Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Waa kulan tilmaan gaar ah iyo jiho siyaasadeed muujinaya oo niyadjab ku ah F&F. Xasuus,ayuu ku yeelan doonaa sawirkan maskaxda Umada Somaliyed hadii waxa laga wada hadlay ay door weyn ka qaataan ka saarida Villa-da xurmaysan F&F. Deni iyo Rooble mar horaba waxa ugu weyn ee lagu xasuusan doono,waa sida ay ugu midoobeen burburinta iyo ka hortagida Saldano Shaydaan oo Somaliya ka dhisanta. Masuul walba oo damiir yar ku jiro,waa in uu door ka qaataa fashilinta qorshayaasha F&F. Jibril Qoobey.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar,ayaa usheegay xildhibaanada goob aan ahayn Villa Hargaysa uu ka dhici doono kulanka doorashada Gudoonka Golaha Shacabka. “Labadii kulan ee ugu dambeeyay ee aan ku shirnay xarunta Villa Hargeysa marna hoobiyaa,ayaa lagu soo tuuray marna rasaas lala dhacay Qaboojiyaha xarunta Villa Hargeysa si meesha kuleel daran u noqoto oo aysan xildhibaanadu ufariisan”.Ayuu yiri Xil.Cabdirisaaq. Sabab amaan darteed,ayaa fadhiga Xildhibaanada loogu wareejinayaa Teendhada Afisyoone ee ay aadka u ilaaliyaan Ciidamada Atmis. Jibril Qoobey.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia. kulankan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay. Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha XFDS Maxamed Xuseyn Rooble. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo masuuliyiin kale . Waa kulan tilmaan gaar ah bixinaya muujinayna jiho cusub oo siyaasadeed.
Ugu danbayn Dhabancad,waxuu aqbalay si gorgortan la’aan ah in la dhaariyo Xildhibaanada Ceel-waaq. Waxaa soo xoojiyay doodii Dhabancad iyo Rooble siyaasiyiin iyo waxgarad ehel u ah labadooda. Laba Qodob,ayaa lagula dooday Dhabancad oo lagu qanciyay… 1.Dood sharci oo oranaysa yaa ka mudan dhaarta Xildhibaanada Ceel-waaq lagu doortay haday haystaan soo gudbintii Gudiga Doorashada heer Jubaland,ayididii Madaxweynaha Jubaland,aqoonsigii Gudiga Doorashada heer Fadaraal iyo hanbalyadii Ra’isalwasaaraha? 2.Ka Beel ahaan Habar-gidir waxaan usharaxanahay Kuraasta Dalka ugu saraysa,waxaana ubaahanahay isbahaysi,sidaa daraadeed Beesha Kablalax Daarood ma rabno in aan iska hor nimaano. Doodaas kadib si buuxda,ayaa layskula qaatay in Xildhibaanada Ceel-waaq lagu soo doortay Dhabancad…
Waxaan hambalyeeynaya Doorashada 16-ka Kursi ee Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee maanta lagu soo gebageeyay magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaan u rajeynaya xildhibaanada cusub in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay. Sidoo kale waxaan boggaadinaya Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Jubaland iyo Dowladda Jubaland, oo wakhti badan iyo dadaal ku bixiyey sidii loo soo gebagebeeyn lahaa Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee deegaan Doorashadoodu tahay Gobolka Gedo. Waxaan inoo wada rajeynaya in howlaha Doorashadu ay inoogu dhammaadaan si wanaagsan. Madaxweyne Deni.
Gudoomiyaha Baarlamaanka kmg ah Dhabancad,way isku fahmi waayeen kulankii galabta Ra’isalwasaare Rooble. Sida aan xogta ku helay Dhabancad,waxuu soo jeediyay in la hakiyo dhaarinta Xildhibaanada Ceel-waaq oo lala sugo Doorashada Gudoonka cusub oo iyagu ay go’aan ka gaaraan. Halka Rooble ku adkaystay in ka hor doorashada la dhaariyo oo ay ka qaybgalaan doorashada Gudoonka. Soo jeedinta Dhabancad waxay noqotay lama filaan aan looba fadhiyin,waxaana hada socda dadaal looga dhaadhicinayo dhaarinta Xildhibaanada Ceel-waaq. Dhabancad oo Da’diisa ku helay Gudoonka Kmg ah iyo Rooble waxay kawada soo jeedaan hal Beel. Jibril Qoobey.
