Author: Jibril Qoobey.

Weerar saf balaaran ayay Amxaarada garabka fog ku qaadeen Musliminta ku nool Magaalada Gonder. Dhimashadu waxay gaadhay 14-qof,walina dhaawac halisa oo xaalladooda laga dayrinayo ayaa jira. Shan Masjid,ayaa ilaa hadda la gubay.Waxaa kaloo dhulka lala simay 21 Guri oo ay lahaayen Muslimintu(Waa la gubay). Musliminta ku dhex nool Deeganka Axmarada ayaa ah kuwo caddaadis joogta ah la deris ah,waxaana markasta laga gubaa Masaajidada. Musliminta dalka oo arrimahan ka hadlay ayaa ku tilmaamay xasuuq wadareed. VOSS TV

Read More

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleedka ee SEIT HirShabelle ayaa shaacisay in maalinimada beri oo taariikhdu tahah 29-ka bishan la shaacinayo guddiyada soo xulayo ergada kuraastii u danbeysay ee maamulkaasi ku haray ee kala ah; HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135. Kursiga HOP#14 uu horey ugu fadhiyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sannadkan loo xiray Madaxweyenihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed. Halkan ka akhriso:-

Read More

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Aaden Maxamed Nuur Madoobe, waxa uu ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo. Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008…

Read More

Shaqada ugu horreysa ee hor taalla Gudoomiyaha cusub waxay ay tahay sida laga yeeli doono Xildhibaanada Gobolka Gedo ee lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq. Doorashada,ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe. Ugu dambeyn waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. Aadan Madoobe horey,ayuu usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii…

Read More

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa maanta sheegay in NATO ay diyaar u tahay inay si degdeg ah u soo dhaweyso Finland iyo Sweden, haddii ay go’aansadaan inay codsadaan xubinimada. Ruushka – oo xuduud dhan 1,340km (830 mayl) la wadaaga Finland – ayaa hore u sheegay inay ku qasbanaan doonaan inay “isku dheelitiraan xaaladda” ama talaabo ay kaqaadi doonaan Findland hadii ay ku biirto NATO. Madaxa NATO ayaa saxaafada u sheegay inuu qorsheynayo in uu gelinka dambe ee maanta la hadlo madaxweynaha Finland Sauli Niinisto.

Read More

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro, iyada oo loo ballansan yahay in la qabto doorashada guddoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka oo xalay dib loo dhigay, kaddib markii wakhti dambe ay noqotay, sida uu shaaciyay shir guddoonku. 10 xildhibaan ayaa u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, halka guddoomiye ku xigeenka 2-aadna a u sharraxan yihiin toddoba xildhibaan, sida ku cad jadawalkii guddiga doorashadu uu shaaciyay 22-kii bishan. Waxaa lagu wadaa in kal-fadhigan uu shir guddoomin doono Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha golaha Shacabka. “Ku-meel-gaarnimo dambe…

Read More

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaadhaya 163 halka musharax Xasan Cabdi Nuur oo la tartamayeyna uu helay codad gaadhaya 89 cod. Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha shacabka, isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday oo uu ku sheegay inay tahay doorasho xor ah oo xalaal ah. Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa isla markiiba la dhaariyey isagoo haatan wixii ka dambeeya la wareegaya masuuliyadda hoggaaminta golaha shacabka. Doorashada Guddoomiyaha ayaa soo dhamaatay 2:30 habeenimo, wakhtiga…

Read More

Kalfadhiga 1aad kulankiisa 4aad ee golaha shacabka ayaa hada ka furmay xarunta Afisiyooni ee magaalada Muqdisho. Hab-dhowraha BJFS Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Xasan Nuux ayaa dhaariyay laba xildhibaan oo uu ka mid yahay Yaasiin Fareey oo ah sii hayaha taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka. Ajandaha kulanka ayaa ah doorashada guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS Iyo Ku xigeenadiisa. Guddoomiyaha KMG ee BJfS xildhibaan Dhabancad oo kulanka Furay ayaa sheegay in fadhiga ay fadhiyaan 257 xildhibaan balse 17 oo ka mid ah xildhibaanada aysan cod yeelan doonin caawa,

