Author: Jibril Qoobey.

Dawladda Maraykanka,ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS. Qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaadhay weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundi ay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada…

Read More

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May. Haddii guddiga uu dhaqan-geliyo jadwalkan, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021. Doorashadan ayaa waxaa u taagan in ka badan 20 musharax, oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya inay xilka kala wareegaan Farmaajo.

Read More

Seneter garabka Deni ah oo noqday Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka. Cabdiqani Geele,ayaa noqday Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka. In badan,ayuu kusoo jiray Golaha Wasiirada Dowlada Puntland oo uu haatana ku matalayo Aqalka-sare. Beel ahaan waa Yuusuf Daarood (Awrtable),waxuuna kasoo jeedaa Qoyska reer Ugaas. Waa Nin ka fog doktatooriyada iyo dhaqanka kooxda F&F. Waa war u wanaagsan Musharaxiinta Mucaaradka ah oo muujinaya in Kooxdii F&F looga adkaaday Gudigan muhiimka ah. Door fiican ayay ciyaareen reer Puntland Sannadkan dhanka Doorashada.

Read More

Madaxa Midayga Yurub Urzula von Der Leyen ayaa daaha ka qaadday tallaabooyin cusub oo lagu ciqaabayo dalka Ruushka, iyada oo ku dhawaaqday qorshayaal cusub oo lagu joojinayo iibka saliidda ceydhiin ee dalka Ruushka muddo lix bilood gudahood ah iyo in la joojiyo dhammaadka sannadkan, in dalalka Midawga Yurub ay shidaalka sifaysan ka soo iibsadaan dalka Ruushka. Cunaqabataynadan cusub ayaa u baahan in xubnaha Midawga Yurub ay si dhamaystiran isugu raacaan, si ay u dhaqan gasho. “Aan caddeeyo, ma fududaan doonto sababtoo ah qaar ka mid ah wadamada xubnaha ka ah Midawga Yurub waxay si xooggan ugu tiirsan yihiin saliidda dalka…

Read More

Warbixintan,ayaa lagu xaqiijiyey wararka sheegaya in dhicitaankii dawladdii Afghanistan ee wadamada reer galbeedku taageerayeen ay sahashay in maamulka Taliban ee haatan ka taliya dalka Afghanistan gacanta ku dhigeen qalab militari oo ka badan 7-billion oo dollar oo ah qalabka wasaaradda difaaca ee Maraykanka. Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka,ayaa ku qiyaastay in saanad militari oo u dhiganta illaa $7.12 billion oo dollar inay kaga tageen dalka Afghanistaan sababo la xiriira qalabkaas oi dayactir u baahnaa, xilligii ay ciidamada Maraykankanku ka baxayeen dalka Afghanistan oo ku beegnayd bishii August ee sannadkii 2021. Warbixintan saddex biloodlaha ah ee uu diyaariyey kormeeraha gaarka ah ee…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi. “Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” Sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud Stéphane Dujarric. Warsaxaafadeedka ayaa intaas sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan…

Read More

Madaxweyne Deni waa in aysan u jawaabin oo hoos loo dhigaa waxa kasoo baxay Karaash,sababtoo ah wax saamayn ah oo sy leeyihiin majirto. Karaash Labadii maalmood ee udanbeeyay,waxuu baadigoob ugu jiray cid macno leh oo Wasiir ka qaadata. Dadka uu la xiriiray ee ka diiday codsigiisa,waxaa ka mid ahaa. 1.Abshir Cumar Huruuse.2 .Axmed Siciid Awnuur.3.Guuleed Saalax.4.Cali Xaaji.5.Cabdi-yare.6.Baduugaaye. Karaash caawa,ayuu is baray shacabka Puntland ee horay uma aysan aqoon,xaajaduna dhulkay uga dhacday. Waa wax laga xumaado in Qof nocaas ufakaraya uu kusoo hoydo Madaxtooyada Puntland oo 70-kun oo dolar bil walba ay ku baxdo. Qiimo walba haku kacdee waa in Madaxyooyada…

