Ciidamada Ruushka qaarkood ayaa diidaya inay ku laabtaan oo ay ka dagaallamaan Ukraine sababo la xiriira wixii ay kala soo kulmeen furinta hore ee dagaalka billowgii hore ee duullaanka, sida laga soo xigtay qareennada xuquuqda aadanaha ee Ruushka. BBC-da ayaa la hadashay mid ka mid ah ciidamadaas. “Ma doonayo inaan dib ugu laabto Ukraine si aan wax u dilo ama la ii dilo,” ayuu yiri Sergey – ma aha magaciisa saxda ah – oo shan toddobaad joogay dagaalka Ukraine horraantii hore ee sanadkan. Hadda wuxuu joogaa Ruushka, isagoo la siiyay talo ku aaddan inuusan dib ugu laaban furinta hore. Sergey…
Author: Jibril Qoobey.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday. Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray “khalad asaasi ah” oo uu galay. Hasayeeshee Dmytro Kuleba ayaa sheegay in xulafada dalkiisa ay tahay “inay si wanaagsan diiradda u saaraan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaa” maadaama “isagu uu isbahdilayo”. Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleefanka waxa uu kula…
Abaar aan hore loo arag ayaa laga soo sheegayaa galbeedka Mareykanka, waxaana tiro meydad ah lagu arkay harooyinka halkaas ku yaalla oo biyahoodu uu hoos u dhac ku yimid, balse waxaa loo maleynayaa inay jiraan sababo kale oo ka daran. Waa maxay dhibaatooyinka ka dhashay baartaas? Gobolka Arizona, meel u dhow xadka gobolka Nevada, isla markaana aan ka fogeyn Las Vegas, iyo Harada Mead, oo la sameeyay kaddib dhismihii Biyo-xireenka Hoover, ee Webiga Colorado, waxaa ku taalla harada ugu weyn Mareykanka ee Mead. Harada, oo biyo siisa ilaa 25 milyan oo qof oo ku nool saddex gobol oo Mareykanka ka…
Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in haweenku ay hadda iska diiwaan gelin karaan xajka sanadlaha ah iyada oo uu san la soconin nin mas’uul ah (maxram), sida ay dowladsda Sucudiga sheegatay. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in haweenku aysan u baahneyn in ay yeeshaan qof mas’uul ah oo lab ah si ay isu diiwaan geliso, ayna hadii ay koox dumar ah yihiin. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii lagu dhawaaqay in haweenka Sacuudiga ay hadda iskood u noolaan karaan iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama mas’uulka lab ah ka dib markii wax ka bedel…
Maanta warbixinnada FSNAU waxay muujinayaan in Somaliya ay soo food saartay Khatar Macluul ah iyadoo cunto yarida iyo nafaqo darradu ay ka sii darayso . 213,180 qof,ayaa halis ugu jira macaluul bilaha Jun iyo Septembar. 52.7% dadkan ay saamaysay Macaluushan 112,470 waxay ku sugan yihiin Gobolada kala ah….
Urrurada warbaahinta iyo saxaafiyiinta ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shir ay Muqdisho ku yeesheen.