Read More

Hoolka Doorashada,waxaa soo gaaray ilaa iyo hada 130-Xildhibaan,sida wararku sheegayaan. Marba marka ka danbaysa,waa iska soo daba dhacayaan Xildhibaanada soo gaaraya Afisyoone. Xildhibaanadii reer Koonfur-galbeed ee ugu xanibnaa F&F Hotel Syl iyo Doribayn,ayaa hada soo galaya Hoolka. Xog,ayaa sheegaysa qaar ka mid ah Xildhibanada koonfur-galbeed fawdo in ay u yimaadeen waliba Xildhibanada Jubaland ee ceelwaaq lagu doortay hadii ay codeynayaan in ay fawdo bilaabaan. Guud ahaan waxay umuuqataa in uu fashilmay is hor istaagii Farmaajo ee doorashada Gudoonka.

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dadaal la doonayo in lagu qabto kulanka golaha shacabka oo qorshuhu yahay in lagu doorto guddoonka Golaha, kaasi oo caqabado ay hareeyeen. Teendhada Afisyoone oo doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa hadda gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada oo saakadii hore ay u suurta-geli weysay ayagoo sheegay in booliska ay celiyeen, Gudoomiyaha Kmg ah Dhabancad,ayaa faahfaahin ka bixiyay arinkaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayo amniga guud ee dalka iyo kan Doorashada oo ka dhacay xarunta saldhiga Booliska ee AirPort -ka Aadan Cadde. Kulanka waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Madaaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka JFS.

Read More

Waxaa weli hubanti la’aan ay ka taagan tahay qabsoomidda doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya oo qorshuhu yahay inay maanta dhacdo, ayada oo xiisad ay ka jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Hoolka doorashada oo ah Teendhada Afisyoone ayaa waxaa gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada, oo uu ku jiro guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, hase yeeshee xildhibaano badan ayaanay taas u suurta-gelin. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo qoraallo soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ciidan boolis ah ay celiyeen, oo ay u gudbi waayeen xarunta, sidaas darteedna ay dib u laabteen. Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad,…

Read More

Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira. Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya. Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Read More

Karaash iyo Wasiirkii Arimaha dibada waxaa kulankoodii bilowday 12:30 Duhurnimo saacada Gaalkacyo markay ahayd,waxuuna soo dhamaaday 2:30. 3-da markay ahaydna diyaarad,ayuu ka raacay Gaalkacyo Wasiirku,isagoo dib ugu laabtay Muqdisho. Wasiirka Arimaha dibadu Lacag,ayuu ku wareejiyay Karaash iyo waajibaad. Caawa saq dhexe,ayay ubadan tahay in uu Karaash kasoo tago Gaalkacyo. Hadafka ugu weyn ee socdaalkiisu,waxuu ahaa la kulanka Wasiirkaas iyo soo qaadashada Lacagtaas laga ilaalinayay dabagal in lagu sameeyo ama la xaqiijiyo jiritaankeeda. Jibril Qoobey.

Read More

Xijaar oo shaqadda laga joojiyey, waa Ku daayey wax badan ayuu soo hadlay xilliga Saxuurta. Wasiirka Amniga ayaa yiri, anigoo xeerinaya. Waxaa shag joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi XasanMaxamed, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.Waxaa si KMG ah hogaanka Cidanka Booliska usii wadaya Taliye kuxigeenka Cidanka BooliskaSoomaaliyeed.Wasirku waxaa u farayaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaankumilanka siyaasada gar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.Wasiirka Amnigu waxaa ku wargelinayaa Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha shacabka,ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan waxba kala socon, waxna ka ogeyn shirka jaraa’id oo ay qabteen xubno ka mida Guddiga, isagoo xubnahaasi ku eedeeyay inay khadleen shacabka oo wax aan shaqadooda ahayn ay galeen. Guddoomiyaha Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan waxba kala socon, waxna ka ogeyn shirka jaraa’id oo ay qabteen xubno ka mida Guddiga, isagoo xubnahaasi ku eedeeyay inay khadleen shacabka oo wax aan shaqadooda ahayn ay galeen. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa caddeeyay in shaqada Guddiga aysan ahayn cidda Doorashda laga reebayo oo ay tahay shaqada Guddoonka…

