Author: Jibril Qoobey.

Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,ayaa leh kal-fadhiyo ajandihiisu yahay doorashada iyo ansixinta guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in la dhawaan la qabto. Farriimo loo kala diray xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarda Aqalka Sare,ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah la dooran doono guddiyo isku dhaf ah oo ka kooban labada Aqal. Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe,ayaa horay usheegay in uu si deg deg ah ku qaban doono doorashada Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya. Dhinaca kale, weli ma cadda waxa guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe uu ka yeeli doono muranka ka taagan xildhibaannada Gobolka Gedo. “Arrintaas waa iga horeysay, waxaa…

Read More

Xalay Kayntaroolka Magaalada,waxaa lagu soo tuuray Hoobiyayaal. Shalay,waxaa rasaas iswaydaarsaday Askar PSF ah oo la sheegay in ay fasax usocdeen iyo kuwa ilaalada Kayntaroolka ah,waxaana ku dhaawacmay hal Askari PSF ka tirsan. Khudbadii Salaada Ciida ka danbaysay,waxaa laga saaray hadalkiisii Talyaha Booliska Bari oo ay ahayd in uu hadlo Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Magaalada kadib. Waxaa xusid mudan in goobta Salaada lagu tukanayay ay amaankiisa gacanta ku hayeen PSF. Waxaa muuqata in Gacmaha Ciidanku aysan midaysnayn oo firaaq amaan jiro. Jibril Qoobey.

Read More

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka ee Beri lasoo xuli doono ama la dooran doono,waxaa lagu qaybsan doonaa habqaybsiga 4.5. Beel walba,waxaa laga soo saarayaa 2-xubnood. Dooda jirta waxay tahay in aan lasoo celin Beelihii ay ka yimaadeen xubnihii soo maamulay Gudigii doorashada ee Golaha shacabka. Tusaale” Beesha Daarood,waxaa laga soo xulay xubnihii maamulay Doorashadii Gudoonka Beelaha kala ah Mareexaan iyo Dhulbahante. Dooda,ayaa ah in markan laga soo xulo Beelaha kale ee Daaroodka dhexdiisa ah. Ujeedku waa in wax qaybsigu hoos udaadago. Jibril Qoobey.

Read More

Urur ka mid ah Ciidamada Milateriga,ayuu Odowaa Yuusuf Raage Talyaha Ciidamada ku wareejiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sh.Aadan Madoobe. Baqdinta ugu weyn ee Gudoonka Baarlamaanka uu ka hawlgalayo waa labo arimood oo kala ah.. 1.In aan mar danbe khalkhal la gelin amniga fadhiga Golaha. 2.In laga hortago khatarta Argagixisada oo digniino waa weyn ay ka imaanayaan. Isku milanka F&F iyo Shabaab,waxay sababi kartaa in ay wada fuliyaan qorshe ka dhan ah Baarlamaanka. Gudoomiye Sh.Aadan Madoobe,ayaa degan Hotelka Madaxweyne Deni degan yahay,waxaana amnigiisa qayb ka qaata Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Farmaajo,waxuu hor dhigtay Safiirka Maraykanka in Dhalashadiisii Maraykanka dib loogu soo celiyo. Qoyskayga iyo ehelkayga,ayaa ku noolaa mudo ku dhow 30-sano ah oo aan jeclahay in aan la midoobo,ayuu Farmaajo ku dooday. Safiirka,waxuu usheegay in uu gudbin doono dalabkiisa. Taariikhda Nin,waxaa jiray Lixdanaadkii ra’isalwasaare ka noqday dal ka mid ah caalamka oo iska celiyay dhalashada Maraykanka markii uu xukunka ka degayna dib udalbaday,balse loo diiday. Jibril Qoobey

Read More

Xildhibaano gacanta F&F ah,ayaa wada Mooshin ay ku dalbanayaan in lasoo saaro xeer dhigaya in aysan Musharaxiintu masuuliyad kale hayn karin. Ujeedka laga leeyahay abaabulkaas,ayaa ah in cadaadis looga dhigo Musharaxiinta xilalka haya,gaar ahaan Madaxweyne Deni. Gudiga Doorashada ee beri lasoo xuli doono,ayay shaqadoodu tahay in ay soo sameeyaan xeerarka Musharaxiinta. Jibril Qoobey.