Waa waxii looga digayay Gablax oo ahayd war ka fogow Fahad Yaasiin waxa Maanta ku dhacay. Sacuudiga,ayaa laga soo celiyay,isagoo Cimro usocda Gablax. Ma’ahan wax caadiya adigoo ku safraya sharci saxa oo wata Visa Sharciya in Dad badan oo aad isku mid ahaydeen kaligaa lagaa reebto. Sidaanoo kale Fahad ma geli karo Sacuudiga. Dhawr jeer ayay si gaar ah Qol uwada fariisteen Fahad iyo Gablax oo ay dhexmartay shaqo ku aadanayd Puntland,waxaana loosoo dhiibay Lacago. Sida xoguhu sheegayaan Dadka sida gaarka ah cilaaqaad udhexmaray Fahad waa calaamadsan yihiin,waxaana dhici karta haduu Qofkaasi yahay qurba joog in ay saamayso cunaqabataynta socdaalka…
Diyaaradii uu dalbay,waxuu udiiday in ay qaado Talyihii shaqaaqada kula dhaawacmay ee Koomaad. Sidoo kale waxuu ka dajiyay diyaaradii dhanka Galmudug,isagoo Puntland ku xumaynaya. Ninka sidaa udhaqmaya waa Wasiirkii Arimaha dibada Somaliya,raga dhaawacu soo gaaray ee uu midna qaaday midna diiday,waa Qoyskiisa hoose labaduba. Talye Koomaad diyaarad kale,ayaa loo dalbay oo loogu qaaday si karaamo leh. Cabdi-Siciid cidii sokeeye iyo masuul qaran utaqaan darbi cidla ah ayay jafaysaa. Gaalkacyo,waxuu uyimid in uu fidno ka abuuro,isagoo Deni xumaynaya fulinayana F&F rabitaankooda. Jibril Qoobey.
Dalalka sida weyn isku haya ee Iran iyo Saudi Arabia ayaa magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq dib uga bilaabay wadahadallo la hakiyay bishii March, sida ay Sabtida maanta faafisay wakaaladda wararka Iran ee Nour News. Dhinaca Sacuudiga iyo Ciraaq ayaan wali xaqiijin in ay wadahadalladu dib u bilowdeen. Wakaaladda wararka ee Nour News oo hoos-tagta Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee dalkaasi ayaa warisay in kulamadii ugu danbeeyay ay muujinayaan rajjo wanaagsan oo ah in labada dal ay qaadaan tallaabooyin ay ku soo celinayaan xiriirkoodii. Wakaaladda ayaan sheegin halka uu ka qabsoomay wadahadalkan oo ah wareeggii shanaad. Riyadh ayaa 2016-kii…
Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal oo ku baaqay in la dhaariyo Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ee soo qaatay shahaadada musharaxnimo, si ay uga qeyb qaataan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS oo lagu wado in ay dhacdo 27 April 2022. Halkan ka akhriso:-
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa la kulmay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wada hadleen howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa. Qodobada ay kawada xaajoodeen,waxaa ugu waa weynaa sida laga yeelayo Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-waaq,kuwaasoo ay isku dayayaan Xildhibaano u adeegaya F&F in ay buuq ku furaan dhaarintooda. Kala bar Xildhibaanada lagu doortay Ceel-waaq,waxay qaateen Shahaadada,inta hartayna ilaa beri in ay qaataan ayay ubadan tahay. Dhaarinta Xildhibaanadaas ayay ubadan tahay in ay dhacdo isla beri ama Saadanbe.
