Sida la filayo,waxaa kar-karsan magacaabistii Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah. Madaxweyne Xasan waa masuulka leh awooda Dastuuriga ah ee magacaabista Ra’isalwasaaraha. 5-kooxood oo saamayntooda ku leh Madaxweynaha,ayaa garaba Qof wataa… 1.Haldoor jilib culus ah oo udhashay Beesha Abgaal waxay wataan Sadex Nin oo kala ah.. B.Axmed Dayib Nuur Cismaan.T.Cabdiweli Gaas.J.Saadiq Eenoow. 2.Xisbiga Damjadiid oo ay ubadan yihiin haldoor Beesha Habar-gidir ah waxay wataan Dhawr Nin oo kala ah… B.KeynaanT.Guuleed.J.Cali Xaaji.X.Cumar Cabdirashiid. 3.Deni iyo Axmed waa garab kaligood ah,waxayna rabaan in iyaga la siiyo Ra’isalwasaaraha oo Deni laga dhigo hadii kalena Axmed la siiyo oo Nin Beesha Ogaden kasoo jeeda loo dhiibo.…
Author: Jibril Qoobey.
Bosaaso:10-June-2022: Cidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF oo kaashanaya Ciidamada Booliska Gobolka Bari,ayaa hawlgal qorshaysan kusoo qabtay tahriibiyayaal ajaanib ah oo u dhashay dalka Yemen, Saxiimad iyo agab kale oo ay wateen,ayaa lala soo qabtay. Ciidamada,ayaa tahriibiyayaashan ajaanibta ah kasoo qabtay Xeebta Deegaanka Qaw ee Gobolka Bari, masaafo 30-mayl ah oo biyo sare ah.
Urarka Al-itixaad waxaa lagu xasuusta in aw geeystay tacadiyo badan oo kadhacay dalka Soomaaliya iyo meel kabaxsan dalka. Fashil iyo jab ku yimid ururka Al-itixaad waxaa ururku go’aansaday in ay qataan magac cusub oo ah Al-ictisaam si ay u qaldaan shacabka soomaliyeed mar kale. waa nasiib daro aad uwayayn in qof soo hogamiyay Hay’addaha amniga midda ugu muhiimsan in aw ku faano inuu xibin ka ahaay walina kayahay ururkaas. Hugaamiyaal katirsan ururka Al-ictisaam ayaa dalka gudihiisa xabsiyada ugu xiran hoowlo la xariira argagixisnimo’ haddaba Waa su’aale maxaa loo heystaa oo loo xiray haddii xubno weli ku faanaya ururka Al-ictisaam ay…
Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa Khamiistii ku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo hadhuudhka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay. Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka ayaa hakad gelisay sareenkii iyo hadhuudhkii labadan dal ay soo saari jireen ee dunida loo iibgeyn jiray. Afrika, waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada, iyada oo qaaraddani ay tahay tan ugu saboolsan dunida, waxaana qiime korodhka ugu wacan hoos u…
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya. Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta oo Jimce ah. Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah. Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Munya ayaa ka dalbaday ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madamaa loo furi doono suuqa Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay in qaadka laga dhoofin…
Maxkamada sare ee dalka Australia ayaa laashay awooda dawlada dalkaasi ay u leedahay inay dhalashada Australia ka xayuubiso muwaadiniinta haysta labada dhalasho ee lagu eedeeyo inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada ee caalamiga ah. Maxkamadda sare ayaa soo saartay xukun taageeraya Delil Alexander, oo ah muwaadin haysta dhalashooyinka Turkiga iyo Australia kaas oo haatan ku sugan dalka Syria. Delil Alexander ayaa sannadkii 2013 wuxuu ka tegey dalka Australia isaga oo qoyskiisa u sheegay inuu aadayo dalka Turkiga si uu halkaas ugu soo guursado, isla markaana uu dib ugu soo laaban doono dalka Australia, hase ahaatee wuxuu u sii dhaafay dalka…