Read More

MADAXWEYNE FARMAAJO “HAWLGALKA ATMIS WUXUU KU SHAQEYNAYAA HABRAACA AMNIGA DOORASHOOYINKA EE AY KU HESHIIYEEN MADASHA WADATASHIGA QARANKA” Muqdisho, Abriil 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markuu arkay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu adkeynayaa qodobbadan; Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha…

Read More

Ra’iisul Wasaare Rooble ”Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota. Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka. Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.”.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya. “Waxaan u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya, Guddoomiye Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee cusub Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade. Doorashada Guddoonka Aqalka sare waa dhameystirka dhismaha Hay’addo sharciyad haysta oo bud-dhig u ah Dowladnimada dalkeena, waxaan u rajeynaya Guddoonka Aqalka Sare in alle u fududeeyo masuuliyada iyo xilka loo doortay. Waxaan inoo rajaynaya sidoo kale in Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka…

Read More

Wareeggii labaad ee Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare oo soo idlaatay, waxaa codadka loo kala helay sida soo socot:- Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil “Fartaag” wuxuu helay 23-Senator. Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde” wuxuu helay 30-Cod. 1-Cod ayaa xumaaday. Waxaa doorashadii ku guulaystay Senator Cabdullaahi Cali Xirsi “Timacadde” oo noqonaya Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare.

Read More

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka ee Ruushka ay weerareen 87 Saldhig oo Milatari oo ku yaalla Ukraine. Ruushka ayaa sheegay in ilaa 500 oo askari oo Ukraine ah ay ku dhinteen weerarka ay xalay qaadeen. Waxayna sheegeen in laba goobood oo hubka lagu kaydiyo oo ku taala magaalada Kharkiv ay beegsadeen. Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale barteeda Internet-ka soo dhigtay muuqaal la sheegay in uu muujinayo keydka saldhigyada ciidamada Ukraine, taasi oo askarta Ruushka ay sheegeen in hadda ay la wareegeen. Taangiyada dagaalka iyo gaadiid kale ayaa halkan lagu arkayaa.

Read More

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo ka adkaaday laba musharax oo xilkan kula tartantay. Sentaor Cabdi Xaashi ayaa ku guulaystay wareegga hore ee tartanka isagoo helay 28 cod. Waxaa kaalinta labaad galay oo kusoo xigay Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka oo helay 24 cod. Kaalinta saddexaad waxaa helay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo helay laba cod. Maadaama Cabdi Xaashi uu helay codad ka badan 50% oo lagu daray 1, oo ka mid ah 54-ka cod ee Aqalka Sare, looma baahan wareeg labaad, wuxuuna ku guuleystay…

Read More

Cabdi Xaashi Cabdillaahi waxa uu ku dhashay degmada Baabiley, dalka Itoobbiya sanadkii 1946-dii. Dhammaadkii kontameeyadii iyo lixdaneeyadii ayuu Cabdi dhammeeyey waxbarashada Hoose illa ta sare ee dugsiga, isaga oo ku qaatay Harar. Wuxuu sanadihii 1975-1977 uu kuliyadda siyaasadda, uu ka dhigtay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, ee Muqdisho. Sida oo kale sanadihii 1980-1981 wuxuu ka baxay Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho. Cabdi Xaashi ayaa horraantiisii soo maray shaqooyin tiro badan oo kala duwan waxaana ka mid ahaa macallinnimo iyo shaqooyin kale. Waxaa se noloshiisa inta ugu badan ku qaatay shaqooyinka dawladeed isaga oo soo maray xilal ka duwan, oo gaadhsiin in…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble oo la hadlayay Jaaliyadda Somalida ee Switzerland,ayaa sheegay in dadaal iyo howl adag ka dib howsha doorashada la soo gaarsiiyay jeer gebogebo ah, isagoo xildhibaannada Labada Aqal ku boorriyay in ay hoggaanka goleyaasha Sharci dejinta u doortaan dad dalka badbaadin kara. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