Read More

Gudiga Doorashada ee Madaxweynaha Fadaraalka Xubnaha Puntland ay ka heshay,waxay kala yihiin… 1.Xil.Firdowsa Cismaan Cigaal.2.Xil.Cali Xaaji Daahir.3.Sen.Cabdiqani Geelle Maxamed. Dhamaan waa Gacanta Madaxweyne Deni,taasoo muujinaysa in uu ku sareeyo oo saamayn weyn ku yeelan doono xeerarka iyo daadihinta ay soo saari doonaan Gudigan. Xeerarka ugu muhiimsan oo ay tahay in ay ka hor istaagaan in lagu soo daro Xeerka Doorashada ee laga rabo Musharaxiinta,waa in aan shuruud laga dhigin iska cadida masuuliyad kale haduu hayo Musharaxu. Markale,ayay umuuqataa in kooxdii F&F looga adkaaday Gudigii ugu muhiimsanaa Doorashada. Jibril Qoobey.

Read More

kooxda Al-shabaab ay ku qaadday weerar saldhig ay leeyiiin Ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika oo ku yaalla Tuulada Ceel Baraf oo ilaa 65-km dhnaca Waqooyi ka xigta Magaalada Jowhar. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 173 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo sidoo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen ciidamada kale oo ay ku sheegeen ‘maxaabiis dagaal.’ Labada sheegasho si madax-banaan looma xaqiijin karo. Balse sarkaal uhadlay Dowlada Burundi,ayaa sheegay in 30-Askari looga dillay 22-kalena looga dhaawacay weerarkii Alshabaab ku qaaday deegaanka Ceel-baraf,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Aadan Madoobe oo shir Guddoomiyay kulanka Guud ee Golaha ayaa magacaabay 8-deed ka mid ah Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo ka kooban 11-xubnood ay Magacyadooda kala yihiin. Xildhibaan Mowliid Cabdi MaxamedXildhibaan Cali Xaaji DaahirXildhibaan Nuur Mustaf mukhtaarXildhibaan Maxamed Axmed BeereyXildhibaan Maxamed Ibrahim MucalimuuXildhibaan Maxamed CaananuugXildhibaan Cumar YuusufXildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal. Gudoomiyaha,ayaa sheegay in Sedaxda xubnood ee dhiman saacadaha soo socda lagu soo dari doono. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa goordhow furmay kulanka Golaha Aqalka Sare oo Ajendihiisu yahay… Warbixin kooban Guddigii doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.Dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Xarunta Golaha Aqalka Sare.Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare MCabdi Xaashi Cabdullaahi,ayaa sharraxay habraaca Guddiga Doorashada Madaxwaynaha ee layska rabo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalalka reer Galbeedka ay awoodaan inay gacan ka gaystaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka, taas oo ku iman karta buu yiri iyagoo cadaadis badan saara madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, dhanka kalana ay joojiyaan hubka ay ku baritaarayaan Kyiv. Hadalkan ayuu Putin ku soo qaaday wadahadalkii ugu horreeyay ee dhanka taleefanka ah oo muddo ku dhaw bil uu la yeesho madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron. Bayaan lagu daabacay barta madaxtooyada Ruushka ayaa lagu sheegay in Putin uu xusay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay iska indhatiraan “dambiyada dagaal” ee uu aaminsanyahay in…

Read More

Gudiga doorashada Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya,waxaa laga dhigay 16-xubnood oo ka kala imaanaya… 6-Xubnood oo Aqalka sare 10-Xubnood Golaha Shacabka ah. 1-Xubin oo Gudoonku magacaabayo. Awood qeybsiga 4.5,ayaa lagu qaybinayaa. Hal saac,ayaa la siiyay Xildhibaanada si ay iskaga soo xulaan 20-kaas Xubnood. Saacad kadib fadhiga Baarlamaanka waa sii soconayaa.

