Dowladda Itoobiya ayaa ku hawlan inay meesha ka saarto shidaalka kebista ah ee qiimaha jaban ku helaan gaadidka qaarkood.Tallaabada gaadidka qaarkood kebista lagaga joojinayo ayaa bisha soo socota bilaaban doonto.[Boqolkiiba 25% ayaa bil keddib laga jarayaa]. Sannadka cusub ee 2015 bisha Meskerem gaadidka aan kebista shidaalka loogu tallo galin waxaa laga jari doonaa 50% kebistii ay heli jireen.Bisha Tehsas caddadka laga jarayo wuxuu gaadhi doonaa 75%,marka la gaadho bisha Miyazia guud ahaan waxaa laga jari doobaa kebista ay helaan gaadidku. Gaadidka laga joojin doono ee aan heli doonin kebista shidaalka [qimaha jaban] waxaa kamid ah; gaadidka raaxada ee guryaha iyo…
Author: Jibril Qoobey.
Dhoobley, 23, June, 2022- Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley. Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo sidoo kale guddoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan. Ugu horeyntii Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gunaanadkii doorashooyinka qabsoomay, golaha ayuu u sheegay in loo baahan yahay in la dar dargaliyo howlaha hortebinta u leh Dowladda…
Dawladda Kuwait ayaa kala dirtay golaha baarlamaanka ee dalkaas, waxaana dhaxal-sugaha boqortooyada Kuwait uu ku baaqay in la qabto doorashooyin guud oo wakhtigoodii laga soo hor mariyey, si looga baxo qalalaasaha siyaasadeed ee curyaamiyey dawladda dalkaas ka arrimisa. Khudbad uu ka jeediyey telefiishanka dawladda ayuu Sheekh Meshal al Ahmed oo 81 jir ahi ku sheegay in qoyska talada hayaa ay ixtiraamayaan dastuurka dalka Kuwait ee awoodda badan siinaya baarlamaanka dalkaas, ayna tahay in talada dib loogu celiyo shacabka si ay u muujiyaan rabitaankooda. Golaha Wasiirada ee dalkaas ayaa laba bilood ka hor isku casilay ka dib khilaaf ka dhex curtay…
Madaxa hay’adda tamarta Adduunka,ayaa ka digay suurtagalnimada in xilliyada qaboobaha Ruushka laga yaabo in uu joojiyo gaaska uu siiyo waddamada reer Yurub. Fatih Birol ayaa sheegay in uusan rumeysnayn in ay dhici karto in Ruushku uu gebi ahaanba jaro gaaska uu siiyo reer Yurub, balse Yurub ay u baahan tahay in ay ka shaqeyso qorsheyaal deg deg ah oo ay uga maarmi karto gaaska Ruushka. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa dhowr waddan oo reer Yurub ah waxa ay sheegeen in Ruushka ay ka heleen gaas aad uga yar intii ay ka heli jireen. Saraakiisha Ruushku ayaa beeniyeen in arrintaasi ay…
Mid ka mid aha shantaasi nin oo ay maxkamaddu magaciisa ku sheegtay Cabdiraxmana Ciise Axmed Laahoor oo la xukumay isagoo maqane ah,ayaa lasoo xiriiraya idaacadda VOA. Guddoomiyaha Maxkmadda,ayaa Ninkaas magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor, hase yeeshee isagu waxa uu magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid oo loo yaqaan Laahoor,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada, wax ka bedel lagu sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xaaladda Abaaraha oo Guddi loo saaray. Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay. Golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana degmooyinka…
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cumar Xasan Fiqi,ayaa ka qayb-galay shirki Golaha Dhaqaalaha Qaran Soomaaliya (National Economic Council). Shirkan,ayaa lagu soo bandhigay loogana doodaay sidi dhaqaala dalka lagu horumarin lahaa si saboolnimadana bulshadu uga baxdo. Intii uu socday Shirkan,ayaa laysa qaatay Madaxda Golaha Dhaqaalaha Qaranka (National Economic Council) in dooda la balaariyo caqabada siyaasadeed ee fulinta qorshayaasha laga doodayna laga heshiiyo si dalku horumar dhaqaale u gaaro. Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Masuuliyiin ka tirsan mashruuca horumarinta Degmooyinka ee JPLG. Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf. Shirka ayaa looga wada hadlay dardargelinta mashruuca JPLG, qorshaha Puntland ee lagu ballaarinayo mashruuca iyo geeddi socodka dhammeystirka doorashada hal cod iyo hal qof ee degmooyinka Puntland. Dowladda Sweden ayaa dhaqaale ku bixisa mashaariic kala duwan oo ka socda gudaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Dhammaad. Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka…
Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa shir Gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xoriyada. Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xoriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah, kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan. ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka,ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xorriyadda. Dhammaad
Soomaaliya iyo Imaaraadku waxay ku heshiiyeen in ay hagaajiyaan iskaashi dhinacyo badan leh.. 1.Amniga. 2.Ganacsiga 3.Horumarinta, 4.In dib loo bilaabo duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho. 5..In dib loo furo isbitaalka Shiikh Zayed oo xirmay 2018-kii. Dowlada Imaaraadka waxay Abaaraha ka taagan Somaliya ugu deeqday $20M oo gurmad deg-deg ah. Halkan ka daawo muuqaalka
GAROOWE:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi oo la kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda. “Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda waxaan kula dar-daarmayaa in ay ilaaliyaan nidaamka shaqada Wasaaradda Maaliyadda ” Halkan ka daawo muuqaalka
Qaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Imaaraadka Carabta lagu geliyay karantiil. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Booqashada Xasan Shiikh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida. Ilo wareedyo ka agdhow Madaxwtooyada Somaliya,ayaa xaqiijiyay in xubno ka mid ah weftiga Madaxweynaha laga helay xanuunka faysarka Corona.
Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 6.1 ayaa ku dilay 920 qof dalka Afghanistan Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka masiibooyinka, iyadoo in ka badan 600 oo qof ay ku dhaawacmeen, waxaana la filayaa in khasaaraha uu sii kordho sida ay sheegayaan xogaha laga helayo tuulooyinka fogfog ee buuralayda ah. Sawirro lagu baahiyay warbaahinta Afghanistan ayaa muujinayay burburka guryaha, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin waddoonka. Dadaallada samata bixinta ayaa diyaarado Helicopters ah gaarsiiyay goobaha musiibadu ka dhacday si loo gaaro dadka dhaawaca ah si ay u helaan gagaar caafimaad iyo cunto, sida uu sheeegay Salahuddin Ayubi. oo ah sarkaal ka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta. Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka ee maanta Kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan difaaca Puntland. Madaxweynaha ayaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA…
Aaaran-shaydaan waxay udiyaar garoobeen Doorashada Madaxweyne ee Puntland. Diyaar garowgooda,waxaa ka mid ah oo aysan Dadku ogayn… 1.66-Qof oo lasiiyay Lacag loona diray Beelahooda si ay usoo helaan Xildhibaano. 2.Qorshe iyo Dhaqaale looga hor tagayo socodsiinta Dimuqraadiyaynta. 3.Isu diyaarinta Mucaaradad Deni ka dhan ah Sanadka iyo Barka haray. Xasan si cad,ayuu Madaxweyne Deni uga codsaday in laga badalo Wasaarada Maaliyada oo Qof kale la keeno,isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya khilaafka kala dhaxeeya Karaash. Ujeedku waa in Mucaaradad loo helo fursad Dadkana la is ilow siiyo,gaar ahaan Beesha Dhulbahante Eedihii laga galay Deni looga siibto. Aaran-shaydaan saakay iyagaa raadinaya isku dhaca iyaga…
Ujeedooyinka Mudug xaalada looga abuurayo,waxaa ugu horeeya in Muumin lasoo dhaafiyo Gobolka si fursad loogu helo deganaansho la’aan laga abuuro. Sida ay qorshaynayaan,iyagoo ku gabanaya dhacdadii Yaasiin Cabdisamad waxay rabaan gorgortanka ay la geli doonaan Dowlada in ay ugu horayso badalida Muumin. Talyaha Qaybta Booliska Mudug ayay ku doodayaan in uu masuul ka yahay dhacdadii Beerta Yaasiin Cabdisamad. Hadafkooda ugu weyn waa in Mudug laga bilaabo Kacdoon looga soo horjeedo Dimuqraadiyaynta. Muumin waxay u arkaan Albaabka ugu weyn ee aysan dhaafi karin ee ku hor go’an. Jibril Qoobey.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur-Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya. Guddoomiyaha,ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Somaliyed ee ku dhaqanka dalkaas. Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.