Gobolka Ontario ee dalka Canada, waxaa habeennimadii Khamiista ka dhacday doorasho si aqlabiyad ah uu ugu guuleystay xisbiga Progressive Conservative-ka, kaasi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka talinayay gobolkaasi. Soomaalida deggan Gobolka Ontario ee Dalkaas doorashadan waxey u aheyd mid ay niyad-jab kala kulmeen. Faysal Xasan oo ahaa Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqda baarlamanka gobolka Ontario, isagoo afartii sano ee la soo dhaafay matalayay xaafadda York, South-Weston ee magaalada Toronto,ayaa lagaga guulaystay Doorashadan.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa sheegay in uu Vladimir Putin u uu galay “khalad taariikhi ah oo aasaasi ah” markii uu ku duulay Ukraine. Macron sidoo kale meesha ma uusan ka saarin,booqasho uu dhawaan ku tagi doono Kyiv . Hogaamiyaha Faransiiska,ayaa xiriir aad u badan la yeeshay Putin tan iyo markii ciidamada Ruushka ay weerareen Ukraine, marka loo eego inta badan dhiggiisa reer galbeedka
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Shiikh uu balan-qaad u sameeyay Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Deni oo la hadlay wargeyska the Economist,ayaa sheegay in Madaxweynaha uu u balanqaaday in uu xukunka la wadaagi doono islamarkaana uu soo dhameystiri doono dastuur cusub oo federaal ah. Madaxweyne Deni si faahfaahsan una sharaxin waxa uu kawado xukun la wadaagista uu Madaxweynaha Fadaraalku balan qaaday. Balse waxaa la aminsanayahay in ay tahay ka tashiga aayaha masiiriga ah ee Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Soomaaliyeed.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Sayid Ali Hosseini Khamenei ayaa maanta sheegay in cadawga Iraan ay wadaan kacdoono ay ku doonayaan inay xukunka kaga tuuraan dowladda Islaamiga ah. “Maanta, rajada ugu muhiimsan ee cadawgu ka qabaan in ay dharbaaxo ku dhuftaan dalka Iraan waxay ku salaysan tahay hurinta mudaaharaadyada … Laakiin xisaabta cadawgu way ka khaldantahay sidii kuwii hore oo kale,” ayuu Khamenei ku yidhi khudbad uu telefishanka ka jeediyay. Arrintan,ayaa ku soo beegantay,iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israa’iil, sidoo kalena ay taagan tahay xiisadda ku xeeran heshiiska Iran.
Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida doorashooyinka Somaliland,ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxaa ka horreeyay saddex xubnood oo kale oo iyaguna horay u shaaciyay inay ka baxeen guddiga. Tani ayaa ka dhigan in gebi ahaanba uu burburay guddiga doorashooyinka Somaliland, xilli lagu waday in 13-ka November ay dhacdo doorashada madaxweynaha.
Mas’uulka ugu sarreeya Midowga Afrika ayaa Jimcihii la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Afrika, gaar ahaan hakinta ku timi dhoofinta hadhuudhka iyo sarreenka, taasoo keentay inay sare u kacaan qiimaha cuntada ee dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana taasi keentay in malaayiin qof oo Afrikan ahi inay gaajo soo foodsaarto. Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall oo ah guddoomiyaha Midawga Afrika ee sannadkan oo kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa sidoo kale kala hadlay dagaalka Ukraine iyo saamaynta uu ku leeyahay…
Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in uu wadahadal la gali doono Ururka Al-Shabaab marka uu ka adkaado kaddib. Wareysi uu siiyay Wargayska “the economist” Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in uu wadahadal la gali doono Ururka Al-Shabaab marka uu ka adkaado kaddib. “Inta badan degmooyinkii aan xoraynay dib ayay gacanta ugu galeen Al-Shabaab,”Ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud “Dowladdii hore wax qorshe ah uma aysan haysanin in ay la dagaallanto Al-Shabaab,”Ayuu yiri.Madaxweyne Xasan. “Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in…
Sicir-bararka dalka Turkiga, ayaa bishii May gaaray 73.5% oo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 24-sano ah, kaas oo ay sabab u tahay dagaalka ka socda Ukraine oo kor u qaaday qiimaha tamarta iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Liraha, in kasta oo markii horeba dhaqaaleyannadu saadaaliyeen sare u kacan. Sicir-bararka ayaa kor u kacay tan iyo dayrtii hore, markaas oo lacagta Liraha ay hoos u dhacday kadib markii bangiga dhexe uu bilaabay isbedel lagu fududeynayo heerka dulsaarka oo gaarayay 500 oo uu codsaday Madaxweyne Tayyip Erdogan. Tirada ugu dambeysay ayaa kor u dhaaftay 73.2%, waana kii ugu sarreeyay tan…