MADAXWEYNAHA OO NASIIB DARO KU TILMAAAMAY WEERARKA LAGU QAADAY GUDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA. Kismaayo, 25, April, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa nasiib daro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka oo ay u danbaysay weerarkii caawa lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JFS. Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya. Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah…

Read More

Axmed Karaash hada,ayuu ka baxay Garowe oo u jihaystay Gaalkacyo. Socdaalkiisa qayb kama ahan Golaha Wasiirada oo xataa ma raacin Agaasime Guud. Waxaa kaloo ka gaabsaday raacidiisa Gudoomiyihii Gobolka ee uu magacaabay Faysal Jifo-jabsade. Sida aan xogta ku helay habeen danbe xiligan oo kale,ayuu kasoo laabanayaa Gaalkacyo. Ujeedka socdaalkiisu waxaa ugu weyn Laba Qodob oo kala ah… 1.La kulanka Wasiirka Arimaha dibada. 2.La kulanka Odoyaal uu sheegay in ay uyeereen. Soo laabadkiisa,waxaa uqorshaysan in uu xilka ka qaado Wasiir Dhabancad kuna badalo Wiil lagu magacaabo Maxamed Baldho. Sidoo kale,waxuu soo saari doonaa Warqad uu ku amrayo dhisida Golaha Deegaanka Gaalkacyo.…

Read More

In ka badan 200 oo qof,ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhexeeya dadka reer guuraaga Carabta ah iyo beeralayda deegaanka ee gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, waxaana xiisaddan oo soo bilaabantay maalinimadii Jimcaha ee toddobaadkan ay haatan ku fidday illaa caasimadda gobolkaas ee Al Geneina. Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay rabshadahan sii kordhaya. Qalalaasahan billowday maalintii Jimcaha ayaa wuxuu daba socday, ka dib markii bishii April 21-keedii la helay, meydka laba qof oo reer guuraa ah, taas oo laga helay meel u dhow tuulada Hashaba, oo ka baxsan magaalada Kreinik. Madaxa waaxda bini’aadanimada ee Galbeedka Darfur Assadiq Mohammed, ayaa sheegay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa…

Read More

Karaash,aadistiisa Mudug ee caawa saq dhexe waa khatar soo korortay. Mudug ma qaadi karto khilaaf siyaasadeed oo xaalkeedu waa xasaasi. Madaxweyne ka baaqo Mudug xiligan kuma haboona aadistaada. Hada xaalka ka jira tagidaadu waa uga sii daraysaa. Cabdi-siciid hadaad wax isku og tihiin ama kala qaadanaysaan Hawadu waa furan tahay. Mudug hala aadin khilaafka idinka dhaxeeya Adiga iyo Madaxweynaha. Shaqaaqadii ka dhacday,waxaad usaartay Gudi ka warsug haka daba tagin oo haka dhabqin shaqadooda. Masuuliyad muuji. Jibril Qoobey.