Read More

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Midowga Afrika. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, waxana uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas, sida lagu sheegay bayaanka. Al-Shabaab oo shalay war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga. Warar ka soo baxayay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay…

Read More

Qaramada Midoobay,ayaa war ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday weerarkii Al Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf. “QM waxay si adag u garab taagan tahay ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya oo dadaal ugu jira sidii ay u hagaajin lahaayeen amniga Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay UNSOM Soomaaliya. Dhanka kale, gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa dhankiisa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi. Al-Shabaab oo shalay war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku…

Read More

Kooxda sheegata Xilibaanada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,ayaa saaka iska soo xaadiriyay xarunta baarlamaanka,waxayna bilaabeen buuq iyo Qas. Sida wararku sheegayaan kooxda Garbahaarey,waxaa horay usoo geliyay Xarunta Baarlamaanka Farmaajo maadaama Labada Aqal ee Villa-da iyo Baarlamaanku isku dhegan yihiin. Gudoomiye Aadan Madoobe,ayaa looga fadhiyaa in uu ka qaato go’aan kooxda Garbahaarey ee aan sharciyada haysan.

Read More

Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,ayaa leh kal-fadhiyo ajandihiisu yahay doorashada iyo ansixinta guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in la dhawaan la qabto. Farriimo loo kala diray xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarda Aqalka Sare,ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah la dooran doono guddiyo isku dhaf ah oo ka kooban labada Aqal. Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe,ayaa horay usheegay in uu si deg deg ah ku qaban doono doorashada Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya. Dhinaca kale, weli ma cadda waxa guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe uu ka yeeli doono muranka ka taagan xildhibaannada Gobolka Gedo. “Arrintaas waa iga horeysay, waxaa…

Read More

Xalay Kayntaroolka Magaalada,waxaa lagu soo tuuray Hoobiyayaal. Shalay,waxaa rasaas iswaydaarsaday Askar PSF ah oo la sheegay in ay fasax usocdeen iyo kuwa ilaalada Kayntaroolka ah,waxaana ku dhaawacmay hal Askari PSF ka tirsan. Khudbadii Salaada Ciida ka danbaysay,waxaa laga saaray hadalkiisii Talyaha Booliska Bari oo ay ahayd in uu hadlo Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Magaalada kadib. Waxaa xusid mudan in goobta Salaada lagu tukanayay ay amaankiisa gacanta ku hayeen PSF. Waxaa muuqata in Gacmaha Ciidanku aysan midaysnayn oo firaaq amaan jiro. Jibril Qoobey.

Read More

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka ee Beri lasoo xuli doono ama la dooran doono,waxaa lagu qaybsan doonaa habqaybsiga 4.5. Beel walba,waxaa laga soo saarayaa 2-xubnood. Dooda jirta waxay tahay in aan lasoo celin Beelihii ay ka yimaadeen xubnihii soo maamulay Gudigii doorashada ee Golaha shacabka. Tusaale” Beesha Daarood,waxaa laga soo xulay xubnihii maamulay Doorashadii Gudoonka Beelaha kala ah Mareexaan iyo Dhulbahante. Dooda,ayaa ah in markan laga soo xulo Beelaha kale ee Daaroodka dhexdiisa ah. Ujeedku waa in wax qaybsigu hoos udaadago. Jibril Qoobey.

Read More

Urur ka mid ah Ciidamada Milateriga,ayuu Odowaa Yuusuf Raage Talyaha Ciidamada ku wareejiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sh.Aadan Madoobe. Baqdinta ugu weyn ee Gudoonka Baarlamaanka uu ka hawlgalayo waa labo arimood oo kala ah.. 1.In aan mar danbe khalkhal la gelin amniga fadhiga Golaha. 2.In laga hortago khatarta Argagixisada oo digniino waa weyn ay ka imaanayaan. Isku milanka F&F iyo Shabaab,waxay sababi kartaa in ay wada fuliyaan qorshe ka dhan ah Baarlamaanka. Gudoomiye Sh.Aadan Madoobe,ayaa degan Hotelka Madaxweyne Deni degan yahay,waxaana amnigiisa qayb ka qaata Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Farmaajo,waxuu hor dhigtay Safiirka Maraykanka in Dhalashadiisii Maraykanka dib loogu soo celiyo. Qoyskayga iyo ehelkayga,ayaa ku noolaa mudo ku dhow 30-sano ah oo aan jeclahay in aan la midoobo,ayuu Farmaajo ku dooday. Safiirka,waxuu usheegay in uu gudbin doono dalabkiisa. Taariikhda Nin,waxaa jiray Lixdanaadkii ra’isalwasaare ka noqday dal ka mid ah caalamka oo iska celiyay dhalashada Maraykanka markii uu xukunka ka degayna dib udalbaday,balse loo diiday. Jibril Qoobey

