Author: Jibril Qoobey.

Kulanka Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxweyne Deni,waxuu muujinayaa markii laga soo tago wax walba…. 1.In Laftagareen yaqiinsaday geerida Farmaajo. 2.In Laftagareen ogaaday saamaynta Deni. 3.In balantii ugu danbaysay lakala qaatay. Laftagareen,waxuu wataa Shuruudo ay ka mid yihiin…. 1.In Farmaajo kadib Siyaasiyan uu sii noolaado. 2.In Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo isaga lakala hayo. 3.In dhaqaale looga badasho Xildhibaanada uu hayo.

Read More

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS. Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo. Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay. Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.…

Read More

Hay’ad cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka,ayaa sheegtay in muddo 11-Todobaad ah oo Ruushku dagaal ka waday Ukraine uu ku guuldareystay inuu go’doomiyo magaalada Kharkiv, wuxuuna hadda u muuqdaa in uu diiradda saarayo sidii iyaga oo bad qaba uu ugala bixi lahaa ciidamadiisa guudahaan gobalka. Bartamaha magaalada Kharkiv,ayaa si weyn loo dukheeyay intii uu socday duulaanka Ruushka, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo rayid ah. Qabsashada Kharkiv waxay ahayd mid ka mid ah yoolalka muhiimka ah ee Ruushka. Khudbadii ugu dambeysay ee muuqaal ah, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelinsky wuxuu sheegay in ciidamada Ukraine ay sameynayaan wax walba oo suurtagal ah…

Read More

Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ku soo laabanaya dadkii ka qaxay dagaalkii shalay magaaladaasi ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga. Xaaladda magaalada,ayaa saaka deggan. Dagaalkan oo aan weli war rasmi laga soo saarin khasaaraha ka dhashay, ayaa la soo sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dirirtu u dhaxaysay. Dadka Deegaanka,ayaa weli ka cabsi ka qaba in mar kale iska horimaadyo ka dhacaan magaalada. Maamulka Galmudug,ayaa dhankooda sheeganaya inay gacanta ku hayaan magaalada halka kooxdii soo weerartay, ee Ahlu Sunna Waljamaaca weli wax war ah…

Read More

Booliska magaalada Muqdisho ayaa bandow kusoo rogaya caasimadda, kaas oo ka bilaabanaya 9:00 fiidnimo ee caawa, ka hor doorashada madaxweynaha oo dhaceysa Axada berri ah, waxaana Bandowga uu socon doona ilaa lixda subaxnimo ee Isniinta. Tallaabadan ayuu afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ku sheegay in ay tahay mid amni. “Waxaa lagama maarmaan noqotay in la sugo ammaanka guud ee dalka xilliga lagu jiro doorashada madaxweynaha” ayuu yiri Gaashanle Cabdifitaax. Waxa uu sheegay in la hakin doono dhammaan dadka iyo gaadiidka xilliga lagu jiro bandowga, wuxuuna sheegay in haddii dadweynaha ay lasoo gudboonaadan xaalado deg-deg ah inay la…

Read More

Shiikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo muddo soo ahaa dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda, waxaana xilkan loo dhiibay maalin ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa. Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Mohamed ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay. Sheikh Mohamed, oo ku magac dheer ‘MBZ’ ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi,…

Read More

155-165-Cod waa ugu sareyn Caawa Codadka Deni haysto wareega 1-aad. 110-Cod waa ugu hoosayn Caawa Codadka Deni haysto wareega 1-aad. Habar-gidir oo wada 30-Xildhibaan iyo Cabdiraxmaan waa uyimaadeen. Xawaadle oo uu horay garab uu uga siiyay Aqalka-sare haatana Wasiirkooda muhiimka ah utaagan waa usoo xaroodeen. Abgaal oo kula tartamaya Ra’isalwasaare Habar-gidir waa ufadhiyaan. Dir oo rabta ra’isalwasaare xigeen iyo Wasiirka Maaliyada waa uyimaadeen. Raxanweyn Wasiiro muhiim ah ku gorgortamaysa,waxay soo fuuleen Aadan Madoobe. Jubaland” 51-ka Xubnood ee Jubaland waxaa shaki ku jiraa 8-Xubnood oo waliba Afar la qaban karo. Puntland” 16-kii Majeerteen 3-Xubnood,ayaa shaki ku jiraa kala ah.. 1.Faroole oo…