Waraysiga Fahad Yaasiin wuxuu ahaa Waraysi xog waayey, haddiise arrimaha qaarkood lays dultaago wax badan ayaa laga soo fagi lahaa Fahad. Waxayse sababtu tahay weriyaha ayaan waxyaalo badan xog ogaal u ahayn sida ururada Islaamiga, halka uu weriyuhu kaga raftay Ictisaam in uu u wareegay iyo in kale oo uu Fahad sheegayba in uu si caadiya ugu wareegay Ictisaam, Markale weriyuhu wuxuu leeyahay „“ Fahad waxaa lagu sheegaa, nin run badan, amaano badan iwm“, dhinaca kale wuxuu ilaawayaa in sidoo kale lagu sheego, nin Dhagar badan, hadafkiisana dhiig u daadin kara!. Weriyuhu hadduu xog ogaal u yahay Fahad taariikhdiisii gobolka…
Marka laga soo tago xoogaa kala daadsanaan ka muuqatay xiriirinta iyo maaraynta guud ee Xaflada si qurux badan oo maamuus sare leh ayay uqabsoontay. Madaxdii ugu badnayd,ayaa kasoo qaybgashay. Somalida waxay u ahayd Maalin taariikhiya Maanta. Isbadal Dimuqraadiya oo isa soo daba socday,ayaa uqabsoomay sidii la rabay,taasoo salkeedu ahaa 4-tii sano waa in mar Doorasho dhacdaa oo si xor iyo xalaal ah loo tartamaa. Halkaa waxaa kusoo afjarmay mudo Sanad iyo bar ah oo sharci daro uu ku joogay Villa Somaliya Madaxweyne diiday mudo xileedkiisii in uu ku qabto Doorashadii Dastuuriga ahayd. Hogaamintu dhankay raacdaba,waxaa ka muhiimsan Somaliya in aysan…
Halkan ka daawo muuqaalka
Duqa magaalada Garowe,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre),ayaa maanta Garowe uga qeyb galay daahfurka mashruuca Danwadaag oo laga fulinayo Degmooyinka Garowe iyo Qardho. Danwadaag oo mashuuc ay iska kaashanayaan fulintiisa hay’adda VNG ee dalka Holland iyo ururka ALGAPL, ee dowladdaha hoose Puntland, waa mashruuc taageeri doono u adkaysiga Dowladdaha hoose ee Puntland iyo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah. Duqa Garowe, Axmed Barre ayaa soo dhoweeyay mashruucaan. Wuxuu sheegay in uu qeyb ka yahay nidaamka maamul daadajinta, si dowladdaha iyagu maamulaan mashaariicda heer degmo. “Degmooyinku way leeyihiin awood ay ku fuliyaan adeegyada ay waaaraddaha dowladda Puntland hayaan. Marka waxaan ka codsanaynaa inay culayska…
Magaalada Hargeysa waxaa saaka ka dhacay bannaanbax ay soo qabanqaabiyeyeen xisbiiyada mucaaradka ah ee Somaliland. Mudaaharaadkan,ayaa waxaa looga soo horjeedaa khilaafka doorashada Somaliland ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi. Mid ka mid ah mucaaradka,ayaa ku dhaawacmay mudaharaadka,kaasoo lagu magacaabo Barkhad Batuun,waxaana ku dhacday Xabad. Sidoo kale waxaa la xirxiray mas’uuliyiin ka mid ah mucaaradka oo hogaaminayay banaanbaxa. Halkan ka daawo muuqaalka
Xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa kusoo gabagabowdayTeendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdishu,waxaana kasoo qaybgalaya madax ka socota caalamka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxda caalamka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyattam, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mustafa Madbuuli, iyo madax kale oo ka socota caalamka. Madaxda Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya. Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa loo caleema-saaray Madaxweynihii 10-aad ee Soomaaliya, waaxana Madaxweynihii ugu horreeyey ee mar labaad lasoo doorto. Waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub, isla…
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo xafladda caleemosaarka Maxadweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed oo ka mid ah madaxda caalamka ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta dhaceysa.
Ra’iisul Waaaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mustafa Madbuuli oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemosaarka Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud.
Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan iyo wakiilka Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.