Read More

Xildhibaano gacanta F&F ah,ayaa wada Mooshin ay ku dalbanayaan in lasoo saaro xeer dhigaya in aysan Musharaxiintu masuuliyad kale hayn karin. Ujeedka laga leeyahay abaabulkaas,ayaa ah in cadaadis looga dhigo Musharaxiinta xilalka haya,gaar ahaan Madaxweyne Deni. Gudiga Doorashada ee beri lasoo xuli doono,ayay shaqadoodu tahay in ay soo sameeyaan xeerarka Musharaxiinta. Jibril Qoobey.

Read More

Doha (Capital Oline) – A former US ambassador has pleaded guilty to illegally campaigning for the government of Qatar and accepting a luxury trip as US ambassador to Pakistan, according to court documents.Richard Olson, who also served as US ambassador to the United Arab Emirates, and special envoy to Afghanistan and Pakistan, has been arraigned in federal court on charges of violating a law barring him from campaigning for a foreign country within a year of leaving office. According to the indictment, Olosn, then US ambassador to Pakistan, met in 2015 in Los Angeles with a Pakistani-American who offered to…

Read More

Lacag xaqul Ciid ah oo loo kala diray Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka oo gaaraysay 2000 oo dolar,waxaa ka mid ah Xildhibaanada ay gaartay kuwa lagu soo doortay Ceel-waaq. Xildhibaanada Ceel-waaq,ayaa haysta Shahaadada Gudiga Doorashada Fadaraalka iyo Jubaland,isla markaana uu dhaariyay Gudoonkii kmg ahaa ee baarlamaanka. Waa talaabo kale oo umuujinaysa in ay sharci yihiin kuwa weli inkirsan sharciyadooda

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay saaxiibbada beesha caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Xubnaha C6+ ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe ajiibida kulanka oo ahaa mid muhiim u ah mustaqbalka dalkeenna.

Read More

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),ayaa iskugu yeeray Taliyeyaasha Nabad Suggida.waxuuna siiyay digniin adag oo ku aadan inaysan ku milmin Siyaasada. Aadan Madoobe,waxa uu ku wargeliyay in ay isaga ka amar qaataan xilliga kala guurka ah inta laga dooranayo Madaxweynaha Jamhuuriyada. “Waxa uu si cad ugu sheegay in ay ka qaataan awaamiirta ku saabsan amniga doorashada ilaa laga dooranayo Madaxweyne”. Hadalkan,waxuu imaanayaa,iyadoo ay soo baxayso hadal hayn sheegaysa in F&F ay soo jeediyeen doorashada Madaxweynaha in ay ka dhacdo meel aan ahayn Teendhada Afisyoone. Waa hadal cad oo ay soo dhaweeyeen dhamaan musharaxiinta…

Read More

Timacade si cad oo aan qarsasho lahayn,ayuu meel walba ula taagan yahay weerarka Deni. Waxa uu ka caraysan yahay Tima-cade,waa maxaad uga hor timid musharaxnimadaydii ku xigeenka 2-aad ee Aqalka-sare. Haday Puntland utartamayso Cadka sare Jubaland-na ku garabsiisay saw Deni kuma saxsana soo jeedinta oranaysa Jubaland haloo daayo Kuraastaas hoose. Ogow Tima-cade Dowladii Gaas kadib,isagoo shaqo la’aan ah,waxaa Wasiir umagacaabay Deni,kadibna ku qoray Seneter kadibna booskii Wasiirka ee uu baneeyay ku tixgeliyay Nin uu watey. Intaas oo karaamo ah,waxaa la heli karay Nin kale ama Dad kale oo buuxin karay. Deni Siyaasiyiin fara badan oo ugu horeeyo Axmed Karaash ayay…

Read More

Gaalkacyo waa Nabad muuqaalkeeda guud xiligan. Alshabaab iyo iyadana looma dhaxeeyo oo majirto awood Galmudug ah oo ka xigta. Dhalinyaro isku urursatay Beerta Yaasiin Cabdisamad markii ay dhacday shaqaaqadii Gaalkacyo oo gaaraysa ilaa 100 weli way joogaan,inkastoo dadaal fiican socdo. PSF weli waxay waardiyaynayaan Guri ukiraysan Wasiirka Arimaha dibada oo udhow Guriga Cabdiweli Gaas inkastoo Wasiirki dib ugu laabtay Xamar. Jibril Qoobey.