“Waxaan rabaa in aan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya Walaalkey, ina adeerkay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”Ayuu yiri M.Sayid. Markale,isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri.“ Dadka Gobolkaan ku nool iyo bulshada reer Jubbaland xad gudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday ee xeerkii dalka iyo dastuurkii aad u dhaaratay ka baxsan naga jooji wey nagu filantahaye.” Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Waxaa ay xafiisyadda Dowladda ee ay warqadani sida tooska ah ugu socoto si xushmad iyo qadarrin leh ugu codsaneysaa in la joojiyo boobka la rabo in lagu jajabiyo dhulka xaruntii hore ee Manaahijta oo ku yaala degmada Waaberi, dhabarka dambe ee Somali Airline. xiligii burburkana laga dhisay goob lagu ciyaaro oo laga jaray dhulka guud oo ay laheyd waaxda manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Haddaba, dhulkaas waxaa rabo in ay si sharci darro ah ula wareegaan Dad shacab ah,isla markaana raba in loogu cabiro sifo aan sharci aheyn,…
Sideed ka mid ah Xildhibaanada Ceel-waaq lagu doortay,ayaa durba qaatay Shahaadada Xildhibaanimo. Sida la fili karo ilaa beri in la dhaariyo ayay ubadan tahay. Magacyada iyo Qabiilada Xildhibaanada C/waaq lagu doortay? 1.Xil.Jibril/Gare. 2.Xil.Maxamed Somali/Faqi Muxumad. 3.Xil.Cabdullaahi Carab/Gaadsan. 4.Xil.Aamina/Gasaregude. 5.Xil.Axmed Cismaan Daqare/Mareexaan.reer Xasan. 6.Xil.Cabdirashid .Ducaale/Marexan reer Xasan. 7.Faadumo Faarax Aadan-99/Mareexaan reer Ugaas Sharmake. 8.Xil.Nuur Afeey/Faqiyaaqub. 9.Xil.Mursal Maxamed khaliif/Mareexaan,Talxe 10.Xil.Dunida Shikh Axmed/Mareexan,reer Axmed. 11.Xil.Faarax Taraar/Mareexaan,Uur-midig. 12.Xil.Kornayl Baale/Mareexaan,Hawrarsame. 13.Xil.Jeylaani Cabdiqaadir /Mareexaan Cali dheere. 14.Xil.Maxamed Muxumed Maxamed/ Mareexaan reer Siyaad. 15.Xil.Cisman Aw libaax/Gabaaweyn. 16 Xil.Cabdiqaadir/Macalinweyne. Jibril Qoobey.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay hoolka doorashooyinka ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland. “ Waxaan rabaa in aan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya Walaalkey, ina adeerkay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. ” “ Dadka Gobolkaan ku nool iyo bulshada reer Jubbaland xad gudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday ee xeerkii dalka iyo dastuurkii aad u dhaaratay ka baxsan naga jooji wey nagu filantahaye.” “ Magaalo madaxdii sharafta lahayd (Garbahaarey ) oo aan runtii aad iyo aad uga xumahay waxaad geysay ciidan amar ku qaba in dadka gobolkaan ay kala qaybiyaan, la diriraan,…
Jubaland si rasmi ah ayay usoo gabagabaysay doorashada 51-ka Kursi ee lagu dooranayay Deegaamadeeda. Waxaa ugu danbeeyay Doorashada 5-ta Kursi ee saakay lagu doortay Ceelwaaq. Shalay,waxaa la doortay 11-Xildhibaan,iyadoo uu goob joog ka ahaa furayna Doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe. Maanta,waxaa soo afmeeray Doorashada guud ahaan Jubaland Madaxweyne xigeenka Maxamuud Sayid oo ku sugnaa Ceelwaaq. Jubaland Guul weyn ayay utahay soo gabagabaynta Doorashadan.
Senator Cabdi ismaaciil Samatar,waxaa lagu dhaariyay fadhigii Golaha Aqalka Sare ee Hadal-jeedinta Murashixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Aqalka Sare. Halkan ka daawo muuqaalka hadal jeedinta Musharaxiinta
Degmada Matabaan ee dhacda Gobolka Hiiraan Hir-shabellle,waxaa markale qabsaday Ururka argagixisada ah ee Alshabaab. kal hore,ayay sidan oo kale ula wareegeen balse dib waxyar kadib waa iskaga baxeen. Lama yaqaan in ay tii oo kale noqon doonto qabsashadoodan Maanta.