Manhajka iyo Siyaasada Dugsiyada Xannaanada carruurta iyo barbaarinta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo la ansixiyay,hoos ka daawo Muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Madaxweynaha,ayaa ka dhegaystay Saraakiisha warbixin ku saabsan shaqada socota, gaar ahaan xaaladda Xabsiyada, iyo maxaabiista, wuxuuna faray in ay sii dardargeliyaan shaqada ay bulshada u hayaan.
Kulanka Xasan Shire iyo Fahad Yaasiin,waxuu la mid yahay isbahaysigii lagu khasaaray ee Khayre. Turkiga ayay ku kulmeen,waxaana qorshaha laga wada hadlay ahaa in Fahad taageero dhaqaale iyo mid xiriir ku garab istaago hanka Xasan ee Madaxweynaha Puntland. Sida la saadaalinayo is araga Labaad ee Qatar iyo Imaaraadka ee loolanka Siyaasada Somaliya,waxuu ka dhici doonaa Garowe iyo 2024-ta. Xasan waa Musharax diyaar garoobay oo wax badan abaabushay. Puntland iyo Fadaraalkuba,waa la socdaan kulanka Fahad iyo Xasan Shire Wasiirka Maaliyada Puntland. Jibril Qoobey.
Ciidanka Canfarta,ayaa weerar culus kusoo qaaday shacabka xoolla dhaqatada ah ee Soomaliyeed, kuwaasoo xoollahooda u arroor geeyay Awaash (agagaarka Dhooqaley, shagle, xoola cade iyo Dudumoley). Dad ka baddan Shan ruux,ayaa la sheegay in ay weerarkaas ku geeriyoodeen, halka dhaawac intaa ka baddan uu jiro, waxayna Canfartu halkaas ku dhacday xoolihii ugu badnaa abid oo iskugu jira sedexda Meesi ee xoollaha (Geel, Lo’ iyo Adhi). Tirada xoolaha ay Canfartu maanta dhaceen,ayaa lagu qiyaasayaa iney ku dhaw yihiin Afar kun oo Neef. Xigasho:-Voss Tv.
Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 5-ta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland,ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso. Magacyada Xubnaha la Xukumay,ayaa kala ah… 1.Jaamac Aadan tusbaxle2 Ayuub Cumar shire3.Cabdulahi Salaad Boos4.Maxamuud Abshir Muuse Olyo Waxaa iska kaashaday soo qabashada Dambiilayaashan Ciidanka Police-ka Gobolka Bari iyo Ciidanka PISF ee uu xukumo Jeneral Aamiin Xaaji khayr.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyada ay dowladda la gasho dowladaha kale ee aan baarlamaanka la soo marsiinin, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya. Guuddoomiyaha,ayaa sheegay in marka hore ay Xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan. “Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Guddoomiyaha oo la waydiiyay waxa kaga qorsheysan…
Garoowe, 21 June 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Dowladda. Kulanka,ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta, ilaalinta xilyada shaqada iyo Tayeynta Shaqada Hay’addaha Dowladdu u hayaan Bulshada, Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda ee ku dhisan waxqabad ay sal u tahay Tayeyn iyo Tiigsi. XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka ahna kusimaha Gobalka Mudug,ayaa Shir Guddoomiyay Shirka Amniga Gobalka Mudug,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaaraha Xafiiska ka sii tagaya ee XGS Mudane Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa uga mahadceliyay Golahiisa Wasiirrada iyo howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen iyo howlihii baaxadda lahaa ee ay dalka u soo qabteen. Ra’iis Wasaare Rooble,ayaa Wasiirrada u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in ay qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego. Dhanka kale Xubnihii Golaha Wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hogaamiyay xukuumadda iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday. Ra’isul Wasaaraha ayaa shahaadooyin…
Ra’isalwasaare Xamse,waxaa looga fadhiyaa in uu soo cesho xuquuqda Awood qaybsiga Beesha Daarood ay ku leedahay Hay’adaha Dowlada ee la duudsiiyay Afartii sano ee Farmaajo iyo ka horba. Hay’adaha madaxa banaan” Hanti dhowraha guud (H.gidir)Xisaabiyaha guud (Xawaadle)Civil Aviation ka(Xawaadle)Telecommunication(Murursade)Hay’ada Petrolka(H.gidir)Bangiga horumarinta(Abgaal)Bangigaga dhexe/ ku xigeen.Hay’ada socdaalka( H.gidir)Hay’ada Qaxootiga Qaranka.Rugta ganacsiga( Abgaal)Garyaqaanka Guud ( Hawiye ) Shaqaalaha Dowlada ee mushaarka qaata 85% waa Beesha Hawiye. Jibril Qoobey.