Read More

Marayakanka oo si cad usheegay in uu Somaliland ula dhaqmayo Dowlad Goboleed hoostaga Dowlada Fadaraalka ah,isla markaana kula shaqaynayo hanaan waafaqsan Siyaasada Maraykanka ee ah (Somali mid ah). Hadalkan,waxuu niyad jab iyo dharbaaxo Diblomaasiyadeed ku noqday Maamulka Somiland ee u ooman macmiil Diblomaasiyad gaarsiisan heer Qaran. Wefti ay hogaaminayaan Safiirka Maraykanka iyo Talyaha Africom,ayaa gaaray Hargaysa kulana kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Ujeedka socdaalka weftiga Maraykanka,ayaa ku aadan wada shaqayn amaan,gaar ahaan isticmaalka garoonka diyaaradaha ee Berbera oo la fahansan yahay in Maraykanku si dadban dib udhis ugu sameeyay isagoo usoo maray Dowlada Imaaraadka Carabta. Waxaa xusid mudan in…

Read More

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo Ra’iisal wasaare Sanna Marin ayaa labaduba sheegay in ay filayaan in dalkooda uu maalmaha soo socda go’aan ka gaari doono xubinnimada Nato. “Xubinnimada Nato waxa ay xoojin doontaa amniga Finland. Dhanka kale, gaashaan buurta ayaa ka faa’iido doonto xubinnimadeena. Finland oo in si dhaqsa ah ay u codsato kamid noqoshada Nato,” ayaa lagu yiri qoraal ay wadajir u soo saareen labada hoggaamiye ee ugu sarreeya xukuumadda Helsinki. Madaxweyne Niinisto oo ka jawaabaya walaaca Ruushka ayaa sheegay in eeda ay leedahay xukuumadda Moscow oo ku duushay Ukraine. Ra’yi ururin la sameeyay todobaadkii hore ayaa muujinaysa in…

Read More

Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka duullaan ballaaran ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaa hadda ka socda dagaal culus. Waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga. Dagaalka xooggiisa,ayaa hadda ka socda xarunta Inji, Xero Gaadiid,Madaxtooyada, Isbitaalka guud iyo Saldhigga Booliska. Marba dhinac,ayaa la riixayaa oo weli Xabbadu way socotaa mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka oo si buuxda ula wareegtay Magaalada. Khasaaraha ka dhashay dagaalka lama xaqiijin karo ilaa iyo hada. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa Cali…

Read More

Madaxweynihii dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa geeriyooday, sida ay goordhow shaacisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM.Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.“Wasaaradda Arrimaha Madaxtooyada waxay shacabka Imaaraadka Carabta iyo Dunida Islaamka uga tacsiyeyneysaa geeriday Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahyan oo geeriyooday Jimce 13-ka May,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wakaaladda WAM.Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa sidoo kale ahaa amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo ka mid ah toddabada Imaaradood ee dalkaas uu ka kooban yahay. Sida uu dhigayo dastuurka, madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baar marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed…

Read More

Deni shaqsiyadiisa ma’ahan waxa la taageerayo ee waa arimo ay ugu muhiimsan yihiin …. 1.Jubaland in ay fariisato. 2.Puntland iyo danaheeda. 3.Qaranimada Somaliya. 4.Ka badbaadinta Farmaajo Dalka. Waa in aan kala saarnaa ama noo kala soocan yihiin Deni iyo Puntland. Sidoo kale carada aan uqabno Deni iyo danaha guud. Adoo Deni mucaaradaya ma’ahan in aad Farmaajo taageerto,sababtoo ah iskumaba xirna. Dagaalkeena Siyaasadeed, salkiisu waa in uu noqdaa.. 1.khatar waa in aysan dhismaha nidaam ee Jubaland uga imaan Villa Somaliya. 2.Madax hagardaamaysa horumarka Bulsho iyo Nidaamka Puntland waa in aysan Villa-da fariisan. 3.Nidaamka Fadaraalku waa in uu amaan yahay. 4.Xal uhelida…

Read More

Dalka Turkiga ayaa sii kordhinaya cadaadiska uu ku hayo joogintaanka militariga Ruushka ee Syria, iyada oo go’aansatay inay hawadeeda ka xidhato diyaaradaha Ruushka ee u safraya dalka Syria illaa bisha July. Dalka Turkigu ma sheegin sababta rasmiga ah ee ay tallaabadan u qaadeen, iyada oo Ankara iyo Moscow ay kala taageerayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya dalka Syria, inkasta oo ay iska kaashanayaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan dalkaasi. Huseyin Bagci, oo ah madaxa machadka siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa sheegay in tallaabadan ay ku soo beegantay iyadoo dalka Turkigu uu xulafadiisa reer galbeedka…