Read More

Siyaasadii Somaliya,waa lagu kala adkaaday si dhab ah. Fahad,waxuu geeriyooday maalinkii Maxkamadu xukuntay oo uu xaqiiqsaday in jihooyin adag hankiisa hor taagan yihiin. Maantana,waxaa yaqiinsaday in uu jab Siyaasadeed ku dhacay Farmaajo oo waxuu ogaaday in isagana lagu maqan yahay. “Lagaama rabo Siyaasada Somaliya fariin u Eg,ayaa loo diray” Wax iska caadiya ma’ahan in Goob doorashadii ku saxiixnayd heshiiskii 17-Sep la badalo oo Xildhibaanadii ku dhashay isbadalkaas ay helaan aqoonsigii ugu danbeeyay. Farmaajo wax walba waa ucad yihiin haduu quusanayo,sababtoo ah Xaafadiisii,ayaa looga adkaaday oo kufsi siyaasadeed loogu geystay. Jibril Qoobey.

Read More

Warar,ayaa sheegaya in Karaash ka jawaabi doono Wareegtada Deni kasoo baxday. Karaash,ayaa samayn doona isbadal gaarsiisan ilaa heer Wasiir isla Caawa,sida wararku sheegayaan. Waxaa xantu tilmaamaysaa in Wasiirka Arimaha Gudaha Dhabancad uu cayrin doono. Sidoo kale Wasiirka Maaliyada uu geyn doono Arimaha Gudaha. Hadii uu warkan dhab noqdo waxba masoo saa’idin doono waxayna mari doonaan wareegtooyinkiisu meeshii ay mareen kuwii hore. Deni,waxaa la filayaa ilaa habeen danbe in uu yimaado Mudug. Jibril Qoobey.

Read More

Murankii Dastuurka ee ka dhex taagnaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,waxaa helay dooda Madaxweynaha. Sharci yaqaano arinka ufariistay oo labada dhinac ukala dabqaaday,waxay ukala gudbiyeen fasiraad oranaysa.. “Puntland Dal ma’ahan ee waa Maamul Goboleed ka tirsan Somaliya,Dalku waa Somaliya Madaxweynuhuna meel ka mid ah,ayuu joogaa,sidaa daraadeed isagaa Awooda Dastuuriga ah leh”. Sida aan xogta ku helay Karaash soo gudbinta Sharciyaqaanadaas,waa ku gacansayray,waxuuna sii daayay isbadalo iyo magacaabis. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa goor dhow la dhaariyey 16-ka Xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay deegaan doorashada labaad Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Munaasabada dhaarinta xildhibaanada waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka 11-aad, Xoghayaha Baarlamaanka iyo qaar kamid ah xildhibaanada Jubaland.

Read More

Xeer Kusime Madaxweyne Lr 97, April 25, 2022 Magacaabid Agaasimayaal. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad. Markuu Arkay:- Baahida loo qabo dar-dargelinta Shaqada Hay’addaha dowliga ah. Markuu Tixgeliyey:- Aqoonta, Kartida iyo Waayo-aragnimadooda. Wuxuu u Magacaabay:- 1- Waxaa Axmed Shire Axmed (Garoon) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaarada Maaliyada dowladda Puntland. 2- Waxaa Maxamuud Maxamed Axmed (Gurungur) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 3- Waxaa SamSam Cabdiqafaar Maxamuud loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda…

Read More

Kusimaha Madaxweynaha oo Magacaabay Guddoomiyaha degmada Laasqoray. Xeer Kusime Madaxweyne Lr 96, April, 25, 2022. Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland . Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland. Markuu arkay: Baahida Shaqo ee jirta. Markuu tixgeliyey:- Kartida iyo Aqoontiisa. Wuxuu u magacaabey Cabdikariin Yuusuf Jaamac Guddoomiyaha degmada Laasqoray. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka, wuuna saxiixay.

Read More

Karaash waxaa lagu hor dhaariyay Wasiiradii uu Deni magacaabay,isagoo jooga Xamar,taasoo muujinaysa in uu aqbalay magacaabistaas. Wasiirka Warfaafinta Ninka loo magacaabay,ayuu Karaash diidanaa lana rabey Qof kale. Sida wararku sheegayaan dadaal badan,ayaa la geliyay dhexdhexaadinta Labada Oday,waxaana muuqata in ay miro dhashay. Madaxweyne Deni Beri ama Saadanbe,ayuu Gaalkacyo ka degi doonaa haduu rabi idmo. Jibril Qoobey.