Hadal Jeedinta Musharraxiinta u tartamaysa Qabashada Xafiiska Guddomiyaha Ayaa Haatan Si Toos ah U Socota Iyadoo Sidokale La Dhaariyey Xildhibaano Cusub. Halkan ka daawo
Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo qarax kadib la maqlay rasaas xooggan. Qaraxa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxa uuna ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida, halkaas oo ay afur ku lahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Maqaayada waxaa sidoo kale ku sugnaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, balse afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa xaqiijiyey in taliyaha uu bad qabo. “Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa…
Gudiga doorashada gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaliya,ayaa soo saaray jadwalka hadal jeedinta musharixiinta utaagan xilka gudoonada Golaha Shacabka. Halkan ka akhriso:-
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhismaha golaha deegaanka Degmooyinka gobolka Gedo isla markana lagu bilaabi doono Degmada ceelwaaq iyadoo ay daba socdaan mashaariicda iyo hormarinta adeegyada bulshada ee guud ahaan Gobolka. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray inay diyaar tahay Lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq isla markana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska dhismaha garoonka.
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo, qeybta maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegaya in mid ka mid ah ilaalada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali, uu ku dhintay labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray is rasaaseyn ka dhacday guri ay kulan afur ah ku lahaayeen. Dadka dhaawacmay ayaa kala ah taliye ku xigeenka booliiska gobolka Mudug ee Puntland, Cabdi Siciid Xuseen Koomaad iyo duqii hore ee magaalada Gaalkacyo Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Gaashaanle Muumin Cabdi Shire oo ah taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Gobolka Gedo halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo maamulka Magaalada. Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS. Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad…
Muqdisho, 22ka Abriil 2022: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021. “Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma…
Mareykanka oo war ka soo saaray booqashada Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska dalkaas ayaa sheegay in booqashadeeda aysa ahayn mid rasmi ah oo uu wax ka ogyahay. Mid ka mid ah la taliyeyaasha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, Derek Sholet, ayaa yiri, “Tani waa booqashdeeda aan rasmiga ahayn. Marka la eego isbeddelka ku yimid siyaasadda dowladda Mareykanka, booqashadeedu wax shaqo ah kuma lahan siyaasaddeenna midna.” Goor sii horreysay shalay, dowladda Hindiya ayaa cambaareysay booqashada Ilhaan Cumar ee shan maalmood ay ku joogeyso Pakistan. Hindiya ayaa sheegtay in booqashadeeda ay carqaladeyneyso madax bannaanida dalkaas. Waxay sidoo kale booqashada Ilhaan…
Muumin,waxuu shalay ugu tagey meeshuu degan yahay Wasiirka Arimaha dibada,isagoo ku yiri.. “Wasiir soo dhawoow,Anagu amnigaaga,ayaan ka qayb qaadanaynaa,yaan naloo kala waramin aan kawada shaqayno Nabada”. Wasiirku waa soo dhaweeyay,waxaana lagu kala soo tagay balan iyo is afgarad. Kadib,Saraakiishu waxay la hadleen Yaasiin C.Samad oo ay ku yiraahdeen.. “Nabadoone xurmaan kuu haynaa,kuguma soo deg-degno,waa ka war wareegnaa ee Nabada nagala shaqee cidaad rabto wax ka sheeg”. Yaasiin,waxuu ku yiri waa hagaag ee iigu imaada Beertayda aan wada hadalnee. Kadib Talye xigeenka Booliska,ayaa loo diray,markuu tagay Beertiisa oo loo sii daayay ayna wada taagan yihiin Talyihii iyo Yaasiin,ayaa Xabad la bilaabay.…
Musharixiinta doonaysa inay u tartamaan 11-kii kursi ee dhawaan ay guddiga SEIT shaaciyeen kuwaas oo kamid ah 16-ka kursi ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa maanta soo gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay shahaadada musharaxnimo ku qaadan doonan waxaana lagu wadaa in isla maantaba ay doorashada bilaabato si loo dadajiyo howlaha dhamaystirka doorashada.
Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa ay ka dhacdo degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabdullaahi Abukar Xaaji iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim. Musharax Xildhibaan Cabdicasiid Cabdullaahi Ibraahim ayaa u tanaasulay musharixii kale ee kula loolamayay kursiga tirsigiisu yahay #HOP119.
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa gaaray magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Halkaas oo ay maanta ka dhacayso doorashada qaar ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo.