Aqalka-sare ma matalo Beelaha ee waxuu ku fadhiyaa Dowlad Goboleed qaybintiisa Gudiyadana lagu saleeyaa. Puntland Gudigii dib u eegista Dastuurka Xubin kuma leh wax soconaya ma’ahan oo Waxaase la yaab leh Seneteradii Puntland ku matalayay Aqalka-sare oo waliba uu ku jiro Ku xigeenkii Labaad in ay Goobta ansixinta fadhiyaan? Cajiib !!!
Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,ayaa ansaxiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka, oo kala ah:- Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)Senator Saalax Axmed JaamacSenator Xasan Xuseen Xaaji
Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub,ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Luxembourg waxay kaga wada xaajoodeen sidii loo fududayn lahaa in malaayiinta ton ee sarreenka ah ee ku xanniban dalka Ukraine inay gaaraan dalalka loo wado, ka dib markii dalka Ruushku uu xannibaad ku soo rogay dekedaha Ukraine ee ku yaalla Badda Madow. Ukraine oo ka mida dalalka ugu badan ee soo saara sarreenka dunida laga isticmaalo ayaa haatan awoodi wayday inay sarreenkeeda debedda u dhoofiso. In ka badan 20 million oo ton oo sarreen ah ayaa ku xanniban dekedaheeda, tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu Ruushku ku qaaday…
Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa maanta Guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay. Ra’iisul Wasaare Rooble,ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.
Shabakadan lasoo bandhigay Maanta ee argagixisada ah,waxaa markii ugu horaysay lagu qabtay mid ka mid ah Gobolka Mudug,kaas,ayaana ka shifay kuwa Bari kala shaqeeya. Hawlgal Wadajir ah oo ay wada fuliyeen Ciidamada amaanka Puntland ee Mudug iyo Bari,ayaa keenay in lagu guulaysto burburinta Shabakadan argagixisada ah. Waxaa baxsaday intaan la qaban hogaamiyihii Guud ee Kooxda oo kasoo jeeda Beesha Furku-caagle. Qaraxyada iyo Dilalka ay qirteen,waxaa ka mid ah… 1.Qaraxii loo dhigay Gawaarida Madaxweynaha Puntland markuu soo galayay Bosaso ee ugu danbaysay. 2.Qaraxii Odoyaasha Warsangeli. 3.Qaraxii Saraakiisha uu ku jiray Jeraale. 4.Dilkii Suldaan Muuse Koonte. 5.Dilkii Bashiir Muuse Xaaji Faarax. 6.Dilkii…
Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay Axaddii in inka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalkaas, waxayna ku eedeeyeen jabhadda Oromada taasoo markii dambe beenisay. Waa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Itoobiya, iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika. “Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka…
Garoowe, Juun 20, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 3 Guddi oo kala ah. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL.Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada DPLGuddiga Amniga & Nabadgelyadda Golaha Wakiillada DPL Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada…
Kenya,ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo. Wasiirka beeraha Peter Munya,ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood. “5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha Ogosto. Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha Qaadka.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka maamul baahinta Puntland (JPLG) oo heer wasiiro ah. Waxaan Shirka kasoo qaybgalin Wasiirkii Arimaha Gudaha,iyadoo ay matalayeen Wasaarada Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru-dowle. Waa nasiibdaro hadii Madaxweyne xigeenkii aan la tusi karin oo uu diiday wada shaqaynta Wasiirka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiir Beyle waa beeniyay in Dowladii Farmaajo uga tagtay khasnada Dowlada Lacag Cadaan ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Maanta Axmed Karaash,isagaa khaldamay oo ku hor kufay Masraxa. Shirka dhacayay,waxaa Shir Gudoominayay Wasiirka Arimaha Gudaha sida nidaamku ahaa. Balse Karaash,ayaa soo diray Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha oo soo faray Gudoomi Shirka. Dhabancad,waxuu usheegay Wasiirka Shaqaalaha in ay shaqadiisa tahay oo Mashruuca JLPG Arimaha Gudaha hoos yimaado. Kadib,waxaa Gaari soo qaatay Karaash oo toos uyimid meeshii Kulanku ka socday. Waxii dhacay Karaash,ayaa sababay oo udhaqmay si hoose oo maqaam xumo ah baalmarsana sharciga.