Read More

Karaash hadafkiisa ugu weyn,waxuu ahaa in uu cadaadis saaro Deni oo doorashadii Gudoonka kasoo kaxeeyo. Cadaadis saarida Deni,xoogaa dhaqaale ah,ayuu uga helay F&F. Balse Deni waa ujoojin waayay oo waa yasay cadaadiskaas. Haatan Karaash Gobolada Dalka,ayuu marayaa si uu Bulshada ula kulmo,waxaana socdaalkiisa lagu tilmaami kara nefis iyo jawi badalasho. Deni waxuu Garowe usoo diray Labo ka mid ah 3-da Nin ee ay Shuraakada yihiin,isagoo si cad ugu sheegay in ay Kursiga difaacdaan. Cali Xoosh iyo Maxamuud Shido,waxay horay usoo kaxaysteen Faroole,inkastoo wararku sheegayaan in Laftigiisu khaati ka taagan yahay oo uusan kula socon wax badan. Deni iyo kooxdiisa Aaran-jaan…

Read More

Aadan Madoobe,waxuu iska diiday codsi uu usoo jeediyay Farmaajo. Farmaajo,waxuu usoo jeediyay Aadan Madoobe in laysla tuuro Xildhibaanada Gedo kawada yimid oo lagu tixgeliyo isaga maadaama uu Gobolkaas kasoo jeedo. Sida wararku sheegayaan Aadan Madoobe waxuu si cad ugu sheegay in Xildhibaanada Ceel-waaq yihiin kuwa sharciga ah oo haysta Shahaadada Gudiga Doorashada ayna dhaariyeen Gudoonkii KMG ahaa. Kulankii salaanta ahaa ee maalmo ka hor dhacay ayay doodaas ka dhex dhacday.

Read More

Dalalka Maanta ay kow u tahay Ciiddu Firtiga,ayaa kala ah… 1.Hindia2.Pakistan3.Bangladesh4.Iran. Shalay oo Axad aheyd waxaa siweyn looga ciiday caalamka Islaamka intiisa badan,sida.. Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudan, Soomaaliya, CIraq, Kuwait, Sacuudi Carabia, Yemen, Turkiga, Tuniisiya, Suuriya, Falastiin, Qadar, Lubnaan, Liibiya, Masar, iyo Mauritaniya iyo dalalka qaaradda Yurub. Somaliya,ayaa ka mid ah Dalalka Islaamka ee shalay Ciiday,waxaana Maanta ay ku jiraan Bulshada Somaliyed Maalintii Labaad ee Ciiddul Fitriga.

Read More

Ururka Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar culus ku qaaday fariisin ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/dhexe. Al-Shabaab oo war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kadib ay xoogga Al-Shabaab u suuragashay in ay la wareegan gacan ku heynta guud ahaan saldhigga ciidamada. War-saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in 59 askari oo ka tirsan ATMIS lagu dilay dagaalka, dhowr iyo toban kalena lagu dhaawacay. Balse ma jiraan illo kale oo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Read More

Difaacayaasha Ukraine ee warshadda birta Azovstal ee Mariupol ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isticmaalayaan diyaarado, taangiyo iyo gantaalaha maraakiibta dagaalka si ay u garaacaan goobta warshadaha ee fidsan. Qaramada Midoobay iyo Laanqayrta Cas ayaa rajaynaya inay kormeeraan daadgureynta koox kale oo rayid ah oo la filayo inay maanta dhacdo. Isniintii, waxaa sidoo kale jiray gantaal lagu weeraray dekedda koonfureed ee Odesa. Dhanka kale Boris Johnson ayaa ku sifeeyay iska caabinta Ukraine ee duullaanka Ruushka inay tahay “saacaddii ugu wanaagsanayd” ee waddankaasi marka uu khudbadda ka jeedinayo baarlamaanka dalkiisa. Isagoo Talaadada maanta ah si toos ah ula hadli doona mudanayaasha,…