Waxaan ka safarnay taariikhdu markay aheyd 01-06-2022 anagoo kala ah:- Godoomiyaha Gobolka Mudug Xassan Cabdullaahi Warsame.,Duqa Dagmada Gaalkacyo, Maxamud Cabdi Nuur, Xisaabiyaha G/Mudug Ismaciil Geeseey , Duqa Degmada Galdogob Cabdiqafar Sh Ibrahim, Taliyaha Qeybta G/Mudug Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Aaga G/Mudug Sharmarke Shiikh doon,Talyaha Nabadsugida G/Mudug Maxamed Khaliif Jaama, Gudoomiyaha Maxkamada G/Mudug Darajada 1-aad Cabdinasir Maxamed Cali,Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka G/Mudug Maxamed Cismaan Aadam iyo Xeer ilaaliyaha G/Mudug Cabdifitah Cismaan Aadan. Waxaan uga mahadcelinaynaa sidii sharafta iyo qiimaha badneyd ee ay noosoo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Doolo oo aan runtii lagu soo koobi karin qoraal, waxaan leenahay mar kale waad ku mahadsan…
Madaxweyne Xasan oo qalbiga uqaboojiyay Madaxweyne Qoor-qoor una xaqiijiyay in aan weerar lagu usoo ahayn ee kasbado Bulshada Galmudug haystana fursad dib u doorasho. Halkan ka daawo muuqaalka
Xabbad-joojinta u dhaxaysa dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen iyo weliba mucaaradka Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa dhaqan gashay 2-dii bishii April ee sannadkan, inkasta oo marar kala duwan uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay heshiiska xabbad-joojinta ah ee la gaadhay. Dib u cusboonaysiinta xabbad-joojinta dalka Yemen ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maanta ay ku ekayd inay dhamaato xabbad-joojintii hore ee labada bilood ahayd. Qaramada Midoobay ayaa dedaal badan ku bixisay sidii natiijo iyo is-faham looga gaadhi lahaa colladda dalka Yemen, iyada oo ka odayaysay in heshiiska xabbad joojinta ah la gaadho. Dedaalada dib loogu…
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Chavushoglu, ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrinta ku saabsan booqasho uu dhawaan dalkaas ku tagayo Dhaxa-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan. Hase yeeshee wali ma cadda goorta uu ku beegan yahay safarka uu Maxamed Bin Salmaan ugu wajahayn yahay Turkiga. “Booqashada dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, waxay dhacaysaa bishan gudaheeda, waan isku raacnay go’aankeeda,” ayuu warbaahinta Turkiga ku yiri Mr Chavushoglu. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu wadahadal kula jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, si loo asteeyo taariikhda ay ku beegmayso booqashada. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan ayaa aad…
Maamulka Warbaahinta ee Pakistan ee (PEMRA) ayaa mamnuucay baahinta waraysi uu siiyay Imran Khan, Raysul wasaarihii hore ee dalkaas, ahna hoggaamiyaha xisbiga PTI siiyay telefishin madax-bannaan. War qoraal oo ka soo baxay PEMRA ayaa lagu sheegay in wareysiga lala yeeshay Imran Khan ay ku jiraan ereyo khatar ku ah amaanka iyo madaxbannaanida dalkaas. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in waraysiga uu sababi karo nacayb dalka gudihiisa ka dhaca, isla markaana uu caqabad ku noqon lahaa joogteynta sharciga. Raysul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa waraysiga ku dhex sheegay in haddii uusan maamulkiisu qaadan lahayn go’aanka saxda ah ciidamada…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo si weyn loogusoo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Safaaradaha Finland iyo Norway. Shirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Abaaraha deegaanada Puntland, xoojinta taageerada dhinaca waxbarasha ee ay Puntland siiyaan dowladdaha Finland iyo Norway, Maamul baahinta iyo Dimuqraadiyada. Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda Puntland iyo taageeradooda. Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay sida ay Puntland uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta ay la leedahay deeq bixiyayaasha.
Socdaalkii Baydhabo ee Madaxweynaha Janhuuriyada,waxuu kusoo idlaaday Guul. Maamulka Koonfur-galbeed ka arimiya xiligan iyo kan Fadaraalku way isa soo afgarteen.. Madaxweyne Laftagareen,waxaa loo xaqiijiyay in aan dib loo laabanayn oo aysan dhici doonin,waxii dhacay oo kale 4-tii sano ee lasoo dhaafay. Caleema saarka,ayaa lagu balamay oo kadib uu dhici doono Shirka Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Garoonka diyaaradaha Baydhabo,ayuu kusoo sagootiyay Madaxweyne Laftagareen weftigii Fadaraalka ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan. Jibril Qoobey.