Read More

Ilaa shan Qof,ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdishu sida ay sheegeen shaqaalaha adeegga gurmadka degdegga ah ee ambalaasyada. Qaraxan ayaa ka dhacay nawaaxiga isgoyska Banaadir, waxaana warbaahinta dawladdu sheegtay in qaraxaasi lala beegsaday baabuur uu la socday sarkaal ka tirsan laamaha amniga. Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan kuwo rayid ah. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Read More

Qof ahaan,Qoys ahaan,Qabiil ahaan,Sharciyad ahaan iyo Deegaan ahaanba waa uqalmaa hogaaminta Gobolka xasaasiga ah ee Mudug. Faysal Todobo talaan siinayaa oo aan isleeyahay,waa umuhiim shaqadiisa.. 1.Isku arag in aad tahay Madaxweynihii Gobolka muujina maqaam. 2.Duqa Magaalada,aduu ku hoos yimaadaa ee Adigu ma hoos tagtid. 3.Booliska si dhow ula shaqee. 4.Sirdoonka si dhow ula jaanqaad. 5.Odoyaasha Gobolka gacana iskaga qabo mid kalana kusoo dhawayso. 6.Siyaasadaada la dagaalanka argagixisadu ha cadaato marna yuusan tuhun kusoo gelin. 7.F&F waxii ka socda ka fogow. Jibril Qoobey.

Read More

Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay saldhigyada tareenada oo dhowr ah oo ku yaalla bartamaha iyo galbeedka Ukraine. Mid ka mid ah xarumaha madfaca lagu garaacay ayaa ku taala bariga Lviv. Maksym Kozytskyi, oo ah madaxa gobolka Lviv, ayaa ku baahiyay Telegram-kiisa in gantaal uu ku dhacay xarun koronto oo halkaas ku taal abaaro 08:30 xilliga maxalliga ah. “Weli ma jiro xog ku saabsan khasaaraha,” ayuu yiri. Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa ku sugan Ciidamo gurmad ah oo ku howlan daminta dabkaasi. Muuqaal baraha la soo galiyay ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya goobta.

Read More

Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu hambalyo ugu diray Madaxweyanaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, oo ku guuleystay shan sano oo dheeri ah ka dib markii uu tartan aad la isugu dhawaa uga guuleystay haweeneydii uu culayska wayn kala kulmay ee Marine Le Pen. Hadal hayn badan oo baraha bulshada Soomaalida ah ayaa ka dhalatay qoraalka uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ku qornaa luuqadda Faransiiska. Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Faransiiska ayaa isku mid ka ah doorashada xasaasiga ah ee ay wajahayeen, mid walbana waxa uu doonayay in mar kale…

Read More

Baroor diiqayaal ayaa isugu soo baxay xarunta baarlamaanka Kenya si ay u daawadaan meydka Mwai Kibaki oo ahaa madaxweynihii saddexaad ee dalkaasi ka dib markii uu geeriyooday todobaadkii hore isagoo 90 jir ah. Sanduuqa Mr Kibaki oo lagu huwiyay calanka Kenya, ayaa subaxnimadii hore ee saakay waxaa wehliyay ciidamo geeyay xarunta baarlamaanka . Madaxweynae Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu guddoomin doono daawashada dadweynaha ee ka dhacayso xarunta baarlamaanka. Baarlamaanka Kenya oo hadda fasax ku jira ayaa Arbacada yeelanaya fadhi gaar ah oo ay ku maamuusayaan Mr Kibaki. Madaxweyne Kenyatta ayaa ku dhawaaqay baroor diiq ilaa laga gaarayo aaska…

Read More

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug. Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr. 93, April 24, 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland. Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta. Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo. Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay. DHAMMAAD.

