Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA waqti xaadirkan xilka haya ayaa lagu magacaabaa William Burns, . Mr Burns ayaa ka hor inta aan xilka loo magacaabin bishii January 2021 waxaa uu ahaa mudddo 30 ah dublamaasi ka soo shaqeeyay wadamo badan. Mr Burns waxaa uu ahaa dublamaasigii hogaaminayay wadahadaladii lala galay Iran xilligii Obama markaasi oo la gaaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee Niyukleerka Iran sanaddii 2015. Mr Burns ayaa la sheegay in muddo dheer ay soo wada shaqeynayeen madaxwayne Biden taasi oo loo aaneynayo magacaabidiisa. Waxaa ay labada masuul aad u wada shaqeeyeen markii uu Mr Biden ahaa madaxwaynaha ku…
Author: Jibril Qoobey.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in dalkiisu uu ” bog cusub” u furayo xidhiidhka uu la leeyahay Ankara, kaddib markii uu magaalada Qudus kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu. Sida warbixinta lagu sheegay safarkan ayaa ka dhigan booqashadii ugu horreysay ee wasiir Turki ah uu ku tago Israa’iil 15-kii sano ee la soo dhaafay. Balse Chavushoglu iyo Donmez ayaa sida oo kale booqday dhulka Falastiin ka hor inta aysan la kulmin dhiggooda Israel. Maalmihii u dambeeyay, Turkiga iyo Israa’iil waxa ay wadeen dadaallo lagu hagaajinayo xidhiidhka labada dal, taas oo loo arko isbeddel weyn oo siyaasadeed. Khilaafkii…
TV-ga Aljazeera ee waddanka Qatar ayaa maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC u gudbin doona dacwadda dilka wariyaheedii Shireen Abu Akleh, sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay Tv-ga Khamiistii shalay. Kooxda qareennada ee Aljazeera oo ay wehliyaan khubaro dhanka sharciga ah oo caalami ah ayaa soo diyaarin doona fayl ku saabsan dilka Abu Akleh, si loogu gudbiyo maxkamada ICC. Abu Akleh, oo aheyd weriye caan ah oo u dhalatay Falastiin, heysatayna dhalashada Mareykanka, ayaa la toogtay intii uu socday duullaan ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed ee la haysto 11-kii May. Reuters
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump waa in isaga oo dhaaranaya ka jawaabaa su’aalaha xeer-ilaaliyaha guud ee New York oo baaritaan ku haysa hab dhaqankiisa ganacsi, waxaa sidaas Khamiistii xukuntay maxkamadda racfaanka New York. Guddi garsooreyaal ah oo ka kooban afar, ayaa ayiday go’aan ay bishii Febraayo ridday maxkamad hoose oo dhaqan-gelinaya amar loogu yeeray Trump iyo wilka iyo gabadha ugu weyn ilmihiisa, Donald Trump Jr. iyo Ivanka Trump, si ay u bixiyaan caddeymo ku aadan baaritaanka ay waddo xeer-ilaaliyo Letitia James. “Mar kale, waxay maxkamadaha xukumeen in Donald Trump uu u hoggaansamo baaritaankeena sharciga ah ee ku aadan heshiisyadiisa…
Madaxda Qaranka,ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayaay Guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinka, iyadoo looga mahadceliyey dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Doorashooyin daah furan. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa soo daba yaraaday wararkii sheegayay in Deni laftigiisu qaadanayo booska Ra’isalwasaaraha. Sida la filayo Madaxweyne Deni,waxuu dib ugu laabanayaa Garowe Maalmahan soo socda. Isku shaandhayn Dowladiisa ah in ay miiska usaaran tahay ayay wararku sii sheegayaan Madaxweyne Deni. Wasiirka Maaliyada in loo rarayo isku shaandhaynta cusub ayay wararku sheegayaan Dhabancad–ka aan hogaamiyaha Siyaasadeed ahayn balse shaqa yaqaanka ah. Deni waxuu qaatay taladii ahayd deji xaalka Puntland oo dhamee dhamaan khilaafaadka jira sida wararku sheegayaan. Karaash In ay wada hadleen oo balameen ayay wararku sheegayaan. Isimadii iyo Siyaasiyiintii ay isku seegeen Doorashadii Xildhibaanada Fadaraalka,waxuu uhaatinayaa gacan furan iyagana. Sidoo kale…
Muqdisho, May 26, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku xusan Lataliyeyaal Madaxweyne; Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S. Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S. 3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka. Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay Xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale…
Muqdisho, May 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al Cismaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta iyo Danjire Maxamed Al Cusmaan uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqda lacageed ay maanta ku wareejiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo gaaraysa 9.6 Milyan Doolar. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Ergey Gaar ah oo qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, taas oo ka turjumeysa sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2022-ka iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.