U.S. Ambassador Mike Hammer will serve as the new U.S. special envoy for the Horn of Africa, Secretary of State Antony Blinken said in a statement on Wednesday, taking up the position at a time of persistent political turmoil in the region. Blinken said the previous envoy, David Satterfield, was preparing to leave his post but did not give a date. Sources earlier told Reuters he would step down before summer. Hammer will have to contend with multiple crises in the region, including conflict in Ethiopia that has sparked accusations of atrocities on both sides, and economic and political turmoil…
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April. “Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken. Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan shacabka Somaliyed ku adkeeyey muhiimadda dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo in loo istaago gurmadka dadka Somaliyed ee abaarahu ay dhibaateeyeen. Halkan ka daawo muuqaalka
Inkastoo oo uu qayb ka ahaa fikradii khatarta ahayd ee kalitalisnimadii curdinka ahayd Laftagareen hadana,waa Nin mowqif leh. Nidaamkii uu ka tirsanaa,waxuu ka dhistay Ciidan ku dhow Hal Guuto oo si weyn uqalabaysan. Sidoo kale ma gacan marna dhanka Dhaqaalaha. Haatan si cad,ayuu udiiday kasoo qaybgalka Caleema saarka hadaan laga saarin shakiga ah in lagu soo maqan yahay. Taasi waxay sababtay in loogu tago Baydhabo oo lasoo siiyo hubaal ah ka hor doorashada Madaxyooyo ee Maamulkaas in aan lasoo aadayn. Laftagareen rididiisa uma fududa sidii Shariif-kii aan diyaarsan xataa Ilaalo kooban oo Madaxtooyo. Madaxweyne Xasan waji gabax ayay ku tahay…
Baydhabo, Juun 01, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu ka soo gaartay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha. “Dadka…
Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-raac),ayaa sheegay inuu isu casilay. “Waxa sababay is casilaadda waxa ay ahayd khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo ka dhex jira Komishinka, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay in aan is casilo, sidaas awgeed aniga ayaa isku casilay” Ayuu yiri Cabdirashiid (Riyo-raac). Doodda ka dhalatay Doorashada guud ee Somaliland oo ku astaysan in ay qabsoonto 13-ka November 2022,ayaa meel sare gaartay. Muuse Biixi iyo Dowladiisa,ayaa u muuqda in ay ka caga-jiideyso dardargelinta iyo diyaargarowga Doorashada. Xisbiyada Mucaaradka,ayaa dhankooda ku eedeeyay Muuse iyo Maamulkiisa in uu muddo kororsi damacsan yahay.
Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ee saakay loo balansanaa,ayaa ubaaqday Xildhibaanada oo soo xaadiri waayay Fadhiga Golaha. Xildhibaanad Seynab Caamir oo ka mid ah Golaha Shacabka Fadaraalka,ayaa ka hadashay baaqashada kulanka Baarlamaanka,waxayna fariin udirtay Xildhibaanada… “Xildhibaanada Weftiga Safarada u raacay Dantiina ma ahan,waana nasiib daro in maanta aad ka maqan tihiin howlihiinii la idiin soo doortay .”Ayay tiri Xil.Seynab.