Read More

Ellis Cross, oo 25 jir ah, kana shaqeeya dukaan lagu iibiyo alaabaha ciyaartoyda oo ku yaala Teddington ee magaalada London, ayaa ka yaabiyay Mo Faarax iyo dadkii isugu soo baxay Vitality London oo lagu qabanayay tartanka orodka 10,000mitir. Cross ayaa orodkiisa 10-ka Mitir ku soo gabagabeeyay 28 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi halkaas uu kaga guulaystay orodyahanka caanka ah Mo Farah with. Mo Farah oo afar jeer ku guulaystey bilada dahabka ee Olombikada, lix marna ku guulaystey tartanka aduunka, ayaa qirtay in waayihiisa orodka uu soo gabagaboobay uuna la yaabay sida orodka uu soo bandhigay Cross. Faarax ayaa yiri: “Marka aan…

Read More

Wareysi gaar ah oo Sh. Aden Madoobe siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da,ayuu uga hadlayarimo ay ugu waa weynaayeen.. 1.Waxa ay uga dhigan tahay in xilka Guddoonka baarlamaanka mar kale loo doorto. 2. Howlaha ugu waaweyn ee horyaala ee mudnaanta u leh. 3.Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 4.Waxa laga yeelayo xildhibaanada 32-ka ah ee ka socda gobolka Gedo,. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciid Wanaagsan Waxaan guud ahaan Ummada Islaamka ah, Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Jubaland ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul fidriga. Waxaan ugu baaqayaa qof walba inuu maalmahan farxadda leh ooga qeyb qaato ka farxinta dadkeena taagta daran si ay u dareemaan ahmiyadda ay maalmahan u leeyahiin umadda Islaamka ah. Madaxweynaha Dowlada Jubaland.

Read More

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga. Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid. Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda. Munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan waxa ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa…

Read More

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Sen.Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu caawa hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble. Ra’iisul Wasaaraha JFS wuxuu Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga. Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu waxay ka wada hadleen dhammeystirka doorashada iyo u diyaar-garowga doorashada madaxweynaha JFS ka dib doorashadii guddoonka Labada Aqal ee BFS ee soo idlaatay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa soo xirmay kulankii xildhibaanada Gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Fadhiga,ayaa inta uusan furmin waxaa hareeyay buuq ka dhashay xubnihii Garbahaarey oo lasoo galiyay xarunta Villa Hargeysa. Kadib Xarunta Baarlamaanka,ayaa laga saari waayay Xubnaha Garbahaarey ee soo galay xarunta,iyadoo la go’aamiyay in ay kulanka iska fadhiyaan intii buuq hareen lahaa munaasabada xil wareejinta. Ugu horeyn,waxaa xilka wareejiyay guddoomiyihii KMG ee Gollaha Shacabka Xildhibaan Dhabancad. Kadibna Guddoomiyihii hore ee Gollaha shacabka Maxamed Mursal,ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub Aadan Madoobe. Fadhiga Maanta ee Gollaha shacabka,ayaa ku koobnaa xil wareejin. Afarta Bisha May,ayuu Gudoomiyaha cusub ku dhawaaqay in…

Read More

Ugu yaraan 10 Askari ayaa lagu dilay qarax miino oo xalay saqdii dhexe loo dhigay kolonyo uu la socday Col Saney Cabdulle inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo Balcad. Kornayl Saneey Cabdulle oo ahaa sargaalka qaraxa lagu weeray ayaa ka badbaaday sida ay VOA u sheegeen ilo warned degaanka ku sugan. Sarkaalkan,ayaa ku socday magaalada Jowhar, si uu kor joogto ugu noqdo doorashada kursiga HOP 141 oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladaasi. Askarta geeritootay ayaa loo qaaday Jowhar, halka kuwa dhaawacmayna loo celiyay magaalada Muqdisho.