“Waxa uu ku jiraa marxaladii dowlad dhisida isaga oo ka fikiraya dadkii kusoo biiri lahaa si nolol fiican ugu abuuri lahaayeen dhamaan Soomaalida, waa la dhacay in uu yahay hogaamiye Qaran oo leh khibrad iyo aragti oo ku dhiiran in uu mustaqbal wanaagsan gaarsiiyo Soomaalida.”Ayuu yiri Safiirku. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber. Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.
Talyihii hore ee Ciidanka Asluubta Somaliyed Jen.Mahad oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka ah,ayaa sii daayay hadal sir ahaa oo dhexmaray usaga iyo Fahad. “Fahad Yaasiin oo macawiis wata oo lugeynaya,ayaa ii yimid,waxa uu igu yiri waxaan burburineyna Maamul Goboleedyada oo kiinu ugu horeeyo”Ayuu yiri Talye Shub. Hadalkan,ayaa ah mid sii xaqiijinaya qorshihii Fahad ee burburinta nidaamka Dadka caadiga ah ka qarsoonaa. Talye Shub,waxuu hada joogaa Baydhabo si uu udifaaco Madaxweyne Laftagareen oo laga abaabulayo Mooshin xilka qaadis ah. Halkan ka daawo muuqaalka
28-jeer,ayuu Toorey Nafta uga qaaday Qof kale,saakay,ayaa Qisaastii lagu fuliyay. Gaalkacyo shaqo wanaagsan oo Dowlada lagu amaanay,ayaa ka socota. Halkan ka daawo muuqaalka
Hargaysa Dowladu waxay amartay in Ciidamo loo daabulo dhanka Bari ee Magaalada iyo Agagaarka Madaxtooyada. Dowladu waxay ka diyaar garoobaysaa weeraro abaabulan oo laga shaki qabo in Mucaaradku soo qaadaan. Si weyn,ayaa looga baqsan yahay in dagaalo ka bilowdaan Gudaha Hargaysa. Jibril Qoobey.
Waxaa maanta khasnadda dhexe ee Dowladda lagu shubay lacag dhan $9.6 Million Dollar oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ugu deeqday Dowladda Fadaraalka Somaliya. Lacagtaan waxaa loogu talagalay in wax looga qabto arrimaha bani’aadnnimada iyo Abaaraha ka jira Somaliya. Lacagtan oo markii hore uu ugu talagalay Imaaraadku in uu ku kharashgareeyo mashaariic iyo tababaro Ciidamo uu gacanta ku hayay,ayaa waxaa hor istaagay Dowladii Farmaajo,iyagoo fulinaya amar ka yimid Qatar. Madaxweyne Xasan doorashadiisii kadib,ayuu si deg-deg ah ku bixiyay amar in Imaaraadka loo fasaxo Lacagtooda. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Somalia’s prime minister suspended the foreign minister on Tuesday, citing the authorisation of a ship exporting charcoal to Oman in violation of international sanctions. The U.N. Security Council banned such shipments a decade ago to cut funding for the Islamist militant group al Shabaab, an al Qaeda franchise fighting Somalia’s central government. Prime Minister Mohamed Hussein Roble’s office said that as well as suspending Foreign Minister Abdisaid Muse Ali, he had ordered an audit and judicial investigation into the ministry’s authorisation of the shipment. Ali could not be reached and foreign ministry spokespeople did not respond to requests for comment.…
Dimuqraadiyayntii Puntland ma sii socon karto. Dowlada Deni inta ay hada ka gashay ee 3-Degmo ku kooban wax ka badan kuma sii kordhin karto Barnaamijkan. Caqabadihii horay uhaystay,waxaa ugu darsoomay hab dhaqankii Madaxweyne Deni ee raadinta Madaxweynaha Fadaraalka. Saakay Deni iyo Aaran waa kala tageen,waxayna Aaran udiyaar garoobayaan Kursiga Madaxweyne ee Puntland 2024,kaasoo loo marayo Doorashadii 66-da. Bari lagama soo dhaweyn doono sii socoshada Dimuqraadiyaynta Deni rabo in uu mudo kororsi ugu gabado. Mudug waa meesha kaliya oo aan si weyn looga diidanayn sii socoshada barnaamijka Dimuqraadiyaynta,balse xoog hor istaagi karaa oo diidan uu kasoo bidhaamayo. Dad badan,ayaa qaba in…