Mid ka mid ah labadii nin ee baxsadka ahaa ee uu Mareykanku ku raadjoogay loona haystay ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta ayaa la xiray, sida uu qoray wargeyska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya. Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska. Qabashada ninkan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta. Balse waxaa ay booliiska…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan lagu qaban doono Muqdisho. Halkan ka akhriso:-
400-Askari,ayaa Madaxweynaha kaga horeeyay Baydhabo si ay qayb uga noqdaan sugida amniga. Ilaa habeen danbe in uu joogo,ayaa la filayaa hadaan wax isbadalin oo lasoo gaabin ama la siyaadin. Hadafku waa in Umada Somaliyed la tuso in aysan jirin Aargoosi oo horay loo wada socdo. Maamulkii u ahaa miisaanka ka danbeeya fikradii F&F ayna ka heleen Codadkii ugu badnaa Xildhibaanadooda in laga bilaabo booqashada Madaxweynaha ee Gobolada waa fariin waxtar ah. Laftagareen isagaa Maanta kala dooran kara Wadaduu qaadayo. Haduu aamino in Farmaajo tagey waxna la qabsado Dowlada cusub waa asiibay Siyaasada. Haduu diido oo qaato wado khaldan isagaa istoogtay,waana…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Naxamed Xuseyn Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah. Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha. Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawi muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud soo dhoweyn diirran ugu sameeyey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. “Ujeedka…
Agaasimaha ha’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad ayaa maanta madaxa sirdoonka ee qeybta gobolka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor oo ka tirsanaa saraakiisha hay’adda NISA. Sarkaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee uu magacaabo maamulka cusub ee NISA ayaa lagu sheegay inuu leeyahay khibrad dhinaca amniga ah, isaga oo qaban doona boos muhiim u ah amniga caasimadda Muqdisho. Mahad Salaad oo Khamiistii golaha wasiiradda Soomaaliya ay soo jeediyeen magacaabistiisa ayaa Axaddii shalay si buuxda ula wareegay agaasinka ha’adda NISA.
Warbixin Maaliyadeed ayay soo saartay Wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka. Dhaliisha ku jirta,waa in niyad jab laga muujiyay shaqo abuur oo aysan Dowladu awoodin in ay qaadato shaqaale cusub dhaqaale yari darteed. Waxay Wasaaradu ilowsan tahay in shaqo abuurku uusan ahayn oo kaliya Shaqaale cusub oo Dowladu qaadato oo si kale Dadka shaqo loogu samayn karo,iyadoo la kaashanayo Gacmo kale. Muhiimada Warbixinta ku jirta,waxaa ugu weyn in ay isku xiran yihiin Siyaasada iyo taageerada Beesha caalamka. Waxaa muuqata 2-dii sano ee ugu danbeeyay jahwareerkii weynaa ee Dalku galay in ay saamayn xun reebtay. Xasan Shiikh hadii uu qaado Wadadii Farmaajo,isagoo ka…
Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, halkan afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qarax goor dhaweyd ka dhacay Afgooye, kaas oo lala eegtay gaari uu saarna guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Afgooye Xuseyn Jibriil. Cabdulqaadir Iidle oo ah Suxufi ku sugan Afgoore,ayaa sheegay in qaraxani uu ahaa miino guriga Xuseen Jibriil hortiisa loo galiyay. Waxa uu sheegay in Ciidamada amniga ay iminka ku sugan yihiin goobta uu qaraxu ka dhacay. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Afgooye Xuseen Jibril ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxan. Ma jirta koox iyo illaa iyo hadda sheegatay…
Hay’ada Sirdoonka Dowladihii rayidka waxay kala ahaayeen Laba Hay’adood. Hay’ada Wardoonka Mileteriga oo Dibada ku jihaysnayd iyo Qayb muhiimad gaar ah lasiiyay oo Sirdoon. Qaabkaas,waxaa udhisan ilaa iyo hada Dowlado reer Galbeed ah oo ay Denmark ku jirto. Inta badan Caalamka,waxaa hogaamiya Hay’adaha sirdoonka Looyaro iyo Diblomaasiyiin. Kacaanku markuu dhashay,waxaa la mideeyay Labadii Hay’adood ee Wardoon,waxaana loo sameeyay Hal Xeer. Hogaaminteeda,waxaa Gacanta loo geliyay Saraakiil Ciidan 1970-1980-kii,waxaa hogaaminayay Axmed Saleebaan Dafle. 1980-1989,waxaa hogaaminayay Jen.Jibril. 1989- ilaa burburkii,waxaa hogaaminayay Cirday. Hay’adaas waxaa la sameeyey 1970-kii, waxaana loo yaqaanay The National Security Service “NSS”. Waxaa lagu sameeyey Xeerka No. 14/15/02/1970, DKMG Q.126.…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay wararka in muddo ah la isla dhex marayay ee la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Vladimir Putin. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine waxaa soo baxayay hadal-hayn ku saabsan in uu xanuunsan yahay Putin. Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa Axaddii beeniyay sheegashooyinka noocaas ah, isagoo sheegay in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya inuu xanuunsan yahay Madaxweynaha. Arrimaha ku aaddan xaaladda caafimaad ee Putin iyo noloshiisa khaasha ah waa kuwo xasaasi ka ah gudaha Ruushka oo aan laga hadlin, xitaa madaxduna inta…
Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa beenisay dhaliil uga timid qeyb kamid ah mucaaradka oo sheegay in musuq maasuq xooggan uu sabab u yahay sicir bararka taagan. Guddoomiyaha Xisbiga Xoriyadda & Sinnaanta (FEP), Ibraahim Maxamed Xuseyn (Shiikh Ibraahim Dheere) oo shalay u warramay BBC-da ayaa ku eedeeyay maamulka Jigjiga in gawaari lacag Itoobiyaan ah ay geeyaan Wajaale, taasina ay wax badan u dhintay sarifka dollarka. Haddaba Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Somalida,Cabdulqaadir Rashiid oo arrintaa ka jawaabaya,ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in dhaqaalo intaa dhan laga musuq-maasuqo Deegaanka. Xigasho:-BBC
Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf, ayaa beeniyay warar sheegaya inay doonayaan inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP86, kaasoo uu doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasin. Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kala diray guddiyada doorashada kadib markii ay soo idlaatay hawshii loo igmaday. Muuse Geelle oo ahaa Guddoomiyaha guddiga lakala diray,ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada ra’iisal wasaaraha , wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay. Waxaa la fahansan yahay in kala dirista Gudiyada ay soo dadajisay shaki ah…
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa Axadda maanta ah booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nugeyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaaday toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda. Dhacdadaas oo toddobaadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 caruur iskuuley ah iyo labo macallin. Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa, magacyadoodana akhrinayey. Xilli ay reer Biden tacsidaas gudbinayeen ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku ay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kala diray Guddiyadii doorashada dadban,isagoo uga mahadceliyay sidii wanaagsanayd ee ay u guteen Waajibaadkoodii. Halkan ka akhriso :-
Shalay, Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku dhawaaqay dilka qof ka mid ah dadkii ku mudaaharaadayay caasimadda Khartoum, taasoo ka dhigaysa tirada dadka ilaa hadda dhibaatada ay soo gaartay tan iyo 25kii Oktoobar 97 qof. Waxaa bilowday maxkamadaynta qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha oo lagu eedeeyay in ay dilen sarkaal boolis ah. Guddiga ayaa sheegay in ninka la dilay ay xabadda kaga dhacday rasaas nool, xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Al-Kalakla ee koonfurta caasimadda Suudaan. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay sabtidii qeybo badan oo ka mid ah magaalada Khartoum si ay uga mudaaharaadaan awooda militariga iyo dib u…
Sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Jarmalka,hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku booriyay Vladimir Putin inuu “wada xaajood toos ah la yeesho madaxweynaha Ukraine. Emmanuel Macron iyo Olaf Scholz oo ah hogaamiyaha Jarmalka ayaa 80 daqiiqo taleefoon kula hadlay Mr Putin. Kremlin-ka,Ma sheegin suurtagalnimada wadahadal toos ah oo dhexmara Mr Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, balse hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay dib u furmaan wadahadalladii ay la lahaayeen Kyiv. Madaxweynaha Ukraine ayaa mar sii horreysay sheegay in uusan “u hamuun qabin” wada hadal, balse waxa uu intaa ku daray in lagama maarmaan tahay…
Khilaaf ka dhashay qaabka loo maareynayo sicir bararka ka taagan dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa gaaray meel adag, kadib markii Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar uu ku eedeeyay xisbiyada mucaaradka inay macaash ka raadiyaan musiibooyinka. Xisbiyada ONLF iyo kan Xoriyada iyo Sinnaanta (FEP) ayaa qaadacay kulan ay xukuumadda ku casuuntay, kadib markii loo diiday warbaahinta madaxa bannaan inay tebiso kulankaasi. Mucaaradka ayaa ku doodaya in xukuumaddu aanay xal hayn, isla markaana ay khalad ahayd in kulanka loo diido warbaahinta madaxa bannaan.
