo dumarka Mareykanka u ogolaanayay inay ilmaha iska soo xaaqi karaan, waxaana sharcigaas oo loo yaqiinay Roe v. Wade uu Mareykanka sharci ka ahaa tan iyo sanadkii 1973kii. Waxa uu ka mid yahay sharciyada ugu muranka badnaa ee sida weyn u saameeya ololayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka dalkan. Sagaalka Qaadi ee Maxkamadda Sare ayaa go’aankan ugu codeeyay, ayaa lix ka mid ah oo sharcigan in la’aalo ogolaaday, hlaka saddexda kale ay diideen. Go’aankan ayaa sidoo kale siinaya gobolada Mareykanka inay sharciyo u gaar ah oo arintan…

Read More

Ragan Maanta Bosaso soo gaaray,waa 11-Nin oo Sideed ka mid ah ay 12-Sano xirnayd 3-da kalena ay 10-Sano soo xirnaayeen. Burcad Badeednimo,ayaa lagu eedeeyey oo ay uxirnaayeen Dalka Cumaan. 12-kale,ayaa Xabsiga Ku haray oo ku xukuman Xabsidaa’in. Waxaa kaloo Maanta Bosaso kala soo degay 6-Nin oo Xijayeysato ah oo ku xirnaa sharcidaro in ay ku Xijiyaysanayeen,kuwaassoo lasooTarxiilay. Ragan Ninka ugu yar wuxuu jiraa 26-sano Kan ugu Weyna 33-sano haatan,balse waxaa la xiray,iyagoo yar-yar. Jibril Qoobey.

Read More

Ra’isalwasaare Xamse,waxaan urajaynaynaa in uu noqdo mid shaqada hortaala kasoo baxa oo aan Jeebka ugelin Madaxtooyada. Maanta,waa la ansixiyay,waxii ka danbeeya awood Dastuuriya,ayuu leeyahay. Wax badan oo balamo Siyaasadeed ah oo horay layskugu sheegay khasab kuma ahan in uu fuliyo. Inkastoo uu Xamse awood ahaan Gacan maran yahay hadana Maanta Qodob Dastuuriya,ayuu ku fadhiyaa. Reer Puntland waa in sidii Axmed Madoobe ay ugarabgaleen ugana dhigteen hogaamiye sokeeye ah oo namatala Xamse aan ugu hiilino. Dhulkiisu waa Somali,balse awooda uu ku fadhiyo Kursiga waa Puntland iyo Jubaland. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda codka kalsoonid ah u siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xamse Cabdi Barre. Dhammaan xildhibaanada 220-ka ee soo xaadiray kalfadhiga ayaa u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin qof diiday ama cid ka aamustay. Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa goobta ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Read More

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Khamiistii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in Midowga Yurub uu oggolaado musharaxnimada Ukraine, taasoo Ukraine u dhaweyneysa inay ka mid noqoto xulafada reer galbeedka oo siin jiray hub aad u badan si ay uga caawiyaan la dagaallanto duullaanka Ruushka ee afarta bilood jirsaday. 529 ayaa u codeeyay mooshinka Ukriane ee ka mid noqoshada Yurub, 45 kale ay diiday, halka 14 xildhibaan oo kale aysan soo xaadirin. Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Midowga Yurub ee Georgia iyo Moldova. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in tani ay tahay “waqti taariikhi ah oo…

Read More

Madaxweyne Xasan Oo sheegay in laga Heley Covid 19 “Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19. Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna. Allaa mahad leh” Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa kulan la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan. Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah. “Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada,…

Read More