Read More

Doha (Capital Oline) – A former US ambassador has pleaded guilty to illegally campaigning for the government of Qatar and accepting a luxury trip as US ambassador to Pakistan, according to court documents.Richard Olson, who also served as US ambassador to the United Arab Emirates, and special envoy to Afghanistan and Pakistan, has been arraigned in federal court on charges of violating a law barring him from campaigning for a foreign country within a year of leaving office. According to the indictment, Olosn, then US ambassador to Pakistan, met in 2015 in Los Angeles with a Pakistani-American who offered to…

Read More

Lacag xaqul Ciid ah oo loo kala diray Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka oo gaaraysay 2000 oo dolar,waxaa ka mid ah Xildhibaanada ay gaartay kuwa lagu soo doortay Ceel-waaq. Xildhibaanada Ceel-waaq,ayaa haysta Shahaadada Gudiga Doorashada Fadaraalka iyo Jubaland,isla markaana uu dhaariyay Gudoonkii kmg ahaa ee baarlamaanka. Waa talaabo kale oo umuujinaysa in ay sharci yihiin kuwa weli inkirsan sharciyadooda

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay saaxiibbada beesha caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Xubnaha C6+ ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe ajiibida kulanka oo ahaa mid muhiim u ah mustaqbalka dalkeenna.

Read More

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),ayaa iskugu yeeray Taliyeyaasha Nabad Suggida.waxuuna siiyay digniin adag oo ku aadan inaysan ku milmin Siyaasada. Aadan Madoobe,waxa uu ku wargeliyay in ay isaga ka amar qaataan xilliga kala guurka ah inta laga dooranayo Madaxweynaha Jamhuuriyada. “Waxa uu si cad ugu sheegay in ay ka qaataan awaamiirta ku saabsan amniga doorashada ilaa laga dooranayo Madaxweyne”. Hadalkan,waxuu imaanayaa,iyadoo ay soo baxayso hadal hayn sheegaysa in F&F ay soo jeediyeen doorashada Madaxweynaha in ay ka dhacdo meel aan ahayn Teendhada Afisyoone. Waa hadal cad oo ay soo dhaweeyeen dhamaan musharaxiinta…

Read More

Timacade si cad oo aan qarsasho lahayn,ayuu meel walba ula taagan yahay weerarka Deni. Waxa uu ka caraysan yahay Tima-cade,waa maxaad uga hor timid musharaxnimadaydii ku xigeenka 2-aad ee Aqalka-sare. Haday Puntland utartamayso Cadka sare Jubaland-na ku garabsiisay saw Deni kuma saxsana soo jeedinta oranaysa Jubaland haloo daayo Kuraastaas hoose. Ogow Tima-cade Dowladii Gaas kadib,isagoo shaqo la’aan ah,waxaa Wasiir umagacaabay Deni,kadibna ku qoray Seneter kadibna booskii Wasiirka ee uu baneeyay ku tixgeliyay Nin uu watey. Intaas oo karaamo ah,waxaa la heli karay Nin kale ama Dad kale oo buuxin karay. Deni Siyaasiyiin fara badan oo ugu horeeyo Axmed Karaash ayay…

Read More

Gaalkacyo waa Nabad muuqaalkeeda guud xiligan. Alshabaab iyo iyadana looma dhaxeeyo oo majirto awood Galmudug ah oo ka xigta. Dhalinyaro isku urursatay Beerta Yaasiin Cabdisamad markii ay dhacday shaqaaqadii Gaalkacyo oo gaaraysa ilaa 100 weli way joogaan,inkastoo dadaal fiican socdo. PSF weli waxay waardiyaynayaan Guri ukiraysan Wasiirka Arimaha dibada oo udhow Guriga Cabdiweli Gaas inkastoo Wasiirki dib ugu laabtay Xamar. Jibril Qoobey.