Dhammaan Ergaooyinkii,Musharixiintii iyo Madaxweynihii oo soo daah furaya Doorashada 11-Xildhiban,ayaa Ceel-waaq aaday Maanta. 5-ta Xildhibaan ee harsan isla Beri,ayaa la dooranayaa. Jubaland guul taariikhiya ayay samaysay Maanta.
Idaacada VOA: Gudoomiye Sanyare Guri masuul dawladeed iyo Odayaal dhaqan joogaan maxay Ciidamadu u weerareen yaa masuuliyada qaadaya? Sanyare: “Ninkaa Wasiirka ah baa qaadaya Muxuu ka doonay Qaraabo kama joogto, Caruuri kama joogto, markii hore kumuu dhalan oo Aabihii iyo Hooyadii tooni majoogin wuxuu ku dhashay meel jawhar layidhaahdo, muxuu ka doonay hadii aanu fidno wadin!” VOA: Gudoomiye saw maahayn inaad ogaysiisaan oo aydaan guri masuuliyiini joogto ciidamo iskaga dirin? Sanyare: “Meeshii ay doonaan bay ciidanku gelayaan. Yaa ku yidhi guri masuul baa kajira? kama jiro guri aan ahayn ka gudoomiyaha gobolka, kuxigeenkiisa iyo Taliyaha qaybta. Waryaa rag baannu wiilashoodi…
Siciid Ismaaciil Saalax ilaahay ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waxuu ahaa Askarigiii ku geeriyooday shaqaaqadii Gaalkacyo ka dhacday. PSF,waxaa uga dhintay shaqaaqada dhacday Askarigaas,waxaana uga dhaawacmay Askari kale. PSF waxay ahaayeen Ciidanka ilaalinayay oo amaankiisa gacanta ku hayay Wasiirka Farmaajo. Ciidamada galabta isku dhacay waa PSF iyo Booliska Mudug. Su’aalaha iswaydiinta mudan?? PSF yaa ufasaxay in ay waardiyayso Wasiir Farmaajo ka socda ? PSF miyaysan ogayn in Ninkan uu carqalad ku hayay PL? PSF ma waxay qayb ka tahay qorshaha F&F? PSF ma waxay ka xishoon wayday Gaalkacyo nabadeeda xasaasiga ah? PSF yaa xukuma oo ay ka amar qaadataa? PSF ma Ciidan…
Muumin ma hogaaminayn Ciidanka tagey Beerta Yaasiin Cabdisamad. Ciidanka,waxaa hogaaminayay Talye xigeenka Qaybta Booliska Koomaad. Maanta Dowladu,waxay soo saartay Wareegto lagu mamnuucayo kulamo siyaasadeed,sababtoo ah,waxaa Magaalada iska yimid Wasiirka Arimaha dibada oo Lacag iyo abaabul lasoo galay. Ujeedka Ciidanku utagay Goobta kulanku ka socday waxay ahayd fulinta wareegtadaas sharciga ah. Talye Koomaad markuu meesha tagey,waxuu codsaday in loo sii daayo gudaha oo uu arko waxa meesha ka socda. Muran iyo is afdhaaf,ayaa goobtii ka abuurmay,kaasoo ugudbay gacan ka hadal. Xabada,waxaa bilaabay ilaalada Wasiirka arimaha dibada rasaastii ay ku fureena waxay Talye Koomaad ka haleeshay Xabadka iyo Gacanta. Kadib Ciidanka Booliska,ayaa…
Wasiirkii Arimaha dibada oo Gaalkacyo ka bilaabay hubayn maleeshiyaad” Gaalkacyo,waxa ka dhacay,waxaa ka danbeeyay si rasmi ah Wasiirka Arimaha dibada Cabdi Siciid. Maalin ka hor,ayuu soo galay Magaalada,isagoo ku andacoonaya Guri,ayaan ka dhisanayaa. Maalinkuu yimid Gaalkacyo amni iyo kala danbayn buuxa,ayaa ka jiray. Cabdi-Siciid waxuu bilaabay kulamo iyo abaabul looga soo horjeedo Nidaamka. Magaalada waa yimid,waxuuna samaystay ilaalo,isagoon ogaysiin maamulka lana kulmin masuuliyiintii Gobolka. Kadibna,waxuu bilaabay shirar mucaaradku ah nidaamka meesha ka jira in uu ka qaybgalo. Hadafka uu uyimid Gaalkacyo,waa in Deni dhabarka laga jabiyo oo culays gadaal laga saaro si Xamar looga mashquuliyo. Jibril Qoobey.