Read More

Maraykanka ayaa markale dhigay rikoodh cusub, iyada oo ay sii kordhayso tirada dadka u dhinta isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinka iyo daroogada, waxaana sannadkii hore la diiwaangeliyey in ka badna 107,000 oo qof sida ay shaacisay xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee dalka Maraykanku. Tiradan la soo saaray ayaa ka badan 15% tiradii la diiwaangeliyey sannadkii hore ee 2020, waxaana taasi ay la macno tahay inay in ugu yaraan uu hal qof u dhinto 5-tii daqiiqoba, isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka iyo daroogada. Dhimashada xad-dhaafka ah ee daroogada iyo daawooyinka ee Maraykanka ayaa kor u socotay labaatankii sano ee…

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billaabatay khudbado ay musharaxiinta madaxweynaha u jeedinayaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka. Waxaa maanta loogu taloglay inay hadlaan 20 murashax, ayada oo 19 kalena la qorsheeyey in ay khudbadaha jeediyaan maalinta Khamiista ah. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa bandow kusoo rogay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, ka hor doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo maalinta Axadda ah. Bandowga ayaa socon doona Talaadada ilaa Isniinta todobaadka soo socda. In ka badan 300 oo xildhibaan ayaa ku kulmi doona garoonka diyaaradaha si ay ugu codeeyaan madaxweynaha xilka hayn doona afarta sano ee soo socota. Musharixiinta ugu muhiimsan ee doorashada ku jira ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee isaga ka horreeyay ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh…

Read More

Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku diyaarinayo in dagaal weyn oo dabo dheerado uu ku qaado dalka Ukraine iyadoo laga guuleystay ciidamadiisa ku sugan bariga dalkaas isla markaana ay suurrtogal tahay in colaadda Ukraine aysan soo afjarmin. Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dagaallo ba’an ay ka socdaan bariga Ukraine, halkaasoo Ruushka uu isku dayayo inuu qabsado dhul ballaaran. Moscow ayaa dib u habeyn ku sameysay ciidamadeeda doonayo inay la wareegaan gobolka Donbas ka dib markii Ukraine ay iska caabisay ciidamada Ruushka oo waday isku day ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Kyiv.…

Read More

Wariye ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka laga leeyahay Qadar, balse militariga ayaa sheegay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyin ah oo ay isku dhaceen ciidamkeeda. Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan. Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu…

Read More

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa xalay soo saaray bayaan ay ku faah-faahiyeen amniga teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaya 10-aad ee Soomaaliya 15-ka bishan. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS, isla markaana guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn ‘in wax hub ah lala soo galo maalinta doorashada.’ “Musharraxa ku guuleysta xafiiska madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa la wareeagaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga isku dhafka ka ah ee doorashada madaxweynaha. Guddiga ayaa sidoo kale…

Read More

Qaraxa,ayaa ka dhacay Kontaroolka KM4 dhanka wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Waxaa qaraxan ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale waxuu geystay bur burka gooba ganacsi iyo Gaawari ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay. Inta la xaqiijiyay,waxaa ku geeriyooday Qaraxa Afar Qof,waxaana ku dhaawacmay 8-kale. Qaraxa,ayaa kusoo beegmay xilli maanta Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ay isku diyaarinayaan dhageysiga hadal jeedinta musharaxiinta Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya.

Read More

Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Xaawo Cirid Yaanbo Xaaskii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo geeriyootay. Ma jirto farah-faahin dheer ah oo laga bixiyay geerida iyo aaska marwo Xaawo Cali Samatar. Madaxweynihii hore ee Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed, Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi ka diray geerida Marwo Xaawo Samatar. Xaawo Dalkan iyo Dadkan,waxay ku leedahay taariikh adag oo lama ilaawaan ah,waxayna door muuqda ku lahayd halgankii Dowladnimada. Guud ahaan Umadda Somaliyed,ayaan uga Tacsiyaynaynaa hadaan nahay Bahda Idil News.