Xalay way kulmeen caawana waa wada joogaan Deni iyo Karaash. Xildhibaanada Baarlamaanka ee uu la kulmay Maanta,waxuu Madaxweynuhu ucadeeyay isagu in uu xalinayo waxii dhexyaal M.xigeenka. Sidoo kale Xildhibaanada ugu miisaanka culus Golaha,waxay ii xaqiijiyeen in uusan jirin Mooshin ka dhan ah Golaha Wasiirada iyo M.xigeenka midna.
Kulankii Maanta ee Deni iyi Baarlamaanka dhamaan Xildhibaanadu waa kasoo qaybgaleen oo qayb ka maqnaatay majirto. Madaxweynuhu,waxuu usheegay in hada waxii ka danbeeya usoo jeestay gudaha Puntland wakhtiga haray in uu ka shaqeeyo. Xildhibaanada,waxuu ka codsaday wada shaqayn si wakhtiga yar ee haray wax badan loo qabto. Si gaar ah,waxuu uga codsaday in lagala shaqeeyo socod siinta Dimuqraadiyaynta. Madaxweyne Deni,waxuu si cad usheegay in uusan mudo kororsi rabin doorashadana wakhtigeeda ku qabanayo. “Dimuqraadiyadaas igala shaqeeya ilaa inta la gaarsiin karo wakhtiga Sanad iyo barka haray haday noqon lahayd Golayaasha Deegaanka ama Baarlamaanka hadii laga gaaro”Ayuu ku yiri Madaxweyne Deni. Arinka…
Gudiga dhaqaalaha Baarlamaanka,ayaa qiimayntooda xaalada dhaqaale ee Puntland soo bandhigay. Halkan ka daawo muuqaalka
Socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu dibada ugu baxo in uu Imaaraadka noqdo,waa loo baahnaa Madaxweyne Xasan. Dadka aadka ula socda siyaasada arimaha dibada ee Somaliya,ayaa aad ugu amaanay Madaxweyne Xasan fahamkiisa diblomaasiyaduhu sida ay ugu kala muhiimsan yihiin Dalka. Imaaraadku waa Dalka ugu muhiimsan Somaliya markay timaado xiriirka caalamiga ah iyo danaha Umadeed. Somaliya waxay soo martay 4-sano oo ay ku jirtay Jeebka Sirdoonka Qatar. Balse hada,waxaa muuqata in ay bilaabatay dib ugu soo celinta Wadada saxda ah Diblomaasiyada Qaran ee Dalka.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo ka mid ah 10 Guddi ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federalka iyo DimuqraadiyaddaGuddiga Anshaxa iyo Arrimaha GolahaGuddiga Arrimaha Bulshadda, Dhaqanka, Warfaafinta iyo IsgaarsiintaGuddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada dalka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa furay shirka midaynta canshuuraha Dowladdaha Hoose iyo soo bandhigidda xogta soohdimaynta Degmooyinka Puntland. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Mudane Maxamed Axmed kulan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf, Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland, Xoghayaasha Dowladdaha Hoose, Agaasimayaasha waaxyaha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda. Intii shirku socday waxaa si hor dhac ah la is kula eegay xogta soohdimaynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha…
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke,ayaa ka hadlay isbaddalkii dhowaan ka dhacay Soomaaliya ee lagu doortay madaxda cusub ee DFS, hawlaha mudnaanta leh ee horyaala Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay noqotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu safar debedda ah ugu kicitimay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaan Sacdiya ayaa xilkan qabanaysa maadaama uu waddanka ka maqan yahay Guddoomiyaha Aqalka Hoose Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Arrintan ayaa ah mid taariikhi ah, waana markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay ku-sime madaxweyne ka noqoto hoggaamiye dumar ah. Xildhibaan Sacdiya ayaa ah haweeynaydii ugu horraysay ee loo doorto xilka guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka. Sida uu dhigayo sharciga Soomaaliya, haddii madaxweynaha iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose…