Read More

Kulankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Somaliya kaddib doorashada guddoonka,ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo xarunta Villa Hargeisa ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay farriin qoraal ah oo lagu faafiyay barta rasmiga ah ee Facebookga Golaha Shacabka. Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu wadaa inuu kulankan shir guddoomiye, iyada oo ajandaha shirkan ay ka mid tahay xil wareejinta guddoomiyihii Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal. Waxaa sidoo kale ajandaha ka mid ah haal-jeediinta guddoomihii ku-meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambassador Dhabancad.

Read More

Xildhibaanadda Golaha shacabka,ayaa maalinta beri ah yeelanaayo kulanka guud ee golaha. Ajendaha.. Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka.Hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aadHadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa

Read More

16-kii Xildhibaan ee laga soo doortay Ceel-waaq si rasmi ah ayay uheleen Aqoonsigoodii Xildhibaanimo. Guusha dareenka farxadeed ee gaarka ah wadata oo Ceel-waaq ay kugu soo jiidanayso waxay tahay … 1.In Dadka Somaliyed ee reer Gedo aysan ku dhicin matalaad utaagan jiritaankooda Umadeed. 2.In Gedo hesho Dad macno leh oo xaqeeda uqareemi kara. 3.In Jubaland midnimadeeda iyo maamulkeedu mid ahaado. 4.In Umada Somaliyed isku laab wanaagsanaato. Xaqiiqdii 16-ka lagu soo doortay Ceel-waaq markaan Qof-Qof uxuuraamay aqoon ahaan,khibrad ahaan shaqo ahaan iyo shaqsiyad ahaanba waa Dad sare oo ka miisaan culus kuwa Garbahaarey laga keenay. Tusaale” Dhay oo Garbahaarey uga soo…

Read More

Madaxweyne Deni doorkii Faralka ku ahaa hogaamiyayaasha Puntland soo jireenkana ahaa buu ku taagan yahay markay timaado Xamar iyo Villa Somaliya. Kasoo bilow 1978-dii ilaa Maanta iyo 2022 Madaxweynihii arki waaya reer Puntland waa istusayeen. Cabdullaahi Yuusuf halgan uu hormuud ka ahaa,waxaa Afka ciida loogu daray Taliskii adkaa ee Siyaad Barre hogaanka uhayay. Cabdullaahi Yuusuf,waxuu la lagdamay Cabdiqaasim iyo Carta,waana badalay ugu danbayn oo Kursigii uu ka tuuray,ayuu ku fariistay. Cadde Muuse,waxuu si weyn u kaabay Kursigii Villa Somaliya ee Puntland ay ku fadhiday. Faroole,waxuu dhulka geliyay Sh.Shariif oo isku dayay in uu hoos udhigo doorka Puntland ee Somaliya,waana badalay…

Read More

Madaxweyne Deni,waxaan ku dhiirigelinayaa Labada Ku xigeen ee Labada Aqal Baarlamaanka Fadaraalka kana soo jeeda Puntland in la karaameeyo. Karaamayntaas waxaa ugu horeeya kulanka bogaadinta ah ee uu Madaxweynuhu la qaatay. Waxaa ku xigi kara in la maalgeliyo oo loo diyaariyo midkiiba Laba Baabuur oo mid ka mid ah aysan Xabadu karin oo ugu badnaan ay ku baxayso 60-kun oo dolar. Sidoo kale in laga caawiyo Deegaanka oo kharash badan uga baxo Xildhibaanada iyo Gudoonkooda. Karaamayntaas,waxay taraysaa… 1.In iyaguna isku arkaan Laba masuul oo kasoo jeeda Maamul adag oo Puntland la yiraahdo. 2.In aan lagu kufsan dayac amaan iyo mid…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow. “Hambalyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee loo doortay Golaha Shacabka JFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow, waaxaan alle uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay. Waxaan boggaadinaya shaqada adag ee ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga Doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, waxaad u dhabar adeygteen oo labo maalin gudaneyseen waajibaad Qaran. Hadda waxaa inoo soo dhameystirmay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS, waxaana inooga sii horeeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, alle ayaa…