Read More

Banaankaa laga dhigay Booliska,Milateriga iyo Nabadsugida arimaha Doorashada Madaxweynaha. Ciidamada Atmis,ayaa loo xilsaaray amaanka iyo gelida Teendhada Doorashada. Si gaar ah Nabadsugida,waxaa loo diray gudaha iyo banaanka Magaalada in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab. Gudoomiye Aadan Madoobe talaabooyinkii amni ee looga baahnaa waa qabsaday.

Read More

“Waxaa caawa booqasho noogu yimi Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed, waxaan iska wareysanay guud ahaan xaaladda dalka. waxaan uga mahadcelinaya kulanka iyo wakhtiga aan wada qaadanay”Ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay Page-ka Madaxweyne Deni.

Read More

Saaxiibada beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022. Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada. Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka…

Read More

Kursiga Marwadan ku fariisatay,waxaa qayb ahaan uqaatay Beesha Maxamuud Ibraahim (Reer Maxamuud). Laba Nin oo Ganacsadayaal ah,ayaa kasoo shaqeeyay oo Deni kula diriray kana soo dhex qaaday Beelweynta Majeerteen Xildhibaan Shaaciye iyo Ninka leh Hotel Airport. Deni isagoo ka cararaya Ragaas saamayntooda,ayuu Gabadhan oo meel iska fadhida kusoo qoray Kursigii kana bixiyay kharash gaaraya ugu yaraan 50-kun oo dolar. Haatan waxay taagan tahay Kursiga,waxaan ugu adeegayaa Bulshada danyarta ah ee dhibaataysan!! Gabadhu waxay ilowsan tahay Khayre in uu yahay kii Bulshada dhibaateeyay ee Ardayda Shahaadadoodii hor istaagay!! Hadiise Deni ku yiri anagu Cadka sare,ayaan raadinaynaa ee iskadaa raadinta Cadka hoose…

Read More

Cali Xoosh waa 60-jir laba jeer Xildhibaan noqday maqaamkaas Nin wata oo reer Puntland ah in uu halkaas ka cad goosto waa ilhaamo. Ma’ahan Nin han sare leh oo xataa Wasiir ku xigeen ma rabo ee kaliya,waxuu ku qanacsan yahay ka ag qaraabashada Khayre oo wax ah. Wax saamayn ah kuma yeelan doono Xildhibaanada kale Cali Xoosh. Balse ag taagnidiisa Khayraha loo yaqaan Saqiirka Siyaasadeed ee Beesha Hawiye waxay ceeb ku tahay reer Puntland,gaar ahaan Majeerteen,siiba Maxamuud Saleebaanka cadka sare raadinaya. Islaan Ciise oo ah damaanad qaadaha Codka Cali,ayuu si toos ah utaabanayaa dhaqankiisu. Islaanku Koofiyadiisii,ayuu dul dhigay Cali,waxuuna uburburiyay…

Read More

Murashax Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni,ayaa qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maalinka Sadexaad qaadashada Shahaadada Musharaxnimo waa mudnaan gaar ah iyo micno. Madaxweyne Deni waxaa galbinayay marka uu isdiiwaangelinayay Kudlad Xildhibaano ah oo ka badan 40-Xildhibaan. Majiro Hal Musharax oo la yimid goobta isdiiwaangelinta tiro Xildhibaano ah oo intaas gaaraysa. Galabta Afarta Galabnimo ayay ku eg tahay isdiiwaangelinta Musharaxiinta.

Read More

Wax lala yaabo mahan hadii 49-ka Seneter iyo Xildhibaan ee Puntland kasoo baxa uu waayo 20-ka mid ah Deni. Sidoo kale wax fajiciso ah mahan hadii uu lumiyo 51-ka Senetero iyo Xildhibaano ee Jubaland kasoo baxa 25-ka mid ah. Deni saadaasha ugu hoosaysa ee loo filayo in uu Wareega 1-aad kaga gudbo waa… 1.Puntland 30-Cod.2.Jubaland 25-Cod.3.Somalida kale 20-Cod Guud ahaan Wareega 1-aad markuu ugu hooseeyo 75-Cod waa kaga gudbayaa Deni,waana tilmaan sare. Wareega 2-aad waa wax kale iyo ciyaar si kale ah oo isagu yahay Ninka ugu fursada fiican,sababtoo ah,waxuu heli karaa ugu yaraan Xildhibaano door ah oo 3-da Wareegba…