Wa-Saxaafadeed Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Xildhibaan ka tirsan BJFS Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Waxa uu ka xunyahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo “ Waxaan ka xumahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Askartii ku dhaawacantay Falkaasi. Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo uyimid ka mira dhalinta siyaasad ma…
Wasiirka Arimaha Dibada si nabad ah,ayuu uga baxay goobtii hawlgalka. Yaasiin Cabdisamad Caloosha iyo Gacanta ayay uga dhacday Xabadu xaalkiisuna waa adag yahay. Talye xigeenka Booliska Qaybta,waxay kaga dhacday Feeraha iyo Gacanta . Jibril Qoobey.
Dhaawac culus,ayaa soo gaaray Yaasiin Cabdisamad oo beertiisa Afur ugu sameeyay Wasiirka Arimaha dibada Somaliya Cabdi Siciid iyo marti kale. Ciidanka Booliska Mudug,ayaa hawlgalka fuliyay. Saacado ka hor,waxaa soo baxay amar ah in aan la qaban karin Shirar Siyaasadeed. Jibril Qoobey.
Shirka todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Mudug oo looga xaajooday sidii looga hortegi lahaa Shirarka siyaasadaysan ee lidiga ku ah Maamulka talada hada haya ee Siciid Deni hogaamiyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Congresswoman Ilhan Omar made a rare visit by a U.S. lawmaker to Pakistan’s part of the disputed Himalayan region of Kashmir on Thursday and said the issue should get more attention from the United States, prompting an angry response from India. The Muslim-majority Kashmir region has long been the source of tensions between nuclear-armed neighbours India and Pakistan, leading them to fight three wars since winning independence from the British Empire in 1947. Both countries claim the territory in full but rule it in part. “I don’t believe that it (Kashmir) is being talked about to the extent it needs…
Bahda ciyaaraha fudud ee dalka Itoobiya ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Orodyahanad u dhalatay Kenya oo lagu magacaabi jiray, Damaris Muthee Mutua, oo 28 jir ahayd, ka dib markii meydkeeda oo dhaawac mindi ah uu ku yaal laga helay magaalada Iten ee dalka Kenya, oo caan ku ah xarun ay ku ciyaaraan orodyahanada masaafada dheer. Booliska ayaa sheegay in saaxiibkeed Itoobiyaanka ah, oo lagu magacaabo Eskinder Hailemaryam, uu yahay qofka lagu tuhunsan yahay dilkeeda, ayna ku raad joogaan. Weli kamuu hadal arrintan. Waxaana la sheegay in uu ka baxsaday dalka Kenya. Waxay ku dhalatay Kenya…
Guddoonka Golaha Aqalka Sare waxaa isku soo sharraxay Labo iyo Toban Murashax oo kala ah:- Murashaxiinta Xilka Guddoomiyha: 1.Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi2.Senator Saalax Axmed Jaamac Senator Cismaan Obokor Dubbe Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad 1.Senator Cabdixakiin Macalin Axmed2.Senator Cali Shacbaan Ibraahin Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad 1.Senator Ilyaas Badel gaboose Senator cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag)Senator Cabdullaahi cali XersiSenator Sareedo Maxamed xasanSenator Xasan Xuseen xaajisenator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)Senator Cabdi Cismaan xareed
Ceelwaaq,waxaa gaaray wafti uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Cismaan Dhuumaal. Dhumaal,waxuu hogaaminayay Ciidamo gaar ah oo loogu talagalay Amniga Doorashada halkaas ka dhacaysa. Ceel-waaq,waxaa ka qabsoomi doobta Doorashadii Xildhibaanada Fadaraalka ee laga soo wareejiyay Garbahaarey. Ilaa beri,waxaa soo gaari doona Musharaxiintii ku tartami lahayd Kuraastaas.