Read More

Baarlamaanka hada la doortay,waxaa ku jira 3-Xildhibaan oo Aqalka hoose iyo Hal Senetar oo Aqalka-sare oo xubno ka ah Alshabaab iyo Daacish. Sidoo kale Baarlamaankii hore 73-Xildhibaan,ayaa bishii mushahaarkooda ka siin jiray Alshabaab min 300-dolar. Xog-waran xog badan oo amni uu ku jiro,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah Golaha Shacabka JFS,Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad) . Madaxweynaha,ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Dhabancad iyo dhammaan Golaha Shacabka JFS shaqada baaxada leh ee hortaalla, wuxuuna u rajeeyey in alle u fududeeyo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka JFS.

Read More

Midowga Africa ee Soomaaliya,ayaa sheegey iyagoo fulinaya la tashi ay la sameeyeen xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya adkeenyaan amniga xerada Xalane gaar ahaan Afis-yoone halkaas oo la filayo iney ka dhacdo doorashada gudoonka labada aqal ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya. Taliska howlgalka Midowga Africa ee ATMIS qoraal uu soo saaray,waxuu ku sheegay in bandow lagu soo rogay xerada Xalane maalmaha 26-ka iyo 27-ka bishan ee ay dhacayaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labadiisa Aqal. Ku dhawaaqistaas,waxaa ka qaracmay oo u arkay in ay muujinayso fashil ku yimid qorshe ay ku carqaladayn lahaayeen fadhiga kooxaha F&F. Isbahasiyada Mucaaradka waxay u tahay guul iyo in ay…

Read More

Emmanuel Macron,ayaa kaga adkaaday musharaxa midigta fog ee Marine Le Pen tartanka madaxtinimada waddanka Faransiiska, sidda ay saadaalisha muujineyso. Macron, oo 44 jir ah, ayaa u tartamaya inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Faransiis ah oo dib loo doorto muddo 20 sano ah, balse waxa uu wajahayaa loolan adag. Le Pen, oo 53 jir ah, ayaa mar saddexaad u tartamaysa; waxay ku guuldareysatay in ay Macron ku garaacdo coddeyntii 2017, xilligaas ay gashay kaalinta labaad.

Read More

Gudiga khilaafaadka Doorashada heer Fadaraal oo shaaciyay in Xildhibaanadii lagu doortay Ceel-waaq laga keenin wax dacwo iyo khilaaf ah,sidaana ay ku yihiin sharci habraaca maray. Afhayeenka Gudiga,isla markaana ah Gudoomiyaha 3-da Xubnood ee Gudiga uqaabilsan Jubaland Burhaan Cilmi Xirsi,ayaa ku dhawaaqay go’aankaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee ka mid ah ciidmada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, waxayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.Ilaa sanadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.Ciidamada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciidamo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo,…

Read More

Gudiga loo saaray baarista shaqaaqadii ka dhacday Gaalkacyo miisaan ahaan waa sareeyaan. Lix Qodob,ayaa ila mudan in ay dul istaagaan oo kala ah… 1.Xaqiijinta ujeedada socdaalka Wasiirka ee Gaalkacyo. 2.Xaqiijinta kulamadii hore iyo kan danbe ee ka dhacay Beerta Yaasiin xiriirka ka dhaxeeyay. 3.Xaqiijinta kulankii Wasiirka iyo Saraakiisha Booliska. 4.Xaqiijinta wada hadalkii Yaasiin iyo Saraakiisha ka hor imaanshaha Beertiisa. 5.Xaqiijinta dhinaca Xabada bilaabay iyo ujeedada. 6.Xaqiijinta jihada ufasaxday PSF ilaalinta Wasiirka iyo goobta kulanka. Baaristaas guusheedu waxay wax weyn utaraysaa ilaalinta nidaamka Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. 1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye 2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland). 3: Xil Cabdiweli Jaamac Warsame. (Xildhibaan Puntland). 4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland). 5: Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Puntland) 6: Asad Faarax Maxamed. (Xoghayn) Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Puntland Axmed Karaash.

Read More