Read More

Waxaa socda diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee Somaliya,taas oo la filayo inay qabsoonto maalinta Axadda ee 15-ka May. In ka badan 30-Musharax,ayaa illaa haatan la guddoonsiiyey shahaadooyinka u ogolaanaya inay u tartamaan kursiga Madaxweynaha Somaliya. Guddida Doorashada ee labada Gole ee loo xilsaaray doorashada madaxtinimada,ayaa xalay sheegay in 4:00 galabnimo ee maalinta Salaasada ee bisha May ay tahay 10-ka inay tahay xilliga ugu dambeeya ee musharaxiintu ay fursadda u haystaan inay qaataan shahaadooyinka musharaxnimada kursiga Madaxweynaha. Guddida doorashada,ayaa sidoo kale musharaxiinta is-diiwaangeliyey iyo kuwa raba inay is-diiwaangeliyaan u sheegay inay maalinta Salaasada ee 10-ka May ku soo gudbiyaan illaa 400 oo…

Read More

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa Axaddii booqday dalka Iran oo ah dalka iskugu dhow yihiin dalalka gobolka si uu wadahadal ula soo yeesho hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollaha Ali Khamenei. Labada hogaamiye ayaa intii wadahadalka lagu jiray ku baaqay in iskaashi adag oo ay yeeshaan Tehran iyo Damascus, sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Iran. Madaxweyne Assad oo booqashadii labaad ku tagaya Iran ilaa markii dagaalku dalkiisa ka bilowday sanadkii 2011kii, ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA. Assad ayaa awood u helay inuu horjoogsado dagaalki sokeeyey ee…

Read More

Darsanno dad ah oo reer Ukraine ah ayaa laga cabsi qabaa inay Axaddii dhinteen ka dib duqeyn Ruushka ka timid oo keentay in iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday uu dhulka la sinmo, kaas oo ku yaallay bariga dalka Ukraine. Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk, halkaas oo dagaallo qaraari ay toddobaadkyo ku dhex mareyeen ciidanka Ruushka iyo xoogagga Ukraine, ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goob ku taalla Bilohorivka, hase yeshee, kuwo kale oo iskuulka ku jiray ay u badan tahay in aanay badbaadin. “Sida ay u badan tahay, dhammaan 60 qof oo burburka ku…

Read More

Ku dhowaad 20 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socota maanta ayada oo illaa hadda ay is-diiwaangeliyeen, Xasan Sheekh Maxamuud,…

Read More

Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay ilaa toddoba qof ayaa ku geeriyooday isku dhacyo u dhaxeeyay beelo wada dega ismaamulka Marsabit ee dalka Kenya. Arrintan waxay ka dhalatay is-qabqabsi la xiriira lahaanshaha dhul daaqsimeed u dhaxeeya Dad xoola dhaqata ah. Bulshada xoola dhaqata ee Kenya oo ay Soomaaliduna kamid tahay ayaa aad uga walwalsan isku dhacyadani kasoo cusboonaaday dalka Kenya xilli ay soo dhowdahay doorashada guud ee Kenya.

Read More

Soomaali gaaraysa 26 ayaa kamid noqday baarlamanka goleyaasha deegaanka ee dalka Britain iyadoo badankooda ay kasoo baxeen London, waxaana intooda badan ay ka sharxnaayeen xisbiga mucaaradka ee Shaqaalaha ee Labour Party. Xisbiga talada haya ee muxaafidka ee Conservatives ayaa lumiyey 500 oo kursi, halka xisbiga mucaaradka uu helay 163 kursi oo dheeri ah. LIISKA SOMALIDA XILDHIBAANADA LOO DOORTAY DALKA UK. (the list of Somali Councillors in the UK).

Read More

Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah, si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga Axaddii. Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa soo xiganeysay bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada, waxaana warku wuxuu intaa ku daray in uu baaritaan ku marayo cisbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal, iyada oo aan faahfaahin kale laga bixin. Boqor Salmaan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu sareeya dhoofinta saliidda adduunka sanadkii 2015 kadib markii uu in ka badan 2-1/2 sano ku qaatay xilka dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku…

Read More

Waxaa goor dhaweyd xarunta Aqalka Sare ka bilaabatay diiwaangelinta musharaxiinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaan noqday musharaxii ugu horreeyay ee is diiwaangeliya madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa maanta iyo berri diiwaangelin doona musharraxiinta madaxweynaha, iyada oo doorashada madaxweynaha la qaban doono 15-ka bishan.