Deni dhabarjab ayay ku tahay,isagoo Xamar jooga oo Somali wax ka raadinaya in M.xigeenkiisii uu ka daba qayliyo. Xataa Dowladninada Puntland ayay ceeb ku tahay khilaafka banaanka usoo baxay ee labada masuul. Waxuu awooday oo waliba lagala taliyay in uu si buuxda ugu wareejiyo M.xigeenka awooda Dowladnimo lana hadlo Bulshada oo uu jeediyo khudbad. Waa yasay taladaas,waxuuna ku dhaqaaqay talaabo guracan. Saakay,waxba kama qaban karo talaabada Karaash qaaday,waxa kaliya ee ufuran waa in uu isdhagooleeyo ama kasoo tanaasulo raadinta Madaxweynaha Fadaraalka oo Garowe kusoo laabto si uu ula dagaalamo Karaash. Sidoo kale F&F oo laga adkaaday dharbaaxooyin isxig-xigana ay ku…
Madaxweyne ku xigeenku waxuu qaaday talaabo Dastuuriya oo uu xaq ulahaa. Talaabada Karaash Puntland,ayaa ubaahnayd oo baahi uqabtay. Qarax xoog badan oo soo socday,ayay ka hor tagtay talaabadiisu oo unoqotay qaboojin,waxaana degay Dad badan oo caraysnaa. Si buuxda,waxaa loo oran karaa Axmed Karaash,waxuu qaaday talaabo Puntland Dowladnimadeeda uwanaagsan. Haduu ku daro xogihii soo baxayay lagana filayay ee ahaa in uu taabto Wasiirada iyo Talyayaasha Ciidamada qaar waa rag karooni ay Puntland ufiican. Guud ahaan Shacabka,Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Puntland,waa in ay garab galaan talaabada Madaxweyne xigeenku qaaday. Jibril Qoobey.
Milateriga dalka Ruushka ayaa sheegay inay si guul ah u sameeyeen tijaabadii ugu horreysay ee gantaal cusub oo qaaradaha isaga kala gudba, hubkaas oo uu madaxweyne Vladimir Putin ku sheegay inuu ka dhigi doono wadamada reer Galbeedku “inay si qoto dheer u fikiraan” ka hor inta aysan qaadin damacyo gardarro ah oo ka dhan ah Ruushka. Tijaabada gantaalka Sarmat ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo wadamada reer galbeedka ee ku aaddan duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, waxayna hoosta ka xariiqday in Kremlin-ku uu xoogga saarayo dhinaca horumarinta hubkiisa Nukliyeerka. Xoghayaha warfaafinta…
Urur Siyaasadeedka MIDEEYE oo bayaan kasoo saarey xaaladaha siyaasadeed ee kusoo kordhey Puntland. Halkan ka akhriso:-
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa hoygiisa oo ku yaala Bani Gala ee magaalada Islamabad kula kulantay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan. Warbaahinta Pakistan ayaa sheegaysa in ay tahay markii ugu horreysay oo Khan uu la kulmo siyaasiyiin ka socota Mareykanka tan iyo markii uu si cad ugu eedeeyay inay maleegeen qorshihii xilka looga tuuray 10-kii Abriil. Ilhaan Cumar waxa ay sidoo kale Aqalka Baarlamaanka kula kulantay Afhayeenka Baarlamaanka Raja Pervaiz Ashraf iyo Madaxweynaha Pakistan Dr. Arif Alvi . Musuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan ayaa sheegay in booqashada wefdiga ka socda Congress-ka Mareykanka uu…
Dowladda Denmark,ayaa xaqiijisay in ay wadahadal kula jirto Rwanda si dalkaas ay ugu dirto dadka magangalyo doonka ah, ka dib markii tallaabo taas la mid ah ay dowladda UK toddobaadkii hore qaadday. Danmark oo tobankii sano ee ugu danbeeyay soo bandhigtay siyaasado qalafsan oo ku aaddan soogalootiga, ayaa sannadkii hore soo saartay sharci ogolaanaya in qaxootiga imaanaya dhulka deenishka loo raro xarumaha magangalyada ee waddan ay iskaashi leeyiiin. Talaabadan ayaa waxaa dhaleeceeyey dadka u dooda xuquuqda aadanaha, Qaramada Midoobay iyo guddiga Yurub. Danmark ayaa ku guul darraysatay in waqitgaas ay hesho waddan ay la wadaagto.