Tiro hoobiyaal ah ayaa hadda lagu garaacay degmooyinka Wardhiigley, Boondheere, Shangaani, Xamar Jajab, Xamar weyne, Waabari iyo Cabdulcasiis. Dhawaaqa ayaa si weyn looga maqlay Muqdisho waxaana magaalada Cawa 8 fiidkii la saray bandow Hoobiyeyaal ayaa hadda ku dhacaaya Xerada Xalane ee magaalada muqdisho iyadoo uu jiro caleemo saarka madaxweynaha Somaliya Mudane hassan sheikh mohamud waxana beri la suga Wafuud Heer calmi ah Madaxweyneyaal ku jiraan !
Garowe, June 08, 2022: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qabatay shir ku saabsan isku Xirka hay’adaha bahwadaagta la shaqeeya Wasaaradda. Shirkaan oo uu furay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf ayaa isugu jiray labo qaybood oo ay si wada Jir ah u qabteen Waaxda Daryeelka Bulshada iyo waaxda Dowlaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Waxaana looga hadlayey wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo hay’adaha adeega siiya barnaamijka…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda VNG International oo ah ururka Dowladdaha Hoose ee Holland ayaa kala saxiixday labo heshiis oo laga hirgelindoono Puntland. Sidoo kale heshiiskaan wuxuu cadaynayaa shaqooyinka ay VNG International ka qabanayso Puntland. Beynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda VNG International oo ah ururka Dowladdaha Hoose ee Holland ayaa kala saxiixday heshiis laba mashruuc oo kala ah mashruuca Danwadaag iyo Mashruuca SDLG, mashaariicdaas waxay taageeri doonaan u adkaysiga Dowladdaha Hoose ee Puntland iyo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah. Heshiiskaan oo socondoona ilaa iyo December 31, 2026, waxaa waji kowaad ka faa’ideysan-doona Degmooyinka Garowe iyo Qardho,…
Muqdisho: 08 June 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa Galabta siweyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Berrito ka dhacaya Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xassan Shire Abgaal,ayaa kulan la yeeshay Madax ka socota Bankiga Adduunka oo booqasho ku yimi Puntland. Kulankan waxaa Wasiirka ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdi Cilmi. Inta u socday shirka Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo wafdiga Bankiga Adduunka waxaa ay ka wadada hadleen mashaariicda Bankiga adduunku uu Puntland horay uga hirgaliyay iyo Dar-dar gelinta kuwa Socda. Baahintii Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Kulanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Fadaraalka Sh.Aadan Madoobe iyo Safiirka Hindiya Danjire.Virander Paul waxaa kasoo baxay heshiis hordhac ah… 1-In Dalka Hindiya uu siindoono Xildhibaanada BJFS Caafimaad lacag la’aan ah oo si buuxda Dowladda Hindiya ay u damaanad qaadeyso dawaynta Xildhibaanada BJFS. 2-In Ciidanka Xoogga Dalka furimaha ku soo dhaawacma ee wax looga qaban waayo gudaha Dalka ay si lacag la’aan ah Dalka Hindiya loogu soo dawayn doono. 3-In la diyaarin doono Duulimaad toos ah iyada oo loo marayo Xaafiiska ra’isul wasaaraha Wasaaradda Duulista si loo sameeyo Duulimaad toos ah oo ka yimaada Muqdisho-Hyderabad. 4-In Dalka Hindiya uu bixin doono Deeqo…
Wargelin muhiim ah. Dhammaan maamulayaasha dugsiyada hoose, dhexe iyo sare waxaa lagu wargelinayaa in ay natiijadii imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2021-22 ay u soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha waxbarashada gobollada iyo degmooyinka, iyada oo waqtigii lagu ballamay la taagan yahay. Sidoo kale, waaliddiinta ayaa danaynaya in loo xaqiijiyo in ay gudbeen ardaydooda sannad-dugsiyeedka cusub. Ujeeddada natiijooyinka imtixaanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland uga gol leedahay si looga hortago shahaadooyinka iyo bedellada been abuurka ah ee ku soo badanaya magaalooyinka waawayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhexe oo majoxaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland. Waxa ay ka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Hordhaca waraysiga ay la yeellatay wakaallada Geylan Media Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaa iiga soo baxay dhowr arrimood. Waxaa ii muuqata in hay’adda saraakiisha hay’adda uu u diray farriin ah, wixii xog ah oo arrimihii hay’adda ka dhacay dhexdeeda haddaad la wadaagtaan Mahad, ogaada waa ay idin saameyn doontaa ee kaligeey ku ma noqon doono. Arrimaha NISA inay wax ka ogtahay la qiyaasayo waxaa ka mid ah. 1). Dilkii Eng Yariisow2). Dilkii Ikraan.3). Isku-milanka NISA , Sirdoonka Itoobiya—Eritrea-Qatar.4). Heshiiskii iskaashiga ee Soomaaliya & Itoobiya iyo dekedihii.5). Dhaqaale tiro badan oo aan miisaaniyadda dowladda ku jirin oo howlo siyaasadeed…
Wafti ka socday ururka ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga qeybgeli doonaan xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo Khamiista berri ah ka dhici doonta xarunta Afisyooni. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha ONF Abdirahman Mahdi, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubno ka tirsan xukuumada iyo Baarlamaanka Federaalka. “Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqamo asaasi ah oo ku qotoma xorriyadda, sinnaanta iyo dimuqraadiyadda. Waxay ahaayeen kuwii aas-aasay dimuqraadiyadii kowaad ee Afrika. Waxaan u hambalyeyneynaa madaxweynaha cusub ee la doortay” ayay ONLF ku tiri farriin hambalyo ah oo ay u dirtay madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. “Soomaaliya waa…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin. Halkan ka daawo muuqaalka
Salaaxuddiin Al Ayuubi wuxuu ku dhashay magaalada Tikrit e, Ciraaq. Magaciisa rasmiga waxa uu ahaa Yuusuf. Salaaxuddiin waa laqab sharafeed. Qoyskiisu waxay u badan tahay inay ka soo jeedaan kurdida, waxay usoo guureen Masar kahor tuulada Ajdanakan oo u dhow magaalada Dvin ee bartamaha Armenia. Xilligii salaaxuddiin, ma jirin caalim ka saamayn badan Sheekh Cabdulqadir Jilaani, Saalaxuddiinna aad buu u saameeyay. Salaxuddiin waxa lagu tilmaama suldaankii ugu horreeyay e, Masar iyo Shaam, wuxuu ahaa aasaasihii salka u dhigay boqortooyadii Ayuubida. waxa uu hoggaamiyay ololihii militariga Muslimiinta ee ay kaga hortageen dowladaha Saliibiyiinta ee Levant. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim u…
Isagoo hadal kooban siinayey warbxinta Duhurnimo ee Afhayeenka Qaramada Midoobay,ayuu sheegay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula in aan la sugi karin in si rasmi ah loogu dhawaaqo macluusha Soomaaliya si wax loo qabto, taas oo noqon doonta mid soo daahda oo aan xilligaa wax laga qaban karin. Waxa uu xusay in Sannadkii 2011, abaartu ay horseedday dhimashada 250,000 oo qof, qayb ahaan sababtoo ah waxaan ka gaabinay inaan wax ka qabanno ayuu ku sheegay warbixinta. Waxa uuna hadalkiisa sii raaciyey in aan la ogolaan in taasi mar kale dhacdo. “Waxaan sidoo kale ku…
Hindiya,ayaa wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaasi haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH). Nupur Sharma ayaa 10 maalmood ka hor gefkaasi ku kacday kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowladood oo Muslim ah. Axaddii, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah. Xisbiga BJP ayaa war…
“Aflagaadada Nabi Maxamed waxay ku xad-gudbeysaa xorriyadda diinta taas oo dhaawacday shucuurtii muqaddaska ahayd ee dadka Islaamka.”Ayuu yiri Putin. “Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiga waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha, waxayna ku xadgudbeysaa dareenka dadka heysta Diinta Islaamka,” ayuu yiri Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS. Madaxweyne Putin,ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaas oo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).