Mushahaarka shaqaalaha rayidka ah inta badan waxaa loo kala dhigay Gunno iyo mushahaar. Gunnada,ayaa badan oo hadaad $300 qaadatid $97,ayaa mushahar kuugu soo dhacaysa gunnadana Xafiiskaaga Maaliyadda,ayaa ka doonanaysaa. April,May iyo June ayey bixisay Dowladu Hal bil oo Mushahaar ah oo bilaa Gunno ah. 4-aad Mushahaar iyo Gunno midna lama bixin oo waa isla maqan tahay,waxayna umuuqataa in meeshaba laga saaray. Sidoo kale Bishii 5-aad Gunada oo ka badan Mushahaarka meesha,ayaa laga saaray. Tusaale” $400,ayaad qaadan jirtay,waxaa kusoo dhacay 15/6/22 $150 oo mushaharkii May ah, $250 oo Gunno ahayd ha sugin Weeye iyana, Bishii 6-aad,iyada warkeeda lamaba hayo oo waa…
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeennadiisa,ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 6-aad oo ku saabsanaa Dhismaha Guddiyada Golaha Aqalka Sare. Kulanka oo ay soo xaadireen 48 Sanatar ayay Mudanayaasha qaar kood ka dhiibteen aragti iyo dood sharci oo ku saabsan hannaanka Doorashada Guddiyadda iyo guddoonkooda. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) oo uu wehliyo dhiggiisa Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow,ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsanaa diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 oo maalmahaan ay ku howlanaayeen Guddi KMG ah oo Labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka ka kooban. Guddoonka,ayaa Guddiga isku dhafka ah ee Diyaarinta Miisaaniyadda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan Miisaaniyadda Qaranka ee 2022 iyo waxyaabihii uga soobaxay isla xisaabtankii ay la yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.
Sabtidan laga soo gudbay ayay Wasaarada Maaliyada Puntland qabsatay in ay bixinayso Mushahaarka shaqaalaha. Balse waxba kama fulin balanqaadkii Wasaarada Maaliyada. Bishii 3-aad ayaysan Shaqaalaha Dowlada aysan qaadan Mushahaarkoodii. Waxaa kaloo beenowday in qaybo ka mid ah la siiyay Mushahaarkoodii shaqaalaha Dowlada Puntland. Jibril Qoobey.
Duqii Bosaso oo mudo la baafinayay ee la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay,ayaa Shalay soo dhigay bartiisa FC-ga Sawiro uu la jooga Hooyadii oo Xanuunsan rabi ha caafiyo Maamada. Balse Duqa,ayaa loo haystaa Lacag lagala baxay khasnada Dowlada hoose oo fara badan. Duqu waa kmg,waxaana la qorshaynayaa in la dhiso Golihii Deegaanka,isagoo isleh masoo laabanaysid in uu lunsaday Lacagta,ayay sheegayaan shaqaalaha Dowlada hoose. Xoghayaha Dowlada hoose,ayaa nasoo gaarsiiyay Warqad Dacwad ah oo uu ka qoray Duqa maqan. Halkan ka akhriso:-
Baarlamaanka Puntland,waxay diyaariyeen Mooshin ay kalsoonida ugala laabanayaan Golaha Wasiirada oo idil. Sidoo kale intooda badan way ka hor yimaadeen Casuumada Madaxweynaha ee Madaxtooyada. Xildhibaanada oo aan gaar uwaraystay waxay ii sheegeen in Madaxweyne Deni hor yimaado Baarlamaanka haduu rabo Dood. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayay ku dhaliileen in uu bahdilayo Baarlamaanka iyo maqaamkiisa. Horay waxaa si weyn loogu dhaliilay Gudoomiye Abwaan Jibril uraacidii Deni ee Xamar xiligii olalaha Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka. Jibril Qoobey.