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa uyeeray Wasiirka wasaarada Betroolka XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed Si wax looga Weydiiyo Heshiis Wasiirku La galay Shirkad Shidaal oo Shisheeye ayaa lagu Yiri qoraalka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Halkan ka akhriso:-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada, oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, xaalada Dekedda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale. Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaan Sareedo Mohamed Abdalla ayaa ku guuleysatay doorashada ku celiska aheyd ee kursiga Hop154, kaddib markii ay u tanaasushay Nasteexo Maxamed Yuusuf oo ku Tartamaya kursigan, waxaan qaab gacan taag ah ku ansixiyay ergada doorashada kursigan. Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa hore u go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada kursigan, iyaga oo sheegay in habraacii loo maray aanu waafaqsaneyn heshiiska doorashada, wuxuuna ka mid ah saddex kursi oo laga soo doortay Koofur Galbeed oo dib loo celiyay, inkasta oo toddobaadkii hore ay FEIT fasaxday laba mid ah kuraastaas. Xildhibaan Sareedo iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa marii hore diiday in…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiista maanta ah bogaadiyey wax uu ugu yeeray “xoreynta” magaalada Mariupol kadib markii wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu uu u sheegay in Moscow ay gacanta ku dhigtay magaaladan dekedda leh, marka laga reebo warshadda biraha sameysa ee Azovstal. Si buuxda ula wareegidda Mariupol oo ku taalla badda Azov ayaa guul-weyn oo muhiim ah u noqon doonta Russia, ayada oo u sahleysa inay isku xirto gobolka ay horey ugu darsatay ee Crimea iyo dhulka gooni u goosatada ay taageerto ee bariga Ukraine. “Mariupol waa la xoreeyey,” ayuu Shoigu u sheegay Putin intii uu socday kulan laga baahiyey…
BAYAAMIN IYO WARGALIN. Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan. Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka. Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay. Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah: Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad…
Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa goordhow soo saaray liiska magacyada Guddiga soo xulaysa Ergooyinka Kuraasta lagu dooran doono Magaalada Ceelwaaq ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.
Hogaanka iyo Howsha socota: Baaritaan dheer (research) ku aadan afarta sano ee soo socota ayaa lagu soo koobay in Dalka loo dooro hogaan ka shaqeeya Afar arrimood: Hogaan ilaaliya Midnimada Dalka (Unifying figure)Hogaan Alshabaab ka xoreeya Koofur Soomaliya oo adeegsanaya (Dagaal, Heshiis iyo Dhismaha Maamulada)Kobcinta Dhaqaalaha sida: ( Mideynta canshuuraha, Maal-gelin, Deny cafinta, Kaabayaasha Dhaqaalaha)Xasilooni siyaasadeed (Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, Meel marinta shuruucda qabyada ah, ku-dhaqanka/sareynta sharciga, Xiriirka Caalamka) Hogaamiye intaas isugu keen qabta ayaan u baahanahay. Afar sano oo ka muhiimsan, soddonkii aan soo dhaafnay ayaa ina hortaal! Guul Soomaaliya.. Burhaan Dio Mio.
Dastuurka Puntland,waxuu dhigayaa hadii uu Dalka ka maqan yahay Madaxweynaha Dowlada Puntland in ku xigeenkiisu noqonayo Madaxweynaha rasmiga ah ee Dowlada Puntland. Puntland waa Maamul leh Soodimo,Astaan iyo Calan Dastuurkeeduna,waxuu ka shaqaynayaa Xuduudahaas. Dalka la tilmaamayo,waa Puntland ee ma’ahan Somaliya,sidaa daraadeed Deni waa looga saxan yahay in ay khalad tahay,isagoo Xamar jooga in uu wax soo magacaabo. Fasirka ah hadii Madaxweynuhu Xamar joogo Dalka kama maqna waa khaldan yahay,sababtoo ah Dastuurka,waxaa loo sameeyay Puntland,haduu ka baxana waa qabanayaa. Tusaale” Beri waa maalinka Shirka Golaha Wasiirada Todobaadlaha ee Puntland uu qabsoomo mana qaban karo Deni oo Xamar jooga. Jibril Qoobey.