GAROOWE-Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa qabatay Kulanka Wacyigalinta Cashuuraha iyo la tashiga Bulshada oo qaybtii ugu horreysay laga daahfuray Magaaladda Garoowe. kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo siin lahaa Bulshada qaybeheeda kala duwan fahamka cashuuraha iyo arrimaha lugu bixiyo cashuurta ay Dowladdu ka qaado. Waxaa daahfuray Wasiir Ku-xigeenka Daklhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Omar Caarshe, waxaana ka soo qayb galay Ku-xigeenka Agaaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir , saraakiil ka tirsan Xafiiska Dakhliga, Odyaal iyo waxgarad. Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshri ayaa faahfahin ka bixiyay kulanka isagoo ujeedka kulanka kusoo koobay qodob oo kala ah,…
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay kulan looga doodayay hindise xeereedka Booliiska Puntland (Puntland Police Act) kaas oo qoristiisu marayso heer gebogebo ah. Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ah khabiir dhanka sharciyada ah,Wasiirka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliye Ku Xigeenka Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Gobolka Bari iyo xubno khuburo Booliis ah oo ka socda hay’adda UNDP. Gebogebadii kulanka ayaa la isla qaatay in xeerkan la dhamaystiro muhiimna ay tahay in Booliiska Puntland yeesho xeer gaar ah. -DHAMAAD- Xafiiska Warfaafinta &…
Shil Baabuur oo sababey 2-Qof oo dhimasha ah iyo 4-kale oo dhaawac culus ah,ayaa ka dhacey Laamiga isku xira Burtinle iyo Xarfo. Gaari oo ay saarnaayeen Dad isku Qoys ah,ayaa Rogmoday. Bahda caafimaadka Gobalka Mudug,ayaa gurmad deg-deg ah ku gaaray goobta Shilku ka dhacay.
Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson Boris Johnson,ayaa ku guuleystay taageerada aqlabiyadda xildhibaanada Xisbiga Conservative-ka ee Britain Ra’iisul wasaaraha,ayaa boqolkiiba 59 ku guulesyatay codadka, Boris Johnson waxa uu sii ahaan doona hogaamiyaha Xisbiga Conservative-ka iyo ra’iisal wasaaraha. Xeerka hadda jira,ayaa dhigaya in xildhibaannada xisbiga aanay cod kale u qaadi karin muddo sanad ah. Dhamaan Codadka 211-Xildhibaan,ayaa sheegay inay kalsooni ku qaban hogaanka Boris johnson halka 148-Xildhibaan ay codkooda ku sheegen inay kalsooni ku qabin Ra’iisul wasaaraha.
Wafuud Ka kala Socda dalalka Caalamka,ayaa soo gaaraya magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka, kuwaasi oo ka qeybgalaya caleema saarka Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud oo la qorsheynayo in lagu qabto gudaha magaaladda. Wafuudda,ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan dalalka Dariska, iyo kuwa kale, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweynayay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Nearly a quarter of a million people are facing starvation in Somalia as drought worsens and global food prices hover near record highs, United Nations agencies have said. The agencies said on Monday that a fourth consecutive rainy season had failed in the Horn of Africa country, and meteorologists are warning of another below-average rainy season later this year as the world’s climate becomes more erratic This is causing the worst drought in 40 years in Somalia and a major hunger crisis. At the same time, world food prices are close to record highs as the Russia-Ukraine war roils markets…
Muqdisho June 07, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann. Marwo Tiina, oo ay shirka ku wehliyeen waaxaha gargaarka bini’aadminada iyo horumarinta ayaa ka warbixisay howlaha kala duwan ee midowga Yurub ka gacansiiyo dowladda Soomaaliya. Danjire Tiina Intelmann, oo ku dheeraatay sida midowga Yurub ugu heellanyahay garabsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ku bixiyaan taageerada kala duwan ee Soomaaliya iyadoo sidoo kalana tilmantay baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga…
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Iimaan,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socda hay’adda UNSOM dhanka la talinta Booliiska. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay habsami u socodka barnaamijka hormarinta booliiska Puntland, xoojinta nabadda galkacyo gaar ahaan booliiska isku-dhafka ah iyo guud ahaan barnaamijyada muhiimka ah ee xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) kala shaqeeyo Dawladda Puntland ee la xiriira arimaha Nabadda iyo Amniga. -DHAMAAD- Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-galinta Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland.