Read More

Karaash hadafkiisa ugu weyn,waxuu ahaa in uu cadaadis saaro Deni oo doorashadii Gudoonka kasoo kaxeeyo. Cadaadis saarida Deni,xoogaa dhaqaale ah,ayuu uga helay F&F. Balse Deni waa ujoojin waayay oo waa yasay cadaadiskaas. Haatan Karaash Gobolada Dalka,ayuu marayaa si uu Bulshada ula kulmo,waxaana socdaalkiisa lagu tilmaami kara nefis iyo jawi badalasho. Deni waxuu Garowe usoo diray Labo ka mid ah 3-da Nin ee ay Shuraakada yihiin,isagoo si cad ugu sheegay in ay Kursiga difaacdaan. Cali Xoosh iyo Maxamuud Shido,waxay horay usoo kaxaysteen Faroole,inkastoo wararku sheegayaan in Laftigiisu khaati ka taagan yahay oo uusan kula socon wax badan. Deni iyo kooxdiisa Aaran-jaan…

Read More

Aadan Madoobe,waxuu iska diiday codsi uu usoo jeediyay Farmaajo. Farmaajo,waxuu usoo jeediyay Aadan Madoobe in laysla tuuro Xildhibaanada Gedo kawada yimid oo lagu tixgeliyo isaga maadaama uu Gobolkaas kasoo jeedo. Sida wararku sheegayaan Aadan Madoobe waxuu si cad ugu sheegay in Xildhibaanada Ceel-waaq yihiin kuwa sharciga ah oo haysta Shahaadada Gudiga Doorashada ayna dhaariyeen Gudoonkii KMG ahaa. Kulankii salaanta ahaa ee maalmo ka hor dhacay ayay doodaas ka dhex dhacday.

Read More

Dalalka Maanta ay kow u tahay Ciiddu Firtiga,ayaa kala ah… 1.Hindia2.Pakistan3.Bangladesh4.Iran. Shalay oo Axad aheyd waxaa siweyn looga ciiday caalamka Islaamka intiisa badan,sida.. Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudan, Soomaaliya, CIraq, Kuwait, Sacuudi Carabia, Yemen, Turkiga, Tuniisiya, Suuriya, Falastiin, Qadar, Lubnaan, Liibiya, Masar, iyo Mauritaniya iyo dalalka qaaradda Yurub. Somaliya,ayaa ka mid ah Dalalka Islaamka ee shalay Ciiday,waxaana Maanta ay ku jiraan Bulshada Somaliyed Maalintii Labaad ee Ciiddul Fitriga.

Read More

Ururka Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar culus ku qaaday fariisin ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/dhexe. Al-Shabaab oo war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kadib ay xoogga Al-Shabaab u suuragashay in ay la wareegan gacan ku heynta guud ahaan saldhigga ciidamada. War-saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in 59 askari oo ka tirsan ATMIS lagu dilay dagaalka, dhowr iyo toban kalena lagu dhaawacay. Balse ma jiraan illo kale oo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Read More

Difaacayaasha Ukraine ee warshadda birta Azovstal ee Mariupol ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isticmaalayaan diyaarado, taangiyo iyo gantaalaha maraakiibta dagaalka si ay u garaacaan goobta warshadaha ee fidsan. Qaramada Midoobay iyo Laanqayrta Cas ayaa rajaynaya inay kormeeraan daadgureynta koox kale oo rayid ah oo la filayo inay maanta dhacdo. Isniintii, waxaa sidoo kale jiray gantaal lagu weeraray dekedda koonfureed ee Odesa. Dhanka kale Boris Johnson ayaa ku sifeeyay iska caabinta Ukraine ee duullaanka Ruushka inay tahay “saacaddii ugu wanaagsanayd” ee waddankaasi marka uu khudbadda ka jeedinayo baarlamaanka dalkiisa. Isagoo Talaadada maanta ah si toos ah ula hadli doona mudanayaasha,…