Read More

Habraaca iyo Shuruudaha laga rabo Murashaxiinta xilka Madaxwaynaha JFS. Halkan ka akhriso:- Sida ku cad Dastuurka KMG ah Murashax kasta waxaa waajib ku ah in uu soo buuxiyo Foomka hoos ku lifaaqan, ugu yaraan labaatan (20) Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ama tirada guud ee Sanatarada laga soo doorto hal Dowlad Goboleed ee ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobta diiwaan gelinta Murashaxiinta Madaxweynaha JFS iyo Koontada lagu shubayo lacagta diiwaan gelinta Halkan ka akhriso:-

Read More

Guddoonka Baarlamanka Fadaraalka Soomaaliya,ayaa goordhow go’aan kasoo saari doona muranka xildhibaanada Gobolka Gedo oo markii hore la saadaalinayay in laga reebi doono doorashada Madaxweynaha ee 15-ka May. Waxaa la filayaa inuu guddoonka sii daayo 16-kii kursi ee lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq. Xildhibaanada Ceel-waaq,ayaa haysta aqoonsiga Gudiga doorashada heer Jubaland,Gydiga Doorashada heer Fadaraal iyo dhaarta Gudoonkii Kmg ahaa ee Golaha Shacabka.

Read More

Dowladda Soomaaliya,ayaa ka codsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF in ay u kordhiso taageerada dhaqaale muddo saddex bilood ah ilaa 17-ka Agoosto, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay madaxa IMF-ta Somaliya. Sanduuqa fadhigiisu yahay Washington wuxuu ka digay bishii Febraayo in dib u dhaca doorashooyinka sharci-dejinta iyo madaxweynaha ee Soomaaliya ay cusboonaysiinta barnaamijka taageerada miisaaniyada saddexda sano ah, oo ku kacaya ku dhawaad ​​$400 milyan, halis ugu jirto inuu si toos ah u dhaco bishan. Doorashada madaxtinimoel ee Somaliya,ayaa hadda lagu wadaa in la qabto 15-ka May. Dawladdu waxay warqad u dirtay Guddiga IMF-ta oo ay kaga codsanayso…

Read More

Somalia’s government has asked the International Monetary Fund (IMF) to extend its financial support by three months to Aug. 17, the head of the IMF’s country mission told Reuters. The Washington-based fund warned in February that Somalia’s delayed legislative and presidential elections put the renewal of the three-year budget support programme, worth nearly $400 million, at risk of automatic expiration this month. The presidential election, which is carried out by lawmakers, is now set for May 15. The government has written to the IMF’s board asking for more time to conclude talks on the budget support programme’s renewal, said Laura…

Read More

Tan iyo markii uu bilawday duullaanka Ukraine, Ruushka ayaa waxa laga mamnuucay Mareykanka iyo dalal badan oo Yurub ah. Cunaqabatayntan ayaa ah mid dhaqaale, ganacsi iyo mid siyaasadeed. Ilaa hadda, xayiraadahan waxaa lagu soo rogay oo keliya madaxweynaha Ruushka Putin, saaxiibbadiisa dhow, madaxda Ruushka iyo gabdhaha Putin, balse hadda Elina oo loogu yeero ‘Marwada Koowaad ee Qarsoon’ ee Ruushka.ayaa sidoo kale la sheegay in lagu soo dari rabo liiska dadka uu midowga Yurub mamnuucay. Elena waxaay ku guuleystay bilad dahab ah ciyaarihii Olombikada Athens 2004. Wuxuu bilaabay jimicsiga caadiga ah iyadoo 13 jir ah waxayna ku guuleystay horyaalkeedii ​​​​ugu horreeyay…

Read More

Shirkadda ugu soo saarista badan shidaalka Norway ee Equinor, ayaa sheegtay inay qorsheyneyso kordhinta shidaalka ay u dhoofiso Yurub. Norway oo ka tirsan dalalka Nordic ayaa ah dalka saddexaad ee dunida ee dhoofiya shidaalka, marka laga yimaado Ruushka iyo Qadar, haatanna, waa dalka keliya ee shidaal u dhoofiya guud ahaan qaaradda Yurub. Macaamiisheeda ugu weyn waa Jarmalka, Ingiriiska, Netherlands iyo Fransiiska, waxayna waddamadaasi leeyihiin dhuun shidaal oo toos ugu timaada Norway. Ilaa iyo hadda, shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ee BP, Shell, ExxonMobil iyo Equinor oo ay leedahay dowladda Norway ayaa qorsheynaya inay xiriirka u jaraan Rushka. Iyadoo Total…