Qof bini’aadan ah shaqo uu qabto ama darajo uu gaaro,waxaa ugu saraysa Madaxweyne ama Boqor. Markuu darajadaa gaaray,ayuu ka gudbay in uu ka wal-walo Fakhri nololeed,gaar ahaan Dowladnimada Somaliya. Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya,Dastuuriyan markuu xilka ka dego,waxuu xaq uleeyahay.. B.8000-dolar oo Mushahaar hawlgab ah Bil walba. T.25000-dolar Adeeg Bil walba ah. J.4000-dolar Mushahaarka Xildhibaan sharfeedka uu noqdo marka uu xilka ka dego. Wadarta Guud ee Lacagta Billaha 37000-dolar. Haduu horay u ahaa Qof aan shaqaysan jirin oo aan Hoy ulahayn,waxaa kaga filan Dowlada markaa jirta in uu codsi uqorto. Majirto baahi fakhri oo ku keeni karta Madaxweyne xil ka degay in…
FARMAJA YIRI GURI WEYN OO QASRI AH HA LA II DHISO. WAA FIRCOON OO YIRI TAALO DHEER HA LA II DHISO. Fircoonkii (Masar) ayaa amar ku siiyey wasiirkiisii maaliyadda, Haamaan inuu u dhiso taalo aad iyo aad uga sareysa daruuraha si uu ula kulmo illaaha uu Muuse sheegayo. Islamarkiiba Wasiir haamaan ayaa bilaabay hirgelinta dhismaha taalada ee Fircoon amray in loo dhiso. Waxaa la soo shireyey dhammaan dadkii reer Masar ee uu Fircoon adoonsiga ku haystay, (xoogaga wadaniyiinta) waxaana lagu wargeliyey inuu Fircoon doonayo in loo dhiso guri ama taalo dheer oo aan dunida horey loogu arag. Islamarkiiba xoogaga wadaniyiinta…
Halkan ka daawo muuqaalka
Duqa magaalada Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenkiisa iyo xoghayaha dowladda hoose Garowe, ayaa la kulmay masuuliyiin ka socday Sanduuqa Horumarinta Raasamaalka ee Qaramada Midoobay (UNCDF). Masuuliyiinta ayaa waxay ka wada hadleen horumarinta caasimadda. Waxay booqdeen mashaariicda ka socoto magaalada Garowe oo uu kamid yahay dhismaha guriga dowladda hoose ee Garowe oo haatan meel fiican dhismihiisu uu marayo. Sidoo kale, waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah, sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga magaalada Garowe iyo sidii loo keeni lahaa mashaariic badan oo laga wada shaqeeyo. Madaxda ka socotay UNCDF waxay ku amaaneen…
GAROOWE-Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la yeeshay Madaxda ugu sareysa Hay’adda UNCDF/JPLG Soomaaliya oo kala ah Mkhululi Ncube, Bob Turdiye iyoMadaxa Hayadda UNCDF ee PuntlandMaxamed Shire Jaamac. Kulankan sidoo kale waxaa ka qayb galay Cabdi Fataax Maxamed Muuse oo u qabilsan Mashruuca LDF Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Kulankan intii uu socday ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Horumarka laga garay dadajinta Maaliyadeed, Saamaynta Guddiga Dhaqalaha Degmoyinka (Local Government Finance Committee),u diyar garoga Mashruuca cusub ee laga daah fuuri dona Magaalada Boosaaso bisha July. Mashrucasi oo loogu mugac daray ” Xalka Wara…
Ergayga Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa isaga baxay shirkii Golaha Ammaanka kaddib markii madaxweynaha Golaha Midowga Yurub – Charles Michel – uu Moscow ku eedeeyay in si ulakac ah u kicisay sicirka cuntada adduunka, kaddib duullaankii ay ku qaadday waddanka Ukraine. Mr. Michel,ayaa shirka ka dhacayay New York waxa uu ka sheegay in Ruushka uu saadka cuntada u adeegsanayo waxa uu ku tilmaamay “gantaal qarsoodi ah” oo uu u adeegsanayo dalalka soo koraya.