Read More

Ellis Cross, oo 25 jir ah, kana shaqeeya dukaan lagu iibiyo alaabaha ciyaartoyda oo ku yaala Teddington ee magaalada London, ayaa ka yaabiyay Mo Faarax iyo dadkii isugu soo baxay Vitality London oo lagu qabanayay tartanka orodka 10,000mitir. Cross ayaa orodkiisa 10-ka Mitir ku soo gabagabeeyay 28 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi halkaas uu kaga guulaystay orodyahanka caanka ah Mo Farah with. Mo Farah oo afar jeer ku guulaystey bilada dahabka ee Olombikada, lix marna ku guulaystey tartanka aduunka, ayaa qirtay in waayihiisa orodka uu soo gabagaboobay uuna la yaabay sida orodka uu soo bandhigay Cross. Faarax ayaa yiri: “Marka aan…

Read More

Wareysi gaar ah oo Sh. Aden Madoobe siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da,ayuu uga hadlayarimo ay ugu waa weynaayeen.. 1.Waxa ay uga dhigan tahay in xilka Guddoonka baarlamaanka mar kale loo doorto. 2. Howlaha ugu waaweyn ee horyaala ee mudnaanta u leh. 3.Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 4.Waxa laga yeelayo xildhibaanada 32-ka ah ee ka socda gobolka Gedo,. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciid Wanaagsan Waxaan guud ahaan Ummada Islaamka ah, Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Jubaland ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul fidriga. Waxaan ugu baaqayaa qof walba inuu maalmahan farxadda leh ooga qeyb qaato ka farxinta dadkeena taagta daran si ay u dareemaan ahmiyadda ay maalmahan u leeyahiin umadda Islaamka ah. Madaxweynaha Dowlada Jubaland.

Read More

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga. Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid. Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda. Munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan waxa ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa…

Read More

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Sen.Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu caawa hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble. Ra’iisul Wasaaraha JFS wuxuu Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga. Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu waxay ka wada hadleen dhammeystirka doorashada iyo u diyaar-garowga doorashada madaxweynaha JFS ka dib doorashadii guddoonka Labada Aqal ee BFS ee soo idlaatay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa soo xirmay kulankii xildhibaanada Gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Fadhiga,ayaa inta uusan furmin waxaa hareeyay buuq ka dhashay xubnihii Garbahaarey oo lasoo galiyay xarunta Villa Hargeysa. Kadib Xarunta Baarlamaanka,ayaa laga saari waayay Xubnaha Garbahaarey ee soo galay xarunta,iyadoo la go’aamiyay in ay kulanka iska fadhiyaan intii buuq hareen lahaa munaasabada xil wareejinta. Ugu horeyn,waxaa xilka wareejiyay guddoomiyihii KMG ee Gollaha Shacabka Xildhibaan Dhabancad. Kadibna Guddoomiyihii hore ee Gollaha shacabka Maxamed Mursal,ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub Aadan Madoobe. Fadhiga Maanta ee Gollaha shacabka,ayaa ku koobnaa xil wareejin. Afarta Bisha May,ayuu Gudoomiyaha cusub ku dhawaaqay in…

Read More

Ugu yaraan 10 Askari ayaa lagu dilay qarax miino oo xalay saqdii dhexe loo dhigay kolonyo uu la socday Col Saney Cabdulle inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo Balcad. Kornayl Saneey Cabdulle oo ahaa sargaalka qaraxa lagu weeray ayaa ka badbaaday sida ay VOA u sheegeen ilo warned degaanka ku sugan. Sarkaalkan,ayaa ku socday magaalada Jowhar, si uu kor joogto ugu noqdo doorashada kursiga HOP 141 oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladaasi. Askarta geeritootay ayaa loo qaaday Jowhar, halka kuwa dhaawacmayna loo celiyay magaalada Muqdisho.