In ka badan kun qof oo Yahuud ah ayaa galay barxadaha Al-Aqsa iyagoo ay ilaalinayaan ciidamada Israa’iil, waxaana lagu wadaa inay socod ku maraan goobaha Muslimiinta ee magaalada qadiimiga ah ee Quddus iyadoo ay Falastiiniyiintu ka digayaan inay sababi karaan rabshado. Dabaaldegga calanka ayaa ku beegan maalinta Qudus ee Israa’iil, taas oo u dabaaldegaysa qabsashadii ay bariga Quddus ku qabsatay dagaalkii 1967-kii. Israa’iil waxay Qudus oo dhan u haysataa inay tahay caasimaddeeda, taasoo ay diideen dalalka badankooda iyo Falastiiniyiinta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa mumnuucay bannaan-baxyada mucaaradku ku baaqay. Wasiir Kaahin, ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha mucaaradku u iman waayeen si ay uga wadahadlaan nooca bannaan-baxyada ay doonayaan. Wasiirka ayaa amray laamaha ammaanka in ay gutaan waajibkooda oo ah ilaalinta Ammaanka.
Milatariga Ruushka ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Istaraatejiga ah ee Lyman oo ku taalla gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine, magaaladan ayaa ah magaalo muhiim u ah dhinaca isku xidhka adeegga tareenada. Qabsashadan ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhida dalka Ruushka. Qabsashada magaaladan waxaa iska kaashaday ciidamada milatariga Ruushka iyo maleeshiyada ka dagaalanka gobolka Donetsk ee DRP. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa markii ay ka hadlaysay inay qabsadeen magaaladan, waxay ugu yeedheen magaca Ruushka ee magaaladan loogu yeedho oo ah Krasny Liman. La wareegitaanka magaalada Lyman ayaa u gogol xaadheysa in Ruushku uu bilaabo wejiga xiga ee weerarkooda gobolka Donbas.…
Ciidamadii loo qaaday Eretereya waxay ahaayeen 7000 oo Askari. 3000 oo Ciidanka Badda loo tababarayay.4000 oo Ciidamada Lugta loo tababarayay. Ujeedka laga lahaa Ciidankan,waxay ahayd in Dalka lagu qabsado oo aysan doorasho dib uga dhicin. Farmaajo,waxuu istusay oo ay kula taliyeen Abiy iyo Afawerqi in uu iska daayo Doorashada Dalkana Ciidan ku qabsado. Qorshe,waxaa la diyaarshay lagu dhisayo 30-kun oo Askari oo min 10-Kun looga keenayo 3-da Dal ee Somaliya ,Itoobiya iyo Eretereya. Ciidankaas,waxaa la rabey in hadba loogu gurmado 3-da Hogaamiye hadba kii gurmad deg-deg ah ubaahda. Nasiib wanaag,waxaa qorshihii fashiliyay dagaalkii Tigreega oo Abiy,ayaa ubaahday gurmad ka horeeya…
Gabadha ayaa la sheegay in ninkan ahaa darawal gaari ay dishay ka dib markii ay mindi la dhacday. Gabadhan oo dilka ka dib booliiska isu dhiibtay ayaa waxaa ay imika Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ay amar ku bixisay in la sii daayo. Baaritaanada kiiska gabadhan ayay xeer ilaalintu sheegtay in ay sii socon doonto ilaa laga soo gabagabaynayo. ilaa iyo imika booliiska dalka Masar iyo waliba warbaahinta dalkaasi ma aysan shaacin magaca gabadhan oo da;deeda lagu sheegay 15 jir. Sida ay qortay warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaari taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay…