Read More

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa xalay gaaray dalka Sacuudi Carabiya, isaga oo doonaya inuu dib u hagaajin weyn lagu sameeyo xiriirka u dhexeeya labada dalka ee ugu miisaanka culus gobolka, kadib dilkii wariyihii dhalleeceyn jiray boqortooyada ee Jamal Khashoggi. Booqashadan ayaa waxay calaamad u noqoneysaa dadaalladii u dambeeyay Turkey uu ku dhisayo xirrirka waddamada ay xurgufta kala dhexaysay ee gobolka, waa booqashadii ugu horraysay ee Erdugan uu ku tago Sacuudiga tan iyo 2017-kii markaas oo sanad kadib ay wariye Jamal Khashoggi dil u geyteen wakiillo ka socadya Sacuudiga. Hoggaamiyaha Turkey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jiddah kusoo dhoweeyay duqa…

Read More

Alle ha unaxariistee, waxaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Taleex ee degmada Hodan, Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido” waxaana dilka fuliyay sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen dabley hubaysan. Cismaan Salaad Daahir ayaa ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanayo caasimadda. Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, isaga oo baraha bulshada ka soo muuqan jiray xilli uu ku gudo jiro hawlaha samafalka ah ee uu wado. Dad aad u badan ayaa ka falceliyay geerida…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa golaha sharci-dejinta ee Maraykanka weydiistay Khamiistii inay meel mariyaan $33 Bilyan oo kaalmo dheeri ah, si Ukraine ay uga caawiyaan inay iska caabbiso duullaanka ciidamada Ruushka shanta bilood ee soo socota. Golaha ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar ujeedkiisu ahaa in meesha laga saaro caqabadaha gaabiska ka dhigaya in Ukraine la gaarsiiyo kaalmo milatari, iyadoo Biden uu aqalka Cad ka sheegay inaysan weeraraynin Ruushka, balse ay caawinayaan Ukraine si ay isu difaacdo. Aqalka Cad ayaa sheegay in qorshaha cusub ee $33-ka Bilyan ay kujiri doonto $20 billion oo loogu talagalay hub iyo gargaar milatari…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho, ayada oo dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada madaxweynaha. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.” “Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.” Geba-gebada doorashada guddoonka baarlamanka ayaa waxaa sidoo kale bogaadiyey saaxiibada Soomaaliya ee caalamka. “Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay…

Read More

Dowladda UK ayaa Jimcaha sheegtay inay 8,000 oo askari u direyso bariga Yurub, halkaasi oo ay ku sameyn doonaan dhoolatus lagu muujinayo awood kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine. Dhoolatuskan oo muddo bil ah ka socon doona dalal teedsan Finland illaa North Macedonia ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dalal xulufo la ah UK, sida France iyo Mareykanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen saraakiisha difaaca. Britain ayaa sidoo kale direysa 72 taanki oo ah nooca Challenger 2 iyo 120 gawaari dagaalka ah, oo ay wehliyaan qoryaha lidka diyaaradaha, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha…

Read More

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata. Sacdiya oo heshay 137 cod ayaa wareeggii labaad ee doorashada waxay kaga adkaatay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo helay 107 cod. Labada musharaxba waxay ka socdeen dhanka mucaaradka. Doorashadan ayaa waxaa wareeggii koowaad ku tartamay illaa 10 murashaxa oo codadka u kala helay sidan: Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 codMaxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 codSacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 codKhadiijo Maxamed Diiriye: 21 codCabdikariin Abdow Xayder: 15 codMaxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 codSaciid…

Read More

Waxaa goordhow soo idlaaday wareegga koowaad ee doorashada guddomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya. Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxay murashaxiinta codadka u kala heleen sida soo socota. 1. Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 cod2. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 cod3. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 cod4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod10. Maxamed Cumar Cimow: 4 codMa jirin musharax helay 50+1 oo ah 139 cod si uu tartanka ugu guuleysto, taasi…

Read More

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa mar kale maanta isugu yimid teendhada Afisyoone si ay u doortaan labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka hoose,ayaa waxaa u sharraxan 10-Xildhibaan, halka ku xigeenka labaadna ay u sharraxan tahay 7-Mudane. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More