Read More

Kulankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Somaliya kaddib doorashada guddoonka,ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo xarunta Villa Hargeisa ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay farriin qoraal ah oo lagu faafiyay barta rasmiga ah ee Facebookga Golaha Shacabka. Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu wadaa inuu kulankan shir guddoomiye, iyada oo ajandaha shirkan ay ka mid tahay xil wareejinta guddoomiyihii Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal. Waxaa sidoo kale ajandaha ka mid ah haal-jeediinta guddoomihii ku-meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambassador Dhabancad.

Read More

Xildhibaanadda Golaha shacabka,ayaa maalinta beri ah yeelanaayo kulanka guud ee golaha. Ajendaha.. Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka.Hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aadHadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa

Read More

16-kii Xildhibaan ee laga soo doortay Ceel-waaq si rasmi ah ayay uheleen Aqoonsigoodii Xildhibaanimo. Guusha dareenka farxadeed ee gaarka ah wadata oo Ceel-waaq ay kugu soo jiidanayso waxay tahay … 1.In Dadka Somaliyed ee reer Gedo aysan ku dhicin matalaad utaagan jiritaankooda Umadeed. 2.In Gedo hesho Dad macno leh oo xaqeeda uqareemi kara. 3.In Jubaland midnimadeeda iyo maamulkeedu mid ahaado. 4.In Umada Somaliyed isku laab wanaagsanaato. Xaqiiqdii 16-ka lagu soo doortay Ceel-waaq markaan Qof-Qof uxuuraamay aqoon ahaan,khibrad ahaan shaqo ahaan iyo shaqsiyad ahaanba waa Dad sare oo ka miisaan culus kuwa Garbahaarey laga keenay. Tusaale” Dhay oo Garbahaarey uga soo…

Read More

Madaxweyne Deni doorkii Faralka ku ahaa hogaamiyayaasha Puntland soo jireenkana ahaa buu ku taagan yahay markay timaado Xamar iyo Villa Somaliya. Kasoo bilow 1978-dii ilaa Maanta iyo 2022 Madaxweynihii arki waaya reer Puntland waa istusayeen. Cabdullaahi Yuusuf halgan uu hormuud ka ahaa,waxaa Afka ciida loogu daray Taliskii adkaa ee Siyaad Barre hogaanka uhayay. Cabdullaahi Yuusuf,waxuu la lagdamay Cabdiqaasim iyo Carta,waana badalay ugu danbayn oo Kursigii uu ka tuuray,ayuu ku fariistay. Cadde Muuse,waxuu si weyn u kaabay Kursigii Villa Somaliya ee Puntland ay ku fadhiday. Faroole,waxuu dhulka geliyay Sh.Shariif oo isku dayay in uu hoos udhigo doorka Puntland ee Somaliya,waana badalay…

Read More

Madaxweyne Deni,waxaan ku dhiirigelinayaa Labada Ku xigeen ee Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka kana soo jeeda Puntland in la karaameeyo. Karaamayntaas waxaa ugu horeeya kulanka bogaadinta ah ee uu Madaxweynuhu la qaatay. Waxaa ku xigi kara in la maalgeliyo oo loo diyaariyo midkiiba Laba Baabuur oo mid ka mid ah aysan Xabadu karin oo ugu badnaan ay ku baxayso 60-kun oo dolar. Sidoo kale in laga caawiyo Deegaanka oo kharash badan uga baxo Xildhibaanada iyo Gudoonkooda. Karaamayntaas,waxay taraysaa… 1.In iyaguna isku arkaan Laba masuul oo kasoo jeeda Maamul adag oo Puntland la yiraahdo. 2.In aan lagu kufsan dayac amaan iyo mid…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow. “Hambalyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow, waaxaan alle uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay. Waxaan boggaadinaya shaqada adag ee ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga Doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, waxaad u dhabar adeygteen oo labo maalin gudaneyseen waajibaad Qaran. Hadda waxaa inoo soo dhameystirmay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS, waxaana inooga sii horeeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, alle ayaa…