Hanti-dhawrka Guud ee Puntland,ayaa xiray Xaafiiska Wasiirka Maaliyada Dowlada Puntland,kadib markii khasnada laga waayay Lacag xoog leh. 7-Milyan oo dolar,ayaa la la’yahay meeshay ka baxday,iyadoo la ogaa in ay ku jirtay khasnada Dowlada 17-Milyan oo Cadaan ah. Xasan Shire,waxuu ugu diray Muqdisho xiligii Olalaha Madaxweyne Deni 10-Milyan oo dolar,halka 7-dii soo hartay uu la baxay isaga,sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Maaliyada oo xog ogaal ah. Madaxweyne Deni,ayaa ogaaday maqnaanshaha Lacagtaas socdaalkisii hore ee uu kaga qaybgalayay caleema saarka,waxuuna amray Hanti-dhawrka. Xasan,ayaa daba maray Madaxweyne Deni soo laabashadiisii ugu danbaysay,waxuuna hada joogaa Xamar,iyadoo warar ay sheegayaan in uusan dib…
Dawladaha Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha gaasta dabiiciga ah ee wax lagu karsado, taasoo qorshaha heshiiskani yahay in dalka Israel uu gaasta dabiiciga ah u dhoofiyo suuqyada dalalka Midawga Yurub, iyada oo la sii marinayo laba wershadood oo ku yaalla dalka Masar. Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay toddobaadkii hore, intii lagu guda jiray kulanka Madasha Bariga badda Mediterranean-ka, kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa in la ballaadhiyo iskaashiga dhinaca gaasta dabiiciga ah ee u dhexeeya dalalka Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub. Maraykanku uu hadda…
Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL,ayaa maanta loo qaybiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kalfadhiga 50-aad Goluhu ku shaqeyn doono. Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa lagu soo daray Qodobo Xasaasi. 1- Heshiisyada Dekadda Boosaaso, Garoomada Diyaaradaha iyo Maxjarrada Puntland. 2- Xaaladda dhaqaalaha, dib u eegista tareefoonyinka Cashuuraha iyo sicir-bararka ka jira Puntland. 3- Khilaafka Madaxweynaha yo Madaxweyne ku xigeenka Puntland. 4-La xisaabtanka Xukuumadda yo Arrimaha Colaadda ee ka jirta qaybo ka mid ah Beelaha Puntland. 5- Xaalufka Deegaanka Bad iyo Berri iyo Dhoofinta Dhirta. 6- Arrimaha Amiga guud, difaaca xuduudaha iyo Arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Sanaag.…
Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore waa la Aasay rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Nabadoonka iyo Guud ahaan Qoyska reer Waloore waxay bar tilmaameed uyihiin argagixisada,sababtoo ah waa Puntlander aaminsan in layska dhiciyo argagixisada. Horay waxay argagixisadu udishay Nabadoonka Aabihii Waloore oo isna Oday adag ahaa,waxayna dhaawaceen Walaalkii Cabdifitaax oo Wasiir noqday. Gaalkacyo dib,waxaa uga abuurmay koox cusub oo Afduubka ah Ciidankuna uu daba joogay Maalmahan. Habeeno ka hor,waxaa heegan gashay Galmudug kadib markii la helay Warar sheegaya in Baabuur Qaraxyo sida soo socdaan. Ciidamada amaanku aadbay udadaaleen una dadaalayaan,balse waxaa caqabad xoog leh ku ah dhaqaalo yari. Madaxweyne Deni oo ku…
Guddoomiye kuxigenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame iyo Guddoomiye Ku xigenka 2aad Maxamed Xasan Waloore ayaa Maantay ka qeyb galay Aas Qaran Oo loo sameeyey Marxuum Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore oo xalay xili uu ka soo baxay salaadii Cishaha lagu dilay Magaalada Gaalkacyo. Allaha Unaxariistee Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore ayaa kamid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug, isaga oo inta badan aad uga shaqayn jiray Arimaha Caawinta Bulshada Tabaalaysan, Nabada iyo isdhexgalka Bulshada. Aaska Marxuumka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galey masuuliyeen ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyayaasha Maxkamadaha, Culima’udiinka, Odayasha dhaqanka,…
Ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay degmada Baxdo ee gobolka Galguduud, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmdug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaaday deegaanka Baxdo. Dadka deeganka Baxdo ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex kamid ah Maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay. Khasaaraha kasoo gaaray Dadka Deegaanka iyo Ciidanka Galmudug ayaa lagu sheegay toddoba qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac ah. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay gaari laga soo buuxiyay qaraxyo, kaas oo ay wateen maleeshiyada Al-shabaab.