Read More

Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ayaa xaqiijisay in shirkad uu hoggaamiyo Todd Boehly oo ah milkiilaha Los Angeles Dodgers ay kooxdu la gaartay heshiis ku saabsan iibsiga kooxda kubbadda cagta ee ka ciyaarta hroyaalka Premier League. Kooxda fadhigeedu yahay garoonkaa Stamford Bridge ayaa bayaan ay soo saartay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegtay heshiiska 4.25 bilyan oo ginni oo u dhiganta ($5.2 bilyan), iyadoo heshiiskan uu ku xiran yahay oggolaashaha sharci ee uu ku hirgali karo. “Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea waxay xaqiijineysaa in lagula heshiiyay lahaanshaheeda kooxda cusub ee uu hoggaamiyo Todd Boehly” ayaa lagu yiri bayaankan oo…

Read More

Guddiga isku dhafka ah ee doorashad madaxweynaha 10-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kujira qabanqaabadii ugu dambeysay ee diiwaan-gelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ay si rasmi ah u bilaabato qabashda codsiga musharaxiinta. Guddiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha, waxaana maalinta doorashada lagu asteeyay 15-ka bishan aynu ku jirno ee May. Diiwaan-gelinta musharaxiinta oo ku eg 10-ka bishan oo ah maalin Talaado ah ayaa la filayaa in inka badan 20 musharax oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay iska diigwaangaliyaan guddiga doorashada. Hadal jeedinta musharraxiinta is-diiwaangaliyay ayaa sida ku xusan jadwalka doorashada…

Read More

Al-Shabaab,ayaa Madaafiic ah ku garaacay deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS. Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS,ayaa dhankooda Madaafiic kale uga jawaabay weerarkaas. Weli lama hayo khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ay iswaydaarsadeen labada dhinac. Weerarkan Madaafiicda ah,waxaa ka horeeyay Weerarkii 3-dii Bisha Al-Shabaab ay ku qaaadeen Saldhiga Ciidamada Atmis ee Ceel-baraf,kaasoo ay ka dhalatay Geerida 30-Askari oo udhashay Dalka Burundi.

Read More

Magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa noqtay hoyga maal-qabeennada dalka Ruushka ee ka baxsanaya saameynta cunna-qabateynta reer Galbeedku ay ku beegsanayaan Ruushka sababo la xiriira dagaalka Ukraine. Tiro badan oo aan horay loo arag oo ah maalqabeenno iyo ganacsato u dhashay dalka Ruushka ayaa ku qulqulaya Imaaraadka Carabta sida ay BBC-da u sheegeen hoggaamiyeyaasha ganacsiga. Hantida ay iibsanayaan ganacsatada Ruushka ee Dubai ayaa sare u kacday 67% saddexdii bil ee u horreysay sanadkaan 2022, sida lagu sheegay warbixin la baahiyay. Imaaraadku wax cunaqabatayn ah kuma soo rogin Ruushka mana dhaleecayn duullaanka uu ku qaaday Ukraine. Sidoo kale Imaaraadku…

Read More

Labo nin oo falastiiniyiin ah ayaa weerar tooreey ku qaaday magaalo u dhow Tel Aviv xalay, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan saddex qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen kahor inta aysan ku baxsan baabuur, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Israel. Ciidamada Booliska ayaa bilaabay baadigoob ay ku raadinayaan kooxihii dilka geystay, iyagoo jidgooyooyin dhigtay, waxaana baadigoobkooda qeyb ka ah diyaaradaha helicopter ah. Toogashadan oo ku soo beegantay maalinta xorriyadda Israa’iil, ayaa waxay ahayd tii ugu dambaysay ee weerarro dad badan lagu dilay oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka Israa’iil.Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin ayaa sare u…

Read More

Xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii dowladaha hoose ee xaafado ay ku xoogaanaayeen oo ka mid ah London iyo qeybaha kale ee dalka. Natiijooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in Johnson uu lumiyey taageeradii koonfurta bari ee London, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si deg deg ah maanta u sheegay inaan la joogin xilligii la sameyn lahaa isbeddel hoggaamiye. Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.…

Read More