Read More

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa xalay gaaray dalka Sacuudi Carabiya, isaga oo doonaya inuu dib u hagaajin weyn lagu sameeyo xiriirka u dhexeeya labada dalka ee ugu miisaanka culus gobolka, kadib dilkii wariyihii dhalleeceyn jiray boqortooyada ee Jamal Khashoggi. Booqashadan ayaa waxay calaamad u noqoneysaa dadaalladii u dambeeyay Turkey uu ku dhisayo xirrirka waddamada ay xurgufta kala dhexaysay ee gobolka, waa booqashadii ugu horraysay ee Erdugan uu ku tago Sacuudiga tan iyo 2017-kii markaas oo sanad kadib ay wariye Jamal Khashoggi dil u geyteen wakiillo ka socadya Sacuudiga. Hoggaamiyaha Turkey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jiddah kusoo dhoweeyay duqa…

Read More

Alle ha unaxariistee, waxaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Taleex ee degmada Hodan, Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido” waxaana dilka fuliyay sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen dabley hubaysan. Cismaan Salaad Daahir ayaa ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanayo caasimadda. Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, isaga oo baraha bulshada ka soo muuqan jiray xilli uu ku gudo jiro hawlaha samafalka ah ee uu wado. Dad aad u badan ayaa ka falceliyay geerida…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa golaha sharci-dejinta ee Maraykanka weydiistay Khamiistii inay meel mariyaan $33 Bilyan oo kaalmo dheeri ah, si Ukraine ay uga caawiyaan inay iska caabbiso duullaanka ciidamada Ruushka shanta bilood ee soo socota. Golaha ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar ujeedkiisu ahaa in meesha laga saaro caqabadaha gaabiska ka dhigaya in Ukraine la gaarsiiyo kaalmo milatari, iyadoo Biden uu aqalka Cad ka sheegay inaysan weeraraynin Ruushka, balse ay caawinayaan Ukraine si ay isu difaacdo. Aqalka Cad ayaa sheegay in qorshaha cusub ee $33-ka Bilyan ay kujiri doonto $20 billion oo loogu talagalay hub iyo gargaar milatari…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho, ayada oo dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada madaxweynaha. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.” “Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.” Geba-gebada doorashada guddoonka baarlamanka ayaa waxaa sidoo kale bogaadiyey saaxiibada Soomaaliya ee caalamka. “Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay…

Read More

Dowladda UK ayaa Jimcaha sheegtay inay 8,000 oo askari u direyso bariga Yurub, halkaasi oo ay ku sameyn doonaan dhoolatus lagu muujinayo awood kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine. Dhoolatuskan oo muddo bil ah ka socon doona dalal teedsan Finland illaa North Macedonia ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dalal xulufo la ah UK, sida France iyo Mareykanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen saraakiisha difaaca. Britain ayaa sidoo kale direysa 72 taanki oo ah nooca Challenger 2 iyo 120 gawaari dagaalka ah, oo ay wehliyaan qoryaha lidka diyaaradaha, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha…

Read More

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata. Sacdiya oo heshay 137 cod ayaa wareeggii labaad ee doorashada waxay kaga adkaatay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo helay 107 cod. Labada musharaxba waxay ka socdeen dhanka mucaaradka. Doorashadan ayaa waxaa wareeggii koowaad ku tartamay illaa 10 murashaxa oo codadka u kala helay sidan: Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 codMaxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 codSacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 codKhadiijo Maxamed Diiriye: 21 codCabdikariin Abdow Xayder: 15 codMaxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 codSaciid…