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee ka tirsan aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa hor istaagay isku day ay wadeen mudanayaasha xisbiga Dimoqraadigu oo ay doonayeen in lagaga doodo tallaabooyin lagula dagaalamayo falalka argagixisanimada gudaha Maraykanka. Aqalka Wakiillada ee Maraykanka oo ay maamulaan xisbiga Dimoqraadigu ayaa toddobaadkii hore waxay ansixiyeen tallaabooyin lagu xakamaynayo falalka argagixisada gudaha, ka dib toogasho wadareedkii bishan ka dhacday dukaan lagu iibiyo raashinka oo ku yaalla magaalada Buffalo ee New York, halkaasi oo nin dhalinyaro ah oo caddaan ah lagu eedeeyay inuu si gaar ah u beegsaday oo dilay 10 qof oo Madoow ah. Isku dayga ay sameeyeen mudanayaasha…
Shiikh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Somaliyed,ayaa geeriyooday. Shiikh Cali waxa uu ahaa caalim Salafi ah oo aad loo yaqiin, waxa uu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee Al-Itixaad Al-Islaam. Al-itixaad,ayaa ahaa Urur jihaad aaminsan oo la aasaasay horraantii 1980-meeyadii dhabahana u xaaray soo bixista Al-Shabaab. Shiikh Cali Warsame,ayaa ugu danbeyntii ka hor yimid Jihaad gacan ka hadal ah oo Al-Itixaad Al-Islaam ay ka waday Jubbada Hoose iyo Puntland. Wuxuu kaloo ka soo horjeestay oo cambaareeyay Al-Shabaab. Shiikh Cali Warsame markii danbe,waxa uu noqday Xubin iyo mid ka mid ah madaxda Al-Ictisaam Bil Kitaab Wal Sunnah, oo ah Urur…
In ku dhow 20-kun oo Arday oo reer Puntland,ayaa ufariistay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalada 8-aad iyo 12-aad. 136-Goobood oo ay ilaalinayaan 926-Kormeere,ayay ku galayaan Imtixaanka Ardayda reer Puntland. Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland,ayaa daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Agaasimaha Sirdoonka Puntland,Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland waxay safka hore uga jiraan xubnaha isbadalka Isniinta la filayo in uu taabto. Sidoo kale Xasan Shire Wasiirka Maaliyada iscasilaadii suuqa gashay,waxaa la xaqiijinayaa in ay dhab tahay oo uu booska banaynayo bixinta Mushahaaraadka oo isku gaaray Labo Bilood kadib. Xasan,waxuu ku marmarsiinayaa khilaafka Karaash iyo Deni in uusan qayb ka noqon karin oo uu rajo siyaasadeed leeyahay. Madaxweyne Deni beri,ayuu ku aadan yahay Garowe. Jibril Qoobey.
MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO KU DHAWAAQAY HINDISAHA SHAQO ABUUR QARAN IYO HINDISAHA QARAN EE DHALLINYARADA SOOMAALIYEED. Halkan ka daawo muuqaalka
Dekeda Garacad waxay udiyaargarowday xarig ka jarid Bisha 7-aad ee Nagu soo aadan. Puntland,Somaliya iyo Geeska Afrika,waxay si rasmi ah uyeelanayaan mid ka mid ah kuwa ugu sareeya Dekedaha Qarnigan la dhisay. Si gaar ah Puntland,waxaa kusoo kordhay Il dhaqaale oo abuuraysa Shaqo abuur,sare ukac dhaqaale iyo Miisaaniyada Xukuumada oo laba jibaaranta. Waxaa la saadaalinayaa in Dowlada oo kaliya ay bishii uga soo xarooto hawlgalka Garacad 4-6 Milyan oo dolar sanadaha ugu horeeya,iyadoo marba marka ka danbaysa ay sii kordhayso. Garacad waa guushii labaad oo ay Qarnigan reer Puntland kusoo kordhiyeen Geeska Afrika marka laga soo tago nidaamka Fadaraalka. Jibril…
“Dadka Soomaaliyeed qofkii ay doorteen un baa hoggaamin kara,umadda Soomaaliyeed hanagu taageerto 2026-ka inaan Teendhadii loo noqon,Wixii dhacay lama illoobi karo laakiin waa la iska cafinkaraa”Ayuu yiri Md.Xasan. Halkan ka daawo muuqaalka