Xalay,waxaa fashilmay wada xaajoodkii ugu danbeeyay Xisbiyada Mucaaradka iyo Dowlada Somaliland. Doodu waxay ka taagan tahay Labo arimood oo kala ah… 1.Mudo Kororsi ii ogolaada hadii kale ana tiinaan burburinayaa oo furashada Ururada,ayaan amrayaa. 2.Xisbiyada oo taagan “Maya” ee Doorashada Madaxweynaha wakhtigeeda ku qabo,iyadaa sharciya. Kulankii Xalay,waa lagu kala dhaqaaqay,iyadoo waliba aysan muuqan rajo layskugu soo laaban doono. Isla Maanta,waxaa la dhaariyay Gudigii Diiwaan gelinta Ururada. Maxamed Kaahin oo shir jaraa’id qabtay,waxuu sheegay in aysan iyagu dagaal ku baaqin. Si kale hadii loo dhigo,waxaa markale Siyaasada isku hardinaya Garxajis haysta awooda Mucaaradka iyo Xukuumadii oo ay gacanta ku hayaan Jeegaanta…
Muqdisho, May 25, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla…
Wasiirka macdanta iyo shidaalka dalka,Takale Umma oo khudbad kahor jeediyay Barlamanka ayaa sheegay in Itoobiya shirkad u xilsaartay daraasad la doonayo in lagu oggaado caddadka gaaska dabiicigga ah ee Deeganka Soomalida ku jira.Takale,wuxuu xusay in arrintan gaba-gabo tahay oo la oggaan doono inta uu dhan yahay gaaska dabiicigga ah oo laga helay saddex goobood DDS. Umma,ayaa sheegay in daraasadkan caddadka looga dan-leeyahay si gaaskan dabiiciga ah looga soo saaro bacriminta beerraha.[Waxaa laga soo saaraya ammonia oo u addeegta bacriminta beerraha. Takale,wuxuu xusay in xukuumadda Abiye Ahmed ka go’antahay soosarista bacriminta beerraha,isagoo sheegay in markasta Raysal wasaarruhu kor joogteyo shaqadan,si looga…
Waxaa xalay natiijo la’aan ku soo dhamaaday Wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Jamahuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqaday ee Soomaaliland . Wadahadalladaan oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka iyo furista ururada siyaasaddaayaa xisbiyada mucaaradku waxay muujiyeen is faham la’aanta ka sakow aaney xitaa muuqan rajo dib la isugu imana karo halka xukuumaddu ay iyadu qabto in ay sii soconayana wadahadlladaan si xal loo garo. Dhanka kale Dowlada,ayaa dhaarisay Gudiga Diiwaangelinta Ururada,iyadoo ay umuuqato in aysan ujoojin dooda mucaaradka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Xubnaha Guddida diiwaangelinta Ururrada…
Dowlada UK ayaa fasaxday in maalqabeenka Ruushka u dhashay ee Roman Abramovich uu iibiyo kooxda kubadda cagta Chelsea ee uu horay u sheegay in uu iibinayo. Naadigan ayaa waxaa £4.25bn ku iibsaday shirkad uu hoggaaminayo maalqabeenka Mareykanka ee Todd Boehly. Dowladda UK ayaa sheegtay in ay bixisay shatiga fasaxaya iibka Chelsea, kadib markii ay ku qanacday in tani aysan “wax faa’iido ah u yeelan doonin Roman Abramovich ama qof kasta oo kale oo la cunaqabateeyey”. Abramovich wuxuu ka mid yahay maalqabeenadda Ruushka ee la cunaqabateeyey ka dib duullaankii Ukraine.
Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde, ee gobalka Texas ee dalka Mareykanka ,magaalada dilku ka dhacay waxaa ku nool dad gaaraya 16,000 oo qof , waxayna galbeed ka xigtaa magaalada San Antonio. Dadka dhintay 17 ka mid ah waxay ahaayen arday halka midka kalana uu ahaa macalin. Ardeyda dhigata Iskuulka wax ka dhaceen waxay ahaayeen fasallada labaad, saddexaad, iyo afraad, taasoo la micno ah inay da’doodu u dhexaysay 7 ilaa 10 jirro. Guddoomiyaha gobolka Greg Abbott ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa Cecilia ay u baroordiiqayaan “khasaare naxdin leh”…
Warbixin uu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya. New York, Maajo 23, 2022 Marwo Madaxwayne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha, Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad ii siiseen inaan soo jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Waxaan ku faraxsan ahay inaan mar kale sidaa sameeyo aniga oo uu i wehliyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira. Marwo Madaxwayne, Gebegabadii hannaankii doorashada Soomaaliya ee todobaadkii hore ayaa ah mid guul wayn u ah dalka. Loollanka…
“Sababaha keenay sicir bararka xukuumadu waxba kama qaban karto.Xukuumadu wax gacanteda aysan wax kaga qaban karin eedeeda ma qaad karto.Xukuumadda waxaa la gudboon inay wax ka qabato Saamaynta ka dhalata arrimaha aysan gacanta ku haynin.[Cunto quudin].” “Bangiyada Wajaale haddii loo baahdo waa xidhaynaa,wallow aysan xal keeni doonin.Waan sameyn doonaa haddii qancin bulsho la rabo.”; Waxaa siddaas yidhi Madaxwayne Mustafe oo maanta arrimaha sicir bararka ka hadlay. VOSS TV
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha. Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba. Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si…
Khamri,ayuu ka dhargay kadib waxay ka tustay in uu Gawraco Labo Ilmood oo uu dhalay,markuu Gowracayna waa ag seexday. Booliska Gaalkacyo,ayaa ugu tagey,isagoo jiifa Caagad Khamri ka buuxdana ay agtaal,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka. Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii…
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dhawaan uu billaabi doono howlgal cusub oo militari oo laga sameyn doono xadka dhanka koonfureed, si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee halkaasi ka jirta. Bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalkan ayaa noqon doona in dib loo bilaabo dadaallada lagu abuurayo aag nabdoon oo 30-km ama (20-mile) ah oo ku teedsan xudduudda Turkiga uu la wadaago Suuriya, ayuu Erdoğan ku sheegay khudbad telefishanka dalkaasi laga sii daayay. Ma uusan bixin faah faahin intaas ka dheeri ah, balse wuxuu sheegay in howlgallada la billaabi doono marka ay dhameeyaan diyaar garowga ciidamada,kuwa sirdoonka iyo nabadsugidda.
Shirkadda Toyota Motor Corp ayaa sheegtay in ay dhimi doonto qorshaheeda wax-soo-saarka caalamiga ah oo horay u ahaa ilaa 100,000 oo gawaari bishiiba laakin hada ay dhimi doonto shirkada ayaa arrintan ku sababeysay in qaar kamid ah qalabka gawaarida ay aad u yaraadeen. Shirkadda Toyota ayaa sheegtay in uu qorshaheeda yahay inay soo saarto qiyaastii 850,000 oo baabuur caalami ahaan bishiiba celcelis ahaan laga bilaabo Juun ilaa Ogosto.Toyota ayaa intaa kudartay in cudurka Covid-19 iyo arrimo kale ay wax soo sarkooda culeys ku keeneen. Shikadda Toyota ayaa sanadkiiba soo saarto malaayin gawaari ah oo laga isticmaalo dhammaan dunida daafaheeda.
Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad ku soo rogtay Soomaaliya ayada oo dadka ka imanaya Soomaaliya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe. Ilaa 16 dal ayay dowlada Sucuudiga dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan dalkeeda, kadib markii kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya gudaha Sucuudiga. Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India,Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, , Vietnam, Armenia, , Venezuela iyo Belarus.
Ra’iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseyn Rooble,ayaa baabi’iyay warqad Wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalla Cumaan. Sido kale Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali . Lifaaqa hoose ka aqri Warqadaha wasaaradda arrimaha dibadda XFS .
Muqdisho, May 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka. Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
MADAXWEYNAHA JFS OO U MAGACAABAY MUDANE XUSEEN SHEEKH MAXAMUUD XILKA AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA Muqdisho, May 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise…
Halkaas,waxaa kusoo afjarmay khatar weyn oo Dalka soo wajahday. Somaliya markale ayay xaqiijisay ilaalinta Dowladnimadeeda. Farmaajo,waxuu sii degayaa Guri uu leeyahay Qoor-qoor oo kiro ah Laba todobaad ugu badnaan kadibna,waxuu udhoofayaa Tunisiya oo Dowlada Qatar ay kala hadashay lagana siiyay Guri uu dego. Ma ahayn hogaamiye sidii saxda ahayd uhogaamiyay Dalkii loo dhiibay balse waxuu ahaa mid xataa uhakan waayay Dastuurkii dhignaa,waxaana laysla qirsan yahay haduu heli lahaa xoogaa awood Ciidan ah in uusan Maanta xilka wareejiyeen. Farmaajo maxaa lagu xasuusan doonaa?? 1.In uu ahaa Madaxweyne talada loo go’aamiyo. 2.In uu ahaa Madaxweyne ku qaban waayay Doorashada mudo xileedkii Dastuuriga…
Xaalka cakiran ee Hargaysa ka jira,ayaa sababaya in Xildhibaanadu carada iskula dhacaan. Mar-mar way dhici karaan gacan ka hadalo dhexmara Xildhibaanada balse kuwa Baarlamaanka Hargaysa waa tiro beel caadi iska noqday. Xildhibaano,iyagii in ay si degan uwada hadlaan isla fahmi la’a see Umad mustaqbalkeed ujihayn karaan? Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa gaaray dalka Japan. Waa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday. Biden ayaa labo maalmood oo aad u mashquul badan halkaas ku joogi doona. Maalintii Isniinta ah waxa uu la kulmayaa Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito. Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan. Waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad. Biden ayaa ka degay gegida dayuuradaha…
Madaxweynaha cusub ee Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Somaliya. Madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay. Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka. Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay ku guuleysatay dacwadda badda ee kala dhexeysay Kenya. Wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub isla markaana uu garab taagan yahay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada, waxaana la faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale waxaa la faray dhammaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan. Halkan ka akhriso:-
Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Sakariye caawa,ayaa la aasay,waxaana ka qaybgalay Maamulka Gobolka,Degmada iyo qaybaha Bulshada. Dadaal fiican ayay ka galeen Maamulka iyo Ciidamada amaanku baadigoobka gacan ku dhiiglihii dilay Sakariye. Balse ilaa iyo hada laguma guulaysan in gacanta lagu soo dhigo. Guud ahaan Gobolka way ka hawlgashay Dowladu,sidoo kale waxay xiriir la samaysay Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Galmudug. Muhiimadu waxay tahay in la qabto Ehelkiisa ugu dhow iyo Odoyaasha Jifidiisa ilaa laga helayo gacan ku dhiiglaha si xaalada loo xakameeyo. Gaalkacyo way degan tahay,waxaana kuu muujinaya amnigeeda sida weyn isu badalay habeenimada Madaxda Gobolka ee ka qaybgashay Aaska.…