Read More

Waxaa goordhow soo idlaaday wareegga koowaad ee doorashada guddomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya. Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxay murashaxiinta codadka u kala heleen sida soo socota. 1. Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 cod2. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 cod3. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 cod4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod10. Maxamed Cumar Cimow: 4 codMa jirin musharax helay 50+1 oo ah 139 cod si uu tartanka ugu guuleysto, taasi…

Read More

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa mar kale maanta isugu yimid teendhada Afisyoone si ay u doortaan labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka hoose,ayaa waxaa u sharraxan 10-Xildhibaan, halka ku xigeenka labaadna ay u sharraxan tahay 7-Mudane. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Weerar saf balaaran ayay Amxaarada garabka fog ku qaadeen Musliminta ku nool Magaalada Gonder. Dhimashadu waxay gaadhay 14-qof,walina dhaawac halisa oo xaalladooda laga dayrinayo ayaa jira. Shan Masjid,ayaa ilaa hadda la gubay.Waxaa kaloo dhulka lala simay 21 Guri oo ay lahaayen Muslimintu(Waa la gubay). Musliminta ku dhex nool Deeganka Axmarada ayaa ah kuwo caddaadis joogta ah la deris ah,waxaana markasta laga gubaa Masaajidada. Musliminta dalka oo arrimahan ka hadlay ayaa ku tilmaamay xasuuq wadareed. VOSS TV

Read More

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleedka ee SEIT HirShabelle ayaa shaacisay in maalinimada beri oo taariikhdu tahah 29-ka bishan la shaacinayo guddiyada soo xulayo ergada kuraastii u danbeysay ee maamulkaasi ku haray ee kala ah; HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135. Kursiga HOP#14 uu horey ugu fadhiyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sannadkan loo xiray Madaxweyenihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed. Halkan ka akhriso:-

Read More

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Aaden Maxamed Nuur Madoobe, waxa uu ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo. Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008…

Read More

Shaqada ugu horreysa ee hor taalla Gudoomiyaha cusub waxay ay tahay sida laga yeeli doono Xildhibaanada Gobolka Gedo ee lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq. Doorashada,ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe. Ugu dambeyn waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. Aadan Madoobe horey,ayuu usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii…

Read More

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa maanta sheegay in NATO ay diyaar u tahay inay si degdeg ah u soo dhaweyso Finland iyo Sweden, haddii ay go’aansadaan inay codsadaan xubinimada. Ruushka – oo xuduud dhan 1,340km (830 mayl) la wadaaga Finland – ayaa hore u sheegay inay ku qasbanaan doonaan inay “isku dheelitiraan xaaladda” ama talaabo ay kaqaadi doonaan Findland hadii ay ku biirto NATO. Madaxa NATO ayaa saxaafada u sheegay inuu qorsheynayo in uu gelinka dambe ee maanta la hadlo madaxweynaha Finland Sauli Niinisto.

Read More

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro, iyada oo loo ballansan yahay in la qabto doorashada guddoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka oo xalay dib loo dhigay, kaddib markii wakhti dambe ay noqotay, sida uu shaaciyay shir guddoonku. 10 xildhibaan ayaa u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, halka guddoomiye ku xigeenka 2-aadna a u sharraxan yihiin toddoba xildhibaan, sida ku cad jadawalkii guddiga doorashadu uu shaaciyay 22-kii bishan. Waxaa lagu wadaa in kal-fadhigan uu shir guddoomin doono Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha golaha Shacabka. “Ku-meel-gaarnimo dambe…

Read More

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaadhaya 163 halka musharax Xasan Cabdi Nuur oo la tartamayeyna uu helay codad gaadhaya 89 cod. Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha shacabka, isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday oo uu ku sheegay inay tahay doorasho xor ah oo xalaal ah. Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa isla markiiba la dhaariyey isagoo haatan wixii ka dambeeya la wareegaya masuuliyadda hoggaaminta golaha shacabka. Doorashada Guddoomiyaha ayaa soo dhamaatay 2:30 habeenimo, wakhtiga…