Cunto yarida iyo nafaqadarrada ka jirta Soomaaliya ayaa laga cabsi-qabaa inay horseeddo macaluul dalka ka dilaacda xilli markale uusan si wanaagan u di’in roobkii la filayay. Dhanka kale waxaa cirka isku shareeray qiimaha la kala siisto raashinka halka dedaallada gargaarka bini’aadamnimo ay liitaan sababo la xiriira dhaqaale wanaagsan oo aanay helin hay’adaha gargaarka. Arrintaas ayaa waxa ay sababtay in boqolkiiba 160% ay sare u kacaan dadka cunto yarida ku soo dhacaya, kuwa gaajoonaya iyo kuwa cudurrada ay ugu dhaceen gudaha Soomaaliya.
Wadooyinka Muqdisho 48-saac ee soo socota waa la xirayaa sababo ku aadan Caleema saarka Madaxweynaha. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirkadaha bixiya adeegyada Xajka iyo dowlada Somaliya oo si Wada jira ujaan gooyay qiimaha ay bulshada Somaliyed ku xajinayaan sanadkan. Qiimaha Xajka qofka Soomaaliya ka soo xajinayo sanadkan waa $5230, halka markii hore qiimaha ahaa $3800, waxaa sanadkan lagu kordhiyay $1430. Qiimaha Xajka lagu aadayo in uu kor ukaco waa la fahmi karaa oo waxaa laba jibaarmay wax walba oo ku xirnaa socdaalkaas. Qiimaha Shidaalka. Qiimaha Tigidhada. Qiimaha Hotelada. Qiimaha Adeega kale. Halkan ka akhriso”-
Warrarka ka imaanaya magaalada Baydhabo,ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay nin lagu helay inuu dilay haweeney ganacsato ahayd oo lagu magacabi jiray Aamina Maxamed Cismaan kadibna uu ku riday boosaneer gurigiisa ku yaala. Maxkamadda Gobolka Bay,ayaa dil ku xukuntay Maxamed goomey kadib markii uu si ula kac ah u dilay Aamina Malaaq Mukhtaar. Aamina,ayaa la waayay galabtii Jimcaha, waxaase Axadii meydkeeda laga helay boosaneer ku yaala xaafad ku taala Baydhabo, halkaas oo ah meesha lagu dilay. Dilka ninka dambiga dilka ah lagu helay,ayaa ka dhacay meel fagaare ah, waxaana joogay boqollaal qof oo ah dadka degan Baydhabo.
Saraakiisha Eritrea ee ka barbar dagalamayey Dawlada dagaalkii sagaal iyo tobanka bilood Socday ee u dhexeeyay dawlada federalka iyo Kooxda TPLF, ayaa lasheegayaa in aysan Doonayn inay wadahadlaan labada dhinac ee is Haya oo ay ilaa kooxda TPLF meel la saaro Dagaalka lawado. Masuul aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan Wasaarada arrimaha dibada ee federalka ayaa u Sheegay Wargeyska The Reporter.Isla sarkaalkaas sheegay in Abiy uu doonayo in la soo afjaro dagaalka, balse Eritereya ayaa Qaba aragti ah in lala dagalano ilaa dhamaadka Inta meel laga saarayo kooxda TPLF‼️ Dawlada Federaalka iyo kooxda TPLF, oo iyadu Mas’uul ka ah…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC). Madaxweynaha,ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, looga hadlaysidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan. Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo…
Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson,ayaa codka kalsoonida ay u qaadayaan xubnaha Xisbigiisa talada haya ee muxaafidka ah Codkooda. Cod uqaadistan,waxaa sababay markii bilihii u dambeeyey ay soo baxeen fadeexado la xiriira xayiraadihii loo soo rogay xanuunka Covid-19 darteed oo lagu eedeeyey in isaga iyo shaqaalaihiisu ay jebiyeen. Johnson,ayaa xilka wayn kara haddii codkan looga guulaysto.