Maanta,ayuu Dalka ka cararay Mulkiilihii Farmaajo oo uu weheliyo mid ka mid ah Dadkii la dhibaateeyay Umadda oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Dheere. Beri,ayuu ka guurayaa Villa Somaliya Farmaajo,waana sababta Fahad ubaxsaday Maanta. Qatar oo kusoo shaqaysatay Fahad sanooyin badan,ayaa toos udiiday in uu Dalkeeda dego,waxaana si dadban looga shaqeeyay in uu dego Masar oo uu hadaba Xaaskiisii geystay. Waa muhiim in lagula xisaabtamo danbiyadii uu Dalka iyo Dadka ka galay xataa,isagoo maqan. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Xasan waa ku saxan yahay in uusan xataa Biyo xiran ka cabin Villa Somaliya inta ay dhex joogaan F&F. Madaxweyne Xasan,waxaa kaloo muhiim u ah la wareegistiisa Villa Somaliya kadib in aad loo sugo amnigeeda oo ugu horeeyaan Qalabka Kaamirooyinka qarsoon iyo Intarneedka. Kooxda F&F waxay leeyihiin dhaqan tiro badan oo aad uxun oo lagu soo arkay 4-tii sano ee sharciga ahayd iyo midkii xaaraanta ahaa ee aan diiwaangashanayn. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Sakariye oo ka mid ahaa Dhalinyarada aqoonta leh ee Gobolka Mudug. Sakariye,waxaa Aano Qabiil udilay Nin ka caraysan Nin kale oo horay loogu dilay Degmada Goldogob. Ninka horay loogu dilay Goldogob oo kasoo jeeda Beesha Reer Bicidiyahan,waxuu ka mid ahaa kooxaha Cabtooyda loo yaqaan. Halka Sakariye oo kasoo jeeday Beesha Leelkase uu ahaa hormuudka Umadda Gobolka laga tilmaamo. Sakariye shaqo kuma lahayn Dilka Ninkaas Cabtooyda ah,balse waxay isku hayb ahaayeen kan dilay. Waa nasiibdarro weyn. Booliska Mudug,waxay daba joogaan soo qabashada gacan ku dhiiglaha oo ay baadiyaha ku cayrsanayaan. Jibril Qoobey.
Amarka Taalibaan ee ah in dumarka suxufyiinta ah ay qariyaan wajigooda inta ay talefishinada ka hadlayaan ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu tirtiro gabdhaha suxufiyiinta ah, sida ay muujineyso walaca warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka. Warbaahinta Afghanistan ayaa Khamiistii sheegtay in wasaaradda farista wanaagga iyo reebista xumaha ee Taalibaan ay ku wargalisay in dumarka suxufiyiinta ah ay tahay in ay wejigooda qariyaan inta ay hawada ku jiraan. Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa Khamiistii u sheegay warbaahinta in tallaabadan ay tahay “amar diini ah” oo ay tahay in dhammaan haweenka, oo ay ku jiraan saxafiyiinta, ay…
Shirkadda Hyundai ee laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay lacag gaadhaysa illaa $10 bilyan oo dollar inay ku maalgelinayso dalka Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la kulmay masuuliyiinta shirkadda Hyundai, intii uu safarka ku joogay dalka Kuuriyada Koonfureed, wuxuuna sheegay in iskaashiga dhaqaale ee labada dal uu horseedayo inuu sii xoogaysto xidhiidhka labada dal. Maalgelinta shirkadda Hyundai ee Maraykanka, waxaa ku jirta illaa $5.5 bilyan oo loogu talo galay in lagu maalgeliyo baabuurta korontada ku shaqaysa iyo weliba wershed weyn oo soo saarta bayteriyadda taas oo la filayo in laga dhiso gobolka Georgia. Madaxa shirkadda Hyundai Euisun…
Way ubadan tahay in jagada ra’isalwasaaraha uu qabto Madaxweyne Deni ugu danbayn. Axmed iyo Deni in ay la kulmeen Xasan Shiikh oo ay hordhigeen soo jeedintooda uuna ka aqbalay ayay wararku sheegayaan. “Labadayada maamul waa kula shaqaynaynaa garbana waa unoqonaynaa Dowladaada ee booska ra’isalwasaaraha halkaa noo dhig in uu ku yiri Axmed Madoobe,ayay wararku sheegayaan. Xasan oo aan dhaafi karin soo jeedinta Madaxda Labada maamul ee iska leh ra’isalwasaaraha xiligan xasaasiga ah in uu aqbalay dalabkooda ayay wararku sheegayaan. Deni 5-beri kadib waxuu dib ugu soo laaban doonaa Xamar halkii uu ka aadi lahaa Garowe sida lasoo sheegayo. Jibril Qoobey.