Read More

Kalfadhiga 1aad kulankiisa 4aad ee golaha shacabka ayaa hada ka furmay xarunta Afisiyooni ee magaalada Muqdisho. Hab-dhowraha BJFS Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Xasan Nuux ayaa dhaariyay laba xildhibaan oo uu ka mid yahay Yaasiin Fareey oo ah sii hayaha taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka. Ajandaha kulanka ayaa ah doorashada guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS Iyo Ku xigeenadiisa. Guddoomiyaha KMG ee BJfS xildhibaan Dhabancad oo kulanka Furay ayaa sheegay in fadhiga ay fadhiyaan 257 xildhibaan balse 17 oo ka mid ah xildhibaanada aysan cod yeelan doonin caawa,

Read More

Hoolka Doorashada,waxaa soo gaaray ilaa iyo hada 130-Xildhibaan,sida wararku sheegayaan. Marba marka ka danbaysa,waa iska soo daba dhacayaan Xildhibaanada soo gaaraya Afisyoone. Xildhibaanadii reer Koonfur-galbeed ee ugu xanibnaa F&F Hotel Syl iyo Doribayn,ayaa hada soo galaya Hoolka. Xog,ayaa sheegaysa qaar ka mid ah Xildhibanada koonfur-galbeed fawdo in ay u yimaadeen waliba Xildhibanada Jubaland ee ceelwaaq lagu doortay hadii ay codeynayaan in ay fawdo bilaabaan. Guud ahaan waxay umuuqataa in uu fashilmay is hor istaagii Farmaajo ee doorashada Gudoonka.

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dadaal la doonayo in lagu qabto kulanka golaha shacabka oo qorshuhu yahay in lagu doorto guddoonka Golaha, kaasi oo caqabado ay hareeyeen. Teendhada Afisyoone oo doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa hadda gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada oo saakadii hore ay u suurta-geli weysay ayagoo sheegay in booliska ay celiyeen, Gudoomiyaha Kmg ah Dhabancad,ayaa faahfaahin ka bixiyay arinkaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayo amniga guud ee dalka iyo kan Doorashada oo ka dhacay xarunta saldhiga Booliska ee AirPort -ka Aadan Cadde. Kulanka waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Madaaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka JFS.

Read More

Waxaa weli hubanti la’aan ay ka taagan tahay qabsoomidda doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya oo qorshuhu yahay inay maanta dhacdo, ayada oo xiisad ay ka jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Hoolka doorashada oo ah Teendhada Afisyoone ayaa waxaa gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada, oo uu ku jiro guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, hase yeeshee xildhibaano badan ayaanay taas u suurta-gelin. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo qoraallo soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ciidan boolis ah ay celiyeen, oo ay u gudbi waayeen xarunta, sidaas darteedna ay dib u laabteen. Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad,…

Read More

Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira. Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya. Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Read More

Karaash iyo Wasiirkii Arimaha dibada waxaa kulankoodii bilowday 12:30 Duhurnimo saacada Gaalkacyo markay ahayd,waxuuna soo dhamaaday 2:30. 3-da markay ahaydna diyaarad,ayuu ka raacay Gaalkacyo Wasiirku,isagoo dib ugu laabtay Muqdisho. Wasiirka Arimaha dibadu Lacag,ayuu ku wareejiyay Karaash iyo waajibaad. Caawa saq dhexe,ayay ubadan tahay in uu Karaash kasoo tago Gaalkacyo. Hadafka ugu weyn ee socdaalkiisu,waxuu ahaa la kulanka Wasiirkaas iyo soo qaadashada Lacagtaas laga ilaalinayay dabagal in lagu sameeyo ama la xaqiijiyo jiritaankeeda. Jibril Qoobey.

Read More