JAWHAR OO XAALKA ITOOBIYA KA DAYRIYAY. Jawhar Mohamed, oo dalka dibadiisa u baxay, kulana la qaatay qurba joogta Oromada ayaa ka dayriyay xaalka Itoobiya. Jawhar, wuxuu sheegay in isbadalka dalku wadadii seeggay keddib markii ay talladii isku kooben koox-yar.Wuxuuna xusay in dagaalkii dalka ka curtay uu keenay in dhaqaallihii dalku bur-buro. Jawhar,ayaa tilmaamay in maal-gashigii dibadu dalka iskaga baxay,halka dhaqaallihii mashaaricda lagu fulin lahaa loo adeegsaday dagaalka,arrintaas oo keentay in kaabayashi dhaqaalle iyo addeegii istaagan. Jawhar,wuxuu cabsi ka muujiyay in ehelada Itoobiya ku suggan aan lays arki doonin hadii ay hawshan siddan kusii socoto.Jawhar,ayaa soo jeediyay in dhinacyada hardamaya ay…
Toogashooyin ka dhacay saddex magaalo oo Mareykan ah ayaa lagu dilay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay labaatameeyo kale, taasoo ah tii ugu dambeysay ee rabshado hubeysan oo ka dhashay saddex toogasho oo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Mareykanka. Magaalada Philadelphia, iska horimaad dhex maray laba nin, ayaa isku bedelay is-rasaasayn, taasoo keentay in rasaas lagu furo maqaayad ay dadku ku badan yihiin, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 12 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana sida uu boolisku sheegay ka dhashay argagax intii ay dadku ka baxsanayeen rasbasta. Toogasho taa la mid ah ayaa saqdii dhexe…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan isugu yeeray Wasaaraddaha qaabilasan wax soo saarka dakhliga Dowladda Puntland. Kulanka ayaa ahaa mid ku aadan is xog wareysi dhanka Dhaqaalaha Puntland iyada oo caalamka uu soo food saaray dhaqaale xumo baahsan. Shirka muddadi u socday ayaa siwayn looga dooday sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda dakhliga Wasaaraddaha qaabilasanna ay dedaal dheeri ah ku bixiyaan dakhliga si ay Dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo ee dalka. Ugu dambayn shirkan ayaa laysku raacay in Wasaaraddaha dhakhliga u qabilsan dowladda ay keenaan qorshe kor loogu qaadaayo dakhliga, gebagabada Kulanka ayaa lagu ballamay in…
Madaxweynaha Ukraine Zelensky,ayaa wakhti la qaatay Ciidamada kusugan jiidda hore ee Bariga Donbas – halkaas oo uu Ruushka duqeymo joogta ah ku hayo. Khudbadiisii habeenkii Axadii, wuxuu sheegay inuu safar ku tagay magaalada Lysychansk iyo magaalada Soledar – isagoo sheegay inuu ku faanayo “qof kasta oo aan la kulmay {iyo} qof kasta oo aan gacan qaaday”. Safarkan ayaa madaxweynaha,ayaa ah safar naadir ah oo uu ku tagay meel ka baxsan caasimadda Kyiv tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Febraayo.
Warbaahinta Dowladda Ruushka,ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine. Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas. Wasaaradda difaaca ee Ruushka,ayaan weli ka hadlin wararkan. Militariga Ukraine,ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.
Ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ayaa ku guuleystey soo bixinta iyo kala furista Miino ay argagixisadu ku aaseen goob kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, taas oo ay ugu talo galeen inay ku dhibaateeyaan bulshada Somaliyed. “Waxaan u mahadcelineynaa shacabka sida hagar la’aanta ah ula shaqeynaya hay’adaha amniga sida joogtada ahna ula soo wadaagaya waxyaabaha lidiga ku ah amniga si ay uga hortagaan ugana badbaadiyaan dadka iyo dalkaba.” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland.
Saraakiisha dowladda Bangladesh ayaa Axadda maanta ah sheegay in ugu yaraan 49 qof ay dhinteen halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dab ka kacay xarun lagu kaydiyo koonteenarada la dhoofinayo, taas oo sababtay qarax aad u weyn. Konteenada dabku qabsaday ee qarxay waxaa ku jiray, qaar ay ka buuxaan kiimikooyin, waana kuwa khasaaraha ugu badan geystay. Saraakiisha dalka Bangladesh ayaa sheegaya in tirada dhaawacu ay gaadhayso illaa 300 oo qof oo qaarkood ay xaaladoodu aad u daran tahay. Kooxo mutadawiciin ah oo ku hawlan gurmadka goobta dabku ka kacay ayaa sheegaya inay weli jiraan meydad ku…