Aadistiisa Nayrobi kadib,waxuu kusoo wajahan yahay Garowe Madaxweyne Deni. Xamar,waxuu ka anba baxayaa,isagoo soo hoyay guul weyn qabtayna shaqo adag oo muhiim ahayd. In Villa Somaliya laga saaro F&F ma’ahayn shaqo fudud xaqiiqdii. Hankii Deni ee raadinta Madaxweynaha Fadaraalku asalkiisuba,waxuu ku yimid oo qayb ka ahaa aragti Madaxweyne Axmed Madoobe keenay oo ahayd…. “Ridida Farmaajo kuma filna Hawiyaha Maanta jooga ee isa sharax si ugu yaraan Ninkaa tuuristiisa aan uhubsano”. Deni weli waa awooda Labaad ee Siyaasiyan ugu miisaanka culus Somaliya,taasoo ah Madaxweynaha Dowlada Puntland. Aragtidu waa Somaliya oo laga ilaaliyay Siyaasi wata Siyaasad dhaqankeedu fudud yahay oo xagjir ah.…
Maalinka isniinta ah ayay Villa-da barakaysan kusoo laabanaysaa gacan aamin ah oo masuuliyadeed. Waxaa soo afjarmaya 4-sano oo sharciyad haysatay iyo Sanad sharcidaro aan diiwaangashanayn oo ay ku jirtay gacan aan aamin ahayn oo ay kasoo fulayeen amaro lagu waxyeeleeyay Dalka iyo Dadka. Madaxweyne adag uma baahnin,Dowlad adag uma baahnin,waxaanse ubaahanahay Xeer adag oo xakameeya Muwaadin iyo masuulba. Somaliya Dimuqraadiya,Fadaraal ah oo iskaraamaysa waa hamiga iyo yoolka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xiray, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xir-xirayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada. Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020. Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV waxa…
Weapons were directly supplied to the Puntland Security Force in Somalia but after the US withdrew, the group split and fought internally over control of the US-supplied. At least 22 people including 2 children were killed, and dozens more injured, by US-made weapons that were directly supplied to a Somali counter-terrorism force that split and fought internally over control of US-supplied assets, VICE World News can confirm after an independent review of the weapons involved. The deadly violence took place late last year over days of battles among fighters from the Puntland Security Force (PSF), a militia that the CIA…
Madaxweyne Axmed oo ka hadlay Gobolka xasaasiga ah ee Gedo dib ugu noqoshadiisii Kismaayo kadib. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Halkan ka daawo muuqaalka
Qeybtii ugu horreysay oo ah dad magangalyo doon ah oo laga soo qaadayo dalka UK, taasi oo qeyb ka ah heshiis muran badan dhaliyey, ayaa la filayaa inay yimaadaan dalka Rwanda toddobaadyada soo socda, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ku sugan Kigali. Tan iyo markii lagu dhowaaqay bishii tagtay, heshiiska u ogolaanaya Britain inay muhaajiriinta iyo dadka magan-galyo doonka ah usoo dirto Rwanda ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey kooxaha xuquuqda aadanaha, mucaaradka labada dal iyo xitaa QM. Sida ku cad heshiiska, dowladda Britain ayaa qof kasta oo si sharci-darro ah kusoo gala UK, iyo sidoo kale kuwii…
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay dheereyso muddada ay kaalmada siiso Soomaaliya kadib markii lasoo geba-gebeeyey doorashada dalka, waxaa sidaas maanta sheegtay sarkaal sare. Barnaamijka ay IMF ku caawineyso Soomaaliya oo ah $400 milyan muddo saddex sano ah, ayaa lagu waday inuu dhaco 17-ka May haddii aan maamul cuusb la dooran kahor xilligaas, ayada oo marar badan ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya. Hase yeeshee Guddiga Fulinta iMF ayaa toddobaadkii tegay aqbalay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa in waqtiga loogu daro saddex bilood oo ku eg 17-ka August, si waqti loogu siiyo dowladda madaxweynaha cusub Xasan…
Halkan ka daawo muuqaalka